Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 32aad Ka-been-sheegga Taariikhda: Jaamicadda Indian Ocean ee Muqdisho

Waa Qormo Qormadeed. Khamiis sii horreysay ayay ahayd in ay soo baxdo. Tan iyo maalintaa Qormadani murashax ayay u ahayd boggaygan Khamiislaha ah. Hadba mowduuc ka daran oo xiiso badan ayaa soo dhacayay oo aan aniguna daawaha idiin ka soo qaadayay si aad ugu baanataan nabarrada idin hafeefanaya. Idinka oo raalli iga noqon doona Khamiislahan aan yar taraaro oo doolaalada xaggaa iyo Xamar ku tago si aan u soo xansado bal dareemmada ay innaga qabaan iyo sida ay inoo arkaan. Ma ila qabtaan in digo-rogashadu mararka qaarkood fiican tahay.

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 32aad

Ka-been-sheegga Taariikhda: Jaamicadda Indian Ocean ee Muqdisho

https://fbcdn-sphotos-b-a.akamaihd.net/hphotos-ak-prn2/v/t1.0-9/1013432_625812527428918_1664083002_n.jpg?oh=ff3b7be18c32caa59b3ee1658c355ab6&oe=549A0CE1&__gda__=1419503947_87214e88f686d2a89c663c49e6bdc779“Halkan gaban yar baa qalan,

Halkan geesi baa yaal,

Halkan gaari baa wadhan,

Halkan waxa ku gawracan,

Guurtidii xulka ahayd,

Dhankan culimo gaariyo

Gadh-cas iyo wadaaddiyo,

Golfof iyo raq baa wadhan,

Gaadiidku waa naxash,

Gadh-wadeenku waa mawd,

Waxa geeddi lagu degay,

Godadkiyo xabaalaha,

Dhulka hoose loo guur,”

Maansadii Gol-janno ee Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

20/11/2014ka, Hargeysa,

Waa Qormo Qormadeed. Khamiis sii horreysay ayay ahayd in ay soo baxdo. Tan iyo maalintaa Qormadani murashax ayay u ahayd boggaygan Khamiislaha ah. Hadba mowduuc ka daran oo xiiso badan ayaa soo dhacayay oo aan aniguna daawaha idiin ka soo qaadayay si aad ugu baanataan nabarrada idin hafeefanaya. Idinka oo raalli iga noqon doona Khamiislahan aan yar taraaro oo doolaalada xaggaa iyo Xamar ku tago si aan u soo xansado bal dareemmada ay innaga qabaan iyo sida ay inoo arkaan. Ma ila qabtaan in digo-rogashadu mararka qaarkood fiican tahay.

Ma ay sii fogaynba. Khamiistii 24kii Oktoobar, 2014kan ayay ahayd. Waa markii aan warka daawaday, laakiin dhacdadu waxay ku beegnayd Bishii Oktoobar 23dii, 2014ka. Waxay ka mid ahayd Khamiisiihii caadiga ahaa. Galabnimadii cabbaar ayaan soo lugaynayay sidii dhaqanka ii ahayd. Aniga oo yar daalay ayaan guriga ku soo noqday. Cabbaar ayaan iska fadhiyay oo aan is-qaboojinayay. Intaa ka dib aniga iyo ‘computer-kii’ ayay noqotay. Saacadihii wararku TV-yada soo gelayeen ayaan kacay si aan laba iyo saddex kala duwan u daawado.

Mid ka mid ahaa ayaa waxa ku jiray qodob war ah oo ku saabsanaa arday ka qalin-jebinaysay Jaamicadda Indian Ocean ee Muqdisho. Qodob war ah oo iska kooban ayuu ahaa. Waxa shaashaddii soo galay ilaa laba arday oo ka mid ahaa ardaydii qalin-jebinaysay iyo nin weynaa oo lagu sheegay Ku-xigeenkii Hormuudkii Jaamicadda. Tolow, magaciisu ma Cabdilqaadir ayuu ahaa.

Waxa hadlay mid ka mid ahaa ardaydii qalin-jebinaysay oo sheegay in ay ‘degree-gii’ koowaad diyaariyeen. Waxa kale oo uu sheegay in ay cilmi-baadhis ku sameeyeen oo ay wax ka qoreen sababihii burburiyay Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliya. Wiilkaa ku faraxsanaa in uu cilmi bartay oo qalin-jebiyay wuxu yidhi: “Burburka Soomaaliya wuxu ka soo bilaabmayaa markii la sameeyay Jabhaddii SSDF.” Weliba intaa kagama hadhin e’ wuxu sii dhammaystiray SSDF oo uu ku sheegay: Somali Salvation Democratic Front. Ninkan ama ardaygan hadlayay kolley inta aan hubo afkiisa waa ay ka maqnaayeen ilaa laba…saddex ilkihiisa ka mid ahaa. Intaa markii uu yidhi ayaa warkii ka baxay ama laga jarayba. Mid kale ayaa isaguna wax aan badnayn yidhi. Ka dib Ku-xigeenkii Hormuudka Jaamicadda ayaa isaguna wax aan sidaa u sii badnayn yidhi.

Markiiba waxa igu soo dhacday, tolow muxuu intaa hore ku daray. Shaki la’aan waxaan isku qanciyay in uu raaciyay oo ku daray: “Iyo SNM, Somali National Movement.” Ardaygaa Jaamicadda Indian Ocean ka qalin-jebinayay ee isku tirinayay in uu culuun bartay wuxu sheegay in Jabhadahaasi rideen Dawladdii xaqa ahayd ee Kacaanka ee Siyaad Barre hoggaanka u ahaa.

Ma maqli jirteen: “Waxay na badeen, waxay na bareen baa nagaga daran,” Waa tan oo kale. Xaggee ayuu joogay markii uu Maxamed Siyaad Barre la-wareegidda xukunkii iyo taladii dalka u adeegsaday ciidammadii dalka gaar ahaan, Xooggi dalka. Nidaam madaniya oo si dimuqraaddi-ku-sheeg ah lagu soo doortay ayuu qori caaradii ku af-gembiyay. Markaasuu wiilkan Indian Ocean wax bartay ina leeyahay dawlad xalaal ah ayay Kacaan-sheegatadii ahayd.

Aafooyinkii nidaamkaasi la yimid halkan kuma soo wada koobi karayo. Dastuurkii Qaranka ayaa la tirtiray. Xisbiyadii siyaasadeed oo dhan ayaa albaabbada loo xidhay. Ururradii Xirfadeed iyo kuwii Bulshaba waa la baabi’iyay. Ra’iisal-wasaarihii iyo Golihiisii Wasiirrada Xabsiga ayaa loo taxaabay. Qayb ka mid ahayd Golihii Baarlamaanka waa la xidhay iyagana.

Sannadihii bilowga ahaa nidaamkaa waa la soo dhaweeyay. Wax yar ka dib ayuu u dhurtay wixii uu ahaa oo Soomaali meel ay joogtaba mariyay jidadkii xanuunka iyo xasuuqa.

Nidaamkii sidaas ahaa ee dhiillada maanta Soomaali oo dhan haysta aabbaha u ahaa ayay Jaamicadahaa Xamar ku yaallaa ardayda u dhigayaan in uu ahaa nidaam waddnaiya oo wanaagsanaa iyaga oo eeddii burburinta Soomaaliyeed dhabarka ka saaraya Jabhadihii dibuxoreynta qaran ee Soomaaliyeed.

Dadka ubadkoodii sidaas iyo yuhuuntaa kharriban ee beenta ah lagu soo barbaarinayo ayaynu wada-hadallo kula jirnaa oo hollinaynaa in aynu wax la wadaagno. Innaga manaahiijteenna waxba kagama jiraan halgankii la soo maray iyo dhibtii xoreynta dalkan iyo dadkan loo soo maray.

Ciidammadii mas’uulka ka ahaa xasuuqii iyo burburkii dadka Soomaaliyeed loo geystay nidaamka Federaalka ah ee Muqdisho ka taliyaa wuxu u yaqaannaa wax muqaddas ah oo si milgo iyo maamuusba leh loo xuso. Waxa la xusaa 70-guuradii Bilayska Soomaaliyeed. Waxa la xusaa sannad-guurooyinka Xoogga Dalka iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed. Nidaamka caynkaas ah ayaynu wada-hadallo aynaan garanayn waxaynu uga gol leenahay kula jirnaa.

Miyaanay waajib inagu ahayn in aynu nidaamkaa iyo ciidammadiisaba ku eedayno xasuuqii dal iyo dadba loo geystay? Bal ka warrama marka maalmahaa dhagareed si heer qaran ah loo xuso loona aqoonsan yahay. Bal ka warrama marka halgankeennii xaqa ahaa ee aynu xorriyaddeenna ku soo dhacsannay loo aqoonsado in qarannimo Soomaaliyeed lagu burburiyay ee la inoo ammaano nidaamka ina xasuuqay ee ummadda baro-kiciyay.

Xukuumaddeenna abaal-daran maxay u dhisan tahay? Maxay wada-hadallada ka doonaysaa ee ay ugu jirtaa marka ay waxyaabahani dhacayaan? Ma dareensan tahay dhiillooyinkan aan idiin soo tebinayo?

Deelleeydiisii miyaanu Cabdi Iidaan Faarax ku odhan:


“Doonnida shinkeed raran,

Dakhalkiyo shiraaqa leh,

Dadka fuushan ee lihi,

Ma cirkuu ka soo degay,

Kuwa laga dejinayaa,

Ma dar laga xigaabaa,

Sheekadu da’ weynaa,

Dacar iyo ladh kicisee,

Dhul ay damaqday badanaa!”


Dhammaad

 

Additional information