Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

La kordhiye yaa loo kordhiyay....kordhinta dambena yaa loo kordhinayaa?

Taxanaheennii toddobaadlaha ahaa ee "Dadkii sow tan Haadkiyo, Haanraawe boobeen," dabri meynno e' aynu yar dagagarro. Ka raagi meynno e', waa aynu ku soo noqon doonnaa.

 

 

 

 

La kordhiye yaa loo kordhiyay....kordhinta dambena yaa loo kordhinayaa?

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcShS8qxXgaYdpOvoDGrA8W7Hf2hdA8umxylvUQd_GQiuepLb0xo"Xilligu waa goor-xun saar,

ANd9GcQNhrNK2SaHJwPxQYPlRPa6OImEyykCykgP3DlnnUHaJaIYqRyrMg

Gegaa lagu dheelayaa,

Shacbigu ka-garsoore yahay,

Waxaa guul sheegan kara,

Cidday u gartaan iyagu,

Haddaad tahay guur-u-meer,

Garaabo adoon qub-qubin,

Adoon ummadda isku gubin,

Dadweynaha soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari,

Abaalkana waa gudnaa,

Waxaad noo gashee horiyo, WADDANI FEEJIGAN

Gadaal waxaad maaggan tahay,

Bal noo sheeg waa golee,"

Maansada Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005kii, Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hargeysa, 2/5/2015ka,

Qormada: 1aad

Taxanaheennii toddobaadlaha ahaa ee "Dadkii sow tan Haadkiyo, Haanraawe boobeen," dabri meynno e' aynu yar dagagarro. Ka raagi meynno e', waa aynu ku soo noqon doonnaa.

Taxanahaa aynu yar hakinnay aynu ku dul-lisno Taxane gaaban oo maalinle ah oo dhowr maalmood inoo socda, haddii Eebbe idmo. Waa maalmaheedii......Waa maalmihii loo iilan jiray murtidii iyo meexaanihii Macallin Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e'. Waa maalmihii qalinka la dhaarin jiray ee sidii Macallinka lagu odhan jiray: Qalinyahow mindiyo, ii noqo maddane, khadkan hoo murka, kii macallinka ah, ee midab-caska ah. Tuducan dambe aan Macallin Gaarriye u cudur-daarto oo ku soo xidho: Qormadaydan mudan, midig aad tartide, meded baan ku idhi. Waa arar dadabgalkeedii.

Shalay markii aynu la dagaallamaynay nidaamkii la eeday ee la dagaalay ee Siyaad Barre, waxaynu ku jirnay halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ahaa oo ay SNM horseed ka ahayd. Maantana waxaynu ku jirnaa halgan habaysan oo dimuqraaddi ah oo qaran-badbaadin ah oo uu Is-bahaysiga Mucaaradka ahi horseed ka yahay. Tuugna ma xado. Wixii aynu qoriga ku soo dhacsannay ayay haad iyo haanraawayaal isu tegay doonayaan in ay qalin inagaga maroorsadaan oo Xamar iyo godad hore la inooga qaniinay ay qandaraasyo kula galaan. Ma iyagii wax la og yahay sameeyay ee qarannimadeennii fasaqay ayaa cid eedaynaya. Innaguna qalinkaa mid ka fiiqan iyo qowl san ayaynu xaqeenna iyo xurmadeennaba ku ilaashanaynaa, wixii inaga dhacmayna ku soo dhacsanynaa.

Muran iyo is-qabqabsi ma weyno. Wax kalena ma aha. Waxa meesha ku jira maah-maahdii Soomaaliyeed ee ahayd: "Waayeel waa ayo iyo waa innaga oo aan is-yeel-yeelayn."

Halkii Timacadde ka dardaar-werinayay lixdannaadii ayaynu weli taagan nahay. Sow kii lahaa: "Waagii dillaacaa naxdimo, dihin laa sheegaa." Subxaan! Tolow goor ma ayaa la dejinayaa reerkan daalay. "Miyaan Geeddi-baabbow arladu, gelinna waayaynin," iyaduna waa dardaar-werintii Maansada Gudgude.

Xukuumaddeenna isku-filan durbaanno ayay tumaysaa. Mashxaradda iyo alalaaska waad yaabtaa. Waxay duddubinayaan in ay guulo ma-dhaafaan ah, lama-illaawaan ah soo hooyeen oo ay horumar la yaab leh sameeyeen. Horumar aan hortood cidi samayn iyaga oo mararka qaarkoodna berri iyo waxa soo socda ka sheekeeya oo yidhahda Xukuumad naga dambeysaana ma samayn karto. Hadda waa awoodo aanu beni-aadamkuba lahayn ama yeelan karinba oo Ilaaha Maxamed samo ku uumay oo keliya u sugnaaday. Subxaan!

Mar sidaas ayay u hadlayaan oo horumarka iyo wax-qabadka cidina kulama tartanto. Marna waa ay baqanayaan oo kelyo iyo geesinnimo ay doorashada ugu badheedhaan ma hayaan, maxaa yeelay wax alle yaale wax ay qabteen oo ay la soo shir tagaan ayaan jirinba. Sidii Boqor Axmed Ugaas u sheegay haddii ay wax qabteen doorashada waa ay ku degedegi lahaayeen inta aanay midhaha ay ka-been-sheegayaan engegin. Xaqiiqadu se waxay tahay in aanay irbad dun gelin oo aanay meerisna tolin, hadimo iyo hagardaamo ay dal iyo dadba badeen mooyaan e'. Waa halki Hadraawi e', gambo iyaga oo aan la soo bixin ayay doonayaan in guulo lagu waabo. Wixii nidaamkii Siyaad Barre ka xishooday oo dhan ayay ku tallaabsadeen. Nidaamkaas waxaynu isku haysannay Xuquuqdeenna iyo madax-bannaanideenna ee iskuma aynaan haysan daaro, jagooyin iyo dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera.

Kaaga-daranta, waa kuwan markii ay male iyo maaro kale waayeen ku meeraysanaya laba sannadood iyo ka badan oo loo kordhiyo. Xataa haddii loo kordhiyo oo ay amarka Ilaahayba dhammaystaanba muddadaa loo korrdhiyay, ma waxaad moodaysaan in ay doorasho gelayaan. Muraadkoodu wax kale ma aha oo aan ahayn wixii ay boobi karaan labadaa sannadood in ay boobaan. Su'aasha ugu daran ee 'Miliniumka' ee ay dadweynuhu meel ay joogaanba is-weydiinayaan waxay tahay: "Ha la kordhiyo e' yaa loo kordhinayaa." Mararka qaarkood dad baa halkaa ka sii gudba oo yidhaahda: "La kordhiye, yaa loo kordhiyay." Waayo dadku waxay ka dheregsan yihiin xaaladda hoggaamineed ee dalkan tabaalaysani ku sugan yahay iyo sida ay uga dardaar-werinayaan intii hoggaankan aan la mahadin ku xeersanayd.

Si aan taxanahaygan gaaban u suntado, Qodobbada aynu ku qaadaa-dhigi doonnaa waxay ka koobnaanayaan:

  1. Mowqifka Mudane Siilaanyo ee Muddo-kordhin loo sameeyo,
  2. Madaxtooyada ama Xukuumadda yaa ka aamminsan Muddo-kordhinta?
  3. Muxuu wax uga qaban waayay Madaxweynuhu haddii aanu aamminsanayn muddo-kordhin?
  4. Yaa Xaq, Xeer iyo Xaagaanba u leh in ay cayimaan maalinta doorashada?
  5. Golaha Guurtida iyo dareemmadii ka soo noqday cayimaadda maalintan ka dib,
  6. Golaha Guurtidu maxay xaq dastuuriya u leeyihiin?
  7. Gunaanadka taxanahan,

Aniga oo si kooban oo la wada garan karo idiin ku soo gudbin doona taxane-maalkan kooban, waxaan magan idiin ka ahay in aydaan iga hadhin oo aanu idin ka lumin xidhiidhka sheekada iyo ma-hadhooyinka xanuunka leh ee ay xambaarsan tahay. Si kooban haddii aan u idhaahdo akhriska uun ha igu gabina, mowqifka ay idin la noqotana waad qaadan kartaan. Waa marxalad aad xasaasi u ah oo uu marayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay. Hareeraha in aynu ka wada joogsanno oo aynu danta guud xeerinno weeye. Ma aha maalmihii dhandhamada iyo dhuuniga. Ma aha maalmihii laba-boglaynta iyo laba-gar-daymooddka. Waa maalmihii geesinnimada iyo go'aan-qaadashada adag ee dal iyo dadba danta u ah.

Aan idiin ku bilaabo mowqifka Madaxweynaha illeyn madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto e':

 

Mowqifka Mudane Siilaanyo ee Muddo-kordhin loo sameeyo:

"Gar waa loo islaan," ayay maah-maahdu ahayd. Ma aha in aan Madaxweynaha ka sheego wax aanu ahayn si aan idiin ku qanciyo ra'yi aan qabo ama aamminsanahayba. Tan iyo Khudbad-sannadeedkiisii 2013kii, haddii aanan khaldanayn Madaxweynuhu dhowr jeer ayuu meel fagaare ah ka caddeeyay in aanu diyaar u ahayn isla markaana doonayn in muddo-xileedkiisa maalin loogu daro. Sheeko iguma aha ee dhowr jeer ayaan muuqal ku daawaday isaga oo sidaa u hadlaya, runna waan uga qaatay. Shakhsiyad aan immika baranayo ma aha Madaxweynuhu oo in badan ayaan si dhow iyo shisheba ula soo shaqeeyay.

Komishanka Qaranku markii ay go'aamiyeen in ay doorashooyinka qaban karaan 1/6/2016ka, mas'uulki ugu horreeyay ee loo sheegaa Madaxweynaha ayuu ahaa. Milgaha iyo maamuuska qarannimo ayaa caynkaas ah. Sidaan ka maqlay looga-qaateenka Madaxweynuhu waxba kuma diidin. Maalin iyo laba ka dibna - 22kii Abriil, 2015ka - waa kii gudbiyay ee Guurtida warqadda rasmiga ah u qoray. Sidaas ayaan u aamminsanahay in aanu Madaxweynuhu waxba ka qabin bal se taageersan yahay maalintaa ay Komishanku cayimeen. Uurkiisa kuma jirno oo daalacan meynno ee waa inta aanu guudkiisa ama afkiisa ka maqlaynno ama ka arkaynnaba.

Intaasi waa Odeyga iyo aragtida uu ka qabo doorashooyinka iyo maalintan uu Komishanku sheegay in uu ku qaban karo. Dareenkan waxa ag yaal oo aan mugdi ku jirin aragti kale oo ka dhex aloosan guriga Madaxtooyada ee dal iyo dadba looga taliyo oo ah in Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka muddo-kordhin loo sameeyo oo weliba lagu sar-gooyo muddo laba sannadood ah. Arrintani mid dahsoon ma aha, waxaana loo aanaynayaa in ay sal iyo raadba ku leedahay Xarunta Madaxtooyada ee dalka laga hoggaamiyo. Waa olole si badheedh ah oo aan caad saarnayn u socda dadkuna badiba ku hadaaqayo. Qaar ka mid ah dadka indhaha dalqada ku lihi daahir yaa shamis ayay si badheedh ah u yidhaahdaan: laba sannadood iyo ka badanba waa la kordhinayaa.

Is-weydiinta madaxa daalinaysaa waxay tahay: Madaxweynuhu haddii aanu doonayn muddo-kordhin loo sameeyo, miyaanu ka war-qabin waxyaabahan nusqaanta ku ah ee la sheegayo in ay ka socdaan Xaruntan uu deggan yahay ee uu dal iyo dadba uga taliyo. Waa su'aal da' weyn oo madaxa daalinaysa. Hawraartii iyo maansadii haweenka laga reebay sow ma ay ahayn: "Ninka intaa le'egi, inantayda kama dhalin waayin ee waa uu hagranayaa." Masaladu taasna u ekaa,

Yaa Xaq, Xeer iyo Xaagaanba u leh in ay cayimaan maalinta doorashada:

Sheeko dheeraan karta aan soo gaabsanno. Dhufays kasta oo ay muddo-kordhin aan garowshiiyo lahayn ku doonayeenba markii doorasho-diidkii laga saaray, ayay maanta kaga soo ururtay in ay Golaha Guurtida miciin bidaan si ay muddo-kordhintaas baas ugu sameeyaan. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay u cayimeen in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada la qaban karo 1/6/205ka. Xataa maalintan la cayimay waxa Xukuumaddan isu-boga ugu jira lix bilood oo aan waxba la qabanayn. Komishanka Doorashooyinku markii ay arkeen Madaxweynaha ayay wada-tashi kala sameeyeen. Markii ay isla oggolaadeen waxay habeennimadii Hotel Ambassador kula kulmeen Hoggaanka Xisbiyada oo ay iyagana isla oggolaadeen. Intaa ka dib ayay Golaha Wakiillada hortiisa kaga dhawaaqeen maalintan ay la noqotay in ay qaban karaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. Sidaas ayay warkaas ku baahiyeen oo adduunyada oo dhan lagu gaadhsiiyay.

Oo qoladan Komishanku dad Allow maxay u cuskadeen cayimaadda maalinta doorashadu qabsoomi karto. Hadda qabsoomayso ma aha oo muddo-kordhintii ma dhicin. Ee waa maalinta ay qabsoomi karto, iyaga oo Madaxweynaha sidaa ogeysiiyay, isaguna uu Golaha Guurtida u qoray si ay: "waajibkooda uga gutaan." Waa sida uu Madaxweyne Siilaanyo u dhigay.

Laba Qodob oo Xeerka 20aad ee doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaankaa ee soo baxay 2001kii ayaa sidan hoos ku qoran dhigaya:

Bogga 6aad, Qodobka 8aad: Wakhtiga qabashada doorashooyinka:

Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxaanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.

Bogga 8aad, Qodobka 14aad oo ka hadlaya awoodaha Komishanka, Faqraddiisa 1aad ayaa iyaduna dhigaysa:

Komishanku wuxu awood u leeyahay in uu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro,

Sidaa ayuu u qeexayaa Xeerka 20aad ee doorashooyinka cidda xaq iyo xeerba u leh in ay cayimaan maalinta ay doorashooyinku qabsoomayaan. Dhinaca kale Golaha Guurtida ayaa si aan mugdi ku jirin oo badheedh oo aanay la gabbanayn u deedafaynaya awooddan u sugnaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Waxa laga yaabaa in ay Guurtidu ku doodayso in ay marka hore Komishanku sugaan oo dhowraan inta ay Guutidu muddo-kordhin samaynayso. Taasina suurto-gal ma aha oo waxa ka horreysay in Guurtidu loo sunto ama loo calaamadiyo maalin cayiman oo ay Guurtidu ku sar-goyso muddo-kordhinteeda. Golaha Guurtida waxa la gudboon in ay raacdo oo la jaan-qaaddo sida ay Somaliland oo dhami ay aamminsan tahay isla-markaana taageersan tahay oo ah in ay doorashooyinku qabsoomi karaan 1/6/2016ka, sida Komishanku ay inoo sheegeen in ay qabsoomi karto. Tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca tabani, waxay keenaysaa qas iyo qalaanqal aan daafad loo hayn, weliba xilligan adag ee la marayo.

Maalintan ay doorashooyinka u cayimeen Komishanku waxa taageeray:

 

 

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wada-tashigii ugu horreeyay la yeesheen,
  2. Saddexda Xisbi Qaran oo markii ay ku dhawaaqeen si buuxda oo aanu mugdi ku jirin u taageeray una garab-joogsaday oo mowqifkoodaa ku baahiyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta - maqal iyo muuqaalba,
  3. Dadweynaha Somaliland oo aad ugu farxay in la wada oggolaaday maalintaa Komishanku cayimay oo aanay cidina ka hor iman ama ku gacan-saydhinba, meel kasta oo ay ku sugnaayeenna dhambaallo hambalyo ah ka soo diray: Muxaafid iyo Mucaaridba,
  4. Bulshada rayidka ah ee Somaliland oo sir iyo caadba u soo dhaweysay maalinta Komishanku cayimay,
  5. Is-bahaysiga Mucaaradka ayaa si buuxda u taageeray soo-jeedintan Komishanku ku cayimeen maalinta doorashada,
  6. Qurbo-joogta Somaliland oo dhambaallo hambalyo iyo taageeraba isugu jira hawada soo mariyay,
  7. Beesha caalamka oo taageero farsamo iyo mid dhaqaaleba ka gaysta doorashooyinka Somalinad in kasta oo ay muujiyeen dareen ah in ay ka fiicnaan lahayd in ay doorashooyinku qabsoomaan Diisambar, 2015ka,
  8. Madaxweynaha oo taageeradii ka dib si rasmiya oo taariikh, tix-raac iyo saxeex rasmiya lehba ku soo saaray qoraal uu Golaha Guurtida kaga dalbanayo in ay waajibkooda ka gutaan maalintan ay Komishanku doorashooyinka u cayimeen isaga oo faray: "In ay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan",

 

Golaha Guurtida iyo dareemmadii ka soo noqday cayimaadda maalintan ka dib:

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranku, 21kii Abrii, 2015ka oo ahayd maalin Salaasa ah ayay Golaha Wakiillada fadhi loo qaban-qaabiyay kaga dhawaaqeen maalintan ay u cayimeen doorashooyinka. Maalintaa, sida war-baahinta gashay waxa:

 

1. Diidmo ka muujiyay Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo loo tirinayay in ay ka soo jeedeen garabka Muxaafidka ah ee Madaxweynaha taageersan,

 

2. Laba Xildhibaan oo Golaha Guurtida ka tirsan oo si badheedh ah u deedafeeyay maalintan Komishanku doorashooyinka u cayimeen oo ay sir iyo caadba u sheegeen in aanay Xaq iyo Xeer midnaba u lahayn oo ay Golaha Guurtidu awooddas dastuuriga ah iska leeyihiin. Xataa waxay tiraabeen hadallo aan milgaha Komishanka ahayn iyada oo uu midkood ku tilmaamay in ay is-nasakhayaan. Waa ereygii uu sida tooska iyo badheedhka ahba u adeegsaday ee aan maqlayay isla markaana daawanayay,

 

3. Barqadii ay taariikhdu ahayd 27/4/2015ka, waxa madaarka Hargeysa ka soo degay Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo la sheegay in uu yidhi: Xukuumadda muddo-kordhin waa loo samaynayaa oo dalku Xukuumad la'aan maayo. Waxa kale oo la baahiyay in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu sheegay in muddo-kordhinta horeba loo samayn jiray,

 

4. Isla maalintaas, 27/4/20`5ka, markii uu Guddoomiye Saleebaan gurigiisa tegay, waxa halkaas ugu tegay ergo ballaadhan oo ka koobnayd labada Xisbi ee UCID iyo Waddani oo uu hoggaaminayay Mudane Feysal Cali Waraabe. Si kooban ayaa halkaa loogu wada-hadlay. Guddoomiye Saleebaan, si fiican ayuu u soo dhaweeyay ergadaa labad Xisbi ka socotay, waxaanu si cad ugu sheegay in waqti inagu filan la haysto oo lagu wada tashado arrintanna go'aan loo dhan yahay lagaga gaadho. Wuxu asteeyay in ilaa 26/5/2015ka la haysto. Wuxu maalintaa hadalkiisii ku soo gunaanaday in la yeeli doono sidii dal iyo dadba u dan ah. Qoraal rasmiya ayay labada Xisbi u dhiibeen oo ay ku qeexeen mowqifkooda mideysan,

 

5. 28/4/2015ka, ayaa markii ugu horreysay intan uu soo noqday uu Mudane Saleebaan isugu yeedhay Golaha Guurtida. Hadal aad u koobnaa - qiyaatii 56 Il-bidhiqsi ama 'second' - oo uu halkaa ka jeediyay wuxu ku sheegay: In Guddi ballaadhan la saari doono oo wada-tashi ballaadhan la yeelata dhinacyada ay arrintani khuseyso, in waqti ku filan oo arrintan lagu maareeyo la haysto iyo in dal iyo dadba loo danayn doono. Guddoomiyaha Golaha Guurtidu hadalkiisaa koobnaa wuxu ku soo gunaanaday isaga oo Golaha ku yidhi hadal u ekaa: Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komishankaba dhegaha ayaynu ka furaysanaynaa.

 

Qaybta ugu dambaysa Qodobkan 5aad ee ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa dacar iyo ladhba kiciyay. Xukuumadda iyo Xisbiyadaba ha maqlina, waxba looma qaadan oo aan ahayn Guurti ahaan dhex ayaynu nahay. waxa se aad loo dhibsaday oo la liqi waayay weedha ah "iyo Komishanka" oo uu ku daray kuwa dhegeha laga furaysanayo. Haddii aanu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wax kale uga jeedin, waxa loo qaatay in Guddoomiye Saleebaan uga gol lahaa go'aankii Komishanku maalinta doorashooyinka ku cayimayna waxba kama jiraan.

 

Maalintan Komishanku ku dhawaaqay mar ay iayagu lahaayeen ayaa jirtay oo waa intii aanay ku dhawaaqin ee ay iyaga ku koobnayd. Maalintan Komishanku cayimeen ma aha maalin sahlan. Waa maalin ay dadku ku wada heshiiyeen oo mid degdegayay iyo mid muddo-kordhin doonayayba sandulleysay. Waa waxa ugu mudan maanta ee aynu dhammaanteen heshiiska ku nahay. Waa maalin kulmisay muxaafid iyo mucaaridba. Waa maalin raalli laga wada yahay gude iyo dibadba. Waa maalin ay beesha caalamkuna inagu taageertay. Wax lagu doorsado oo la barbar-dhigo garan meyno. Soo-jeedin kale oo ag taallaana ma jirto. Yuhuunteenna ayaynu halkaa isugu wada geynay. Waa wax lagu farxaa marka la eego marxaladdan xasaasiga ah ee aynu marayno.

 

Golaha Guurtidu maxay xaq dastuuriya u leeyihiin?

 

Waa hubaal in aad iyo aad loo faafiyay dacaayad-beenaadda ah xilalkii iyo awoodihii Golaha Guurtida ayuu Komishanku ku takri-falay. Waxa la faafiyay oo looga-qaateenka qaarkii dadka ma-kasta ah dhegeha ugu rideen maalinta doorashada Guurtida ayaa cayimaysa. Kor ayaynu ku soo qeexnay cidda xaqa u leh ee cayimaysa iyo qodoobbada Xeerka Doorashooyinka 20/2001kii ee loo raacayo oo ah Qodobbada: 8aad, Faqraddiisa 3ad iyo 14aad, Faqraddiisa 1aad.

 

Golaha Guurtiduna muxuu haddaba awood u leeyahay? Golaha Guurtidu wuxu awood u leeyahay muddo-kordhinta haddii si kale aynu u nidhaahnana sharciyeynta muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka loo samaynayo.

 

Laba Qodob oo dastuuriya ayuu Golaha Guurtidu u raacayaa muddo-kordhinta, taas oo ku xidhan duruufo ay tahay in ay jiran si loo sababeeyo. Qodobka 42aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Qaranka ayaa dhigaya:

 

Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgood, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa dagaal baahsan, xasillooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus, waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

 

Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad,

 

Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto.

 

Horto, hor iyo horraanba si ay Guurtidu muddada u kordhiso, labadaa Qodob oo keliya ayaa u qoran oo duruufo gaar ah ka hadlaya. Qodobka 42aad, Faqraddiisa 3aad xaaladaha muddo-kordhin lagu samayn karaa waa: dagaallo baahsan, xasillooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida: dhul gariir, cudurrada faafa iyo abaaro culus,

 

Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad xaaladda muddada lagu kordhinayaa waa nabad-gelyo darteed.

 

Xaaladaha ku xusan Qodobka 42aad, Faqraddiisa 3aad iyo Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad midna dalka kama oogna ama kama taagnaba. Sidaa daraadeed adeegsiga qodobbadani ma aha daw kol haddii aanay taagnayn. Haddana waa wax aynu muddaba ku soo dhaqmaynay, mar kasta oo ay Xukuumadi gudan weydo xilalkeeda, tan maanta dalka ka talisaana waa tii ugu liidatay.

 

Gunaanadka taxanahan:

 

Kor waxaynu ku soo sheegnay inta qaybood ee isku raacday maalintan Komishanku cayimay, markaa sidee ayay u suurtoobaysaa in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu kelidii deedafeeyo maalinta la isku wada raacay. Dadku badiba waxay is-weydiinayaan, haddii aanay Guurtidu aqoonsan oo qaadan go'aammada doorashooyinka ee Komishanka ka soo baxa, sidee ayay u doonayaan in go'aammadooda la qaato.

 

Go'aanka Komishanku ka soo saaray maalinta ay doorashooyinka u cayimeen, waxa qoraal rasmiya ka sameeyay Madaxweynaha Qaranka oo Guurtida u qoray, isaguna ma been baa? ma ka kac baa? Oo marka aanay jirin Xisbiyadu, marka aanu jirin Komishanku, marka aanay jirin dareenka iyo oggolaanshaha dadweynuhu, marka aanu jirin dareenka Bulshada Rayidka ahi, marka la qaddarin waayo baaqyada iyo taageerada qurbo-joogta Somaliland, marka la iska dhego-tiro dooca iyo dareenka beesha caalamka, ma idin la tahay Golaha Guurtida iyo Guddoomiye Saleebaan ayaa jiraya? Intaas oo dhan oo Madaxweynihii Qaranku ku jiro ayaa qaldan caqliga ma gashaa? Maalintaa Komishanku cayimay waa la isku raacay, soo-jeedin kale oo ag taallaana ma jirto, maxay markaa Guurtidu raadinaysa?

 

Dadka iyo dalkuba waa ay mideysan oo waxay ku mideysan yihiin in 1da Juun, 2016ka ay qabsoonto doorashadu ee Guurtidu sidaa ha ku hawl-gasho, bal se yaanay dadka ka soo qaadin in ay maalintaa fikrado kala duwan ka qabaan.

 

Maanta waxa imtixaaman Golaha Guurtida oo laga sugayo oo keliya in kordhiyaan muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweynde-ku-xigeenka oo keliya iyaga oo ku sar-goynaya maalinta Komishanku cayimay. Waa haddii Eebbe idmo.

 

Wa billaahi towfiiq,

 

 

Dhammaad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Additional information