Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Qormadii 3aad, Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

Bal hadda, immikana aan eegno ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye ee arrimaha la xidhiidha Xukun-daaddejinta, waxaanay ku qoreen barnaamajkoodii:

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino

(Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

“Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ,www.dharaaro.com

Qormada: 3aad

23/12/2014ka Hargeysa,

Bal hadda, immikana aan eegno ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye ee arrimaha la xidhiidha Xukun-daaddejinta, waxaanay ku qoreen barnaamajkoodii:

“Horumarinta iyo xoojinta nidaamka xukun-daaddejinta (Decentralization), iyadoo la dhiirri-gelin doono Golayaal Degaan oo tayo leh oo ay hoggaaminayaan Maayarro aqoon leh oo tayo leh, ayadoo Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka si toos ah ay dadweynuhu u soo dooranayaan.”

Wax dhiirri-gelin ah lama samayn oo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda midna sidaas ma yeelin. Sidii ay ballanka ku qaadeen Maayarradii iyo Ku-xigeennadii lama soo dooran. Ta kale wax aqoon iyo tayo loo eegay ma aynu arag. Adigu isku soo duub oo goolkaasi muu dhalan.

Aynu ku sii soconno ballan-qaadkaa aan rumoobin ee Kulmiye. Intaa hore waxay ku sii kabeen:

“Waxaa dib-u-eegis ballaadhan lagu samayn doonaa xeerarka iyo qaababka loo maareeyo dawladaha hoose (Comprehensive Reform on Local Governments on Legislation and Management).”

Anigu wax caynkaas ah iyo wax u eg midnaba meelna kuma arag. Idinku cid sheegaysa, maqashay ama aragtay ma haysaan? Idinka ayaan idiin maragsaday? Iska daa horumar lagu sameeyo e’, sow tii aynu isku dili gaadhnay ee birta la iska asli gaadhnay. Allahayow na nabad geli. Subxaan!

Intaa hore aynu u qornay waxay ku sii kabayaan:

“….Iyadoo dibuhabayn lagu samayn doono hannaanka ay u shaqeeyaan dawladaha hoose ee dalku, si ay u gutaan habsami-u-socodka adeegyada bulshada ee aasaasiga ah, iyadoo isla markaana la abuuri doono shuruuc iyo xeerar lagu horumarinayo dawladaha hoose guud ahaan, waxa Kulmiye ku tallaabsanayaa:

· Maamul-fidinta iyo gaadhsiinta degaammada aanu weli ka tis-qaadin,

· U-kala xaq-soorka gobollada iyo degmooyinka Somaliland iyo isu-dheelli-tirka qaybsiga kheyraadka qaranka,

· Dhiirri-gelinta iyo ka-qayb-gelinta talada iyo hoggaaminta dalka beelaha la hayb-sooco, haweenka iyo dhalinyaradda,

Bal hadda is-weydiiya qodobbadan waxa laga qabtay. Ma maamulkii ayaa la fidiyay, mise intii ay Xukuumaddan Siilaanyo talinaysay maamulkii ayaa soo ururay? Kheyraadka la qaybiyay waa kee? Xataa ciddii soo codsatay in saamigeedii la siiyo ayaan dhegba jalaq loo siin? Maxaa laga hayaa codsiyadii hufnaa ee Beelaha Awdal iyo Selel? Dhibaatooyinkii gobollada bari miyaanay ka sii darin oo aanay maamullo cusubi samaysmin? Beelaha la hayb-sooco maxaa loo qabtay? Ma Barkhad Jaamac in La-taliye Madaxweyne loo magacaabo ayay baahidoodu ahayd? Subxaan!

Waxaan ka baqayaa in ay cid dambeba codayn weydo. Cid kaleba aniga oo aan gaadhin, xaaskayga Mujaahid Faadumo-cawo ayaa ka mid ah dadka saska iyo beyrta ka qaaday cod dambe oo la bixiyo. Xisbi ay u han-weyneyd oo ay is-lahayd waxa lagu hirgelin doonaa ujeeddooyinkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay sida xarragada leh uga soo qayb-qaadatay, ayaa u-gacan-galay koox danaysato ah oo aan dal iyo dad, midnaba muraad ka lahayn.

Waxaynu u gudbaynaa Bogga 15aad ee ballan-qaadyadii baaqday ee Xisbiga Kulmiye codkeennii qaaliga ahaa ee kalsoonidu ku dheehnayd inaga siistay. Niyad-jabka iyo quusta ay dadkii ku rideen ee aamminaad oo dhan la lumiyay ayaa wax walba inagaga daran.

Waa ballan-qaadyadii beenoobay ee Xisbiga Kulmiye oo markanna ka hadlaya HORUMARINTA SAXAAFADDA. Horto dee ma ila socotaan? Waxaan idin idhi horumarinta saxaafadda. Ku celi yaa? Waxaan idin idhi waxay immikana ka hadlayaan: Horumarinta Saxaafadda. Dadkiiba waa iga qaadan la’ yahay. Ku-ye: “Horumarinta Saxaafadda garannay e’, yaa ka hadlaya?” Waxaan mar kale aniga oo xiiqsan ugu jawaabay: Xisbiga Kulmiye. Intii yareyd ee dadka igaga soo hadhay ayaa iyaguna iska dareeray iyaga oo sii lahaa: “Alla yaa I gujiya.”

Bartaa dhego, I dhegaysta kama helin e’, bal idinka ma idiin soo gudbiyaa Horumarinta Saxaafadda wuxu Xisbiga Kulmiye ka ballan-qaaday.

“Dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafadda xorta ah iyo madax-bannaanaynta iyo horumarinta warbaahinta dawladda, loona dejin doono siyaasad ku wajahan helidda iyo fidinta xorta ee wararka,”

Hadda waa Xisbigii Kulmiye ciddan hadlaysa ee hadalkani ka soo baxay. Subxaan! Maxaynu wax walba maqlaynaa.

Xisbiga Kulmiye wuxu ballan-qaaday:

· In la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta (Public Broadcasting Corporation) oo hoos imanaysa Guddi madax-bannaan,

· In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee waafaqsan dhaqanka iyo diinta,

Waa Qodobbada Horumarinta saxaafadda la xidhiidhay ee uu inoo ballan-qaaday Xisbiga Kulmiye markii uu codadka inaga doonayay. Bal aad ugu fiirsada qodobbadan iyo waxyaabihii dhacay markii Mudane Siilaanyo ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee 2010kii.

 

Waxay inaga ballan-qaadeen: “….In la abuuro Hay’adda Warbaahinta ee Qaranka oo hoos imanaysa Guddi Madax-bannaan.” Ma is-tidhaahdeen marka hore ayaynu rumaysannay waxaan suuro-gal ahayn ee hawaawi ku dhisnaa. Waxay marka horeba inaga iibiyeen: Hay’adda Warbaahinta Qaranka. Tolow yaa dhismaheeda ka mas’uul ahaa? Markii ay dhugmo-darraanteenna ogaadeen, waxay inoogu dareen: “…….Oo hoos imanaysa Guddi madax-bannaan.” Waa hawaawiga hawaawigiisii. Ku-ye: Guddi madax-bannaan. Tolow ma is-weydiiyeen halka ay ka imanaysay iyo cidda madaxa-bannaan ee magacaabaysay. Sidii ay doontaba ha u dhacdo e’, wax la sameeyay ma jirin, mana filayno in ay jiri doonaan. Xukuumaddan dalka ka dhisan ayaan ahaynba mid u dhalatay ama laga filan karaba wax caynkaas u eg.

 

Intaa hore waxba maba ay ahayn. Ta ay keenaanba tii hore ka daran Bal hadda Qodobkan labaad aynu isagana eegno. Waxay Kulmiye inoogu ballan-qaadeen:

“In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee waafaqsan dhaqanka iyo diinta,”

Qodobkan ma ka dheregteen? Aan idiin ku celiyo:

“In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee waafaqsan dhaqanka iyo diinta,”

Waxay inaga dhaadhicinayaan oo ay inaga iibiyeen, codadkeennii qaaliga ahaana inaga siisteen: ““In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay,” Waxba ku dheeraan maayo, waqtina iskaga lumin maayo e’, bal idinkuba inoo sheega haddii aad aragteen ama maqasheenba Idaacad la furay. Annagaa yaab aragnay. Iyada oo ay taasi inoo horreysay oo ay wax aan jirin inaga iibiyeen oo codadkeennii qaaliga ahaa inaga siisteen, ayay haddana maalin walba la soo taagan yihiin: barnaamajkii ballan-qaadka ahaa 100% ayaanu fulinnay. Miyaanay taasi af-lagaaddo ku ahayn garashadeenna, indhaheenna aynu waxa jira ku aragno iyo dhegeheenna aynu waxa jira ku maqallo. Sow ma ay ahayn in ay inaga xishoodaan, haddii ay doonayaan in aynu ka xishoonno. Bal ka warrama dul-qaadkeenna. Alla maxaynu u-dhabar-adaygnay.

Intaasi waa Idaacadaha ay inagu yidhaahdeen waanu furaynaa ee beenoobay. Waxay inoo furan iska daaye, wargeysyadii shaqaynayay ayay albaabbada u laabeen. Cago-juglayn, xadhig iyo weerar qaawan oo aan geedna loogu soo gabban ayay ku qaadeen. Intii ay Somaliland jirtay inama soo marin Xukuumad sidan u nugul oo u cabbani. Xukuumadihii hore oo dhan ayaa ka dulqaad badnaa oo saxaafadda uga jajabnaa.

Waa tii Hargeysa laga furay Idaacad qarsoodi ahayd markii fasaxa la waayay. Ilaahay uun baa ogaa wixii ay Xukuumaddu tamar iyo taagba ku lumisay sidii Idaacadda loo soo heli lahaa. Hadda kulmiye markii uu ololaha doorashada ku jiray Radio Horyaal ayuu adeegsan jiray, maantana Radio ma maqli karaan. Bal ka warrama marka ay ina leedahay Idaacado ayaanu fasaxaynaa. Wixii ay jeclayd oo dhan ayay ka xanaaqdaa, waxyaabihii ay nebcayd oo dhanna maanta waa ay jeceshahay. Waxaasina wax kale ma aha ee waa xanuunnada kursiga iyo sii jeclaantiisa laga qaado. Subxaan!

Tallaabooyinkan dimuqraadiyadda ka arradan ee saxaafadda madaxa-bannaan lagula kacayaa ma aha wax gudaheenna ku xun oo keliya. Magac-dil ayay guud ahaan ku tahay shacbiga Somaliland ee geesinnimada la og yahay muujiyay si dalka looga hirgeliyo Saxaafadda albaabbada loo laabay. Weriyayaasha la xidhxidhay intii ay xukuumaddani talinaysay, inta la dhaawacay, inta qalab laga jejebiyay, inta af wax cunay xishoo laga dhigay ee aan maanta soo rogan karin kana baaqaya in tuubbooyinka afka loo geliyay laga jaro. Weli faro-gelin intaas le’egi inama soo marin taariikhdeenna. Bal hadda fiiro iyo dhugmo gaar ahba u yeesha dhibaatooyinka aan laga geyoonayn ee haysta Ururkii Suxufiyiinta ee SOLJA oo beryahanba qabsan kari la’ Shirweynahoodii iyaga oo ka eed sheeganaya faro-gelin joogto ah oo ay Xukuumaddu ku hayso. Dibandaabyada u haleel badanaa oo danaha ummadda u haleel daranaa. Belo ku degtay ma maqli jirteen. Maxamed Mooge ayaa halhays u lahaan jiray.

Saxaafaddu, waa ay iiga dhowdahay mowduucyada kale oo dhan, sidaas darteed, ayaan ugu talax-tegay ee raalli ha la iga ahaado. Waxaynu ka wada dhur-sugi doonnaa go’aammada ka soo baxa Shirweynahan laga dardaar-werinayo ee SOLJA wuxu ku dambeeyo iyo saamaynta taban ee uu ku yeelan doono guud ahaanba saxaafadda Somaliland iyo dhowritaanka xorriyatal-qawlka. In aan anigu oddoros iyo saadaal idiin ku sameeyo, waxa igala fiican oo igala habboon inta ay sida tooska u taabanayso ee noocyada kala duwan ee saxaafadda ku hawlani in ay doocooda iyo dareenkooda ka dhiibtaan. Faro-gelintan Xukuumadda ee laga qayliyay, bal hadda aan eegno sida ay u saamayn doonto habsami-u-socodka saxaafadda xorta ah.

Waxaynu weli dhex-qaadaynaa Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye codadkeennii inaga siistay, bal se aan waxba laga qaban, haddana hadh iyo habeen la ina leeyahay 100% waa la fuliyay oo Xukuumaddan ammaan-jecel ayaa fulisay dhammaantii. Hadal yar oo is-tus iyo is-faanin ahi waxba tari maayo, bal ha yimaaddaan fagaarayaasha lagu doodayo oo burhaantooda ha soo bandhigeen.

Waa Bogga 16aad ee Barnaamajkaa Ballan-qaadka ahaa. Waa mowduuc sharfan oo ku suntan: DHIRRI-GELINTA BULSHADA RAYIDKA AH. Subxaan! Dhiirrigelintuna waa tee. Horto yaanan ka hor-degin ee aan idiin soo gudbiyo waxay mowduucan sharfan ka qoreen. Waxay yidhaahdeen:

“Kulmiye wuxu aamminsan yahay in bulsho rayid ah oo firfircooni ay kaalin mug leh ka qaadan karto horumarka dimuqraadiyadda, sidaas daraaddeed, Xukuumadda Kulmiye waxay diyaarinaysaa jawigii ay ururrada bulshada rayidka ahi ku magooli lahaayeen, waxaanay u dejinaysaa shuruucdii kala hagi lahaa ee wax-qabadkooda midho-dhal ka dhigi lahaa. Kulmiye, wuxu dhiirri-gelin doonaa: In ay samaysmaan ururro xirfadeed/aqooneed oo u taagan isku-xidhka aqoonyahanka, ilaalinta iyo horumarinta aqoonta.”

Faallayn kooban:

Xisbiga kulmiye inta aanu raadin bulsho rayid ah oo fir-fircoon, malaha waxa ka roon in uu isagu marka hore noqdo Xisbi jira oo fir-fircoon. Marka uu Xisbi ahaan qabsan kari waayo shirarkii Dastuuriga ahaa ee farraa, muxu cid ka tari karaaba. Xukuumaddu ma ay diyaarin jawigii ay ururrada bulshadu ku magooli lahaayeen. Taasi wax la rumaysan karo ma aha. Bal, waxaynu odhan karnaa Xukuumaddeenna abaal-daran waxay diyaarisay jawigii ay ku hagaasi lahaayeen ururrada bulshada iyo kuwa xirfadeedba.  25/12/2014ka maxaa ka dhacay Hudheel Ambasador? Maxaa ku dhacay ururkii Suxufiyiinta ee SOLJA? Waxba yaan anigu afka idiin gelin e’, bal raadiya dhagartii halkaa ka dhacday.

Aynu ku noqonno Barnaamajkii. Waa isla Boggii 16aad. Markanna Xisbigeennii hagaasay ee kulmiye wuxu ka hadlayaa: LA-DAGAALLANKA MUSUQ-MAASUDA.

Miyaad yaabteen? Oo maxaad ka yaabteen? Mid meel dhexe taagnaa ayaa cod dheer ku yidhi: “Musuq-maasuqa xaggee lagula dagaallamay? Yaa se la dagaallamay?”

 

Anigii baa shakiyay. Barnaamajkii Kulmiye ayaan dib u eegay. Barnaamajku isaga oo ka hadlaya Musuq-maasuqa wuxu qoray:

 

La-dagaallanka Musuq-maasuqa:

Hadda Barnaamajka Kulmiye ayaan idiin ka soo min-guuriyay, waxaanu qoray:

“Xisbiga Kulmiye, waxay ugu muuqataa in musuq-maasuqu yahay cunsur qayb weyn ku leh ragaadinta dhaqaalaha ummadaha, sababana dib-u-dhaca bulshada ku yimaadda, sidaas darted si loo xakameeyo musuq-maasuqa barriinsaday dalkeenna curdinka ah, wuxu Xisbiga Kulmiye ku tallaabsanayaa:

· Hawl-gelinta shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo ee loo baahan yahay, loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin dabooli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale

Qodobbada ballan-qaadkan beenoobay haddii aynu marka hore wada taxno oo mar ka wada jawaaba is-nidhaahno in aan ku hafanno ayaa laga yaabaaye, aynu xabbad-qaadno:

Faallaynta kooban ee Qodobkan:

Waxay inaga ballan-qaadeen oo ay codadkeennii inaga siisteen in ay: “Hawl-gelinayaan shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo ee loo baahan yahay,”

Hadda markii ay doorashadu dhammaatay ee Siilaanyo ku guulaystay madaxnimadii dalka, waa uu iska dhigay xilkii Guddoomiyannimo ee Xisbiga. Kaadirkii iyo Hoggaankii Xisbigu Madaxtooyadii ma soo gelin ee cid kale ayaa dhexda kaga soo dhacday. Xukuumad kooxaysan oo taladii dalka gacanta ku haysa, iyo Xisbi faro-madhan oo dalcad halkaas ah lagaga soo guuray ayaa loo kala baxay. Sidii Xamarre hadhuudh qun u baxay ku degay ayaa xafiisyadii iyo shaqooyinkii loo boobay. Waxaynu arki jirnay Xukuumado is-beddela oo madaxda sare oo keliya la beddelo. Nimankani markii ay taladii dalka gacanta ku dhigeen ilaa taxatka ayay socdeen.

Waxay dadkii dib u xusuusiyeen tuduc ku jiray maansadii Ibraahin-gadhle ee Dirsooc oo ahaa:

“Durba miyaad illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Deydayo la odhan jiray,”

Waa tuduc ku saabsan madaafiicdii faqashtu ridaysay ee aan cinwaanka lahayn ee la odhan jiray: “Halkii aad doontaba ku dhac.” Sidaas oo kale ayaa dadka shaqada lala doonayo la sheegay in lagu odhan jiray: “Orod soo eego meel lagugu magacaabo.”

Qodobkeennii inoo socday ku soo noqo. Weedhaas hore, waxa lagu kabayaa: “…. loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin dabooli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale.” Bal lama-aragtan kaalaya! Haddii aan been iska dhowro hal mar waa la kordhiyay mushaharka shaqaalaha. Waxa se dhinac taal oo aanu muran ku jirin in sannad walba cashuurta la kordhiyo oo ay Xukuumadeenna Isku-filan had iyo goor ku dooddo dakhligii ayaa kordhay. Waa miisaaniyad qalinka lala dabo-socdo oo mar walba la kordhinayo cashuurta, taasina ay sicir-barar iyo nolosha oo kor u kacda keenayso. Guud ahaanba dalka lacagta ugu badan ee wax lagu kala iibsadaa waa Doollar. Ma innagaa leh? Dhibaato intee le’eg ayuu ku hayaa nolosha mujtamaca sidiisa u tabaalaysan ee Somaliland?

Bal ku noqo Barnaamajkii Kulmiye ee ambadka ahaa. Isaga oo musuq-maasuqa ka hadlaya iyo waxyaabaha laga qaban doono ama tallaabooyinka laga qaadi doono, wuxu qoray:

· Dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuq-maasuqa oo fulinteedu ka timaaddo kor ilaa hoos,

Faallayn aad u kooban:

Idinkaba aan idiin maragsado e’, ma cid baa haysa – aragtay ama maqashayba – siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuq-maasuqa? Miyaan intii hore u jirtay la tir-tirin oo aan wax walba la xalaalaysan. Miyaan cashuurtii wadhatada bakhtigu xalaasha u yahay la jideysan in loogu ololeeyo doorasho aabbaheed goblamay oo aan la garanayn goorta ay dhacayso? Ma cid baa daah ka saran yahay qedooyinka tiro-beelay ee la isugu faanayo?

Waxa kale oo uu Barnaamajkan Kulmiye ka hadlayaa: Hanti-dhowraha Guud. Wuxu qorayaa:

· Madax-bannaanaynta Xafiiska Hanti-dhowraha Guud si uu xilkiisa u guto,

Faallayn aad u kooban:

Qoodhiin iyo xeradiin bal waxay inaga dhaadhicinayaan eega! Madax-bannaanayntu halkee ayay joogtaa? Waa xafiis u samaysan hadba ciddii la maagayo in lagu diro. Yaa isaga laftiisa ka musuq-maasuq badan? Bal idinka ayaan idin weydiiyay e’, meelna ma ku haysaan Hanti-dhowrahaa la sheegayo? Intaa ay jirtay Xukuumaddan aan la mahadin ee Siilaanyo Xisaab-xidh miisaaniyadeed oo la sameeyay weli miyaad aragteen. Hanti-dhowre ayay inoogu sheegayaan, malaha dadkuna wuxu u yaqaannaa Hanti-dhure.

Barnaamaj-baaskii ku soo noqo. Waa Bogga 17aad. Waa faqraddii ugu dambeysay qaybtan aynu ka hadlaynay, waxaanay u dhigan tahay:

· Oggolaanshaha shaqo-gelintiisa iyo shaqo-ka-fadhiisinta Hanti-dhowraha Guud waxa ansixinaya Golaha Wakiillada,

Golaha Wakiillda yaa isla gaadhayba. Sidii loo magacaabay ayuu weli u joogaa qof u dhaamana weligood soo heli maayaan. Maxaa markaa laga beddeliba kol haddii uu u dhammaynayo wax kasta oo ay u baahdaanba.

 

Mid ma diiddani oo xukuumaddan isku-filan markii ay talada dalka la wareegtayba, waxay dhistay Xafiiska ama komishanka la-dagaallanka musuq-maasuqa. Bal se Komishankaasi mid tamariyay ma noqon. Waxaan is-leeyahay Xafiis waa kireysan yahay, shaqaalena waa joogaa, laakiin wax la qabtaa ma jiro. Abidkeen intii aynu soo jirnay maalin ama mar aynu ka musuq badan nahay inama soo marin. Bal qof walowba agtaada uun eeg inta duunyo lagu cunay.

 

Nimankii Kulmiye ee ballan-qaadka darraa bal hadda ma eegnaa, waxay ka qoreen Dhismaha Komishanka Musuq-maasuqa in kasta oo aanay waxba ka fulin. Waxay inoo qoreen oo ay codadkeennii qaaliga ahaa inaga siisteen:

Dhisidda Komishanka la-tacaalidda musuqa (Anti-corruption Commission)

· “Oo shaqadiisu noqonayso in uu dabo-gal ku sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay hantida ummadda,”

In aan ku hafanno Qodobbadan meesha la iska toomiyay ma aha. Aynu xabbad-qaadno oo midba markeeda dhufanno. Cinwaanka ku horreeya. Wuxu u dhigan yahay oo aanan anigu u dhigin ee ay iyagu u dhigteen: Komishanka La-tacaalidda Musuqa.

Hadda ereyga ay adeegsadeen waa la-tacaalid oo noqonaysa la-noolaansho. Ma musuq ayaa lala noolaan karaa oo lala tacaali karaa? Musuqu ma wax lala tacaalaa, mise waa wax lala dagaallamo oo mudan in la dabar-gooyo? Waxay se u badan tahayba in aynaan si u wada aqoonnin musuqa af Soomaaligaba. Iyagu waxay u yaqaaniin musuqa, wax lala- tacaalo, innaguna waxaynu u naqaannaa wax dabar-goyn mudan iyo in la tir-tiro oo xididdada loo siibo.

· Bal amarka Ilaahay, waxay ku xigsiiyeen: “….Oo shaqadiisu noqonayso in uu dabo-gal ku sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay hantida ummadda,”

Dhabanka iyo gacmuhu ma isku kiin engegeen. La-ye waa komishan sahqadiisu noqonayso in uu dabo-gal ku sameeyo cid allaale ciddii lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay hantida ummadda. Waa saddex ereyba: dabo-gal, lunsatay ama si sharci-darro ah ugu tagri-fashay. Intaas ayay kaga hadheen.

Waxay xagga dambe kaga kaabeen ama ladheenba:

· “Dejinta Xeerar iyo Siyaasado ku habboon la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo kor-u-qaadidda maamul-wanaagga lagu ilaalinayo lacagaha iyo hantida qaranka,”

Hadda, beryihii hore waxaynu kala naqaannay oo inoo kala soocnaa waxeenna iyo waxa ay ummaddu leedahay. Waxaynu ahayn dad Somaliland ah oo Ilaahooda yaqaanna. Maanta, kuwii lagu baxsan lahaa ayaa laga cararayaa oo qowlkii Ilaahay si kale u fasiraya, wax kastana xalaalaystay.

Aan u gudubno Bogga 18aad. Hadda waa Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Kulmiye waxan aynu gorfaynaynaa innaga oo ku dedaalayna in aynaan cidna u gefin. Waa tii aan hore idiin ku soo sheegay oo wuxu ma aha barnaamaj si cilmiyaysan loo raseeyay. Waa qalin-daraale qubane ah oo maxaa kaa galay la isugu dhex qubay, illeyn marka horeba dan lagama lahayn ee doorasho ayaa lagu raadinayay e’.

Qodobkan soo socda oo noqon lahaa kuwa ugu muhiimsan ee xagga hore gala, waxa lagu suntaday:

Dib-u-eegista Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka:

Qodobkani wuxu u qoran yahay sidan:

“Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan shuruucda iyo xeerarka kale ee dalka, waxa ku jira qabyo iyo gol-daloolooyin badan oo caqabad ku keena habsami-u-socodka hawlaha qaranka, kuwaas oo marar badan sabab u noqday khilaafaad iyo muranno Dastuuri ah iyo kuwo siyaasi ah oo ka dhex aloosmay Golayaasha Qaranka.

Haddaba, si loo qabyo-tiro Dastuurka iyo qawaaniinta dalka, waxa uu Kulmiye:

· Xurmeyn doonaa una hoggaansami doonaa Dastuurka iyo sharciyada JSL,

· Waxa kale oo uu xurmeyn doonaa go’aannada Golayaasha Baarlamaanka,

· Wuxu magacaabi doonaa guddi khabiirro sharci-yaqaan ah oo daraasad iyo dib-u-eegis ku sameeya Dastuurka iyo Shuruucda Qaranka,”

Horto, waa iga su’aal e’ waxyaabahan aan idiin soo qorayo hore miyaad u aragteen? Kuwan se aan idiin qoro ma akhridaan? Mise, hadal-tiro ayaad u haysataan. Waa Bogga 18aad ee Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Kulmiye. Dibuhabayn ay Dastuurka iyo Xeerarka ku sameeyaan iska dhaaf e’, xataa dib looma milicsa. Awrka ayaa lagu kacsanayay ama kursiga Madaxtooyada ayuun baa lagu fuulayay, markii dhakada looga baxayna dibba looma eegin wixii dadweynaha loogu ballan-qaaday.

 

Waxa igu maqaale ah in nin Kiiniyaan ahi qoray Buug uu ku magacaabay: “Waa waqtigeennii innaguna aynu wax cuni lahayn.” Waxaan filayaa in uu afka Ingiriisiga ku ahaa: “It is our time to eat.” Wax kale kama hadlayn oo aan ahayn in madaxtinnimada iyo kuraasida loo fuulo si wax loo raamsado.

 

Beryihii aanu SNM ta ka tirsanayn ee aanu joognay meelo ay ka mid ahaayeen magaalada Diridhabe ayaa subaxdii la isku bariirin jiray: “Barinnaye, ma barideen.” Gelinka hore ayaa sidaa la isku nabdaadin jiray, gelinka dambena waxa la isku salaami jiray: “oollaye, ma oosheen.” Tan iyo maalintii Isniineed ayaynu kala maqnayn, sannad cusubina waa curtay e’’, barinnaye, ma barideen. Taasi waa salaantii e’, ta daneed aynu u soo noqonno Gorfaynteennii Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ee aan la oofin sida ay ila tahay ama iigu muuqato. Cid kasta oo ra’yi iyo aragti taa ka duwan qabtaa, fagaaraha ha is-keento. Waa halkii maansada Gudgude e’: “Waxba yaan isha la igu gubin, gaabsi ma aqaanne.”

Waa Bogga 18aad iyo dhammaadka xaashidaas. Saaxiibbadeennii Kulmiye waxay ku suntadeen Mowduuc aad xasaasi u ah oo run ahaantii u baahan maareyn dhab ah oo dhinacyada dooddu ka dhaxeyso qanciya. Bal aan ku horreynno sida ay u dhigeen iyo baadi-soocda ay mowduucan ku suntadeen: SIYAASADDA XISBIGA EE SOOL-SANAAG BARI IYO BUUHOODLE:

Summadda ay mowduuca ku dhigteen waa taas. Aan hoos u daaddego oo idiin soo minguuriyo wixii ay ka qoreen ee ballan-qaad afka ah ahaa oo codad lagu doonayay bal se aan dhab ka ahayn, waxaanay qoreen:

“Xisbiga Kulmiye wuxu gaadhsiinayaa Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle, maamulka dawliga ah, kaas oo aan ku iman cunfi iyo xoog ee ku yimid wada-tashi iyo talo-wadaag, haddaba si ay arrintaasi u hirgasho,”

Waa halkii Deelleeyda ee hakad geli. Bal waxay inaga dhaadhicinayaan eega. La-ye maamulka dawliga ah ayaan si nabad ah ku gaadhsiinaynaa saddexda deegaan ee ay kor ku sheegeen ee: Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle. Hadda intii ay xilka hayeen Deegaammadaasi in ay sii durkaan mooyaan e’, marna soo ma ay dhawaan. Oo dagaalladii Kalshalaale iyo Meygaagle ma xilligii Daahir Ra’yaale ayay dhaceen sow tii colaadahaas ay Xukuumaddan Isku-hilan ee Siilaanyo hurisay si ay u demisana garan weyday. Sow tii Hadraawi lahaa:

“Dab waxaa ku guban kara,

In uu daaro mooyee,

Nimaan xeel ku damin karin,”

Aynu ku sii soconno ballaan-qaadyadii afka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ee aan dal iyo dadba la mahadin, waxaanay intaa hore ku kabeen:

“Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya siyaasadda faashilka ah ee Xukuumadda jirta u wajahday ku-lana dhaqantay Beelaha Bariga Sanaag iyo Sool, waxa Xisbiga Kulmiye ballan-qaadayaa in uu wada-hadal kala yeesho Garaaddada iyo Salaadiinta iyo wax-garadka beelahaas waxyaalaha ay tabanayaan, maa daama Xisbigu u arko arrintan iyo kuwo kaleba in la siiyo mudnaanta koowaad.”

Weli ummad inaga ayaan-daran ma arag. Wax walba waa la inagula soo dhacayaa oo la inoo quudhayaa. Kuwan inoo badheedhay iska daaye, innagu miyaynaan indhaheenna iyo dhegeheenna u tudhayn, wax walba miyaa la inoola soo badheedhayaa. Waxay ina leeyihiin: “Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya siyaasadda faashilka ah ee Xukuumadda jirta…” Hadda waxay ka hadlayaan ee faashilka ku sheegayaan waa Xukuumaddii Daahir Ra’ayaale Kaahin. Ma iyagaa gaadhi kara. Sow tii Daahir maalintii xil-wareejinta mahadhada lahaa ereyadii uu ka tegay ay rumoobeen. Sow kii Siilaanyo ku yidhi hadal u ekaa dal mid ah ayaan kaaga tegay ee ha laguugu yimaaddo. Waa maamulkii dardaarankaa ka tegay ka ay faashilka ku sheegayaan. In cid la caayaa se, waa ay iska fududdahay.

Aynu hore ugu sii soconno Barnaamajkii Kulmiye ee aynu Gorfaynta mowduuciga ah ku haynay, innaga oo aan cidna caayayn. Intaa aynu hore u dhignay waxay ku sii kabeen:

“Xisbiga Kulmiye wuxu si buuxda ugu hawl-gelayaa in Beelaha Sool iyo Sanaag-bari doorkii iyo qaybtii ay ku lahaayeen Golaha Wakiillada Somaliland ay buuxiyaan taas oo loo marayo sifo sharci ah, maa-daama aanay doorashadii u dambeysay ee Golahaasi aanay taasi dhicin.”

Waxay ina leeyihiin Xisbiga Kulmiye wuxu u hawl-gelayaa in Sool iyo Sanaag-bari ay helaan qaybtii ay ku lahaayeen Golaha Wakiillada. Miyaad yaabteen? Dee ha yaabina waxa walba waa aynu maqlaynaa intan Xukuumadda Siilaanyo dalka ka talinayso e’. Innagii oo marag ka ah Gobolladii Awdal iyo Selel oo tabashooyin qoraal ah la yimid ayaan Xukuumaddu dhegba jalaq u siin oo laga cabsi qabaa in wax intaa ka weyni dhacaan. Xukuumaddan oo talada haysa ayaa maamulka Khaatumo samaysmay, ilaa maantadaa aynu joognana wax maareyn ah oo ay u hayaan ma jiro oo aan ahayn:”Cali Khaliif Galaydh la hadli meyno.”

Aynu ku sii soconno Barnaamajkii Kulmiye ee ballan-qaadka afka ah ahaa, waxaanay intaa hore ku sii kabayaan: “Xisbiga Kulmiye, wuxu ballan-qaadayaa in uu dheelli-tiro hantida iyo maaliyadda dawladdu u qoondayso gobollada iyo degmooyinka dalka iyo mashaariicda ay bixiyaan Hay’adaha Sama-fallku, lana gaadhsiiyo meelaha mudnaantooda leh.”

Ta ay inoo sheegaanba tii kale ka daran. Waxan ay sheegayaan wax u eg miyaad maqasheen? Wax waxaa la mid ah oo la qabtay se ma haysaan?

Intaa horeba, waxa soo socdaa ka daran. Ma maqasheen: “Waxa soo socdaa yaab leh, wershed suufiyaa daaran.” Illeyn niman nasanaya ma aha oo kursigii ayaa u muuqda e’, waxay ballan-qaadyada aan fulin ku sii dareen:

“Waxa Xisbiga ka go’an in aan cidina lunsan hanti mashruuc meel loo qoondeeyay, sida hantida badan ee Xukuumadda jirtaa u qoondaysay: Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle ee aanay waxba ka gaadhin meelahaas,”

In aynu gaaggaabsanno ayaa fiican, haddii kale waa aynu ku hafanaynaa. Waxay ina barayaan oo ay weliba doonayaan in aynu ka rumaysanno: “…..In aan cidina lunsan hanti mashruuc meel loo qoondeeyay….” Oo miyaynu ka rumaysannaa? Bal madaarrada Hargeysa iyo Berbera u fiirsada oo la ina barayo in la geliyay lacag dhammayd 10 milyan oo doollar oo ay dawladda Kuweyt ku deeqday. Dhal-dhalaal been ah iyo dhismayaal qosol-ku-jab ah ayay wax-qabad inooga dhigeen. Bal madaarradeenna ag dhiga kuwa ku yaal Jigjiga iyo Boosaaso. Subxaan! Tolow xaggee tan lagu kala xisaabayaa? Bal adba!

 

Ballan-qaadkii aan fulin ee Gobollada Bari waxay ku soo xidhayaan: “Xisbiga kulmiye wuxu hirgelinayaa siyaasad aan qabaa’ilka Somaliland kala faddilayn, isla markaana aan bud-dhig u ahayn kala-dir-sooc, isir-raac iyo gobolaysi toona iyadoo ay cid kastaa ay sooyaalka taariikheed ee dalka ku leedahay qaybta ay ka mudan tahay.”

Alleylehe inta dadkii la kala faddilay ayaa la kala geeyay meelo aanay hore godobteennu u gaadhin Subxaan! Nimanka inoo sheegaya in ay Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle hawlaha iyo tabashooyinka ka taagan maareynayaan, miyeynaan arkayn waxa ka soo if-baxay Awdal? Maxaa lagaga jawaabay tabashooyinkoodii? Sow taa ka dartay ee dibiga dhashay.

Barnaamajkii Ballan-qaadkii Kulmiye iyo Garsoorka

Waa Bogga 20aad, waxaanay mowduucan dhowrsoon ee aan la yaraysan Karin ku suntadeen: DIBUHABAYNTA GARSOORKA IYO CADDAALADDA. Garan maayo sababta ay labada erey ee Garsoor iyo Caddaalad mar qudh ah u wada adeegsadeen. Waxan moodayay in ay isku macno yihiin labada erey oo midna afka carabiga ka soo jeedo, ka kalena soomaaliyeyntiisii uu yahay. Bal se haddii ay Xiaysbiga Kulmiye laba macne oo kala duwan u samaynayaan labadan erey, taasi waxay muujinaysaa in  garaad ahaan inooga horreeyaan. Waxba ma leh, waynu hiigsan doonnaa.

Waxay Barnaamajkaa aan fulin ku qoreen:

“Xisbiga kulmiye wuxuu u arkaa in ay caddaaladdu tahay aasaaska nabadda, barwaaqada, midnimada iyo horumarka ummadda reer Somaliland. Sidaa darteed, Kulmiye wuxu ku tallaabsan doonaa sidii caddaaladdu u noqon lahayd mid ummadda wada gaadha. Haddaba iyadoo taas laga duulayo, Kulmiye waxa go’an in uu:”

Kulmiye waxa ka go’ani ha inoo joogaan e’, bal horto marka horeba ma dareenteen in aan ku saxsanaa adeegsigii labadii erey ee Garsoor iyo Caddaalad ee aan ka dardaar-weriyay. Sow ma aragtaan in ereygii Garsoorku iska hadhay oo ay isku soo koobeen ereygii Caddaaladda. Aan eegno haddaba waxay ka yidhaahdeen. Si aad qodobbada isugu xidhitaan, aan idin xusuusiyo qabcaddaa hore ereyadii ugu dambeeyay oo ahaa: Kulmiye waxa ka go’an in uu, hee:

1. Baabi’in doono Guddiyada Nabadgelyada ee sida sharci-darrada ah u fuliya xukunka degdegga ah ee muwaaddiniinta xorriyaddooda lagaga qaado, waa Garsoorka oo keliya Hay’adda awoodda u leh in ay xukun ciqaab ah cid ku riddo

Faallayn kooban:

Guddidan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii uu talada ku guulaystay wuu kala diray, balse adeeggii xanuunka badnaa ee Guddidani qaban jirtay meesha kama bixin, waxaana adeeggoodii amaba mid ka sii liita oo ka xanuun badan qabta Maxkamadaha Gobolka. Waxa booliisku toddobaadkii hal mar amaba laba jeer Maxkamadda hor keenaa dhallin-yaro ciyaalo xaafo ah oo toban-toban loo wado amaba derbi-jiifkii ay ahayd in dawladdu daryeesho oo iyaguna toban-toban loo wado, kuwaasi oo aanu jirin dembi cayiman oo toos loogu soo eedeeyay. Bal se dhammaantood waxa lagu soo eedeeyaa ay sameeyeen falal amni-darro ah, iyadoo loo adeegsaday Xeerkii Nabadgelyada ( Xeer/LR/51/2007) ee hore Guddidii Nabadgelyadu u adeegsan jirtay oo wax yar uun laga beddelay.

2. Wuxu ahmiyad weyn siinayaa dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, iyadoo laga qayb-gelinayo xubno dadweynaha ah oo Golayaashu soo magacaabaan,

Faallayn kooban:

Ma jirto Maxkamad Dastuuriya oo la sameeyay, waana sidii hore oo Maxkamadda Sare oo dhamaan Garsoorayaasheeda, marka laga reebo Guddoomiyaha, uu Madaxwaynuhu isagu kali ku yahay awoodda magacaabidooda iyo erigoodaba ayaa wali ah tan inoo metesha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Eeg: Qodobka: 101 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

3. In Maxkamadaha Hoose la hoos-geeyo Maxkamadda Sare si Garsoorku u noqdo Hay’ad gaar uga baxsan Waaxda Fulinta

Qodobkani ma fulin, xaalkuna waa sidii hore oo Maxkamadaha Hoose waxa miisaaniyaddooda gacanta ku haya Wasaaradda Caddaaladda, erigooda iyo magacaabistoodana waxa sameeya Guddida Caddaaladda oo afarna Golayaashu soo magacaaban, lixda kalena ay yihiin qaar uu Madaxwaynuhu soo magacaabo.

4. In Garsoorku u madax-bannaanaado qorshaynta iyo maamulidda miisaaniyaddiisa lagana fogeeyo in ay Waaxda Fulintu ku yeelato awood ay siday doonto ugu adeegsan karto.

Qodobkanina ma fulin oo dhammaan miisaaniyadda Maxkmadaha waxa xukuma Wasaaradda Caddaaladda, marka laga yimaaddo Maxkamadda Sare oo kaliya.

5. In Xeer-ilaalinta Guud laga saaro Hay’adda Garsoorka,

Qodobkani ma fulin, Xeer-ilaaliyaha Guudna waxaabu ka mid yahay xubnaha ugu fir- fircoon Guddida Ccaddaaladda ee mas’uulka ka ah eriga iyo magacaabista Garsoorayaasha, iyada oo aynu kor ku xusnay in dhinaca kalena uu Xeer-ilaaliyaha Guud yahay kan soo sameeyay eedaha dacwadaha ciqaabta ah ee Garsoorayaashu ka gar naqayaan,

6. In Dastuurku dammaanad-qaado muddo-xileedka Garsoorayaasha Maxkamadda Sare,

Qodobkani ma fulin, mana jirto wax mudda-xileed ah oo Garsoorayaasha Maxkmaadda Sare leeyihiin. Madaxwaynaha ayaa marka uu doono si toos ah u magacaaba una  erya iyada oo aan Golaha wakiillada la marin, marka laga reebo Guddoomiyahooda oo Golaha Wakiilladu ansixiyo,

7. In Dastuurku dammaanad-qaado in Garsoorayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef hawl-gabeed oo munaasib ah (pension).

Qodobkani is-na ma fulin, iskana daa in la siiyo hawl-gab e’ Garsoorayaasha musharkooda iyo gunnada u qoran waxa badan gunnada oo mushaharkoodu waa mid aad u hooseeya, wax kale oo daryeel ahna ma qabaan, waliba Garsooraha marka sidaa loo eryo ayaa wax walba laga jaraa, kooda xanuusanaaya iyo kooda wax kale ku dhacaana cidiba war uma hayso, waxaana dhacda in qaarkood iyagoo xanuun la il- daran in shaqo ka-saaristiisiina uu ka maqlo warbaahinta.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Additional information