Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad ‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn

Sida aan cinwaanka qormadan aadka u kooban ku suntaday, waxaan jeclahay in aan faallayn iyo falanqayn aan sidaa u sii dheereyn ka bixiyo ama ka geystaba Qormadii 3aad ee taxanihii gaabnaa ee ‘Runtu Ma Fantaa’ ee uu ku saxeexnaa Aadan Muuse Jibriil oo ah Qoraa iyo aqoonyahan dhanbala waayaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeskan Afrika iyo arrimaha Soomaaliyeedba.

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad

‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn


“Dantu waxay u baahneyd,

Duco-qabe la mahadshiyo,

Odey Beela-daaje ah,

Iyo hanad Ma-daale ah,

Dantu waxay u baahneyd,

Door iyo wax-garad haga,

Hayin biyo-ma-daadshe ah,

Marna geesi daafaca,

Dantu waxay u baahneyd,

Nabarrada damqanayaa,

Doog iyo ladh keenee,

Mid daweeya boogaha,

Dakharrada sabool dhaya,

Dantu waxay u baahneyd,

Dihnigii galaydhkiyo,

Dareen galaw mid yeeshoo,

Daakiraada sara kaca,”


Maansadii Garbo-diir ee Axmed Aw Geeddi, Hargeysa, 17/1/2014ka,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

13/11/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Sida aan cinwaanka qormadan aadka u kooban ku suntaday, waxaan jeclahay in aan faallayn iyo falanqayn aan sidaa u sii dheereyn ka bixiyo ama ka geystaba Qormadii 3aad ee taxanihii gaabnaa ee ‘Runtu Ma Fantaa’ ee uu ku saxeexnaa Aadan Muuse Jibriil oo ah Qoraa iyo aqoonyahan dhanbala waayaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeskan Afrika iyo arrimaha Soomaaliyeedba.

Bilowga ama ballaysinka Qormadiisii 3aad, Aadan Muuse Jibriil wuxu ku qoray:

Qoraalkan waxaa dhex-taalka u ahi waa is-weydiin ku saabsan madaxda Kulmiye maxay dalka u qabteen, maxaase lagu qiimayn kara? Jawaabta waxa loo kala qaybin kara laba kala ah:

· Horta maxaa la rabay in la qabto? Maxaa se aasaas u ah in marxaladdan dalku marayo la qabto oo sal u ah horumarka (basic issues),

· Midina waa maxaa kaabayaal u ah arrimaha saldhigga ah.”

Aqoonyahankeenna Aadan Muuse Jibriil, wuxu intaa hore ku darayaa oo sii raacinayaa:

“Xilalkaas kala duwan ee waqtiga maanta  ayaa u baahan in si cad loo xaddido, loona kala calaamadiyo. Si taa loo abbaaro waxaa  mudanaan gaar ah leh arrimaha aasaaka ah. Xilka maanta Somaliland hor yaalla waxa saldhig iyo aasaasba u ah adkaynta tiirarka Nabadda iyo xoojinta rukummada dawladnimada (Peace and Institutional Building issues). Labadan dhisme qaran waxa sal iyo nuxurba u ah Somalilandna kaga duwan tahay dalalkii Africa ee ka soo doogay dagaallada sokeeye, waa isku-wadidda iyo isku-xidhka ama isku-lammaanaynta labada dhaqan-syaasadeed, dhaqanka waddaniga ah iyo dhaqanka casriga ah ee reer- galbeedka inooga yimid. Isku-xidhka labadan dhaqan-siyaasadeed oo sal iyo nuxurba u ah geeddi-socodka nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland, maxay madaxda Kulmiye ka qabteen?”

Intaa hore waxaynu ka soo xigannay Xeel-dheereheenni Aadan Muuse Jibariil. Sida qoraalkiisan gaaban ka muuqata Aadan Muuse Jibriil wuxu halkan ku soo qaaday oo is-eydiiyay: Maxay Madaxda Kulmiyea qabteen?  Garo’ oo aqoonyahan Aadan wuxu ka fekerayaa Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo doorasho Madaxweyne ku guulaystay, ka dibna Xukuumad Somaliland hoggaamisa soo dhisay. Gees marka aad ka eegto waa dhab oo Murashixii Xisbiga Kulmiye ayaa Madaxtooyada kursiga ugu sarreeya ku fadhiya. Waxa kale oo run ah in uu Madaxweyne Siilaanyo markii la doortay ee uu isku hubsaday kursigii Madaxweynaha uu guddoomintii Xisbiga uga tanaasulay Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo aynu ka wada dheregsan nahay in Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee hadda jiraa aanu wax awood ama talo ahba ku lahayn hoggaaminta xukuumadeed ee dalka iyo dadakaba. Cid hawl u dirata iska daaye, iyagii ayaa naftoodii khaatiyaan u taagan oo dhex fadhiya guri-caskii lagaga soo guuray.

In ay Xukuumaddan jirtaa wax-qabatay iyo in aanay qaban maxaynu ku kala garan karnaa? Sida keliya ee lagu garan karaa, sida ay aniga ila tahay waa laba Qodob oo aynu cabbir iyo miqyaasba uga dhigan karno qorshayaasha ama mashruucyada ay fulisay, haddii ay jiraanba. Laba ballan-qaad ayaynu ka haynnaa nidaamkan maanta dalka ka taliya:

1. Barnaamajkii Wax-qabad ee Xisbigii Kulmiye ku galay ololihii doorashada ee ballan-qaadyada ahaa, haddii ay doorashada ku guulaystaan,

2. Qorshihii Horumarinta ee shanta sannadood ahaa iyo Higsigii soddonka sannadood ahaa ee Wasaaradda Qorshaynta qaranka,

Bal hadda aan xabbad-qaadno. Aynu ku horreynno Ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye ku galay ololihii doorashada. Waxay ahaayeen ballan-qaadyo Xisbi oo doorasho lagu galay. Murashaxii ku guulaystay Madaxweynennimada ee Xisbiga Kulmiye hoggaaminayay, markii uu doorashadii helay ayuu iska casilay xilkii isaguna saaxadda ka baxay oo aan hoggaaminta iyo talada dalka waxba ku lahayn ee lagaga soo guray guri-caskii ay sagaalka sannadood degganaayeen.

Dhinac kale marka aad arrintan ka joogsato, Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Siilaanyo, marna inta ay is-hor dhigtay qorshahaa ballan-qaadka ahaa, ma ay guddoonsan in ay fulinayso oo weliba sidii uu u dhignaa u fulinayso. Sidaas darteed ballan-qaadkaasi waa ciyi waa ka beryay ama saambuuse laga addimayba. Meel uu ballan-qaadkaasi yaallaa ma jirto, Wasaarad ama hay’ad ku shaqaysaana ma jirto. Markaa, haddii la doonayo in laga hadlo waxyaabaha ay Xukuumaddani ku faanayso in ay hirgelisay maxaa laga cabbir qaadanayaa ama lagu dhundhuminayaaba? Waa su’aal jawaabteeda u baahan.

 

(La soco Sabtida haddii Eebbe idmo)

Additional information