Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (1942kii - 2015ka)

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

“Qacda kamaradaydiyo,

Buug xusuusta qaadiyo,

Qabashada rikoodhkiyo,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Qoraalkaygu way wehel,”


v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);}

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir

(1942kii - 2015ka)

“Qacda kamaradaydiyo,

Buug xusuusta qaadiyo,

Qabashada rikoodhkiyo,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Qoraalkaygu way wehel,”

Tuduc, Boobe Yuusuf Ducaale

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ,

www.dharaaro.com


Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

In kasta oo uu sarkaal millateriya ahaa, ma aan arag noloshiisa intii ugu badnayd isaga oo aan qalin, buug-yare wax lagu qoro iyo kamira wax lagu sawiro sidan. Sidaas ayaan tuducan ugu soo xushay Siciidna waxa lagu xusuusanayaa in uu qoraa qiimo leh ahaa. Ilaahay waxaan ka rajaynayaa in aanu inaga lumin keydkii qoraalladiisa iyo sawirradiisa. Qaybaha danbe ayaynu ku dhex qaadi doonnaa hodannimadiisii qalinka iyo kamirada.

Waa maalin Isniineed oo ay bishan Ogos dhammaadba iska ahayd. Waa 31dii, sannadkan h2015ka. Tirsigeenna taariikhda ayaa sidaa iskaga badan.

Waa gelin danbe waxaanan ku sugnaa gurigayga. Saacaddu waxay ku beegnayd afartii galabnimo oo wax dhiman. Markaas ayaan u holladay in aan hurdo daalka maskaxeed sabab u ahaa ka tooso. Miis-yaraha sariirta ku dheggan, tilifoonkii oo saarnaa ayaa cod yar hooseeya isku garaacay. Waan la booday. Dacalka kale waxa kaga jiray, Mujaahid Maxamuud Sandheere. Ruug-caddaa, saaxiib halgameed oo dirkii Gawlalaale ahaa. Saa waa war dhiillo leh. Ku-ye: "Siciid Cali Giir, ma maqashay?"

Anna: "Maya," ugu war-celiyay. Misana: "Waxa la sheegay in uu Laas-caanood ku dhintay oo lagu aasay e', bal war doon oo igu soo war-celi." Tilifoonkii inta aan dhigay ayaan deg-deg u kacay. Kombiyuutarkii ayaan halabsaday. Mareegaha oo weliba kuwa 'Landta' u badan ayaan dhex-rooray. Saa warku waa jiraa oo Siciid Cali Giir xaqii ayaa ku soo degay. Ilaahay ha u naxariisto. Hargeysaawi dhab ah oo dhalad ah. ......Nin ay Somalandnimadu dhab ka ahayd.

Cali-mahad ayaa Berbera igala soo hadlay......Keyse Shukri Jaamac oo carruurnimo mar Siciid Cali Giir kula kulmay su'aalona weydiiyay ayaa ila soo xidhiidhay. Culays badan ayaa maalmahan i saarnaa. Silsilad ilaa toddoba Buug ah oo Dhaxal-reeb ah ayaan isku hagaajinayay. Dhallinyaro badan oo wiilal iyo gabdhaba leh ayaa qabyada Buugaag badan oo ay qoreen ii dhiibtay si aan isha u soo mariyo.

Haddana waa sidii hore loo yidhi oo: "Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do," Siciid Cali Giirna nin si fudud oo caddaysimo ah ku taga ma uu ahayn. Xusuustii ayaa ila jiidatay. Muuqaalladii noloshiisa ee aan aqaannay ayaa sida filimmada ii soo hor maray. Jimidh-yaraantii.......Adkaysigii badnaa.......Sheekooyinkii taariikheed iyo aqoontii la yaabka lahayd ee uu dal iyo dadba u lahaa. Sidii uu u sheekayn jiray ee uu masalooyinka iyo tusaalooyinka taariikhaysan ugu ladhi jiray hadba ma-hadhada uu marinayo.

Waxa sida hillaaca ii hor maray meelihii aan ku arki jiray. Sannadihii siddeetanaadkii ee aanu Muqdisho wada joogi jirnay. Maalmihii dul-saarka ahaa ee aanu SNM ka wada tirsanayn oo u badnaa Jigjiga iyo Diri-dhabe. Waxa ka mid ahaa maalmo koobnaa oo aanu Addis-ababa iyo Hararba wada joognay. Waxaan soo xusuustay xilliyo uu ka tirsanaa Guddidii Fulinta ee SNM oo aanu laba goor Shirar Addis ka dhacayay Jeeniweri iyo Maarj 1993kii ka wada qayb-gallay.

Maalintaa aan geerida naxdinta leh ee Siciid maqlay, waxa xusuustayda ugu badnaa wareeggiisii Hargeysa ee aanu dhaafi jirin ee inta badan aad ku arki jirtay. Sekedda Rakuub ayaa xaggaa ugu xigtay. Jidkan Togdheer iyo Sooyaal isku xidha ayuu xagga bari ka fadhiisan jiray ama mari jirayba. Purple Coffee ayaa rukun iyo raasba u ahaa. Xaafadaha ka sarreeya marar ayuu deggenaa. Jidkaa Steak House taga ayaad ku arki jirtay. Beryahan danbe Steak House ayuu macmiil u ahaa. Xagga shacabka marka uu fogaado Imperial ayuu gaadhi jiray. Nin yaqaannay wuu ogaaye, wareegga Siciid Hargeysa kaas ayuu ahaa.

Hor iyo horraanba waxaan maqli jiray aniga oo carruur ah in uu Siciid Cali Giir ka tirsanaa Saraakiishii inqilaabkii fashilmay dhigtay 1961kii. Haddi uu Siciid caan ahaa, waxa caan-bixiisa ugu horreysay inqilaabkaa fashilmay ee lagu xidh-xidhay markii wax lagu waayayna lagu sii daayay.

Haddii aanay xusuustaydu i dagayn, waxaan qof ahaan ku bartay magaalada Muqdisho xilliyo uu ka shaqayn jiray Madaxtooyadii Maxamed Siyaad Barre. Siciid Cali Giir ma ahayn oo keliya Sarkaal millateriya bal se wuxu ahaa aqoonyahan ku xeel-dheer waayaha dunida iyo culuunta siyaasadeedba. Siciid wuxu ku dhashay magaalada Hargeysa, isaga oo dhowr bilood jirana waxa la geeyay magaalada Cadan sida laga soo weriyay wiil uu adeer u yahay oo Mareykanka jooga. Waxbarashadiisii ilaa Dugsiga Sare halkaas ayuu ku qaatay, aniga oo filaya in uu ka soo baxay Dugsigii Sare ee Saint Joseph oo ardaydii ka soo baxday saamayn badan ku yeelatay Somaliland. Danjire Qaybe ayaa isaguna dadkaas ka mid ahaa. Ka-dibna Akaademigii Millateriga ee Sandhurst ayaa loo diray oo ay ka soo baxeen isaga iyo saaxiibbadii.

Keyse Shukri Jaamac oo saaka mar ii soo garaacay aya ii sheegay in uu Siciid Cali Giir kula kulmay Diri-dhabe. Maalinta Keyse wuxu u sheegay in falliidho rasaas ah oo ku dhacay 1964kii, mar uu ka dagaallamayay Daba-gorayaale ay weli ku jiraan. Keyse ayaa ku yidhi nin aqoon leh ayaad tahay e', maxaa ciidammada kuu geeyay. Siciidna wuxu ugu jawaabay in uu jeclaan lahaa in uu Looyarnimo soo barto bal se loo sheegay in ay beryahaa diiddanayd Boqoradda Ingiriisku. Siciid wuxu Keyse maalintaa u sheegay in isga oo fadhiya makhaayadda Tuyuub uu u yimid Cumar Hadraawi oo uu ku dhiirri-geliyay in uu ciidammada galo. Siciid Cali Giir yaraantiisii wuxu lahaa janjeedh uu ugu xagliyo dhinaca Hanti-wadaagga.

Sidaas ayuu Kulliyaddii Ciidammada ee Sandhurst ku galay sarkaal ciidammada ahna ku noqday. Sidii aan idiin soo shegay Madaxtooyadii Siyaad Barre ayuu ka hawl-geli jiray isga oo xagga xidhiidhka dadweynaha u hayn jiray. Dhaqanka ayaa ahaan jiray in uu Siyaad Barre toddobaadkiiba la kulmo ilaa afar qof oo dadweynaha ka mid ah, sida Keyse ka soo weriyay Siciid Cali Giir. Si aad ugu dhow ayuu ula shaqeyn jiray Madaxweyne Siyaad, taasna waxaad ka garan jirtay mararka uu ka sheekaynayo dabeecadihiisii iyo siyaabihii uu wax u xukumi jiray ama qaababkii uu dadka ula xidhiidhi jiray.

Markii uu qarxay dagaalkii lagu hoobtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, Siciid Cali Giir, wuxu ka mid ahaa saraakiishii dib loogu yeedhay ee dagaalka gashay isaga iyo saaxiibbadiiba.

Tan iyo maalintaa la is-raacay Soomaaliya, 1dii Juulay 1960kii, shacbiga Somaliland oo xilliyadaa loo yaqaannay reer woqooyigu wax badan ayay tabanayeen. In kasta oo aanu dadku wax qori jirin oo aan buugaag la isku cabbiraa jirin, haddana waxyaabihii ama agabkii ugu badnaa ee ay dadku dareenkoodu ku gudbin jireen wuxu ahaa suugaanta gaar ahaan: Heesaha, Riwaayadaha, Maansooyinka iyo qaababka kale ee la midka ah.

Inqilaabkan saraakiishu dhigtay wuxu ka tarjumayay dareenkaas oo xilliyadii danbe aad u baahay meel walbana ay qayladu gaadhay. Tusaalooyin badan oo nool ayaynu u soo qaadan karaynaa tabashadaas shacbigii woqooyiga ku noolaa guud ahaanba.

Waqti ku sinnaa bishii Ogos 1960kii, toddobaadkii ugu horreeyay weliba, ayuu Ra'iisal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharma'arke booqasho ku yimid gobolladii woqooyi. Kalabaydh oo ka tirsanayd Degmo-xigeenkii Gebilay ayaa aad loogu soo dhaweeyay. Dadkii halkaa wefdiga ku qaabbilay waxa ka mid ahaa Timacadde, geeraarro uu halkaa ka tiriyayna, waxaynu ka soo qaadan karaynaa:


v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);}

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

Gabayadii iyo Geeraarradii uu ku soo dhaweeyay Ra'iisal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo ahaa:

"Dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

Doonniyi yaanay ku leexan,

Ha daadduumo dadkeedu,

Duqaydii Baarlamaankay,

Danteennaa laba diiddaye,

Labadaa kala daaya,

Oo yaan loo daymo-la'aan,"

Tabashada iyo cabashadii reer woqooyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ku dhalatay halkaas ayay ka bilaabantay. Sidaas ayuu ku imanayaa inqilaabkii milleteriga ahaa ee uu qaybta libaax ka qaatay Mujaahid Siciid Cali Giir.

6/4/1981kii, ayaa London lagaga dhawaaqay SNM. Muddo sannad ku dhow ka dib hoggaankii Ururka waxa loo soo wareejiyay jiidihii hore ee dagaalka iyo magaalooyin ka mid ah dalka Itoobiya. Hilaaddii waa 1982kii. Siciid Cali Giir, bartaas ayuu kaga soo biirayaa halgankii hubeysna ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Keligi ma uu ahayn bal se rag badan oo kale ayaa iyaguna ka soo digo-rogtay Muqdisho iyo meelo kale oo qurbaha ka mid ah. Asxaabtiisii faraha badnayd ee ay ujeeddooyinka ka mideysnaayeen ka-sokow, gobolka Sool intii ka timid ee madaxda ahayd waxaan ka sii xusuustaa:

  1. Axmed Siciid Nalleeye,
  2. Siciid Cali Giir,
  3. Ciise Soofe,
  4. Yaasiin Axmed Xaaji Nuur,
  5. Siddiiq,
  6. Iyo qaar kale oo badnaa

 


Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

Sidaas ayuu Siciid Cali Giir xubin fir-fircoon uga noqday ururkii SNM. Muddo aad u kooban markii la joogayba waxa loo dhiibay Dugsigii Tababarka ee Baabbili ee lagu carbin jiray dhallinyaradii ku soo qulqulaysay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd.

Siciid Cali Giir waxa kale oo uu xubin fir-fircoon oo talo iyo tusaaleba laga qaato ka ahaa saraakiishii SNM, isaga oo gaar ahaan xilliyadii uu Koosar Taliyaha Ciidanka ahaa ka tirsanaaba Taliska Guud ee ciidammada SNM isaga oo isla markaana hormuud ka ahaa xidiidhadii dhex maray SNM iyo SSDF. Xilliyadaa Siciid Cali Giir wuxu la socon jiray Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo ay booqashooyin iyo kormeerro ku soo wada mareen jiidaha hore dagaalka, gaar ahaan xarumihii SSDF ee Gallaaddi, Wardheer iyo xarumo kaleba.

Waa meelahan meelaha laga dheehanayaa mowhibaddi qoraannimo ee SiciidCali Giir. Halkan aan ku yar hakado, maxaa yeelay waa meelaha uu Siciid qiimaha iyo qaayahaba ku lahaa. Waa meelaha uu ku noqonayo suxufiga iyo qoraaga. Weliba suxufi iyo qoraa aan kibir badnayn oo aan mucaqad ahayn e' mutawaadic ahaa. Siciid wuxu dhaqan u lahaa in aanu marnaba dhigin qalinka iyo buugga. Marka ay buugaagta noqoto wuxu adeegsan jiray kuwan yar-yar ee jeebka lagu rito. Wuxu caado u lahaa oo in badan oo aan ka mid ahay kaga dayan jirtay in uu xilliyada uu firaaqada leeyahay xusuustiisa qoro. Badanaa xusuus-maalmeedkiisa wuxu qori jiray galabnimadii inta uu qayilayo. Qaadka wax badan kama cuni jirin oo qaad-qamax ma ahayn, isla markaana ma deyn jirin.

Galabtii mararka aad wada fadhidaan ayuu hadba buug yar kuu dhiibi jiray inta dadka uu ku kalsoon yahay. Wuxu soo raacin jiray warqad yar oo ay ku qoran tahay: "Akhri boggaa ilaa boggaas." Wuxu inta badan ku ladhi jiray weedhaas gaaban oo bogagga lambarradoodu ku qoran yihiin: "For your eyes only." Ma uu jeclaan jirin qof aanu u idmini in uu xogtiisa akhriyo. Buugaagta noocaas ah ee uu mowduucyada badan ku keydin jiray aad ayay u badnaayeen. In badan oo uu ii dhibi jiray ayaan akhriyay oo aanan maanta halkan ku soo wada qaadi karayn.

Illeyn waa kan dhareerkii idin ka soo daatay e', aan mid qoraalladaa ka mid ah godollo idiin ka soo qaado. Meeshu waxaan is-leeyahay waa meel u dhow Gallaaddi. Siciid wuxu la socdaa ciidan SSDF ah. Damal Koosaar ayay wada socdeen oo hawl-gallo wada-jir ah ayaa la is-lahaa wada qorsheeyo oo markii suuroobi waayay oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyihii SSDF hor joogsaday. Iyada oo baabuurtii la saaran yahay ayaa lagu soo baxay xawaallo ama xabaalo ood lagu wareejiyay. Baabuurtii SSDF-tu saarnayd ayaa saddex goor ku wareegtay. Xabbadaa cirka loo riday. Ninkii Siciid Cali Giir ayaa yaabay.

Markii baabuurtii laga degay ayuu buuggiisii yaraa la soo baxayaa oo ku xardhayaa dhacdadaas la yaabka ku lahayd. Maalintaas intii uu ku qoray buug-yarihiisii waxaan ka sii xusuustaa: "The Majerteen's in their desperate search for a Sheikh.....". Caadi ahaan Siciid Cali Giir afka Ingiriisiga ayuu inta badan wax ku qori jiray. Carabiga, Ingiriisiga iyo Soomaaliguba isugu mid ayay ahaayeen. Tusaalahan aan idiin soo qaaday ayaa wuxu ahaa: Majeerteenku, baadi-doonka quusta ah ee baahida ay u qabaan Sheekh, waxay ku wareegaan oo rasaas ka dul ridaan qabriga Korneyl Cirro aabbihii. Garo' oo Korneyl Cirro wuxu ahaa ninkii Inqilaabkii 1978kii hor kacayay. Sidaas kaftan xariirada leh ayuu Siciid Cali Giir wax u qori jiray.

Siciid Cali Giir, waxyaabaha kale ee uu sida aadka ah u jeclaa waxa ka mid ahaa kamiradan wax lagu sawiro. Si aad ah ayuu u jeclaa in uu dhacdooyinka iyo taariikhdaba ku sawiro kuna diiwaan-geliyo kamirada. Wuxu caado u lahaa mararka uu sawirrada soo sifeeyo in uu qofki uu ka qaaday u geeyo oo sawirka dushiisa saxeexiisa ku soo dhigo. Tusaalayaal nool oo badan ayaynu dhacdooyinkan u haynaa inta aynaan gaadhin ama helinba keydkiisii hodanka ahaa.

 

Siciid Cali Giir, keliya kama qayb-gelin halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran oo keliya, bal se door la yaab leh oo aan la illoobi karin ayuu ka soo qaatay nabadaynta dadka intii ay dagaalladu socdeenba. Qormada qormadeennan xigtaa waa Ergadii Nabadda ee Garaad Cabdiqani ee Balli-gubadle noogu timid ee Siciid Cali Giirna la socday.


v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);}

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

Inta aanan ka bixin Siciid Cali Giir iyo dhaqankiisii qoraannimo, waxaan halkan ku caddaynayaa in wehelka dhabta ah ee Siciid ahaa una kala mudnaa sidan: Qalinka, Buug-yaraha (note-book), Raadyowga iyo Kamirada. Waxa ugu badnaa ee uu ugu jeclaa ee uu qaban jiray wuxu ahaa qoraalka iyo diiwaangelinta taariikhda iyo dhacdooyinka. Inta badan qalimmada biirooga ah ayuu adeegsan jiray, fartiisuna waxay u badnayn tan waaweyn. Wuxu caado iyo dhaqanba u lahaa in uu qormooyinkiisa aad u xardho. Waxaan amminsanahay intii dalka la soo galay in Siciid Cali Giir ku tiirsanaa gacantiisa oo aanu adeegsanba kombiyuutarka. Inta badan mararka uu wax qorayo ama Raadyowga dhegaysanayo, isaga oo fadhiya ayuu dhulka ku foorarsan jiray oo wax qori jiray ama dhegta u dhaweyn jiray Raadyowga. Saddexda afba waa uu ku dhegaysan jiray. Qalinka, Buug-yaraha iyo Raadyowga ma dhigin jirin, kamirada se hadba waayihii adkaa ee jabhadeed sida uu u saamaxo ayuu u adeegsan jiray. Buugaagta yar-yar ee uu wax ku qori jiray lambarro taxane ah ayay lahaayeen, dhacdo kastaana taariikhdeeda ayaa ku suntanayd ama ku xardhanayd.

Ergadii Nabadda:

Garaad Cabdil-Qani iyo wefdigii ama ergadii uu hoggaaminayay waxay yimaaddeen Balli-gubadle iyaga oo oo lib sida. Intii aanu Balli-gubadle iman hawl-gal ballaadhnaa oo nabadeed oo uu dhammaantood ku wada guulaystay, Soomaaliyina meel ay joogtaba ay mahadisay ayuu soo galay.

Garaad Cabdi-qani ergadiisa waxa ka mid ahaa:

  1. Siciid Cali Giir,
  2. Cali Qamar,
  3. Maxamed Cali Caateeye,
  4. Baashe Cali Jaamac,
  5. Sheekh Daahir,
  6. Iyo rag kale,

Waxa intaa u dheeraa ciidan ammaankooda mas'uul ka ahaa oo aan u malaynayo in tiradoodu dhammayd ilaa soddon askari. Baabuurtii waxaan ka sii xusuustaa Land-cruiser Garaadku fuushanaa iyo Suzuki uu watay Maxamed Cali Caateeye.

Hawl-gallo iyo Heshiisyo nabadeed oo dhex maray Beelo Soomaaliyeed oo nidaamkii Siyaad Barre dab iyo colaad dhex dhigay. Heshiisyadaa waxaynu ka xusi karnaa

  1. Qararro: 10-11/2/90kii,
  2. Dannood: 15-16/8/90kii,
  3. Gawlallaale: 20-22/2/90kii,
  4. Gaashaammo: 20-22/8/90kii,
  5. Wanaagsan: 6//9/90kii,

Garaad Cabdil-Qani isaga oo socodkiisa ka soo bilaabay carri Dhulbahante, haddana intii uu u soo socday Balli-Gubadle, degaammadii uu soo marayay wuu ku soo habeen-dhaxay oo meel walba gacmo-furan ayaa lagu soo dhaweeyay iyada oo isla markaana si milgo iyo maamuusba lahayd loogu loogayay. Intii aanu Balli-Gubadle soo gaadhin dhowr maalmood iyo habeennadoodii ayuu Kaam-Abokor marti-sharaf u ahaa. Sidaa ayuu Garaad Cabdil-Qani ku yimid Balli-gubadle isaga oo carrigaa cagta soo mariyay oo baaq nabadeed iyo heshiisyo la mahadiyayba la soo dhex maray. Dadkii kala irdhoobay ayaa boggoodii burcad la isu mariyay.

Siciid Cali Giir, xubin muhiim ah ayuu ka ahaa ergadan. Dhinaca socday iyo dhinaca loo socday ee SNMba xog-ogaal ayuu u ahaa. Wuxu ahaa biriish isku xidha oo meesha ka saara wixii shakiyo dhalan karayay. Intaas ka-sokow ergadan uu Garaadku hoggaaminayay wuxu u ahaa xoghayn iyo diiwaan keydinayay dhacdooyinkii taariikhiga ahaa. Aqoon la yaab leh ayuu u lahaa dadka iyo degaannadaba.

25-26/9/1990kii, ayay socdeen wada-hadalladii ergadii Garaad Cabdil-Qani iyo SNM dhex maray. Intii ay nala joogeen Xaruntii SNM ergada Garaadku siyaabo badan oo togan ayay noo caawiyeen. Waxay na siiyeen sawirkii dhabta ahaa ee ugu danbeeyay ee nidaamkii Siyaad Barre. Waxa kale oo aanu u qaban-qaabinnay taxane wareysiyo ah oo ay kaga warramayeen waayaha dhabta ah ee Soomaaliyeed, iyaga oo isla markaana wixii dardaaran iyo waano ah siinayay dadweynaha iyo ciidammadii Xoreynta ee SNM.

Garaad Cabdil-Qani wuxu magacaabay ergo rasmiya oo dhinaciisa uga qayb-gasha wada-hadalladii rasmiga ahaa; halka ay SNM-na ka soo magacawday xubnihii dhinaceeda wada-hadallada ka qayb-geli lahayd. Jawi caafimaad qaba oo isu hilow iyo kalgacaltooyaba leh ayay wada-hadalladii ku bilaabmeen. Wefdigu intii ay nala joogeen Xarunta SNM, waxay ku qanceen sawraca iyo baadi-soocda Ururka oo ahayd mid dadweyne ama go’aan-qaadashada oo ahayd mid wadareed oo ku aroorta dhaqanka iyo diinta Islaamka. Siciid Cali Giir hawlahaas oo dhan xuddun iyo udub-dhexaad ayuu u ahaa.

Markii ay labada dhinac wada-hadlayeen laba maalmood ayaa waxay soo saareen War-murtiyeedkan hoos ku qoran:

HESHIIS IYO WAR-MURTIYEED WADAJIR AH OO AY SOO WADA SAAREEN URURKA SNM IYO WEFDIGA UU HOGGAAMINAYO GARAAD CABDIL-QANI GARAAD JAAMAC

25-26/9/1990ka, waxa Xarunta Dhexe ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM) ka dhacay Shir taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ahmiyad u leh, ayna isugu yimaaddeen wefdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Garaad Cabdil-Qani Garaad Jaamac iyo xubno Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Ururka SNM, uuna hoggaaminayay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka wakiil ahaa Guddoomiyaha SNM oo maqnaa ahaana Xoghayaha Warfaafinta. Shirkan oo ku dhacay jawi walaaltinnimo iyo yuhuun halgameed, waxa wefdiga Ururka ee SNM si diirran ugu hanbalyeeyay kaalinta fir-fircoon ee Garaadka iyo wefdigiisu ka qaateen walaalaynta iyo nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed ee ood iyo dan-wadaagta ah. Dhinacooda waxay wefdiga Garaadku ku bogaadiyeen Ururka SNM iyo taageerayaashiisa naf-huridda ballaadhan ee ay u hureen ka-xoreynta ummadda heerayada digtaatoriyadda iyo cadaadinta. Wefdiga Garaadku waxay ku nuux-nuuxsadeen siday uga xun yihiin burburka iyo dilka laxaadka leh ee nidaamka talisku kula kacay dadyowga ku nool gobollada Ururka SNM xoreeyay kana dagaallamayo.

Shirkan oo socday 25-26/9/1990ka, waxay labada dhinac kaga doodeen kuna falanqeeyeen arrimaha badan ee yaal. Wuxu ku furmay kuna socday is-af-garad buuxa ee qodobbadii laga wada hadlayay.


v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);}

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

Ø Dhinaca SNM iyo Garaad Cabdil-Qani Garaad Jaamac iyaga oo eegaya xaaladda halista ah ee dalkeennu marayo iyo halaagga uu qarka u saran yahay, dhibaatooyinkaas halista ah oo si gaar ah u saameeyay gobollada woqooyi iyo dadkoodii, kumaankun ka mid ahina baro-kaceen, haddana ku sugan yihiin nolol silic iyo saxriir leh,

Ø Tixgelinaya, kuna diirsaday Heshiisyadii nabadaynta iyo walaalaynta Beelaha Soomaaliyeed ee taxnaa, ayna ka mid ahaayeen:

    • Qararro: 10-11/2/1990ka,
    • Dannood: 15-16/8/1990ka,
    • Gawlallaale: 20-22/2/1990ka,
    • Gaashaammo: 20-22/8/1990ka,
    • Wanaagsan: 6/9/1990ka,

Ø Islana gartay baahida weyn ee loo qabo in Ummadda Soomaaliyeed iyo qaybahooda kala duwani talo ka gaadhaan aayahooda danbe, iyada oo ay tahay in la soo gebagabeeyo muddada labaatanka sano ka badan ee Ummaddu ku sugnayd digtaatooriga ku habsaday ee geliyay cadaadiska nololeed iyo cabbudhinta nidaamka keli-taliska ah,

Ø Haddana xeerinaya baahida deg-degga ah ee loo qabo mideynta iyo is-kaashiga dhammaan xoogagga mucaaridka Soomaaliyeed, waxay guddoonsadeen go’aammada iyo qodobbada Heshiiskan ee soo socda:

  1. In culays la taaban karo iyo wax-qabad dhab ah la saaro nabadaynta iyo heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed meel ay ku sugan yihiinba,
  2. In iyada oo laga shidaal qaadanayo nabadaynta iyo walaalaynta Beeleed ee ka dhalatay go’aammadii Shirweynihii 6aad ee Ururka SNM iyo Heshiisyadii Qararro, Dannood, Gawlallaale, Gaashaammo iyo Wanaagsan loo daaddejiyo Beelaha labada dhinac ka tirsan ee ku nool Sool iyo Sanaag ee aanay weli u suuro-gelin in ay nabadda ku hoos noolaadaan,

  1. In labada dhinac si hagar la’aan ah uga wada shaqeeyaan sidii loo demin lahaa colaadda Beeleed ee ka oogan gobollada Woqooyi-galbeed iyo Awdal, iyada oo afti nabadeed laga hayo labada Beeloodba,

  1. In aanay labada dhinac dedaalkooda ka hagran sidii loo heli lahaa ummad Soomaaliyeed oo mideysan, isuna niyad-san, lana abuuro jawi caafimaad-qab iyo walaaltinnimo leh,

  1. Labada dhinac waxay isku waafaqsan yihiin in arrinta shakhsi-eedaynta iyo denbi-galku tahay mid qof waliba ka mas’uul yahay waxa uu geystay. Sidaas awgeed in aanay xaq iyo caddaalad ahayn in wadar ahaan loogu eedeeyo ama loola dhaqmo qabiil ama bulsho sidii wax mas’uuliyadda fal ama falal ciqaab iyo takoor mudan,

  1. Labada dhinac waxay isku aragti ka qabaan dhibaatooyinkii laxaadka lahaa, xasuuqii dadka, burburkii, boobkii iyo dhicii hantidii nooc kasta lahayd ee nidaamka hororka ahi mas’uuliyaddeeda leeyahay, laxaadkeeduna ku dhacay gobollada Woqooyi, maalin walba maalinta ka danbeysana u sii gudbaysa gobollada dhexe iyo koonfureed ee dalka. Iyada oo ay labada dhinac ka murugaysan yihiin ka tacsiyadaynayaanna ummadda Soomaaliyeed ee dhibban, ayay ku ballan qaadayaan in aanay waxba ka hagran sidii loogu halgami lahaa wax kasta oo lagaga bogsan karo dhibaatooyinkaas, laguna sugi karo midnimada, nabadda iyo horumar wax-ku-ool ah oo ummaddu wadar ahaanteeda ku tallaabsato,

  1. Iyada oo ay labada dhinac aqoonsan yihiin baahida weyn ee loo qabo in ummaddu isugu timaaddo Shirweyne Qaran oo lagaga tashado aayaha danbe, waxa la isla gartay in Ururka SNM qaado xilka Shirkaa, waqtiga iyo goorta ugu habboon uguna dhakhso badan,

  1. Labada dhinac waxay isla qirayaan in qaabka halganka hubeysani uu yahay qaabka ugu toolmoon ee lagu ridi karo nidaamka digtaatooriga ah ee Soomaaliya ka taagan, iyada oo had iyo goor halkudheggu yahay in siyaasaddu hagto qoriga,

  1. Labada dhinac waxay Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo askarta damiir Soomaalinnimo ku jiro, welina ku hadhsan ciidanka keli-taliska, ku boorrinayaan in ay ka baxaan falalka dilka iyo dhaawaca ummadda qorigana ay ku jeediyaan cadowga ummulo-dooxa ah,

  1. Labada dhinac waxay isku raacsan yihiin in shacbiga Soomaaliyeed nabad iskaga gudbaan gobollada,

  1. Labada dhinac waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirri-gelinayaan sidii ciidammada digtaatoorku aanay gobollada isaga gudbi lahayn si qorshayaasha cadowtinnimo aanay u suuro-gelin,

  1. Labada dhinac waxay isku raaceen in la tabantaabiyo askarta ka goosatay ciidanka nacabka ah iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee damacsan in ay u gudbaan degaammadoodii,

  1. Labada dhinac waxay isla garteen in ay iska kaashadaan wax-ka-qabadka eedaysanayaasha dhaawacay nabadda, kuna qeexan Heshiisyadii nabadda Beelaha,

  1. Labada dhinac waxay dadweynaha taageersan ku boorrinayaan dhaqan-gelinta labadii Heshiis-Beeleed ee Gawlallaale iyo Gaashaammo,

Labada dhinac oo si buuxda isugu af-gartay qodobbada Heshiiskan, waxay kalsooni buuxda ku qabaan in danta shacbigu ku jirto fulinta qodobbadan. Iyada oo laga shidaal qaadanayo sida shacbigeennu ugu heellan yahay wanaagga iyo guulaysigiisa, ayay ummadda ugu baaqayaan:


Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

  1. In shacbigu xoojiyo midnimadiisa, cududdiisana meel isugu geeyo, iskana ilaaliyo kala-qaybsanaan walba oo inagu waarinaysa habeenka madow ee digtaatooriyadda, dib-u-dhaca iyo xaq-soor la’aanta;
  2. Labada dhinac waxay dawladaha iyo hay’adaha samo-falka ee caalamiga ah ee weli kaalmada u fidiya dawladda iyo ciidanka digtaatooriyadda ugu baaqayaan in nidaamkaa la go’doomiyo, lagana jaro kaalmadan uu hagardaamada shacbiga u isticmaalo;
  3. Labada dhinac ee Heshiiskan saxeexay waxay isla garteen in dedaal kasta loo galo sidii qaxootiga hubeysan looga saari lahaa ciidammada cadowga ayna guryahoodii nabad ugu noqon lahaayeen,
  4. Ugu danbayntii waxay labada dhinac Ururrada Jabhadaha mucaaridka ah ee hubeysan iyo kooxaha kale ee mucaaridka ah, sida kooxdii bayaanka Muqdisho, kuna sugan magaalo-madaxda iyo gobollada ugu baaqayaan in ay ka digtoonaadaan in loollan xukun iyo awood-u-kala dheereyn dhexdooda ka abuuranta; iyada oo ay la gudboon tahay in ay ku dedaalaan mideynta halgankooda iyo jiritaanka xidhiidh adag oo wada-shaqayn iyo isku-duwidda hayaanka halganka ciidameed iyo siyaasadeed ee weli lagu jiro;
  5. Labada dhinac waxay canbaarayn kulul dusha uga tuurayaan nidaamka cadowtinnimo ee dharaar iyo habeenba ugu hawl jira sidii uu fidmo iyo is-af-garan waa u dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah;
  6. Waxa kale oo ay labada dhinac canbaaraynayaan tabaha cadowtinnimo iyo shirqoollada khatarta ah ee nidaamka nacabka ahi ku fuliyo siyaasadihiisa kala-qaybi oo xukun iyo sii ballaadhinta burburinta iyo baabi’inta Qaranka Soomaaliyeed;
  7. Labada dhinac waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan xoogagga xoreynta Soomaaliyeed ee halganka qadhaadh kula jira nidaamka digtaatooriga ah;

Ugu danbayn, waxay labada dhinac hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan xoogagga xoreynta iyo nabadda ee adduunka iyaga oo canbaaraynaya xoogagga nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka lidka ku ah.

"Dhankaana dhan ah," ayay odhaahdu ahayd. Siciid Cali Giir dedaalkaas iyo hawl-galkaa nabadaynta loo galayna doorkaa shariifka ah ayuu ku lahaa. Heshiisyadaas iyo is-af-garashadaasi waa tii dhalisay in aanay ciidammadii SNM ee dibuxoreynta qaran ku hawlanaa u gudbin gobollada Sool, maxaa yeelay hore ayaa heshiisyadaas loo galay iyada oo la sii arkayay aayaha ummadda Soomaaliyeed halka uu ku danbaynayo.

Waxaan jeclahay in aan ku soo gunaanado taxanahan koobnaa ee Siciid Cali Giir qormo aad u gaaban oo uu ii soo gudbiyay Keyse Shukri Jaamac oo yaraantiisii kula sheekaysan magaalada Diri-dhabe, waxaanu Keyse yidhi:

"Siciid wuxu ahaa qof aad u dun wanaagsan oo qalbi furan oo aad si dhib yar isku baran kartaan. Waxay ahayd 1984kii horraantiisii iyo magaalada Diri-dhabe. Siciid wuxu ka tirsanaa ururkii SNM.

Siciid waxaan ku xasuustaa talooyinkii dhaxa- galka ahaa ee uu guud  ahaan duruufaha markaa jiray ka bixin jiray. Wuxu ahaa oday kaftan badan oo bulshada dhexdeeda laga jecel yahay, yar iyo weynna isku si' u raalli-geliya.

Wuxu Ilaahay siiyey maskax aad u sarraysa, oo garasho iyo xusuus badan leh. Maalin ayaan waydiiyey waxa ku kellifay in uu askari noqdo, aniga oo xirfadda askarinnimada yara maagaya, dareensanaana in uu Siciid leeyahay karti intaa ka badan. Waxa uu ii sheegay in sannadkii 1959kii ama 1958kii uu dugsiga sare dhammeeyey, xilligaa qofka dugsi sare dhammeeyaa waxa uu xaq u lahaa jaamacad bilaash ah oo boqortooyada Ingiriiska loo tago.

Wuxu Siciid igu yidhi, maalintii aan la kulmay guddida hawshaa waxbarashada u qaabbilsanayd mustacmaradda Ingiriiska  ayaa waxa lay waydiiyey maaddadda (Subject) aan doonayo in aan soo barto. Waxaan ugu jawaabay sharciga (Law), waxa ninkii guddida u hor-joogaha ahaa oo Ingiriis ahaa igu yidhi sharciga dawladda Ingiriis way joojisay ee maaddad kale dooro, anna waxaan ugu jawaabay oo sow lixdankii sannad kama hadhin, waar iska hayso waxbarashadaada.

Xubnihii guddida ku jiray ee Soomaalida ahaa ayaa igu yidhi adeer lixdanka waxba ka garan maysid e' maaddadahaa kale mid qaado. Kama yeelin aniga oo isla qab wayn una arka in 1960kii oo maalintii xornimada Somaliland ku beegnayd ah, in janno soo dillaacayso, ayaan odayaashii taladoodii ku gacan-saydhay.

Muddo ka-dib ayaa aniga oo fadhiya casar maqaaxida Tuyuub oo Hargeisa ku taalla, ayuu Cumar Hadraawi oo ka mid ahaa raggii xornimada Somaliland laf-dhabarta u ahaa ii yeedhay oo ii sheegay in saraakiil millateri Ingiriiska loo dirayo, haddaynu xisbiga SDU nahayna hellay xubin, markaa qofka keliya ee GC ama Dugsi sare dhammeeyey ayaad tahay ee ururka ka tirsan, sidaas ayaan ku galay ciidammada millateriga.

Siciid wax madaxa kaga jiray gumacyo rasaasa oo kaga dhacay tuulada Daba-goryaale dagaalkii 1964kii ee Itoobiya iyo Soomaaliya, markaan  waydiiyey sababta uu iskaga saari waayey, wuxuu iigu jawaabay maanaa taariikh kaleba haya oo aan da'-yartiina tuso.

Siciid wax uu ka mid ahaa saraakiishii reer Somaliland ee 1961 Inqilaabka dhicisoobay ka sameeyey Somaliland.

Siciid Ilaahay Jannada fardowsa ha ugu deeqee wuxuu kaalin muuqata ku lahaa jabhadihii la dagaalamaayey nidaamkii siyaad bare, isaga oo markii gore galay SSDF kedibna uga diga rogtay ururkii SNM.

Inta aan ka xasuusto Siciid wax uu la walaal ahaa oo aad uga yaraa Cali Cali Giir, oo sida ka muuqata magaca Cali Cali tahay wiil iyo aabihii oo isku magaca, sababtuna ahayd in cali giir caruutu ka noqon(Saqiiri) jirtay, caado Soomali jirtana la raacay oo odhanaysa in Wiilka dhasha loo bixiyo magaca aabihii. Waxa kale oo uu ii sheegay in ay jiraan rag ay xaga hooyo ka walaalo yihiin oo aanay isku deegan ama Hayb ahayn, halkaas oo uu iiga sheekeeyey sheeko dhex martay isaga iyo walaalkii?"

Waxa kale oo mudan in aan halkan ku xuso in Mujaahid Cali Jaamac oo loo yaqaanno Guush uu isaguna boggiisa Facebook-ga qormo gaaban kaga qoray Mujaahid Siciid Cali Giir, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana dhamaanteen samir iyo iimaan saadig ah ha inaga siiyo.


Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

Dhammaad

 


 

 

 

 

Additional information