Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 5aad

Waxba soo araaran maayo. Milaygeedii iyo maalinteedii midnaba ma aha. Maciishaddan cirka isku shareertay ee dad-sameega ah ayaa ugu mudan. Xukuumaddan ay cashuur-kordhinta kaga dhegtay ee ay cajaladdu ka qabsatay ayaa mowduuc-horaad kale weyday.

 

 

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen"

"Kol baa Qudhucu Damal yahay,

Kolna wuu duqoobaa,

Kol buu dogob engegan yahay,

Dabeyl iyo ufaa rida,

Dildillaaca xaabada,

Dumarradu xambaaraan,

Dab alkumayna waw xigay,

Dambas baa u aabbo ah,

Ma wax kaa dednaa baa?

Maansada 'Awrka dooh ma lagu yidhi' ee Cabdi Iidaan Faarax, 7/4/1980kii, Hargeysa,

Xukuumad Doorasho-diid ah iyo astaynta maalinta doorashada

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hargeysa, 25/4/2015ka,

Waxba soo araaran maayo. Milaygeedii iyo maalinteedii midnaba ma aha. Maciishaddan cirka isku shareertay ee dad-sameega ah ayaa ugu mudan. Xukuumaddan ay cashuur-kordhinta kaga dhegtay ee ay cajaladdu ka qabsatay ayaa mowduuc-horaad kale weyday. Hadal-haynteennu waxa kale oo ay u badan tahay doorashooyinka inagu soo fool leh. Mowduucyo kale oo maalmahan halkudheg u noqday iyaguna waa ay jiraan. Dekedda Berbera hadal-haynteeda iyo hugunkeeduba ma yara. Dhowr arrimood oo ma-dhaafaan ah aynu baacinno oo Sabtiilahan si kooban ugu soo qaadanno. Waxba yaan idin ku raajinne aan soo hormo-geliyo:

Maciishadda iyo nolosha cirka isku shareeray:

Waa Xukuumad aan is-maqlayn oo aan is-arkayn. Shaashadaha inta ay kuu soo fadhiistaan ayay dadkii xilalka ugu sarreeya hayay ku odhanayaan iska ilooba Doollarka. Geesta kale shirkadihii gaarka ahaa ayaa adeegsigii doollarka lagu haystaa. Hadda juwannadii Xukuumaddu lacagta ku qaadaysay waxa ku qoran SL Sh haddana cashuurihii iyo wixii kugu waajibay doollar aan caqligaaga gelayn ayaa lagaaga qaadayaa. Kii doollar ahaa is-na maxaa haysta. Jeebab aan buuxsamayn ayaa loo samaystay. Shandado aan buuxsamayn ayaa loo soo diyaarsaday. Boorsooyin aan dirganayn ayaa loo soo toshay. Meelna in uu salka dhigo waa looga dhaartay. La-ye khasnadihii Xukuumadduba waa haawanayaan. Xaaladdu waxaba kagama duwana kiishkii afkiisu Boorame joogay, dabadiisuna Kismaayo gaadhaysay ee odeygii Cawaale laga guntay ama laga reebayba. Haddana intaa "Guray waa warramayaa, guulna wuu akhriyayaa." Subxaan! Tolow halkee la inagu kala xisaabi doonaa?

Astaynta maalinta doorashada:

Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga oo raacaya Qodobka 14ad, Faqraddiisa 1aad oo dhigaysa ee Xeerka 20aad ee 2001ki: "Komishanku wuxuu awood u leeyahay: in uu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro."

Komishamka Doorashooyinka Qaranku intaas ayay si rasmiya ugu dhawaaqeen iyaga oo intii aanay baahin ka hor la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo ay la kulmeen hoggaanka saddexda Xisbi Qaran intaas oo ah daneeyayaasha dhabta ah ee u tartami doona doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay u soo jeediyeen in ay qaban karayaan 1da, Juun, 2015ka.

Yaa muddo-kordhinta sannadka ah ka mas'uul ah ama lahaaba:

Doorashadu waxay ahayd in ay qabsoonto 26ka Juun 2015ka. Komishanku se waxay inoo sheegeen in ay qabsoomi karto haddii Eebbe idmo 1da Juun 2016ka oo tii Soomaalyana ku qorshaysan tahay in ay qabsoonto. Halkaa waxa ka muuqata in doorashooyinkeennii muddo hal sano ah dib u dhaceen. Ya haddaba ka mas'uul ah? Tororogta Xisbiga Kulmiye, marka aynu ka tagno si fudud oo ilmaha sebiga ahi garan karo aan u dhigno. Waxa la inagu kordjiyay waa sannad. Ka badan ayaa la rabay ee waa aynu ka dagaallannay. Sannadku waa 12 bilood. Lix bilood oo ka mid ah sannadkaas waxa kordhisay Xukuumaddeennan wax-ma-tara tookh-badan. Marka ay diiwaan-gelintu dhammaato, waa Xeer in lix bilood oo aan hawl la qabanayn la iska fadhiyaa. Xukuumadda ayaa Xeerka ku darsatay oo waa tii Golaha Wakiilladaba lagu inqilaabi gaadhay ee RRU-dii qabsatay. Waxa soo hadhay lix bilood. Intaana waxa kordhisay Madaxtooyada oo magacaabistii Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Madaxtooyadiiba ka soo bixi weyday. Ma idiin bayaanshaa oo hortiinna caanaha ma idiin ku badhxaa? 9/4/2015ka Komishanka Doorashooyinku Madaxweynaha waxay u gudbiyeen maalinta ay Diiwaan-gelintu bilaabmayso. Mudane Siilaanyo sidii lagu yaqaannay muddo ma uu haysan e', 12/4/2015ka ayuu si rasmiya ugu dhawaaqay maalintaas diiwaan-gelinta loo asdeeyay. Magacaabistii Komishanka sidaas oo kale kama yeelin ee bilo ayay Madaxtooyadu haysatay. Lixda bilood ee kalena sidaas ayay ku lumeen. Bal hadda immika waa taa loo gudbiyay maalinta doorashadu qabsoomi karto ee u-maalin-tiriya inta uu haysto.

Waxa dadkii isu qaban la': Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye horumar la yaab leh ayay sameeyeen iyo doorashadii ay ku dheereyn lahaayeen oo ay ka baqayaan. Sideedaba Xukuumad intii ay xilka haysay wax qabatayna, doorasho kama baqdo.

Haddii lixda bilood ee la iska fadhiyo ee diiwaan-gelinta ka dambeysa meesha laga saaro, doorashooyinka waxa la qaban karaa bisha Diisambar 2015ka. Aniga oo Haweenkeenna sharafta leh u deynaya dhegtooda midig, car dhegta bidix ayaan is-qabanayaaye Xukuumadda iyo Kulmiye oo is-xambaarsani ha oggolaadaan in lixdaa bilood meesha laga saaro. Ma iyagaa ku dhaca. Doorashaba waa ay ka baqayaan oo waxay kaga dhegtay muddo-kordhin laba sannadood ama/iyo ka badan ah si ay u sii feentaan wixii yaraa ee ka hadhay hantidii Qaranka.

Dekedda Berbera:

Dekedda, iyada warkeedu tan iyo Xamar ayuu taxan yahayba. Shaashadaha marka aad daawato ee aad Mareegaha qaarkooddna dheehato, waad is-illaaweysaa oo garanba meysid halka aad joogto. Xukuumaddan aan la mahadin ee dalka maanta ka talisa ayaa wax kasta oo dhiig iyo dheecaan lagu soo hooyayba ka dhigtay waxaan qiimo lahayn. Qarannaimadii iyo madax-bannaanidii Somaliland shilalka ay dhigtay hore inooma soo marin. Bal ka warrama Dekeddii Berbera oo ay Xukuumadda Somaliland iyo ta Soomaaliyaba ka wada hadlayaan. Waa lama-arag, lama-maqal ugub ku ah dhegeheenna iyo indhaheennaba. Dhacdooyinkaa dheg-xarraanka iyo il-fashaqaba leh loogama horrayn Xukuumaddan fadhiidka ah ee dal iyo dadba ku habsatay. Bal dib ugu noqda intii ay Somaliland jirtay. Nidaamkaa baas ee Siilaanyo ka hor miyaad maqasheen ama aragteenba dawlad-baasta Xamar oo dalkeenna iyo dekedaheenna inagu haysta? Jawaabtu waa maya. La inoogama horreyn bishii Feeberweri, 2012kii aynu bilownay wada-hadallada Soomaaliya. Dillaaliintii iyo mallaaliintii maalintaa gacanta ku dhigay qaddiayaddii Somaliland ayaa dhiilladaa ina baday. Tan iyo maalintaa waxa muuqata in aanay waxbaba inoo kala soocnayn. Abwaankeennii weynaa ee Cabdi Iidaan Faarax ayaa tan oo kale si fiican u dhigi jiray. Bal tuducan aan ka soo xigtay maansadiisii Daad-wararac u fiirsada:

"Waxay dameertu hooyada,

Dabada uga nuugtaa,

Debec iyo isku hallayn,

Ma danbaabidhee garo,"

Mararka ay TViiyada iskaga jawaabayaan, dadku waxay moodayaan in ay is-diiddan yihiin, iska soo hor jeedaan ama laba wax oo kala duwan kala yihiin. Xaasha! Waa isla wax keliya. Weedhaha la isu dirayaa qaar la isku durayo ma ahaa ee dulucda iyo ujeeddaduba waxay yihiin baaq ah:

"Demmen wayska huruddaa,

Docda Bari ka laba gura,"

Dhammaad

 

 

Additional information