Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Fu'aad Aadan Cadde: Han-fogaan........Kal-furnaan

Waa qormo aad u kooban. Waa mid aan ku qasbanahay oo aan marnaba I dhaafi karin, Ilaahay oo si kale qaddara ha joogto e'. Waa gole-ka-fuul oo waqti badan oo aan isku diyaariyo uma aan helin. Geerida naxdinta leh ee Fu'aad Aadan Caddena wax laga aammuso ma aha. Kolley nin rag ahi ka aammusi maayo, qof kale se mooyaan.

Fu'aad Aadan Cadde: Han-fogaan........Kal-furnaan

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/FUAAD%20ADAN%20CADE.jpg“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

19/7/20015ka, Hargeysa,

Qormada 1aad

Waa qormo aad u kooban. Waa mid aan ku qasbanahay oo aan marnaba I dhaafi karin, Ilaahay oo si kale qaddara ha joogto e'. Waa gole-ka-fuul oo waqti badan oo aan isku diyaariyo uma aan helin. Geerida naxdinta leh ee Fu'aad Aadan Caddena wax laga aammuso ma aha. Kolley nin rag ahi ka aammusi maayo, qof kale se mooyaan.

15kii bishii saddexaad ee Marj, 2014kii, aniga oo ka hadlayay ama qormooyin aad u koobnaa ka qorayay geeridii naxdinta lahayd ee Maxamed Saleebaan Tubeec, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e', waxaan idiin dareeriyay:

"Geeriyaha qaarkood isu ekaa…….Xilligu isu ekaa…….Sida la isu gaasirayaa isu ekaa……Sida foolaadka mujtamaca loo illoobayaa isu ekaa…….Maansada tuduca aynu qormadan ku ballaysinnay ka soo qaadannay, waxa tiriyay Cali sugulle Dun-carbeed. Wuxu ka dul tiriyay xabaashii Maansayahankii, Xiddigiyihii, Murti-dhaadhigii, Far-horseedihii, Taariikhyahankii, Dhaqan-dhaadkii, Hidde-dhowrkii, Macallinkii Muuse Galaal, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Waxaan filayaa in ay ahayd bishii Diisambar 1980kii iyo magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre, wuxu ka mid ahaa madaxdii aaska ka soo qayb-gashay. Cali Sugulle maansadan baroor-diiqda ah wuxu ka dul tiriyay aaskii. Maanta oo aynu geeridii Maxamed Saleebaan Tubeec u joogno, waa maalin maalintaa iyo qaar badan oo ka dambeeyay aan la kala sooci karin. Maalmuhu isu ekaa.

Muuse Galaal ayaa magaalada Muqdisho ku xanuunsaday. Dhinac walba waa loo orday oo kacaan-sheegatadii xukunka maroorsatay waa loogu taag waayay in Odeyga dhakhtar dibadeed la geeyo. Wuxu ka tirsanaa Akaademigii Cilmiga, fanka iyo suugaanta. Waxa kale oo uu xubin ka ahaa Guddidii Af Soomaaliga. Muuse Galaal waxa kale oo uu ka tirsanaan jiray Guddi ay UNESCO u saartay qoraalka ’Encyclopedia’ qaaradda Afrika loo diyaarinayay. Mar dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dahceen ayay Deeqa Colujoog oo Akaademiga ka madax ahayd ku guulaysatay in Muuse Galaal dibadda loo qaado. Dayuuraddii oo hawada ku jirta ayuu dhintay, ka dibna waxaan u malaynayaa in magaalada Jedda laga soo celiyay.

Ma Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) ayaynu ogeyn……Ma Qaybe ayaynu ogeyn…….Ma Maxamed Saqadhi Dubbad ayaynu ogeyn……Ma Xuseen Aw Faarax Dubbad oo reero muskood lagu aasay ayaynu ogeyn…..Ma Xasan Diiriye ayaynu ogeyn…….Ma Cumar Dhuule ayaan loo barooran……Ma Faadumo Xirsi Cabbane ayaynu ogeyn…..Ma Faa’isa Xaaji Cabdillaahi ayaynu ogeyn, Guddoomiyihii Ururkii Alla Aammin, waa Faa’so-dheer e’. Immisa hebel oo kale……Immisa heblaayo oo kale ayaa madaxiinna iyo xiskiinnaba ku wareegaysa. Maye geesiyaashii….Maye intii dal iyo dadba u soo dhaamisay….. Intii u soo halgantay….Intii haydaarta iyo hadimada u soo mudatay…..Intii u soo dhaawacantay.

Bal u fiirsada kumaankunka doollar ee sannad walba xukuumaddeenna Dhagax-dhiga Dhul-jecel kaga baxa daabulka Qurba-joogga iyo dibad-bixinta qolqol-joogga. Miyaydaan dareemin sannad-guuro kasta oo Meey inta dibadaha laga keeno ee hudheellada loo kireeyo iyo inta kale ee mar-dhoofka ah ee gacan-mariska loo geeyo dibadaha. Markaa ay maqasho halyay qaran ayaa xijaabtay ayay aas-qaran iyo guddiyo-samayn ku meeraysataa.

Maansho e’ Timacadde lahaa:

“Dambarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay,”

Sow tii Gaarriye inagu yidhi: Aas qaran waxa ka horreeya aroos qaran. Qof noloshiisii la qiimayn waayay, maxay qiimaynta aaskiisu macno samaynaysaa. Sow tii uu Gaarriye lahaa:

“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,

Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,

Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,

Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,

Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”

Xigashadaa kooban aan ballaysin ka dhiganno. Wax kale ugama gol lahayn e', geeriyaha ayaa isu ekaa. Geesiyaal galbaday oo ku geeriyooday geyi shisheeye. Meydkoodii oo diyaarado lagu keenay, aas-ku-sheeg qaran oo loo smaeeyay iyo Guddiyaal aasaskaa loo magacaabay. Hadda waa geesiyaal qaran oo aan noloshoodii dheerayd waxba la gashan, bal se la gaasiray. Waxba yaan gocoshada naftan gaatin-socodka guhaadinnine aan uga gudbo geesiga hoyday oo wax aan sidaa u badnayn oo xus iyo xusuusba ah ka soo garoocdo sooyaalkiisii nololeed inta aan ka gaadhi karo.

Maqalka ka-sokow, Fu'aad Aadan Cadde barashadiisa waxa iigu horreysay 1993kii. Waa maalmihii aynu ku jirnay Shirweynihii Guurtida ee Boorame. Ergooyinka Shirweynaha fadhiyay 151 ayay ahaayeen. Siddeed ayaa ahaa Shir-guddoonka oo aan cod lahayn. Waa maalmihii ay Guurtidu, Guurtida ahayd. Ergooyinka rasmiga ah ka sokow, waxay magaaldu la ciir-ciiraysay dadkii kale ee dul-joogta ahaa. Da' walba waa ay lahaayeen. Gobollada oo dhan waa la iskaga yimid. Xubno qurbaha ka yimid ayaa iyaguna joogay.

Dadka muddakarka ah ee fagaarahaa ka muuqday ee magaalada joogay waxa ka mid ahaa Fu'aad Aadan Cadde oo ka tirsanaa mudanka odayaashii ka socday gobolka Sool. Shirweynahaas Guurtidu in kasta oo uu si rasmiya uga socday Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jowhar, haddana xaqiiqadu waxay tahay in ay shirarku inta badan ka socdeen magaalada gudaheeda. Waxa la adeegsanayay maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda: "Talo goonyaha ayay ka go'daa."

Madasha Shirweynuhu ka socday ka-sokow waxa jiray dhowr fagaare oo kale oo saamayntooda ku lahaa Shirweynahaas. Iyada oo guud ahaanba la fadhiisan jiray meelo badan oo magaalada Boorame ka mid ah oo Ajendayaashii Shirweynahaas lagu falanqayn jiray, haddana saddexda goobood ee ugu mudnaa waxay ahayeen guryihii ama saldhigyadii ay kala degganaayeen: Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Cumar Carte Qaalib oo ahaa murashixiin u trtamayay jagada Madaxweynennimo.

 

Maalin maalmahaa ka mid ah ayaa gelin dambe qayilaad lagu ballamay gurigii Cumar Carte ka deggenaa Boorame oo fooq ahaa. Halkii ayaa lagu haasaaway. Shirku mid rasmiya ma ahayn, haddana faa'iidooyin badan ayuu u lahaa Shirweynaha iyo is-dhex-galka dadkaba. Waa maalmihii laga soo doogay dagaalladii sokeeye ee dal iyo dadba aafeeyay. Dadku beyr ayuu kala qabay. Gobollada baallaha ayaa ka dareen qabay SNM oo taladii dalka la wareegtay. Waxa loo baahnaa in la wada-hadlo oo la is-beer-xaadho si meel isku mid ah looga dhaqaaqo.

Dadku ha ku qaybsanaado dagaalladii sokeeye ee dalka aafeeyay, bal se waxa dhex yaallay dareen guun ah oo woqooyinnimo oo ay muddo dheer wadaagayeen, kaas ayaana ahaa waxa ugu xoogga weynaa ee isu hayay. Dhaqan ayay maalmahaa iska ahayd in qoladayadii SNM aad uga sheekayso halgankii iyo waayihii la soo maray. Waxa aad loo hadal-hayn jiray sidii loogu naafoobay halgankii hubeysnaa iyo dhibaatooyinka naafada haystay.

Goor wax aan sidaa u sii badnayn la dooday oo fikirka la is-weydaarsaday, ayaa Fu'aad Aadan Cadde meel halkaas ah gacanta ka taagay. Si kaftan-dhable ah ayuu hadalkii u dhigay isaga oo u duur-xulayay qoladayadii SNM, waxaanu yidhi hadal u ekaa: "Horto waa la wada naafoobay. Qoladiinnan SNM Soomaali oo dhan ayaa isugu tagtay oo naafaysay, sidaas ayaydaan godobtiinnii cid aad u raacdaan u haysanin. Annaguna waanu naafownay, laakiin idinka ayaa na naafeeyay oo annagu cid aanu godobtayadii u raacno waanu haysannaa."

Qof ahaan xusuustayda Fu'aad Aadan Cadde, halkaas ayay ka bilaabantaa, waxaanay ku siman tahay tan iyo maanta oo meydkiisii laga keenayo dalkaa Turkiga laguna aasayo Hargeysa, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e'. Xusuustaasi waxay jiri doontaa inta uu nool yahay dareenkii fayoobaa ee samo-filashada ahaa ee Fu'aad Aadan Cadde.

Bal hadda hadalkaa aan ka soo xigtay u fiirsada oo isku daya in aad si fiican oo togan u dhanbalataan. Hadalka uu maalintaa Fu'aad Aadan Cadde yidhi wax badan ayaa ku duugan, waana waxa qeexaya shakhsiyaddiisii fiicnayd ee run-sheegga ahayd. Weedhan aan ka soo xigtay Fu'aad Aadan Cadde waxaad ka dheegan kartaan:

  • Kalsoonidii xad-dhaafka ahayd ee uu oo uu isku qabay,
  • Geesinnimo uu ku dhiirraday in uu dareenkiisa ka dhex sheego madal aan weli la is-laab-xaadhan oo nabarradii dagaalladu hafeefanayaan,
  • Kal-furnaan aanu ku qarin dareenkii uu qabay ee dhabta ahaa,
  • Xaruurinnimo uu dareenkiisii si kaftan ah u gudbiyay,
  • Farshaxannimadii uu hadalka u dhigay ee sida fudud loo liqay,
  • Run-sheeg iyo laab-xaadhnaan,
  • Doocii iyo dareenkii Somaliland-nimo ee ku duugnaa,
  • Isku-hallaynta uu ka qabay dadka uu la hadlayay oo ay dhaqan iyo dhalashaba wadaagaan,

Horto, aniga qof ahaan xusuustaydii ugu horreysay ee Fu'aad Aadan Cadde, waa taas. Intii intaa ka dambaysay indhaha ayaan ku hayay geeddigiisii dheeraa, adkaa ee xanuunka badnaa ee Somaliland-nimo ee uu soo galay, aakhirkiina ku geeriyooday.

Fu'aad Aadan Cadde shakhsiyaddiisii xariirta ahayd waxa sar-goynayay dareenkiisii dal-jacaylka iyo dad-jacaylkaba ahaa. Markiisii horeba Fu'aad Aadan Cadde wuxu ahaa nin xidhiidh fiican la lahaa bulshada inteeda badan. Intii aanu Boorame joognay ayaan hadal-hayntiisa maqlay. Waxa la ii sheegay in uu ka shaqayn jiray Baanankii Soomaaliyeed, markii dambena uu gancsiga ku dambeeyay.

Fu'aad Aadan Cadde, intii lagu dhawaaqay Somaliland wuxu ka mid noqday tiirarka ugu mudan ee ay ku taagan tahay. Si gaar ah wuxu uga mid noqday foolaadka mudanka gobollada bari, gaar ahaan gobolka Sool.

Fu'aad Aadan Cadde, wuxu haa nin ay ka dhab tahay Somaliland-nimadu oo ay dhuuxiisa iyo dhiiggisaba raacday. Wuxu ka mid ahaa dadkii ugu keniga adkaa ee keena-diidka ahaa. Wuxu waqtigiisii, hantidiisii iyo naftiisiiba u huray dhismaha iyo isku-haynta Somaliland. Wax kasta oo lagu sameeyay, si kasta oo loo gaasiray, si kasta oo loo takooray, si kasta oo looga ilaaliyay in uu tusmo iyo taloba ku yeesho arrimaha gobollada bari, gaar ahaan gobolka Sool ee uu ka soo jeeday, haddana taasi niyad-jab kuma ay keenin.

Isaga oo duruufahaa aadka u adkaa una qallafsanaa ku jiray kuna dhex noolaa, ayaa haddana looga gacan-haadinayay Puntland ama mararka qaarkoodba looga calan-walaynayay Soomaaliya. mararka qaarkood ayay koxda Khaatumo wax walba ku beer-laxawsanaysay, hase yeeshee Fu'aad Aadan Cadde marnaba dheg jalaq uma siinnin.

Mar walba Hargeysa ayuu joogay. Mar kasta Xuddun iyo Laas-caanood ayuu joogay. Marnaba shiishka iyo diiradda midna kama lumin. Somaliland-nimo yaraantii uu ku soo barbaaray ayaa hadba ku soo duxaysay. Reer woqooyinnimo uu beryo dhexe ku nolaa ayaa hadba soo mir-kacaysay. Somaliland-nimo mar labaad ku curatay ayaa doociisa iyo dareenkiisaba ku duugnayd.

Fu'aad Aadan Cadde intii nidaam siyaasadeed dalkan soo martay midna ma siinnin fursaddii iyo haleelkii uu wax kaga qaban lahaa gobolka uu ka soo jeedo. Waa tan ta qeexaysa ee qormaynaysa shakhsiyaddii halgameeed ee Fu'aad Aadan Cadde. Isaga oo sidaa u garbo-duubnaa, isaga oo sidaa u gaasirnaa ayuu haddana wixii tamartiisa ah dal iyo dadba tarayay. Heerarka uu dul-qaadka ka gaadhay haddana nidaamyadii maamul ee sidaa u garbo-duubay ayuu mararka qaarkood xilal u hayay oo ka aqbalayay. Waa taa shakhsiyaddii Fu'aad Aadan Cadde.

Meyd maxaa ugu dambeeyay? Iyo kaa la sii sido. Dhimashadiisii wax yar ka hor, markan uu gaadhigu ku jiidhayo Madaxtooyada dhexdeeda, Fu'aad Aadan Cadde, wuxu ku sawirnaa La-taliyaha Madaxweynaha ee gobollada bari. Waxaan uga gol leeyahay sida inta badan la qoro ma uu ahayn La-taliye ee waa ku sawirnaa. Daliilkeedu wuxu yahay:

  • Madaxweyne lala taliyaa ma muuqdo,
  • Cid dalka arrimihiisa lagala taliyo oo muuqtaana ma jirto,
  • Cid talo laga oggol yahayna ma jirto,
  • La-taliye shaqeeyaaba ma jiro,
  • Intoodii badnaydna maba hawl-gasho,

Fu'aad Aadan Cadde, waxa lagu xusuusan doonaa keni-adayggiisii iyo hal-adayggiisii. Waxa lagu xusuusan doonaa halgankaa adkaa, qadhaadhaa ee uu u soo galay midnimada iyo qarannimada Somaliland.

"Hakad geli oo ka dalandalo", ayay odhaahdu ahayd. In yar aynu ka nidhahno tariikh-nololeedkii Fu'aad Aadan Cadde oo kooban. Wuxu ku dhashay degmada Xuddun 1942kii. Hooyadii waxay ahayd Cibaado Xirsi. Waxay Fu'aad Aadan Cadde, wada dhasheen 12 wiil iyo 9 hablood. Laba bahood ayay ahaayeen. Maanta waxa ka nool 5 rag ah iyo 5 dumar ah sida uu noo sheegay walaalkii Cabdi.

Gunaanadkayga iyo gebagebada, Somaliland-nimadu haddii ay hadli lahayd oo lagu odhan lahaa: "Qof haddii aad noqon lahayd kuma ayaad noqon lahayd, shaki kuma jiro in ay odhan lahayd: 'Dadka uu Fu'aad ka mid yahay'."

Sidaas ayuu Fu'aad Aaadan Cadde Taariikhda ku gelayaa. Waa dirkii iyo raqamkii Fagadhe iyo qaar kale oo badan. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan.

Dhammaad

 

 

Additional information