Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

dadkii-sow-tan-haadkiyo-haanraawe-boobeen Q 1aad

Waa halkii Timacadde e', "Waxba yaan araar tiigsan iyo, tooxistii gabaye." Beydka aan taxanahan gaaban ku suntaday ama cinwaanka uga dhigay ee ah: "Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen,"

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen"

Daarihii burburay shalay,

Waxa maanta kaga daran,

Iimaan-darraantiyo,

Nabaad-guurka Diintiyo,

Kaga dhacay damiirkoo,

Dal waxaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,

Maansada Daba-taxan ee Gaarriye, 5/1/1997kii, Hargeysa,

Hargeysa, 28/2/2015ka,

Hordhac:

Waa halkii Timacadde e', "Waxba yaan araar tiigsan iyo, tooxistii gabaye." Beydka aan taxanahan gaaban ku suntaday ama cinwaanka uga dhigay ee ah: "Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen," waxaan ka soo ergistay Hadraawi. Ereyga "Haanraawe", wuxu ka mid yahay ereyada aan hadda sida aadka ah loo adeegsan. Qaamuuska Soomaal, wuxu ereygani ku macnaysan yahay dugaagga inta hilib-cunka ah.

Intaa aynu ballaysin iyo ararba ka dhiganno. Aan uga gudubno dulucda iyo ujeeddada aynu ka leenahay taxanahan gaaban ee Sabtiilaha noqon doona ee aynu ku suntannay: "Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen."

Waa taxane aynu ku soo qaadan doonno mowduucyo la xidhiidha waayahan cakiran ee ay dal iyo dadba badday Xukuumaddan faan-jecel faallo-neceb. Waxaynu kaga hadli doonnaa Xukuumaddan wax-qabadkeedii dhaafi la' yahay dhagax been ah oo meel la dhigo iyo waxaan sakaaro ka biirsan oo hadba la yidhaahdo Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jaraya. Haddii ay wax macno leh ahaan lahaayeen, Madaxweynaba looma kaxaysteen oo inta Odeyga da'daas ah inkaar laga shaqaysto hadba meel looma kaxeeyeen. Hadda waa kuwii dad ugu xigay iyo intii uu xilalka ku muuneeyay ee ku muraadsatay.

Bal ka warrama waddooyinka marka dhowr kiilo mitir la dhoob-dhoobaba Madaxweynaha iyo Xukuumadda oo dhan loo kaxaynayo. Malahayga, waddada Kalabaydh iyo Tog-wajaale u dhexeysa ayaa waddooyinka Hargeysa ka baxsan ugu gaabnayd oo Madaxweynuhu dhowr jeerna wuu dhagax-dhigay, dhowr jeerna wuu furay. Waxa intaa dheer dhowrka jeer ee hadba Wasiir xilka lagula dul-kufay la jibbaysan oo hallowsani xadhigga ka jaray ama isku soo sawiray. Guriga Martida ee magaalada Sheekh Madaxweynuhu safarkiisii dhawaa mar labaadkii ayuu dhagax dhigay. Hadda waa magaalada Sheekh oo Madaxweynuhu markii uu marayay ee ka hadlayay uu ku dheeraaday inta jeer ee ay magaaladaa wax isu yihiin. Waa halkii Cabdi Iidaan Faarax e': "Anigu daaha kama erogin, dadku se waa yaqaannaa."

Wax-qabadku sidiisaba is-ma qariyo. Wixii wax-tar u leh mujtamacan tabaalaysani is-ma qariyo, umana baahna in la sheeg-sheego. Faanka, tookha beenta ah iyo shalaan dhaliyay goolkaas oo dhaqan iyo caadaba u noqday Xukuumaddeennan Kursi-jecel Kadeed-badan, malahayga laga roon. Wax-qabadka iyo goolasha la dhaliyaa iyaga ayaa isa sheega, umana baahna Wasirro kuraasida ku mamay oo dalka iyo dadkaba dib ugu celiyay nidaamkii keli-taliska ahaa ee laga soo guuray in ay dadweynaha iyo Madaxweynaha ku mashquuliyaan wax aan sidaa u sii ridnayn.

Hadraawi miyaanu maansadiisii Jiitama ee 1984kii, mar uu ka hadlayay hafarkii iyo been-sheeggii nidaamkii millateriga ahaa ee aan la mahadin, ku odhan:


"Dheeha muuqa guudkaa,

Nuxur looga dhigayaa,

Haddii ay dhabeel tahay,

Dadka lihi ku dhaataan,

Wuxuun dheef ah lagu qabo,

Dhag-dhag iyo durbaan iyo,

Dharba looma baahdeen,

Ninka dhacanta jiitow,

Dharka ceebta qariyaa,

Hadaf iyo dheh maahee,

Dhaqan suubban weeyaan,"


Si dhab ah oo mowduuciya marka aynu u hadalno ama wax u qornaba, Xukuumadi iskama hadasho ee waxay raacdaa abbaar iyo tilmaan qorshaysneyd oo ay dejisatay. Xukuumaddeennan 'Kacaan-u-eg' ee aan la mahadin, waxa ka soo hadhay dhagxaan si macno-la'aan ah dalka loogu saydhiyo, ubaxyo been ah oo qoorta la isu geliyo iyo wax-qabad-ku-sheeg sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka hillaaca oo hadba safar ma-dhalays ah oo aanu ka geyoonayn Odeyga la geliyo, in kasta oo ay immika runtii albaabbada ku garaacday nidaamka dalka ka taliya oo safarkii ugu dambeeyay ee Berbera lagu tegayba diyaarad loo adeegsaday.

Xukuumadaha dhabta ah ee jira laba arrimoodba waa lagu yaqaan, waana lagu cabbiraa ama dhudhumiyaaba wax-qabadkooda:

  1. Barnaamajka Ballan-qaadyada ah ee Xisbiga talada haya ama ku guulaystaa ku galo ololaha,
  2. Qorshaha shan-sannadoodlaha ah ee ay Xukuumaddu dhigato,

Barnaamajkii ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ololaha ku galay 2010kii, halkii ay ku tuureen maalintii ay guulaysteen cidi kama soo qaadin. Kaaga daran e', Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo ay talo gacanta ugu jirtaana ma jiro oo guri-caskii lagaga soo guuray ayuu ku garbo-duuban yahay. Taladii iyo guddoonkiiba waxay yaalliin Madaxtooyada, waxaana gacanta ku haya dad aan doonin markii ay Maandeeq hallowday. Kuwaasaa dambarkii Maandeeq dhamaya. Intii sallaxa u soo barkatay ee siigada u soo huwatay waa ku marti, haddana 'Gurey waa warramayaa, Guulna wuu akhriyayaa.' Mararka ay meelahaa hadalka ku dibbiro-dhacsanayaan, ayay yidhaahdaan: "Waa Xukuumaddii wax-qabadka." Dadku se waxay u yaqaanniin Xukuumadda 'Dha'da afarro-maran' (square four). Waa Xukuumadda: Dhul-boobka, lacag-Dhaansiga, Dhoofka iyo Dhar-xidhashada.

Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa iyo Hiigsigii (Vision) soddon-sannadoodlaha ahaa sidii ay u daabacday Wasaaradda Qorshayntu dib indhaha looma saarin, cid ku shaqaysaana ma jirto. Waxa inoo soo hadhayba waa hawl-maalmeedka joogtada ah ee ay Xukuumad wal oo adduunkan joogtaaba u soo kallahdo. Haddii ay intaa wax soo raacaan waa waxyaabaha yar yar ee gole-ka-fuulka ah ee la leeyahay hadba meel ayaa laga furay ee Madaxweynaha lagu mashquuliyo.

Taxanahan waxaynu ku gorfayn doonnaa Murashaxnimadan Xisbiga Kulmiye ee dhuumaalaysiga noqotay sidii filim-kartoonka Tom iyo Jerry. Waaxaynu kaga hadli doonnaa ololayaashan galbeedaysan ee bari ka socda iyo sida loogu ballan-furay Madaxweynihii Murashaxa ahaa. Hadda dibad loogama iman Odeyga ee waa intii ku xeerrayd ee uu ma-huraanka u haystay.

Taxanahan gaaban, waxaynu kaga hadli doonnaa dibudhaca lagu riday qarannimadii aynu u soo halgannay ee aynu labaatanka sannadood dhisaynay. Maamul-wanaaggii, dawlad-wanaaggii, dibuheshiisiintii, nabadayntii, geeddi-socodkii dimuqraadiyadeed iyo wada-tashigii aynu ku soo caano-maallay ee laga jaqaafiyay, taladii iyo tusmadii dalkuna ku ururtay gacmaha tirada yar ee dal-jacaylka iyo dad-jacaylkuba sida aadka ah ugu yar yihiin. Taxanahan gaaban waxaynu ku gorfayn doonnaa wada-hadalladan ma-dhalayska ah ee Soomaaliya lagula jiro ee lagu wiiqay laguna naafeeyay qarannimadii iyo madax-bannaanidii Somaliland. Waxaynu kaga hadli doonnaa dhul-boobka iyo daaro-dhiska, dibad iyo gudaba ka socda ee lagu lunsanayo hantidii ummadda. Mowduucyada kale ee aynu taxanahan ku soo qaadan doonno waxa ka mid noqon doona guryahan iyo dhulkan dawladda ee muquunada loo siinayo dadka aan mutaysan ee weliba laga yaabo in ay qaarkood dibindaabyo ku hayaan ummaddan sideeda kaleba u tabaalaysan. Waxaynu kaga hadli doonnaa casuumadahan kumaankunka qof loo samaynayo ee dheecaankii wadhatada lagu bixinayo iyo mowduucyo kale oo badan ama aan sidii habar-wadaaggay, saaxiibkay Maxamed Moogeba u idhaahdo e': Iyo qaar kaloo badan........Iyo qaar kaloo badan.

(La soco Sabtida dambe, haddii Eebbe idmo)

 

 

Additional information