Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad ‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn Q:2aad

Meesha kale ee laga dheehan karo wax-qabadka Xukuumaddan daandaansiga badani waa Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa ee ay Wasaaradda Qorshayntu dejisay. Car bal waa cidda sheegta halka uu ku dambeeyay iyo cidda ku hawl-gasha ee warbixin ka samayn karta. Ma la odhan jiray :”Car waa cidda baabbacadaa timo ku aragta,”

 

Bogga Khamiisle

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad

‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn


“Dantu waxay u baahneyd,

Duco-qabe la mahadshiyo,

Odey Beela-daaje ah,

Iyo hanad Ma-daale ah,

Dantu waxay u baahneyd,

Door iyo wax-garad haga,

Hayin biyo-ma-daadshe ah,

Marna geesi daafaca,

Dantu waxay u baahneyd,

Nabarrada damqanayaa,

Doog iyo ladh keenee,

Mid daweeya boogaha,

Dakharrada sabool dhaya,

Dantu waxay u baahneyd,

Dihnigii galaydhkiyo,

Dareen galaw mid yeeshoo,

Daakiraada sara kaca,”


Maansadii Garbo-diir ee Axmed Aw Geeddi, 17/1/2014ka,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

15/11/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 2aad

Meesha kale ee laga dheehan karo wax-qabadka Xukuumaddan daandaansiga badani waa Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa ee ay Wasaaradda Qorshayntu dejisay. Car bal waa cidda sheegta halka uu ku dambeeyay iyo cidda ku hawl-gasha ee warbixin ka samayn karta. Ma la odhan jiray :”Car waa cidda baabbacadaa timo ku aragta,” waa taas oo kale oo buuggaasina sidii loo daabacay halkii la dhigay maalintaas, cidi kama soo qaadin. Sidaas ayaanay Xukuumaddani uga sheekayn karin waxay qabatay iyo wixii u qorshaysnaa. Annaguna wax-qabadka ay Xukuumaddii sheeganaysay ka sheekayn weyday, xil naga saarani ma jiro. Iyadiyo nasiibkeed.

Xukuumaddeenna abaal-daran, waxa laga rabaa in ay ahmiyadda siiso arrimaha nabadgelyada iyo dhismaha Hay’adaha Qaran. Xaqiiqadu waxay tahay wixii ay ku faantaaba in uu yahay dhismo maaddiya iyo derbiyo horeba u dhisnaa oo la qurxiyay. Waa sida ay nala tahay, illeyn xogogaal ma nihin oo waa in ay Xukuumaddu ka warbixisaa waxay qabatay iyo waxa u dhiman e’.

Aynu dib ugu yar noqonno Qormadii gaabnayd ee Aadan Muuse Jibriil ee ku suntanayd: Runtu ma Fantaa, qaybteedii 3aad. Aadan wuxu qoray oo uu ballaysinkaa hore ku xigsiiyay:

“Arrinkan waxaa looga qiyaas-qaadanayaa sida loo abbaaro Istaraatajiyadda ama ujeeddada fog ee Geeddi-socodka nabadda iyo dimuqradiyadda oo aan kala go’i karin, waxaana saldhig u ah sua'aalahan soo socda.”

Bal hadda immikana su’aalo door ah oo uu Aadan Muuse Jibriil is-hordhigay aan xabbad xabbad u qaadanno oo wax aan badnayn oo faallo iyo falanqaynba ah aan raacinno:

  1. Doorashadii Dawladaha Hoose oo ahayd tan keliya ee Kulmiye qabtay si fiican oo xaq iyo xalalba ah, ma u dhacaday?

Su’aashaas ayuu Aadan is-weydiiyay? Jawaabtuna waxay noqonaysaa, xaq iyo xalaalba waa ay ka dheerayd. Ilaahay ayaa ina kala badbaadiyay, laakiin meel walba qaylo-dhaantu waa ay ka soo yeedhay. Ergooyinkii Komishanka Qaranka ee Gobollada iyo Degmooyinka u kala baxay, waxa laga daba-diray ergooyin Xukuumadeed oo Wasiirro iyo Xildhibaanno leh. Ilaa Madaxweyne-ku-xigeenkii dhammaa ee Jamhuuriyadda ayaa Seylac iyo Lughaya ka dhammaan waayay oo xataa magaalo-madaxdii Boorame haleeli waayay. Subxaan!

Xeel-dheereheennii Aadan Muuse Jibriil, wuxu qodobkaa hore ku lammaaneeyay oo dhigay:

  1. Hawl-wadeenkii Dawladda (National Civil Servant) ma lagu beddelay kaadirkii Xisbiga Kulmiye. Sidaas darteedna  qaddiyaddii dhismaha Hay'ahdaha dawladdu ma gashay wirq oodan oo sida dib looga soo saaro si looga dhigo hay'ado qaran ma adgkaatay, mar haddii la xisbiyeeyey shaqaalihii Dawladda?

Ma maqli jirteen hebel arrinkaa isha ayuu ka riday. Timacaddena waa kii lahaa : “Bu’daa lagu dhuftaa gabay haddaad, beegso leedahay.” Ma ta dhacday markii ay Xukuumaddani taladii dalka la wareegtay. Waxaynu naqaannay ama arki jirnayba, Madaxweyne xil iyo talo dalba la wareega oo kaadirka sare beddela. Waa curfi iyo xeer adduunyadu ka siman tahay. Ayaan-darrayooyinka Xukuumaddan aynu ka aragnay ayaa waxa ka mid ahaa sidii ay u xaaqday shaqaalihii dawladda ee ay meeshoodii ugu buuxisay, shaqaale hor leh oo sida lagu soo xushay mugdi iyo madow ku gedaaman yahay. Waxaan soo xusuustaa tuduc ku jiray Maanso uu lahaa Ibraahin-gadhle oo la odhan jiray: DURBA MIYAAD ILLOWDEEN.

Tuducaasina wuxu ahaa:

“Durba miyaad illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Deydeyo la odhan jiray,”

Intan ay Xukuumaddan dalka ka talisaa xilka la wareegtay, taas oo kale ayaa dalka ka dhacday oo xaaladdii ayaa iska noqotay: “Orodoo meel lagu geeyo soo eeg eego.” Subxaan!

Bal hadda aan dib ugu noqonno oo u jalleecno Qormadii gaabnayd ee Aadan Muuse Jibriil oo aan daalacanno Qodobka 3aad ee uu ka hadlay, waxaanu qoray:

  1. Ma loo sii amba-qaaday dhinaca kala-xadaynta shaqada saddexda Gole Qaran, mise waa la isku sii dhejiyey oo la mideeyay?

Miyaan hore loo odhan: “Taana daayoo.” Waxba lama kala-xadayn ee dal iyo dadba waxa u taliyaa waa Fulinta oo aan waxba iskaga tirin Golayaasha kale ee ay awood-qaybsiga leeyihiin sida: garsoorka iyo Xeer-dejinta oo iyada murankeedii iyo muruggeediiba dhammaan la’ yihiin dalkuna ka tallaabsan la yahay. Golihii Guurtida ee inoo dhowrsoonaan jiray ee dal iyo dadba caymin jiray ayaa isagiina maanta murannadii dhinac ka noqday oo ku dhex milmay. Subxaan!

Aqoonyahankeennii Aadan Muuse Jibriil waxa kale oo uu soo qaaday:

  1. Dhawrsanaanta iyo dhex-dhexaadnimada Hay’adaha Garsoorka ma la sugay mise?

Dhex-dhexaadnimada Hay’adaha Garsoorku waxyaabo badan ayay ku xidhan tahay. Mar waa arrin dhaqaale si loo daryeelo baahida Garsoorka iyo dadka ka hawl-galaba. Mar kale waa aarin aqooneed oo ay lama-huraan tahay in qof kasta oo Garsoorka ku lug lihi uu leeyahay cilmigii iyo aqoontii loo baahnaa, taasina waa mid la tallaabsanaysa heerka dhaqan-dhaqaale iyo horumar ee dalku marayo. Mar saddexaadka dhex-dhexaadnimada Garsoorku waxa kale oo ay ku xidhan tahay arrimo badan oo kale oo door ah. Sidaa darteed kol haddii intaa lama-huraanka ah ay wax inooga dhiman yihiin, waxaanu shaki ku jirin in garsoorkeennuna u dhutinayo baahiyahaa jira. Waxa kale oo iyaduna door ku leh dhex-dhexaadnimada garsoorkeenna sida hadba looga ilaaliyo in faro-gelin kale ay ku timaaddo oo ay madax-bannaanida garsoorka dhaawacdo. Inta badan arrintan waxa looga baqaa hay’adaha fulinta sida Xukuumadda. Mararka qaarkood waxa laga yaabaaba in ay ka timaaddo dadweynaha naftiisa gaar ahaan inta mujtamaca saamaynta ku leh ama lehba awood dhaqaale.

Aynu dib ugu noqonno aqoonyahan Aadan iyo sida uu u dhigay Qodobkiisa shanaad oo ah:

  1. Go'aan-qaadashada siyaasadeed (political decision-making) ma la ballaadhiyey oo ma noqotay mid hoos iyo korba ka socota oo dadweynaha sida: Bulshada Rayidka ah talo ku leedahay, mise wuxuu noqday mid kooxaysi iyo takoorid ku salaysan ama ku dhisanba (Elitism and Sectarianism)?

Qodobkan marka aad dhinac ka joogsato, waxa jirta in ilaa heer loo daddejiyay maamulka Degmooyinka iyo Gobollada. Haddana marka aad dhinac kale ka joogsato waxay u muuqataa in wax badani ku xidhan yahay Xukuumadda Dhexe oo go’aan-qaadashaduna ay ku kooban tahay in yar. Bulshada rayidka ahi in kasta oo ay ilaa heer abaabulan tahay oo ay leedahay dallado faro badan oo qaar xirfadeed iyo qaar bulsheedba leh, haddana ma jiro qaab ay kaga qayb-qaataan go’aan-qaadashada siyaasadeed ee dalku.

Aadan Muuse Jibriil, soo-jeedintiisii sidan ayuu u dhigay Qodobka kaa hore ku xiga:

3. U-sinnaanshaha kheyraadka iyo awoodaha dalka, (power and resource sharing) ma la laga dhigay kuwo si xaq u socda, mise?

Jawaabta oo koobani waa maya. Aynu laba u kala qaadno. Xagga awood-qaybsiga (Power) tabasho badan ayaa jirta oo ka imanaysa dhinacyo badan oo bulshada ah. Tabashooyinkaasi, mar waxay noqdaan Gobol iyada oo aan sidaa loo dhigin, bal se la qoleeyo ama la qabyaaladeeyaba. Mararka qaarkood waxay noqotaa jinsi oo lab iyo dheddig ayaa loogu kala cawdaa. Mar da’ ayay noqotaa oo dhallinyarada ayaa ka cabata da’-weynta oo xilalka qaranka iyo hay’adahaba intooda badan haysata. Haddaad arrintan u sii kuur-gasho mararka qaarkoodna waxay noqotaa qurbo-joogta oo ay Xukuumaddu aad u danayso, iyo qolqol-joogta dalka ku dhaqan oo aad uga cawda. Xataa dadweynaha ayaa arrintan kaalin ka qaata. Tusaale waxaad u soo qaadan kartaa Golaha Wakiillada ee la soo doorto ee aanay Xukuumaddu soo magcaabin oo in ka badan oo ka mid ahi qurbaha ka yimaaddeen. Xagga qaybsiga kheyraadka wax badan ayaa weli ka dhiman dhinacyo bandanna waxa ka yimaadda tabashooyin aan jawaab loo hayn.

Bal Qodobka 7aad ee Aadan sso-jeediyayna aan eegno:

4. Isu-dheelli-tirka dhanka bulshadeenna iyo tan casriga ahi ma socotaa mise waaba la iska illoobay, meeday Guurtidii iyo dhaqankii dibuheshiisiintu?

Golaha Guurtida oo taariikh dheer oo hodan ah ku leh halgankii hubeysnaa ee SNM iyo Somalilandba, waxay markii ugu horreysay ka mid noqdeen Golaha Baarlamaanka 1993kii. Berigaas ayaa markii ugu horreysay la soo doortay, mar labaadkiina 1997kii ayaa la doortay. Sidaa darteed waxa lama-huraan ah in dib loo eego arrinta Golaha Guurtida isla markaana la soo deddejiyo doorashadoodii ama magacaabiddoodii hadba tii lagu heshiiyo.

Qodobka 8aadna wuxu u dhignaa sidan:

5. Madaxbannanidii war-baahintu maxay ku dambeysey?

War-baahinta Somaliland waxay maraysaa marxaladihii ugu darnaa ee soo marto intii ay taariikhda soo jirtay.

Gebo-gebadii aqoonyahan Aadan Qodobkan 9aad ayuu ku soo xidhay soo-jeedintiisii:

  1. Doorashooyinka Madaxtooyada iyo kuwa Wakiilladu waqtigoodii, si xor iyo xalaal ah, ma u dhici karayaan?

Maya, waxay u badan tahay in aanay doorashooyinkaasi waqtigoodii ku qabsoomin, waxaana la inooga baahan in aynu dhinacyo badan dedaal ka samaynno..

Aadan Muuse Jibriil weedhan soo soco ta ayuu ku soo xidhay Qormadiisii 3aad ee Runtu Ma Fantaa:

“Taas micnheedu maaha, waxba lama qaban. Wax waa la qabtay, sida derejada ciidamada iyo passport cusubi waa wax weyn oo qiimayntooda mudan. Laakiin arrimahan oo kale waa saqafkii guriga, ee maaha tiirarka dhismaha guriga haya. Haddaba, Sua'aalahan oo si hufan, oo dhexdhexaadnimo iyo garsoornimo ah looga jawaabaa, qodob welbana sidiisa looga hadlaa, waxay iftiiminayaan sawirka guud in si dhamaystrin loo arko.

Dhammaad, Wa Billaahi Towfiiq

 

 

 

 

 

Additional information