Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 3aad

Lacag-laac iyo Doollar-daaq. Waa magacyo la tumay oo ah laba laba erey oo la isu barkiyay. Waa ifafaalaha muuqda iyo sanqadha ugu badan ee dhegeheenna ku soo dhacda, tan iyo maalintii Xukuumaddan Siilaanyo dalkan ku habsatay.

 

 

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen"

Doqon yahay maseyrkiyo,

Danni lagu maarriimee,

Deeqdii Ilaahay,

Deel-qaaf ka mudataay,

Adigiyo Dan-galadaa,

Da' kastoydin qooqdaan,

Waxa aydin dihataan,

Daratiyo ma caal baa,

Maansada dirkeediyo,

waxa lagu dun-soocaa,

Degelkiyo dhirteedee,

Heellada ma danadiyo,

Dibowgaad ka gurataan?

Maansada Daahyaley, 11/3/1980kii ee Hadraawi, Muqdisho,

Lacag-laac iyo Doollar-daaq

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hargeysa, 4/4/2015ka,

Sabtiilihii hore, aniga oo aan ka afeefan ayaan ka baaqsaday in aan idiin soo qoro. Dalka ayaan ka maqnaa oo wiilkaygii oo Jabuuti ku xanuunsanayay ayaan dul fadhiyay. Raalli ha la iga ahaado.

Lacag-laac iyo Doollar-daaq. Waa magacyo la tumay oo ah laba laba erey oo la isu barkiyay. Waa ifafaalaha muuqda iyo sanqadha ugu badan ee dhegeheenna ku soo dhacda, tan iyo maalintii Xukuumaddan Siilaanyo dalkan ku habsatay. Waxba yaan la idin ku wareerin Xisbi Kulmiye la yidhaahdo ayaa talada dalka haya. Waa run oo Xukuumaddan la eeday ee la dagaalay magaca Xisbiga Kulmiye ayay xukunka dalkan curdinka ah ku qabsatay. Xukun-qabsigaasi wuxu dhacay 26/6/2010kii. Markii ay labada Madaxweyne xilka la kala wareegeen 27/7/2010kii, waxa hubaal ah in aanay reer Kulmiye soo gelin Madaxtooyada bal se garan-waa aan la aqoonnin halka ay sallaanka ka soo halabsadeen ayaa sidii diirta dal iyo dadba cunaha iskaga duubay. Tan iyo maalintaa sidii ayaynu u sirirsan nahay una sirirsanaanaynaa haddii aynaan tab iyo xeel iskaga fur-furin diirtan aan waxba hanbaynayn sidii ayaxa. Weliba koronkorrada ay beereen ayaa inagaga daran. Ma maqli jirteen: "Waxay na badeen, waxay na bareen ayaa nagaga daran." Sanqadh-tirasho iyo suulasha oo lagu socdo ayaa la inaga rabaa. saamo-jiidka iyo gacmaha oo la saydhaa inaga reebban inta saymaha Xukuumaddan laga gudbayo.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e', Macallin Gaarriye ayaa laga hayaa suugaan cusub oo la tiryo looma baahna, kol haddii ay tii hore shaqaynayso. Miyaanay runtii ahayn.

Weedhaa sugan ee Macallin Gaarriye waxaynu u cuskanaynaa Maansada Daahyaley ee Hadraawi tiriyay 11/3/1980kii. Waa 35 sannadood ka hor. Bal maansadaa hodanka ah ku beega, ku cutiya ama ku cabbiraba waayahan cakiran ee ay Xukuumaddan fadhiidka ahi dal iyo dadba badday.

Daahyaley aynu tuduc kale ka soo qaadanno innaga oo isku dayayna in aynu si cad u qeexno nidaamkii berigaa taagnaa iyo kan baas ee maanta inagu habsaday waxay wadaagaan. Hadraawi, wuxu berigaa yidhi oo maantana aawan oo taagan:


Midho Daray raggiinnaa,

Duudduub ku liqayow,

Kolley geedka duuggiyo,

Taariikh la daystoo,

Laga diirto magac hadha,

Sida diirta xagatoo,

Dadnimada arradisee,

Dib maxaad u dhigateen,

Duniduba ma maantaa,

Dab cunaanu idin nidhi,


Xukuumadda maanta dalka ka talisa sanqadh keliya ayaa u baxaysa. Waa sanqadh lacageed. Sannadihii dul-saarka ahaa ee aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd ayaa hal-hays loo lahaa: "Sanqadh baa u baxaysa." Alleylehe, Xukuumaddeennan ma-hanbeeya ayay silsiladdaasi u baxaysaa.

Waxay maqashaaba waa lacag. Lacag.......Lacag.......Lacag. Mararka aarkood iyaga oo aan is-ogeyn ayaa waxa ka soo dhacda: "Khasnad madhan ayaanu u nimid, annagana khasnad madhan ayaa nalaga dhaxlayaa." Allow ma run. Ballanka Eebbahay in aanay Dirham kaga tegayn khasnadaha immikaba haawanaya.

Sida loo hodmay ama loo taajirayba miyeydaan arag. Bal hadda Daahyaley ma ku yar noqonnaa oo ma uga kitaab-daynaa maal-qabeenka iyo hanti-beenaalayaasha doorkan maanta soo baxay ee dheecaanka wadhatada ee loo loogay ku mamay. Hadda Cabdi Iidaan Faaraxna wuxu u yaqaannay: Dibna-leefta tarantay, Dib-ka-naaxay shaac-baxay iyo Dufan-jecesha ururtay. Allow ma run!

Daahyaley, ku soo noqo. Mid ka mid ah kuwii dalqada indhaha ku lahaa ayaa ina hor maray. Daahyaleyna ku-te:


Diricaasi waa kuma?

Dawdar weeye shalay jiray,

Durba sow kan jeedladay,

Dhistay aqallo daah weyn,

Tolow duubka yaw xidhay,

Had muu tobanka doonyood,

Dekedaa ku soo xidhay,

Had muu dunida gaarkeed,

intuu daawashaw tegay,

Demesh iyo wixii yiil,

Sida daad u soo rogay,

Kaftankaas dareenka leh,

Dan-yartaa ku heestee,

Dadka ma anigaa baray?

Derejada hummaagga ah,

Magacyada dul-saarka ah,

Dorraad soo gadaal-baxay,

Maxaa laygu digayaa?


Ma been baa maansadan la tiriyay 11/3/1980kii ee waayaha maanta dalkeenna ka taagan lagu cutinayaa? Xukuumaddan baas intii aanay talada maroorsan bal is-weydiiya magacyada aad ku hadaaqdaan ee hal-hayska noqday in ay jireen iyo in kale.

Sanqadhii baxdaaba waa lacag. Lacag.....Lacag......Lacag. Iimaanka Alle idin ka qaad. Miyaanay indhahoodu wax kaleba arag!

Guddoomiyihii Baanka Dhexe la-ye waxa lagu eryay 500,000 oo Doollar oo uu diiday in uu bixiyo, markaasaa mid Xamar laga soo waariday. Wasiirkii Maaliyaddu waxa la leeyahay 1,500 Doollar oo Haamaha Shidaalka la leeyahay 'Laab' ayaa loo soo siiyay ayuu eeday. Haddii ay intaa wax u raacaan diyaarintii Miisaniyadda 2015ka ayaa leeyahay Xafiisyo-u-yaallo dabinno ah ayuu miisaaniyadda waxba ugu dari waayay. Baabuurtii soo degaysay lacag la saaray oo boob iyo xaaraan ah ayaa xuddun u ah murannada taagan. Maktabadda Gaandhi oo la iibiyay ayaa iyadana sanqadheedii baxaysaa. Dal, dad, dan kale iyo ictiraafkii hallaabayba waa la illoobay. Daamankii iyo dalqadii ayay la daalaa-dhacaayaan sidii ay u doojin lahaayeen. Wixii intaa u soo raacaa waa dhoof, dhar-xidhasho iyo dhul la iibiyo.

Aan ku soo gunaandno, ducadii iyo dardaarankii Daahyaley, innaga oo dadweynaha ku dhiirri-gelinayna in ay iyagu guusha yeelan doonaan, waxaanay tidhi:


Cadawgaagu duurkiyo,

Hadduu doogga cawskiyo,

Dareemada ka badan yahay,

Adiguna dab baad tahay,

Digo shidan hadduu yahay,

Adna daad socdaad tahay,

Damal adag hadduu yahay,

Adna danab dhacaad tahay


Dadweynaha ayaana guulaysan doona, taasina waa hubaal. Muddo-karaar iyo muddo-kordhin tii uu dalbadaba nidaamkani waa kii dool-dhaqaaqa. Runtuna waxay tahay in aynu:

Daba-gelisyadiisiyo, Dad-qal waa ka adag nahay,

Dhammaad

Waa inoo Salaasada, 7/4/2015ka iyo qormo Sabtiile kal-kaal ah oo aan ugu mahad-celinayo intiinnii iga soo tacsiyadaysay geeridii Mujaahid Diiriye Boobe (Madaxey), naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e'.

 

 

Additional information