Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 2aad

Bisinka iyo Yaasiinka.....Tabaaragga iyo Tiirka bir ah. Illeyn ibtiloba waa dadkii aad la dhalatay ee aad wax walba la wadaagtay ha ku quudhsadaan oo ha kaa dhigaan waxaan dhammayn ee kala dhiman oo inta kale ka hooseeya.

 

 

 

 

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen"

Dummaddooda lala dhacay,
Daw-dhaafka Yibirkiyo
,
Dala’siga Tumaalaha
,
Dulmanaha la qaybsaday
,
Digashada xanuunka le
h,
Deel-qaafka Boontiyo
,
Dalmarow ma dhaaddeen?

Maansada 'Dulmanaha la quudhsaday' ee Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir)

Dadkan la hayb-soocayaa: Ma xil baanay mudnayn? Ma xurmaanay lahayn?

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hargeysa, 6/3/2015ka,

Bisinka iyo Yaasiinka.....Tabaaragga iyo Tiirka bir ah. Illeyn ibtiloba waa dadkii aad la dhalatay ee aad wax walba la wadaagtay ha ku quudhsadaan oo ha kaa dhigaan waxaan dhammayn ee kala dhiman oo inta kale ka hooseeya. Illeyn aafoba waa dalkii aad ku dhalatay ee aad ku dhaqantay kuwii kugula dhashay ee aad dub, diir iyo diinba wadaagteen ha kaa duudsiyaan xuquuqdaadii ma-guraanka ahayd ee Ilaahay kuugu deeqay.

Bal ka warran adiga oo aan wax galabsan oo aan waxna geysan haddii intaas oo magac iyo naanaysood laguu bixiyo oo ay weliba maansooyin iyo maah-maaho raacaan. Bal ila eega magacyadan sandahan ee aynu ku takoorno dad inala mid ah oo aynu dal, diin iyo dhaqanba wadaagno.. Oo maxaa ka mid ah? Waa Gabooye......Waa Midgaan......Waa Yibir.......Waa Yaxar......Waa Boon.......Waa Tumaal......Waa Anaas.......Waa dadka la-hayb-sooco......Waa dadka tirada yar.......Waa Reer Daammi......Waa dadka laga tirada badan yahay. La is-ma weydiiyo cidda ka tiro badan, iyaga oo ah qowmiyadda keli ah ee gobol kasta iyo degmo kastaba dalka ka deggen. Magacyadaa ummadda aan waxba galabsan lagu quudhsanayo, ilaa inta aad doontaan wada. Maanta oo dhan ka daali meysaan haddii aad waddaan, wax garowshiiyo ahna ka bixin meysaan. Waxaan u jeedaa qoloda laan-dheerennimada sheegata ee Ajiga.

Weli ma is-weydiiseen, wixii aad dareemi lahayd haddii dalkaaga ay kugu xaqiraan, kugu quudhsadaan, kugu hayb-soocaan dadkii aad kula dhalatay ee Ilaahay idinku wada uumay? Maya, ma malayn karaysid. Run ahaantii wax la malayn karo maaha. Bal u fiirso mararka aad maqasho in reerkiinnu gun yahay, dareemmada ku dhasha qofka Soomaaliyee ee weliba qabka raacatadu ku weyn yahay. Miyaanay qoriga haab-haaban. Hadda Ilaahay iyo Maxamedkii uu smaha ku uumay marka la af-lagaaddeynayo laan-dheerayaashu ama Ajiguba sidaa uma xanaaqaan qorigana uma haab-haabtaan.

Dhuule Cali wuxu ahaa Cumar Dhuule Cali aabihii. Waxay ku dhaqnaan jireen magaalada Burco oo ay ka soo jeedaan. Cumar-mahdi se in badan ayuu dal maray oo Burco ka-sokow, waxa kale oo uu ku soo noolaaday: Berbera, Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo magaalada Diri-dhabe oo uu ku noolaa sannadihii ugu dambeeyay

Cumar Dhuule oo ay saaxiibbadii u yaqaanneen Cumar-mahdi ayaa nooga sheekeeyay arrin ku soo maray magaalada Burco. Waxaanu joognay magaalada Muqdisho. Cumar-mahdi oo suuqa Burco jooga ayaa nin ku yidhi : "Midgaan." Cumar-mahdi ayaa ereygii aad u dhibsaday. Ninkii Midgaan ku yidhi ayuu candhuuf ku tufay. Ninkii ayaa saldhiggii bilayska tegay oo soo ashkateeyay. Buuggii dhacdooyinka (Occurence Book: OB-iigii) ayaa lagu qoray. Ninkii saajinka ahaa oo saldhigga joogay ayaa Cumar-mahdi askari u diray oo u yeedhay.

Cumar-mahdi ayaa la keenay. Saajinkii ayaa ku yidhi: "Ninkan candhuuf ma ku tuftay." Cumar-mahdi ayaa yidhi: "Haa oo waan ku tufay." Saajinkii ayaa ku yidhi: "Oo maxaad ugu tuftay." Cumar-nahdi ayaa ugu jawaabay: "Wuxu igu yidhi Midgaan." Saajinkii ayaa inta uu qalinkii dhigay ku yidhi: "Oo miyaanad ahayn?" Cumarna si fudud ayuu ugu jawaabay: "Bal maad nusa-saace qudh ah ahaatid in aad u dul-qaadato."

Cumar-mahdi wuxu si ay xikmadi ku jirto u qeexay xanuunka iyo xummadda ay dareemaan dadkan dadkii la dhashay ay takoorayaan ee xaqirayaan. Sheekadu waxay ku dhan tahay: "Bal maad nusa-saace qudh ah ahaatid in aad u dul-qaadato." Midgaannimadu, waa waxaas uu Cumar Dhuule sidaa fudud ee la wada garan karo u macneeyay. Waa haddii wax lagu qaadanayo.

Dadkan aynu ka hadlaynno takoorka iyo xaqiraaddu qof qof ayay ugu dhacaan. Qolo ahaan ayay ugu dhacdaa. Qowmiyad ahaan ayay ugu dhacdaa. Waxa ku sameeya qof. Waxa ku sameeya oo takoora qolooyin la isku yidhaahdo Aji oo ay iyaguna u yaqaaniin Talaamiin. Waxa kale oo ay u yaqaanniin Qaryad. Waa ummad qarniyaal la soo quudhsanayay oo hoos loo dhigayay, bal se keni adag oo ka nool waxaas aynaan nusa-saacaha u dul-qaadan karayn ee marka gun baad tahay la inagu yidhaahdo aynu qoriga ula boodaynno. Iyagu is-ma dhibaan giirna iskama kiciyaan ee waa kuwaa masaabiirta ay kabaha inoogu tolayaan daasadda biyaha inoogu ridaya ee marka aad soo dul joogsato inagu leh: "Waa ay radayaan," ee aynu ka rumaysanayno ee ka noqonayno. Caqli iyo garashana halkaas ayay ka joogaan.

Qolo, qolooyin, qaran, qowmiyado iyo qofafba innaga oo ah ayaa u quudhsanna. Intaba aad ayay u dhibsadaan oo waa aynu arkaynaa oo dareemaynaa, haddana kama deyno, kama naxno ee waa aynu ku sii wadnaa. Takoorradaa dhinacyada badan kaga imanaya si uma wada arkaan umana wada dareemaan in kasta oo ay mid kastaba dhibsadaan. Qofka iyo qolada quudhsata sida ay ugu dul-qaataan uguma adkaystaan Xukuumadda talada dalka haysata ee aan ka war hayn waayaha ay ku sugan yihiin iyo sida ay uga arradan yihiin xuquuqdii ma-guuraanka ahayd ee Ilaahay u dhashay ee aanay ahayn in ay cidina ka qaaddo.

Mowduucan quudhsiga iyo takoorku waa mid xanuun badan oo soo taxnaa gu'yaal aynaan tiradooda garanayn, welina socda, goor uu dhammaanayana aanay cidina garanayn isla markaana saadaalin karin. Waxay u muuqataa in ay dadku ka soo bogsanayaan qofaf iyo qolooyin labadaba haddii aynu eegno. Haa.....Marar ayay dhegahaaga ku soo dhacayaan dhallinyaro dhiirratay oo is-guursatay.

Sartu waxay ka qudhuntay oo laga dardaar-werinayaa Xukuumaddeennan Isku-filan Isku-boga ee aan dareensanaynba in ay dhiilladani oogan tahay oo qayb wax tar leh oo mujtamaca ka mid ah loo sadqeeyay.

Dadkan quudhsiga iyo takoorka loo sadqeeyay ee qarniyada hoos looga eegayay kama ay helin xuquuqdoodii, qaylo-dhaantii ugu weyneydna maalmahan ayay ka soo yeedhay. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddan fadhiidka ah ee dhoofka iyo dhar-xidhashada ku mashquulsani marna ma ay jalleecin dhiillada iyo dhibaatada dadkaa haysata Intaas oo isku-shaandhayn ah ayaa la sameeyay oo an marna la xusin.

Waa qaybta ugu nugul mujtamaca isla markaana gacanta ku haysa hawlaha xirfadeed ee ummaddu sida joogtada ah u adeegsato. Mujtamacan xuquuqdoodii laga duudsiyay lama siin fursad ay xuquuqdooda ku helaan iyo qaabab ay ummadda aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ugaga faa'iideeyaan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, Kulmiye iyo Xukuumaddan fadhiidka ah la arag ee wixii rajo laga sugaaba waa labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Barnaamajka ay soo dhigaan ee ay doorashada ku gelayaan. Intaas oo keliya kuma koobna e', waxa kale oo la dhowri doonaa siday Barnaamajkaa u dhaqan-geliyaan haddii ay doorashooyinka soo socda ku guulaystaan.

"Dhurwaaguba xabaalaha,

Kuma dhaadhaceenoo,

Kuma dhiirradeen ruux,

Celin kara dhawaaqee,

Markuu meydka dhiilliyo,

Dhaqdhaqaaq ka waayuu,

Hore ugu dhawaadaa,

Dhinacyadiyo feedhaha,

Muruqyada \ka dheegtaa,"


Maansada, Dhahar ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

Hargeysa, 14/3/2015ka,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hal-xidhaalaha Istanbuul

Hordhac:

Istanbuul.......Istanbuul......Istanbuul ayaa beryahan dhegeheenna ka badatay. Magac magaalo oo ku cusub dhegeheenna ma aha. Haa! laga yaabee in uu da'-yarta ku cusub yahay, bal se tagtadeennii iyo waayadii hore waa la maqli jiray. Ma Turkigii xilliyada qaar dalka ka talinayay baa....Ma Bad-mareennadii iyo Bad-maaxyadii ayaa inoo keenay. Beryahaa hore waa la maqli jiray magaca Istanbuul. Beyd ku jiray maanso la odhan jiray Hammi oo uu tiriyay Sheekh Ismaaciil oo aan u malaynayo in uu reer Berbera ahaan jiray oo manaahiijtii Dugsiyada ku jiri jirtay ayaa ahaa: "Istanbuuli cadar layma marin, udugna way daaray."Ninkii doobta weynaa ee Tmacaddena arartiisa waxa ku jirtay: "Istanbuul ha laga naadiyee, maan addimo caawa." Hadda, waa xilli ku sinnaa dhowr iyo afartankii oo uu ku sugnaa Itoobiya. Malahayga beryaha qaarna, hablaha waa loo bixin jiray. Hadda waa sida aan is-leeyahay. Waa beryihii Yurub, Istarliin, Baarliin,Dahraaan iyo qaar kale oo la mid ahba lala bixi jiray. Waxa kale oo aad loo adeegsadaa magaca ama ereyga Turki oo ay Soomaalidu lababa u aanayso: xoogga oo ragga ah iyo quruxda oo dumarka ah.

Xaaji Af-qallooc ayaa laga hayaa: "Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa." Xukuumaddeenna dhar-xidhashada iyo dhoofkuba u cusub yihiin, 26kii Juun, 2010kii ayay ku timid doorasho ay dadweynuhu codkooda si xor ah oo xalaal ah ugu dhiibteen. Dadweynuhu, is-beddelkaas markii hore si xamaasad leh ayay u soo dhaweeyeen iyaga oo ujeeddooyin ka lahaa, bal se aan Xisbigan aan la mahadin ee Kulmiye iska caashiqin. Waxay filayeen in ay ku ciil dhacsan doonaan. Xqiiqadiina waxay noqotay in ay doobiyo quus ah dib u durduurteen.

Tan iyo 1991kii, markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay la-soo-noqoshada madaxbannaanidii Somaliland, waxa ka reebbanayd Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland in ay wax xidhiidh ah la yeeshaan Xukuumadihii iskaga dambeeyay iyaguna dalkaa Soomaaliya. Hadda, Jamhuuriyadda Somaliland kama ay goosan dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, bal se waxay la soo noqotay madax-bannaanideedii ay sida ikhtiyariga ugu darsatay Soomaaliya si loo xaqiijiyo midnimada dalalkii ama ummadihii la isku odhan jiray Soomaali-weyn oo aanay maanta fikraddaas waxba ka sii oollin. Waa sida ay tahay in ay dadku u fahmaan, una adeegsadaan la-soo-noqoshada halka ay dadka qaarkii ka adeegsanayaan 'goosashada.' Wax la goostay ma jiro bal se xornimo iyo madax-bannaani si fool adaga lagu hantiyay ayaa loo sadqeeyay mideyntii shucuubtii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qoqobay.

Qaantii Lixdankii:

26kii Juun 1960kii, Somaliland laba daw ayaa u furnaa. Mid waa ay dooratay, midna waa ay iska xidhay. Labadaa daw waxay kala ahaayeen: In ay gaarkeeda isu taagto oo ay noqoto Jamhuuriyad madax-bannaan oo iskeeda u taagan. Amba in ay ku darsanto ama raacdo Gobolkii kale ee Koonfureed ee Soomaaliya. Jamhuuriyaddii Somaliland ee lixdankii dhalatay, waxay door-bidday in ay ku darsanto ama raacdo Gobolkii Koonfureed, sidaasna ay ku samaysantay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee lixdankii.

Go'aankan geesinnimada lahaa ee ay qaadatay Jamhuuriyaddii Somaliland maalintaa 1dii Juulay, 1960kii oo ku suntanayd maalinta xornimada Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa loo yaqaannay 'Isku-darkii ama Is-raacii', labadaas Gobol. Hadda, ogaada wax midnimo la yidhaahdaa ma ay dhicin oo iyada xaqiijinteedu waxay rumoobaysay marka ay shantii Gobol ee berigaa la isku-dari jiray is-raacaan, taas oo aan marnaba dhicin ee noqotay riyo beenoowday. Intii ay Somaliland u qaamaysnaan lahayd shucuubta Soomaaliyeed ee afarta Gobol ee kale ku nool ee la odhan lahaa isku-darkii iyo midnimadii iyagaa hagraday, Alleylehe afarta Gobol ee Soomaaliyeed ha u qaamaysnaadaan Somaliland. Maalin maalmaha ka mid ah oo aan fogayn ayay taariikhdu ka gar-niqi doontaa, abaal-gadkaa shacbiga Somaliland ku dhacay. Kaasi waa nabar.

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-gadhle, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e', Maansadiisii Dir-sooc ee uu 6dii Abriil, 1990kii ka hor akhriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, markii ugu horreysay, isaga oo ka maansoonayay siyaabihii loogu darsaday Soomaaliya iyo ujeeddooyinkii laga lahaa, miyaanu odhan::


"Lixdankii dadkaygow,

Markaad dawladnimadii,

Diiqada u bixiseen,

Deg-degsiinyo mooyee,

Doqonniimo ma ahayn,

manaydaan dembaabine,

Shantii kala dab-raacdaad,

Dermo qudh ah u gogosheen,

Isku-duubnideenniyo,

Daacad baad horseeddeen,

Shaxda kama il-duufine,

Sidaan damacsanaa iyo,

Sida Dooddi yeelaa,

Kala-durugsanaadee,

Dayrtii hillaacdiyo,

Deylo curashadeedii,

Daaqii ku soo baxay,

Diir iyo wax baa cunay,

Haddaan duubi wada jira,

Dedaalkaygi lagu helin,

Dar Allee abaalkay,

Waxa dumay ku suuree,"


Haddii uu Ibraahin-gadhle isku-darkii intaa ka yidhi, waxa iyaduna xus iyo xusuusba mudan tuduc ku jiray Deelleeydii 2aad ee Cabdi Iidaan Faarax ee Daad-wararac ee uu ku soo dhaweynayay madax-bannaanidii iyo Jamhuuriyad-noqoshadii Jabuuti 27kii Juun, 1977kii. Cabdi Iidaan Faarax oo maansadaa tiriyay 3/5/1980kii, waa kii lahaa:


"Dadka Reer Jabuutiya,

Dawladnimada tooda ah,

Cidna aan iskaga darin,

Waa deris walaalnimo,

Dugsi weeye gacalnimo,

Anigu waan ku diirsaday,

Lama dira-diraalayn,

Ha daar-daarin waa gobe e',

Sidaas kuguma diiddani,"


Intaa iyo kadabaa markii uu ku yidhi Reer Jabuuti oo madax-bannaanidooda door-biday ayuu tuduc gaaban oo dardaar-werin ah ku tuuray nidaamkii Siyaad Barre ee markaa dalka ka talinayay, waxaanu intaa hore ku dabo-karay:


"Dood kalena waxay tahay,

Doon-doonisteennii,

Deg-deggii is-raacii,

Shantii la isku dari jiray

Didisaye u yeedh-yeedh,"


Wada-hadalladii 8aad:

Laga soo bilaabo bishii Feeberweri, 2012kii ilaa maanta waxa la kulmay toddoba jeer oo meelo kala duwan lagu shirayay sida London, Dubai, Istanbuul iyo Jabuuti. Markii 8aad ayaa lagu ballansanaa Istanbuul. Waxaa shirar dhacay wax ka soo baxay ma jirin. Laf baa toobin lagu hayay. Somaliland, nusqaan soo gaadhay mooyaan e' waxba kama ay dheefin. Qarannimadii iyo madax-bannaanidii ayaa weydoobay. Ictiraafkii la raadinayay ayaa sidii doonnidii Nimco Yaasiin ku heestay bad-weynta ku sii durkaysay. Shirkan 8aad ee Istanbuul lagu ballansanaa ayaan suurtoobin markii wefdiga Somaliland Istanbuul ku diiday in ay la kulmaan wefdigii Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen shan xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland.

Wefdiga Somaliland iyaga oo Hargeysa jooga ayay ogaayeen dadka iyo magacyada Somaliland ka soo jeeda ee wefdiga Soomaaliya ka tirsan. Sir iyo caadba xaqiiqadaa idaacadaha iyo TV-iiyada ayay ka sheegeen. Kuwa Soomaaliyana waa ay ogaayeen. Diidmadu ma ay dhicin intii carriga Soomaaliyeed la joogay, bal se waxay dhacday markii Istanbuul la isugu tegay. Dawgu wuxu ahaa in ay Hargeysa iyaga oo jooga diidaan, bal se waxay ka door-bideen in ay horto Istanbuul tagaan oo ay halkaa ku diidaan.

Akhriste, si aynu arrinka u wadaagno su'aasha 'Miliniumku' waxay tahay: Maxay wefdigeennu u doonayeen in ay marka hore Istanbuul tagaan? Maxay halkan ugu diidi waayeen?" Ka soo jawaaba oo saxaafadda u gudbiya.

 

 

http://3.bp.blogspot.com/-H04q_gUzxOw/TwJRrJMOVEI/AAAAAAAAHf0/k6BTACMj77M/s1600/image007.jpg"Daarihii burburay shalay,

 

Waxa maanta kaga daran,

 

Iimaan-darraantiyo,

 

Nabaad-guurka Diintiyo,

 

Kaga dhacay damiirkoo,

 

Dal waxaan ku noolahay,

 

Saddexdii dalaaqood,

 

Lagu furay dadnimadii,"

 

 

Maansada Daba-taxan ee Gaarriye, 5/1/1997kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

 

Hargeysa, 21/3/2015ka,

 

Xukuumaddeenna Kadeed-badan Kacaan-u-eg la-ye waa Kal-ceebeed

 

"Meyd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa la sii sido." Waa odhaah Soomaaliyeed oo hal-hays iska noqotay aadna loo soo xigto. Ma maqasheen beyd ku jiray Maansada Gudgude ee Hadraawi oo ah: "Miyaan Geeddi-baabbuu arladu, gelinba waayaynin." Ta aynu aragnaaba tii hore ka daran.

 

Maanta dal ahaan iyo dad ahaanba tii oo kale ayaa ina haysata, waxay Xukuumaddeennan Isku-boga Isku-filan meelo badan ka sawaabisa ama ka shaabahdaaba 'Kadeedkii Oktoobar' ee aan la mahadin. Faanka iyo tookha waa ay ka siman yihiin. Weliba teenna ayaa baro-dheeraysay. Kadeedkii Oktoobar waxa lagu yaqaannay in ay dabo-gasho cid kasta oo xidhiidh la yeelata qof kasta oo wax ka sheega ama siyaasaddeeda naqdiya. Xukuumaddan ammaan-jecel dhaqankii caynkaas ahaa ayay yeelatay oo dadka dab-gal aan bir-ma-geydo lahayn ayay ku haysaa. Nin aad ii qiimaynayay, aniguna aan aad u qaddariyo oo aannaan beryahaa is-arag ayaa maalin dhaweyd igu yidhi: "In aan ku arko ayaan jeclahay oo haddana aan la isku keen arag." Ma gacmihii iyo dhabannadii ayaa isku kiin dhegay. Annagii soo halgannay, ayaa ninkii halganka keligi sheegtay sidaa noola dhaqmayaa. Macnihii ereygii shariifka ahaa ee Halgan ayaa la meydhaamay oo immika cid kale sheegataa. Tolow ma erey ay leeyihiin ayay samaysan kari waayeen oo sidaas ayay curinta uga arradan yihiin.

 

Waxyaabaha kale ee ay ka siman yihiin waxa ka mid ah magacan Siilaanyo ee aad mooddo in uu wardiba u noqday xil-ma-dhaadka dal iyo dadba la ambaday ee xilalka booliga ah ku-ragga ah. Bac dabayshu ood sudhay haddii ay haleelaan oo inta ay ka damqadaan ka gooyaan, TV-yada ayay u yeedhanayaan, markaas ayay odhanayaan: "Maanta bac dabeyli sidato oo ay ood sudhay ayaanu ka goynay, annaga oo ka shidaal-qaadnayna tusmooyinkii iyo tusaalooyinkii Madaxweynaheenna amran ee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan, Siilaanyo." Hadda Macallinkii dalkan beryaha qaar ka talin jiray looma dhaafin jirin Siyaad Barre. Alleylehe 'Kacaan-u-egtan' inagu habsatay ayaa baro dheeraysay. Kuwii sidaa ugu wardiyayay ayaa warraaqoodii laga fadhiyi waayay markii uu Ninka weyni warqadda u qoray oo saaxiibnimo iyo waxaan loo fadhiyin ku meeraystay. Hadda annagu lama aannaan yabin annaga oo ilaa 1976kii naqaannay. Xataa xilalkan ragga qaar u ooyayaan annaga ayaa ka codsannay in uu naga qaado oo weliba uga mahad-celinnay.

 

Intaasi, ha ii noqoto arar dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego. Dufan-jecesha ururtay iyo dibna-leefta tarantay ee doorkan maanta soo baxday aan ku daaddego. Horto nidaamkii aynu ka adkaannay ee burburay ninkii hoggaamin jiray naaneysihii badnaa ee uu lahaa, waxa ka soo hadhay oo keliya Macallinkii. Show innaga ayaan dhaadin e', boqol ama kuman ayaa ku dabo-jiray oo maalinba mid inagu soo baxayaa.

 

Wax kale oo dhanba dhiga oo Sabtiilahan aan isku koobno Dufan-jecesha ururtiyo Dibna-leefta tarantay ee doorkan maanta soo baxay, sida aan ka soo dheegtay Deelleeydii Cabdi Iidaan Faarax. Dhaqammadii aan la mahadin ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre waxa ka mid ahaa iyada oo hadba qof qoyskiisa ka mid ah loo xidho il dhaqaale oo uu keligii maalo, dadweynuhuna meel ay joogaanba dhabarka iyo xanjaadka kaga jabaan.

 

Tusaale nool miyaad doonaysan oo la taaban karo oo maanta ka jira Somaliland? Ma run baa dee? Mise waad kaftamaysaan. Intaa haddii aan dhigay ayay halkan ka soo burqadeen Bah-weyntii Macraddada Baabuurta oo xanaaqa aburka saydhaysa. Ku-ye, noo sheeg tusaale nool oo la taaban karo. Aniguna is-maba dhibin e' waxaan ku idhi waa kan idinka idin haysta ee loogu wan-qalay Ilaalinta Tayada Baabuurta ee dabinka looga samaystay Dekedda Berbera. Sacabkaa la wada tumay.

 

'Kacaan-u-eg' iyada oo ka shidaal-qaadanaysa duruustii dhaxal-galka ahayd ee Macallinkii weynaa ka tegay, illeyn curin iyo hal-abuur waa ka hungo qaawan e', ayay hadba faal rogaysaa....hadba baal rogaysaa......hadba taar diraysaa oo leedahay: "Maantana maxaa cusub? Halkeen cuud ka doonnaa?" Waxay hadba aleesha daadisaba oo koobka bunka ah guntiisa daalacataba, waxa u soo baxay in ay qoyska ku naas-nuujiso mashruuc ma-dhalays ah oo la yidhaahdo Xafiiska Ilaalinta Tayada Baabuurta. Ubadkeeda booli-daaqa ahi meel fog ma ay tagaan e', kambalka ayay hadba mid war-mooge ah ka soo dabtaan. Markanna faalku wuxu qabtay hindi-baaniyaal ama carab-bunjaabi. Adigu mid laga soo qabtay Khaliijkan aan inagaba fogayn. Daasado inta uu soo urursaday ayuu ku leeyahay Baabuurta soo degta ayaan ku eegaynaa hufnaantooda. Oo ka dibna? Dee midkiiba 80 ilaa 100 doollar oo keliya ayuu bixinayaa. Intaa waxay ku daraan marka ay iidhehda samaynayaan: "Waa qiime aan ku eryayn." Dab liqaanu idin nidhi.

 

Madaxweynuhu iyo Xukuumaddiisuba waxay ka dheregsan yihiin in aanu dalkaba iman oo aanu dekeddaba ka soo degin baabuur cusubi. Xeerkii Gaadiidka ee Golaha Wakiilladu oggolaaday wuxu qorayaa in la maro dhinaca midigta, shukaantuna bidixda ku taallo. Haddii aanay baabuur cusubiba inoo soo degin, maxaynu tayadoda eegaynaa? Dawlad iyo dadweyne cidina baabuur cusub lama soo degto. Malaha wax cusub Hay'adaha oo keliya ayaa soo iibsada. Iimaan-la'aantooda baabuurtaa gacan-labaadkii ah ayay mishiinno tayadooda baadha ula soo degayaan. Hay'addaa dhami Xeer iyo Xaagaan ay ku fadhidaa ama ku dhisan tahay ma jirto oo aan ahayn, dabinka Wasaaradda Hawlaha Guud ee shir-qoollada caynkan ah saldhigga u ah. Waa boob cad oo aan geedna loogu soo gabban. Waa dhac iyo boob aan garowshiiyo lahayn, oo tusaale nool u ah rajo-xumida Xukuumaddeennan aan sidii ayaxa waxba hanbaynayn.

 

La-ye tayada baabuurta ayaa la eegayaa. Tafantoof idin dil oo tagoogaha ka jaba. Maxay kaga tageen dalkii sow kuwaa feentay ee lafihiina dhuuxay ma aha. Ma wax baa u hadhay! Hadba mid ay noolaynayso oo qoyska ah ayay meel u xidhaa. Ma tigidh baasaboor lagu dhejiyaa! Ma qandaraasyada madarrada ee naas-nuujinta loo bixiyaa! Ma liisannada soo socda ee qoyska qaar ka mid ah lagu xoolaynayaa! Dee wada uun ilaa inta aad ka daalaysaan, ma cid baa idin ku qabsanaysa.

 

Maanso la yidhaado Seetadii oo Timacadde lahaa ayaa waxa ku jira beyd odhanaya: "Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay dumiyaan." Wuxu ka hadlayay gumeysigii Afrika barriinsaday. Aniguna maanta waxaan odhan lahaa: "Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay sarrifaan." Waa Xukuumaddeenna 'Kacaan-u-eg' oo habeen oo dhan toosh la meeraysanaysa si ay u hesho baloodh yar oo la iibiyo. Aan ku soo xidho tuduc uu Timacadde lahaa oo ku saabsan sida dhulka loo dhisho ee loo dhaxal-wareejiyo isaga oo ka hadlayay maamulladii rayidka ahaa, waxaanu yidhi:

 

"Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

 

Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,

 

Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, baan la dheygagay,"

 

 

Timacadde, berigaa wuxu dhaaday ama dareemayba in Soomaalinnimadii la iibsaday isaga oo garan la'aa qiimaha la siistay. Hadda taa teedii ayaynu taagan nahay oo waxaynu la dheygagsannahay Somalilandnimadii waxan la dhaafsaday inta uu qiime ahaan joogo. Hadda in la iibsaday caad inagama saarna oo waa tan xaalba noqday naas-nuujinta, bal se ilaa maanta qiimaha ayaynaan garanayn.

 

 

Aan kaga baxo: "Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso." Waa beyd Gudgude ku jiray.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Additional information