Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Qormadii 2aad, Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 

Qodobka 3aad ee Himilada Xisbiga Kulmiye wuxu u dhigan yahay sidan hoos ku qoran:

Xisbiga Kulmiye wuxu ku naalloonayaa yegleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadiida talo-wadaagga ee ka soo jeeda diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

 

 

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

“Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ,www.dharaaro.com

Qormada: 2aad

20/12/2014ka Hargeysa,

Qodobka 3aad ee Himilada Xisbiga Kulmiye wuxu u dhigan yahay sidan hoos ku qoran:

Xisbiga Kulmiye wuxu ku naalloonayaa yegleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadiida talo-wadaagga ee ka soo jeeda diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Faallaynta Qodobkan:

Qodobkan waxba ku sii tiigaali maayo ee bal hadda shacbiyahow idinku is-weydiiya in uu run yahay oo lagu dhaqmay iyo in kale. Waxaynu waqti iskaga luminnaba ma aha, maxaa yeelay arrinkuba wuxu taagan yahay in Xisbiga Kulmiye “Ku naalloonayo.” Haddii uu ku naalloonayay iyo haddii kaleba Xisbigii Kulmiye ee aynu codka siinnay talo iyo adduun midnaba faro uuguma jiraan. Markaa hawaawigiisu muxuu ina tarayaa?

Intaana waxaan ku soo dhaafayaa saddexda Qodob ee ay inoogu sheegeen himilooyinka Xisbiga Kulmiye.

Intaa haddii aynu soo aragnay, Xisbigii Kulmiye ee aynu codkeenna ka siisannay barnaamajkan aan la mahadin, wuxu gelayaa ballan-qaadyadiisii aan la fulin sida ay aniga ila tahay. Ciddii iga ra’yi duwanina fikirkeeda in ay dadweynaha u soo ban-dhigto oo ay kayga deedafayso ayaa habboon. Hadda aniguna ma hadlin ee qoraal baahsan ayaan aragtidayda ku soo ban-dhigay oo ay tahay in sidaas oo kale lagaga jawaabo. Malaha idin kama qarsoona sida “facebuugga” loogu qaadaa-dhigay arrinkan ama gorfayntan. Dadku wax I dhalliilay oo ku mahadsan kol haddii ay qormooyinkaygii akhriyeen oo ay ka fal-celiyeen, iyo wax igu taageerayba waa ay leeyihiin, abaalna labada dhinacba waan ugu hayaa. Qoraallada ay dhibtaasi iga soo gaadhay kuma qanacsani mid meelaha iga eegta oo muran aabbihii goblamay ii la yimaadda. Ninkii wax isku hayaa badka ha yimaaddo oo dadweynaha fikirkiisa ha u soo bandhigo.

Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye, isaga oo ka hadlaya: Taabbo-gelinta Xukun-wanaagga dalka (Good Governance), Wuxu qoray 2010kii:

“Dawladda maanta noo dhisani waa mid tamar-daran oo baahiyaha horumar ee qaran ee jira inaga saari karin. Waa mid aan la jaan-qaadi karin casriga maanta jira. Maamulka dawliga ahi wuxu ka jiraa dhawr gobol oo qudha, ma wada gaadhsiisna dalka, hoosna looma daaddejin maamulka dawladda. Golaha Wasiirrada ee maanta jira wuxu ka kooban yahay dhowr iyo konton Wasiir, Wasiir-ku-xigeen iyo Wasiiru Dawle oo aan tayo lahayn.”

Inta hore ma iska dhaafnaa oo xigashadan aan xaqiiqada ku fadhiyin inta ugu dambeysa ma ka soo qabsannaa. Bal hadda weedhan u fiirsada:

“Golaha Wasiirrada ee maanta jira wuxu ka kooban yahay dhowr iyo konton Wasiir, Wasiir-ku-xigeen iyo Wasiiru Dawle oo aan tayo lahayn.” Waa Xisbigii aynu codka siinnay oo ka hadlayay dawladdii Daahir Ra’yaale ee ay beddeleen. Waxay ina leeyihiin sida kor ku qoran: Tiro-badnaanta Golaha Wasiirrada iyo tayo-xumaantoodaba wax ayaanu ka qabanaynaa. Sidee ayay wax uga qabanayaan? Isla barnaamajkan ballan-qaadka ahaa dhammaadka Bogga 11aad ayay kaga hadlayaan, waxay ugu yeedheen: DHISIDDA DAWLAD KOOBAN. Oo maxay odhanayaan? Waa kuwan iyagii oo nidar ku gelaya in: “Kulmiye marka uu ku guulaysto hoggaaminta dalka, waxa uu samaynayaa:

· Gole Xukuumadeed oo kooban,

· Tayo leh,

· Iyada oo Kulmiye ku shaqayn doono samaynta jiritaanka wasaarad ama hay’ad kasta oo xukuumadeed, xilkeeda, qaab-dhismeedkeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha kale ee dawladda.

· Xigto-Isaga oo hay’ad kasta u magacaabaya cid aqoonteeda leh.

· Dhismaha xafiiska garyaqaanka Guud ee Dawladda oo hawlihiisa u muhiimsan ay ka mid tahay ilaalinta shuruucda iyo faafintooda.”

Waxay ila tahay in aan loo baahnayn in aan qodobbadan sare faallo ka bixiyo. Waxaynu isku soo koobi karnaa in aynu halkan dhowr su’aalood isku weydiinno.

· Gole Wasaaradeed oo kooban ma la sameeyay sida Xisbiga Kulmiye ballanta ku qaaday mise tii hore looga cabanayay ayaa la baro-dhaafiyay?

· Wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadadeed dadkii ku habboonaa si hufan oo waddaninimo leh ma loo xulay? Mise aabbahay goblin ayaa xilalka lagu magacaabay?

· Gole Xukuumadeed oo la soo koobo ha joogto e’, ma la tirin karayaa tirada La-taliyayaasha Madaxweynaha?

· Intee qof oo aan wax shaqo ah Xukuumadda iyo dadka midnaba aan u qaban ayaa mushahar qaata oo suuqa iska jooga?

· Ilaa intee in le’eg ayay korodhay tirada dheg-maalka, indho-maalka, gacan-maalka, lug-maalka, af-maalka, uur-maalka, qurbo-maalka, xigto-maalka, xidid-maalka, qolqol-eedka iyo wax-baas-maalka dadka lagu dhex daadiyay si ay u soo xuuraamaan? Miyaad weli tiriseen inta qof aan ummadda u adeegin ee mushahar ku qaata: xil-ka-dege-xurmeysan, xil-suge xammuuran, xil-quude qatan iyo wax la mid ah oo aanan halkan ku tixi karayn?

Waa tii oo dimuqraaddi loogu daray ma maqli jirteen? Waxaanu leenahay waa tii oo ku darsatay ‘Land-cruiserro’ ilaa dhowr iyo afartan kun ah oo dollar ah oo daruuraha ransanaya, muraayaduhuna u dallacan yihiin. Subxaan! Mise tolow aqoonsigeenna ayaa sidaa ku jira oo waa sir ay xukuumaddani soo heshay.

 

Bal hadda xusuusta ayaamihii ama dharaarihii Madaxweyne Cigaal xilka hayay. Beryahaa Landcruiserradu waxay ahaayeen ama joogeenba ilaa toban kun ama dhowr toban kun dollar. Haddana lexe-jeclo uu dal iyo dadba u qabay awgeed waa kii wasiirrada ka dejiyay Landcruiserradii ee Mark II-yada dhammaantood wada saaray, qof qof ku dhegay oo laga furfuri waayay mooyaan e’. Nin rag ahi waa ogaa, doqonna loo sheegi maayo. Ilaahay ha u naxariisto e’ Cigaal hanta iyo guryo midna kama dhiman. Hore ayuu hantidiisii siyaasad iyo gobannimo-doon ugu xaraashay. Guryihii uu aabihii ka dhaxlay oo faras-magaalaha qabyo ku ah oo dunsan ayuu ka dhintay, iyo hadaaqeenna maantu wuxu yahay. Subxaan! Tolow halkee la inagu kala xisaabi doonaa.

Nin hal-abuur ahaa oo dhintay ayaa la weydiiyay sababaha ay beryahan dambe wax u curin waayeen. Wuxu ku jawaabay oo maxaanu curinnaa suugaantii hore ayaa sideedii u taagan e’. Allow ma run! Bal hadda aan soo qaadanno Muuse Cali Faruur. Waa 28/2/1980kii isaga oo Hargeysa joogay oo Deelleeydii kaga qayb-galay maanso magaceedu ahaa: Deelleey Markhaati leh. Tuduc ku jiray oo xulashada wasiirrada ku saabsanaa ayaa ahaa:


Taliyihii dagaalkee,

Dirirtuun la barayee,

Daaddihin yiqiin baa,

Dhakhtarkii dul saarane,

Waaryaadhay bal daawada,

Sida loo dagaagilay,

Dawo kuuma qori karo,

Dalab uma samayn karo,

Wax qof lagu dabiibana,

Duruustiiba kuma dhigan,

Dable iyo sarkaal iyo,

Dabaabado ma yaalliin,

Is-na waa la daayacay,

In uu duunyo booboo,

Denbi galo ha joogtee,

Dal hadduu wax tari laa,

Dad hadduu wax bari laa,

Ka hallow dariiqoo,

Halkaasay ku dumug tidhi,


Muuse Cali Faruur wuxu u jeeday oo keliya in aan qof walba xilkii uu ku habboonaa loo dhiibin ee xulashadii iyo xil-qaadkiiba indhaha laga riday. Xil iyo gudshadii lama qiimayn ee qof iyo raalli-gelintii ayaa intii ma-durugtada-hagratay geelii loogu diray. Qof ama qudh wixii soo raaca ee la soo qaadaa waa qabiil lagu goblamay.

Aynu ku noqonno Barnaamajkii ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye. Waa Bogga 12aad. Waa cinwaan-yare ku xardhan: Dibuhabaynta Hay’adaha Xukuumadda, waxaanu u qoran yahay:

“Kulmiye waxa uu dib-u-eegis qoto dheer ku sameyn doonaa Hay’adaha Xukuumadda ee hadda jira si loo waafajiyo baahiyaha Qaran ee jira, waxa lagu sameyn doonaa dibuhabeyn sal iyo baar ah si ay u gutaan xilkooda iyo habsami-u-socodka hawl-maalmeedka ay u hayaan bulshada.”

Oo taasi ma dhacday? Bal maankiinna la kaashada. Xukuumaddan Siilaanyo Wasaaradihii ay meesha ugu timid oo malahayga ay wax ku dartay ayay magacawday. Diraasad qoto dheer iyo mid qoto gaaban midna lama samayn. Aan daliilkayga ku soo koobo: Wasaaradda Boosta iyo Is-gaadhsiinta ayaa jirta iyada oo aanay Naafada iyo Agoontu Hay’ad ka mas’uul ah lahayn. Bal tabaalahaa daya.

Waxa jira hay’ado dawladeed oo wareegto ku magacaaban oo miisaaniyadaha ugu badan loo sameeyo, Golayaasha Xeer-dejintana aan marin. Bal ka warrama dee dhabanka iyo gacmuhu yaanay isku kiin engegin e’. Ku soo noqo Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ku galay doorashadii Madaxweynaha ee 26kii Juun 2010kii. Markanna waa Bogga 12aad. Waa qayb ku suntan: Dhammaystirka Hannaanka Dimuqraadiyadda.

Qodobkani wuxu u dhignaa sidan hoos ku xardhan:

“Hirgelinta hannaanka dimuqraaddiga ah oo waafaqsan Diinta Islaamka iyo dhaqankeenna suubban ee Soomaaliyeed iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimada wax-tarka leh ee dadyowga adduunka ee dimuqraaddiga ah.

Isaga oo taas ka duulaya, Kulmiye waxa uu furi doonaa Xisbiyada si loo dhiirri-geliyo ka-midho-dhalinta nidaamka Xisbiyada badan, u-tartanka xorta ah ee hoggaaminta dalka, adkaynta hay’adaha dimuqraaddiga iyo ka-qayb-galka dadweynaha ee talada dalka, isaga oo bilow ahaanba furaya ururradii siyaasiga ahaa si ay ugu tartamaan doorashada Golayaasha Degaanka ee ugu soo horreeya si waafaqsan Xeerka Doorashooyinka.”

Si aynu u kala saarno waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin, aynu qodobbaysanno qaybtan ballan-qaadka ahayd:

· Ururradii waa la furay, waxaanay u tartameen in ay Xisbiyo noqdaan in kasta oo ay jireen cabashooyin,

· Waa dhab oo waxa ka soo baxay saddexda Xisbi Qaran ee maanta jira ee Kulmiye, UCID iyo Waddani,

· Lama adkayn hay’adihii dimuqraadiyadda iyo ka-qayb-galkii dadweynaha,

· Guddidii Qabanaqaabada doorashooyinka waa la sarrifay oo waxa laga dhanbalay Guddida Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Xisbiyada oo fadhiid iska noqotay,

· Doorashooyinka Golayaasha Degaanka waa la qabtay daba-yaaqadii 2012kii, in kasta oo ay ahaayeen kuwii ugu liitay uguna rabshadda badnaa ee taariikhda dalka soo mara. Isla markaana waxay ahayd doorashadii keli ahayd ee ay Xukuumaddan Siilaanyo qabatay intii ay talada dalka haysay,

Aynu u gudubno Bogga 13aad ee Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ee 2010kii. Qodobkanina wuxu ku suntan yahay: Kala-madax-bannaanaynta Awoodaha Hay’adaha Qaranka. Qodobkani sidan hoose ayuu u qoran yahay:

“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku tallaabsan doonaa qorshe cad oo saldhig adag loogu sameynayo waajib-gudashada Hay’adaha qaranka, isaga oo hubinaya kala-madax-bannaanaynta, is-ilaalinta iyo isu dheelli-tirka awoodaha hay’adaha Dawladda ee Fulinta (Executive), Garsoorka (judiciary) iyo Sharci-dejinta (Legislative).”

Ilaahay baa ina lehe, dee marka hore Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo talada dalka hayaa ma jiro. Waxa se jira oo aanay cidina dafiri karayn in ay jirto Xukuumad Dhexe oo xooggan oo kooxaysan oo talada dalka gacanta ku haysaa. Xukuumaddan jirtaa meel aanay faro-gelin oo aanay gacan-togaalayni in aanay jirin ayaan filayaa.

Ma qodobbaysannaa si aanay arrintu inooga baahin:

· Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo arrin ama talo gacanta ku hayaa ma jiro e’, Xukuumadda Siilaanyo kuma ay tallaabsan qorshe cad oo saldhig adag loogu sameynayo waajib-gudashada Hay’adaha qaranka, iyada oo hubinaysa kala-madax-bannaanaynta, is-ilaalinta iyo isu dheelli-tirka awoodaha hay’adaha Dawladda ee Fulinta (Executive), Garsoorka (judiciary) iyo Sharci-dejinta (Legislative).”

 

· Xukuumadda dalka ka talisaa ma ay dhowrin mana ay xurmayn kala-madax-bannaanida hay’adaha qaranka, gaar ahaan Xeer-dejinta oo aynu ka wada dheregsan nahay gabbood-falkii ku dhacay dhowrka jeer sannadkan gudihiisa ee ay dalka iyo dadkuba halista ku galeen,

Mar labaad waxaan isku deyayaa in wax yar ka iftiimiyo waxa Barnaamajkaa ka qabsoomay iyo waxyaabaha aan ka qabsoomin aniga oo ku dedaalaya in aanan ka been-sheegin. Taasna qoraalka ayaad ka garan doontaan, haddii ay mararka qaarkood gefaf iga dhacaanna raalli ha la iga ahaado. Waxaan isku deyi doonaa in aan si mowduuciya oo dhab ah u falanqeeyo Barnaamajkan aniga oo aan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda maanta jirta midnaba ka tirsanayn.

Waxa kale oo akhristayaasha u furan in haddii ay doonaan iska illoobaan falanqayntayda iyo faallooyinkayga oo ay iyaguba maankooda la kaashadaan waxyaabaha Barnaamajkaa ka hirgalay iyo waxyaabaha ka baaqday. Cid kasta oo faallooyinkayga fikir ka duwan qabta oo doonaysa in ay ka hadasho, dawgu waa uu furan yahay, habaarka iyo af-lagaaddaduna dibadda weeyaan.

Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ee doorashadii Madaxweynaha ee 2010kii, muxuu ka yidhi Baarlamaanka? Bal hadda immikana aan daalacanno isla Bogga 13aad ee aynu ku dhex jirnay. Akhristayaashu kuma qasbana ugumana talo-gelin in ay fikirkayga qaataan. Mar horto waxaan idiin soo gudbinayaa wixii uu Xisbiga Kulmiye ballan-qaad ummadda u sameeyay ee uu codadkoodii ka siistay. Mar labaadkana faallayn iyo falanqayn kooban ayaan raacinayaa.

Cinwaanku waa Baarlamaanka, waxa laga qorayna waa:

“Wuxu Kulmiye ballan-qaadayaa in uu Baarlamaanka kula shaqeeyo madax-bannaanidiisa uu Dastuurku siiyay iyo wada-shaqaynta labada Gole ee Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida).”

Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo Baarlamaan la shaqeeyay ma jiro e’, aynu runta isu sheegno oo nidhaahno Xukuumadda iyo Baarlamaanku sidee ayay u wada hawl-galeen haddii ay dhacdayba. Dafiri maayo xilliyo ay jireen Xukuumad iyo Baarlamaan wada shaqayn jiray. Xaqiiqadu se waxay tahay in ay Xukuumadda laba u kala yihiin labada Gole oo midna ay si hufan oo is-kaashi leh ula hawl-gasho, ka kalena ay maryo dhiigle kala furtaan xilliyada qarkood. Aniga oo aan hadalka idin ku dheerayn Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu si dhow oo is-kaashi leh xilliyada qaarkood uma ay wada shaqayn. Xukuumadda iyo Golaha Guurtidu se inta badan is-ma seegaan. Dhaqammada caynkaas ahi ma aha qaar ku fadhiya is-tixgelin bal se waa si daatiya oo shakhsi iyo danaysiba leh inta badan u dhaca.

Qodobkan Baarlamaanka ku suntan intaa kuma koobna. Waa uu sii socdaa waxaanu odhanayaa oo kale oo Barnaamajka Kulmiye, intaa hore ku kabayaa:

“Waxyaabaha bar-tilmaameedka u noqonaya Xisbiga Kulmiye ee la-shaqaynta Baarlamaanka waxa ka mid ah:

· Hor-gaynta Mashruucyada sharci ee u baahan ansixinta Baarlamaanka,

· Hor-gaynta Baarlamaanka miisaaniyad-sannadeedka Qaranka waqtiga uu tilmaamay Dastuurku, iyada oo ay Xukuumaddu ugu dhaqmayso sida uu go’aansaday Golaha wakiillada,

· Hor-dhigidda Baarlamaanka Heshiisyada caalamiga ee Xukuumaddu dhinac ka tahay,

· Hor-gaynta Baarlamaanka dhismaha hay’ad kasta oo la abuurayo si ay u hesho shakhsiyad qaanuuni ah (judicial Personality),

· Dhaqan-gelinta shuruucda Goluhu ansixiyo,

· Madaxweynaha xukuumadda kulmiye, wuxu ballan-qaadayaa in uu sannad kasta warbixin sannadeed siiyo fadhi wadajir ah ee labada Gole,

· In uu xaaladda uu dalku ku sugan yahay uu mar kasta warbixin ka siiyo fadhi wadajir ah ee labada gole,

· Wasiirrada iyo hawl-wadeenka hay’adaha kale ee Xukuumadda wuxu ballan-qaadayaa in uu hor-geeyo Golaha Baarlamaanka mar kastoo looga baahdo,

· Xukuumadda Kulmiye waxay dhiirri-gelinaysaa wada-shaqaynta labada gole ee Baarlamaanka,”

Faallayn:

Mashaariicda sharci ee ansixinta u baahan oo dhan lama geeyo Golaha Wakiillada inta bandanna muranno aan dhammaan ayaa ka dhaca. Wax Miisaaniyad lagu sheego waa la hor geeyaa Golaha Wakiillada, bal se dhiillada iyo dhibaataduba waxay ku jiraan in aan Xildhibaannada la siin waqti ku filan oo ay kaga doodaan, ereyga ay dhaameelyahannadu inta badan adeegsadaanna waa duudduub ha lagu ansixiyo. Waxa la yidhi: “Meyd maxaa ugu dambeeyay, iyo kaa la sii sido.” Miisaaniyaddan 2015ku laba maalmood ma ay dhex oollin Golaha Wakiillada oo fursad lagaga doodaba lama siin Xildhibaannada. Oggolaanshaheedii waxa fadhiyay oo gacanta u taagay 39 ka mid ah Xildhibaannada xukuumadda sacabka u tuma. Mucaaradku sidii ay u dhammaayeen waa ay ka dareereen. Intaa ay jirtay Xukuumadda Siilaanyo miyaad maqasheen xisaab-xidhkii sannadlaha ahaa oo lagu sameeyay Miisaaniyadda? Subxaan!

Heshiisyada Caalamiga ah ee ay Xukuumaddan Siilaanyo soo gasho, inta badan lama geeyo Golaha Wakiillada, waana waxyaabaha muranka ugu badani ka dhaco. Waxa ugu badan ee la isku diidaa waa Heshiisyada mugdigu ku meersan yahay ee saldhigga u noqday ammaan-darrada ee la xidhiidhaha baadhista iyo sahaminta saliidaha (shidaalka).

Bal hadda, immikana aan eegno ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye ee arrimaha la xidhiidha Xukun-daaddejinta, waxaanay ku qoreen barnaamajkoodii:

“Horumarinta iyo xoojinta nidaamka xukun-daaddejinta (Decentralization), iyadoo la dhiirri-gelin doono Golayaal Degaan oo tayo leh oo ay hoggaaminayaan Maayarro aqoon leh oo tayo leh, ayadoo Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka si toos ah ay dadweynuhu u soo dooranayaan.”

 

Wax dhiirri-gelin ah lama samayn oo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda midna sidaas ma yeelin. Sidii ay ballanka ku qaadeen Maayarradii iyo Ku-xigeennadii lama soo dooran. Ta kale wax aqoon iyo tayo loo eegay ma aynu arag. Adigu isku soo duub oo goolkaasi muu dhalan.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)


 

Additional information