Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 30aad Xukun-daaddejintii u-xuub-siibatay Xadhig-daaddejinta

Waa ay isu boodday ma maqli jirteen. Waa hoggaankii halganka iyo horumarinta sheeganayay ka laga soo hoyan la’ yahay ee saxaafaddii madaxa-bannaanayd ku heerantay. Waxa looga taag la’yahay dhallinyaro da’ yar oo is-xilqaanatay oo ku shaqaysa duruuf aan cidina u adkaysan karin

 


Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 30aad

Xukun-daaddejintii u-xuub-siibatay Xadhig-daaddejinta



“Haddaan kuu gabyaba,

Kuu godob miyaa?

Ma ka aar-gudaa?

Ma go’doomi baa?

Ma gondaa jar baa?

Ma ha gaaggaxaa?

Ma guhaadiyoo,

Ha ku gaabsadaa?

Ma ha guuxin baa?

Ma in aan gudhaa?

Hadal waa gunnee,

Ma gar-diidnimaa?


Maansadii Gar-naqsi ee Macallin Gaarriye, 24/5/1983kii, Jiidihii hore ee Halgankii Hubeysnaa ee Dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

6/11/2014ka, Hargeysa,

Waa ay isu boodday ma maqli jirteen. Waa hoggaankii halganka iyo horumarinta sheeganayay ka laga soo hoyan la’ yahay ee saxaafaddii madaxa-bannaanayd ku heerantay. Waxa looga taag la’yahay dhallinyaro da’ yar oo is-xilqaanatay oo ku shaqaysa duruuf aan cidina u adkaysan karin. Cidi ma tababarin….Cidi dugsiyo saxaafadeed uma samayn……laguma darin…….Is-xilqaan iyo naf-hur la yaab leh ayay wax ku wadaan oo maalintii iyo subax walba intaas oo Joornaal iyo Mareeg ahba ku soo saaraan. Maalin oo dhan waa ay ordayaan iyaga oo lugaynayaa oo Rikoodh iyo Kamera sita. Waa ay xiiqsan yihiin, harraaddan yihiin, cidina uma garawdo oo waayaha adag ee ay ku nool yihiin ugama garowdo. Mararka la baahan yahay ee ololayaasha lagu jiro la jecelaa. Xilliyada tartannadu dhammaadaan ee xilalka la tirsado ee doobiyada buuxa la hirqanayo la necebaa aragtidooda iyo wax-sheeggoodaba. Hadda waa wiilashii iyo hablihii lagu indho-kuulanayay mararkii la baahnaa. Xukuumad iyo dawlad danaysaa ma jirto. Xaaladaha iyo duruufaha ay ku nool yihiin Xukuumad ka fekerta oo danaysaa ma jirto. Iyaguna doobiyada buuxa ee lala baxsanayo raadcadooda ma daayaan.

Mar kasta oo olole siyaasadeed la gelayaba ballan-qaadyo been ah ayaa loo sameeyaa. Ballan-qaadyadii ugu darnaa waxa u sameeyay Xisbiga Kulmiye markii uu doorashada gelayay. Haddii la xidho saxaafad beryihii Daahir Ra’yaale dalka ka talinayay, muddaaharaaddo iyo dibad-baxyo ayay suuqyada ku asqayn jireen. Waxaan xusuustaa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftirihii Haatuf oo Mandheera ku xidhan oo ay halkaa ku soo booqdeen wefdi Xisbiga Kulmiye ah oo ay madax sare hoggaaminaysay oo aan filayo, haddii aanan qaldanayn in uu ku jiray Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo in badan lagu sheego in uu weliba ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa hoggaamintii SNM, xilliyadii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran.

Gumeysigii Ingiriiska ee qarniyada dalka ka talinayay ka dib, halgan dheeraa oo siyaasadeed oo ka mid ahaa kuwii ugu darraa ee Afrika soo mara lixdannadii ka hor ayaa lagu hantiyay gobannimao siyaasadeed oo lagula mataanoobay walaalo iska xoreeyay gumeysigii Talyaaniga. Waxa baadi-doon loogu jiray nidaam Soomaali-weyn ah oo mideeya shantii gobol ee Soomaaliyeed. Sagaal sannadood oo kale oo nidaam qabaliya oo dimuqraadiyad sheeganayaa dalka ka talinayay oo aad u qadhaadhaa, quudhsi iyo qoonsimaadna lahaa ayaa la soo maray.

Maalin Salaasaad ayay ummaddii Soomaaliyeed ee ku noolayd Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ku waa-bariisatay 21kii Oktoobar, 1969kii ciidammadii qalabka siday oo la wareegay taladii dalka, qori caaradiina ku maroorsaday. Waxa af-genbigaa aan la mahadin hoggaaminayay Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, oo nidaam digtaatooriya, qabaliya oo millateri hoggaankii dalka ku maamulayay. Kow iyo labaatan sannadood oo kadeed iyo kadab-go’ ah ayay ahaayeen. Dhiillo iyo dhagar aan ummadda Soomaaliyeed hore u soo marin ayaa dhacday oo aan ilaa maanta oo ay dhowr iyo labaatan sannadood ka soo wareegtay aan laga soo kaban.

Intaas oo marxaladood oo dal iyo dadba la soo maray oo ku suntanaa gumeysi iyo gumeysi-u-yaalba, dadku wuxu ku jiray halgan qadhaadh, midab ama nooca uu doonaba ama duruuftu qasabtaba ha ahaado e’. Saxaafadda xorta ahi intaas oo halganba waa ay ka soo qayb-qaadatay oo kaalin lama-illaawaan oo taariikhi ah ayay ka soo qaadatay. Dhiilladeennu se waxay tahay in aanay saxaafaddaasi hadimada iyo hagardaamada ay maanta la kulantay ama ku nooshahay in aanay weligeed abiidkeed soo marin. Ma-hadahadeennu waa taas……….Dhiilladeennu waa taas.

6dii Bishii Abriil, 1981kii ayaa la abaabulay magaalada London-na lagaga dhawaaqay xarakaddii hubeysneyd ee SNM. Halgan qadhaadh oo huebysnaa oo ahaa dibuxoreyn qaran oo ay SNM horseed ka ahayd ayaa bilaabmay. Halgankaasi wuxu hurayay oo socday ilaa bilowgii bishii feeberweri, 1991kii oo lagu guulaystay dibuxoreyntii dalka iyo dadkaba, markaas oo lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland.

Afar maammul ayaa Somaliland soo maray. Maammulkii ku-meel-gaadhka ahaa ee SNM ee 1991kii-1993kii saxaafad caynkaas ah oo la sheegaa ma jirin oo burburkiiba lagama soo kaban. Maamulkii Cigaal ee ku xigay saxaafaddu xadhig iyo dibindaabyaba waa ay kala kulantay. Maammulkii Daahir Ra’ayaale qudhiisa xadhigga iyo tacaddiguba waa ay iska jireen.

Ayaan-darradu waxay tahay in maammulkan Siilaanyo noqday kii ugu darraa ee rikoodhka jebiya xagga xadhigga iyo tacaddiga saxaafadda raad-baradka ah ee madaxa bannaan. Warbixin sannadeedkii 2012kii ee Ururka Saxaafadda ee SOLJA, tiraba suxufiyiintii la xidhay waxay dhammaayeen 81 qof. Waxa la benneday oo aan muddo soo bixin Haatuf iyo Hubaal iyo nuqulladoodii Ingiriisiga ahaa.

Toddobaadkan oo keliya waxa xabsiyada Xukuumadda ku jira:

  1. Ifraax Xaaji Cabdi Nuur: Garadag, HCTV. Hadda waa gabadh Gar-adag joogta. Miyaanay wax la yaab leh ahayn. Beryihii hore caasimadda ayaa wax lagu xidhi jiray, maantana waynagaa ilaa Gar-adag xadhiggii iyo cago-juglayntii u daaddejinnay,
  2. Mukhtaar Nuux Ibraahin HCTV iyo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo SOMSAT TV ah oo labadaba Gebilay laga xidhay. Waxa soo gudbiyeen oo aynu shaashadaha ka daawannay calankii Kulmiye oo Gebilay lagu gubayay kabahana lagu masaxanayay. Laakiin Guddoomiyaha Gobolku wuxu sheegay in ay u xidhan yihiin badbaadadooda si aanay dadku wax u yeelin,
  3. Maxamed Cabdillaahi (Soo-fadhiiste): Berbera, Somali Channel, weriyahanna waxa loo xidhay sawirro uu ka qaadayay dhul Berbera ku yaal oo Maxjar laga dhisayay oo la isku haystay,

Halkii aynu Xukun-daadejinta ka sugaynay ayay Xukuumaddeennan Isu-boga abaal-daran Xadhig-daaddejin aynaan u dabanba inagu soo rogtay. Tolow, Maansadii Hadraawi ee Daalalleydana miyaanay dhegaysan:

“Haddaan doohba lay barin,

Dibso yaa I odhan kara,

Anoo daadsha mooyee,

Dabka yayga dhigi kara,”

Aniguna maanta intaa waxaan ku darayaa:


“Anoo quba ha joogtee,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Warqaddaan qoraayiyo,

Qisadiyo dhigaalkiyo,

Qawlalkayga yaa xidhi,

Indhahayga yaa qaban,

Maqalkayga qool gelin,

Qarqarsiga dadkaygiyo,

Qaylo-dhaanta yaa demin,”


Xorriyadda qoraalka iyo cabbiraadda dadka lagama iibin cidina hadyad uma siinnin ee qudh baxday iyo qori caaradii ayay ku hantiyeen, cid ka qaadi kartaana ma jirto. Qalin hore ayaa ka yaal, waa haddii wax lagu qaadanayo.

Ma reebbana suxufiga eedooba in Maxkamad la geyn karo oo dacwad lagu oogi karo isaga oo suuqiisa iska jooga, haddii aanu dhagar qudh-gooyo ah gelin.

 

Dhammaad.

Additional information