Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka

 

"Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,

Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,

Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,

Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,

 

 

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka

Image result for Sawirka Axmed Xasan Cawke(1948kii - 2015ka)

"Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,

Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,

Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,

Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,

Dadkii baad ka wada oohisee, danab miyaad aastay,

Dayaxaad madoobaysayeed, damisay nuurkiisa,

Dib miyaan indhaha loo tusayn, Diirshe Ina cawke?

Doobtiyo rakaaddiyo codkii, dananka reemaayey,

Dib miyaan Ducaaloow dheguhu daacad u maqlaynin?"

Baroor-diiqda Dayax-madoobaad ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Hargeysa, 21/11/2015ka

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

'Innaa Lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.' Waa geeri iyo camalkeed. Aan ku cudur-daarto tuduc aad u gaaban oo ku jiray maansadii Daalacan ee Hadraawi oo ah:

"Dib-u-dhigasho mooyee,

Wax is-doorshay ma ay dhicin,

Afartaa xan durugtiyo,

Danni jira wax-sheeggii,"

Axmed Xasan-cawke maa-daama dad aad u badan oo meelo kala geddisan joogaa ay yaqaanneen waxa ii muuqatay in meelo iyo siyaabo badanba loo xusi doono. Sidaas ayaan u yar lug-danbeediyay. Sidii ayaanay u dhacday oo waa taas tacsidii iyo baroor-diiqdiiba ay socdaan.

Waa subax Salaasa ahayd, taariikhda Miilaadiguna ku beegnayd 17kii, Noofambar 2015ka. Waa san ayaa noogu baryay magaalada Hargeysa oo aan ka mid ahay dadka deggen, haddii Eebbe idmana aan sii deggenaan doono inta noloshayda ka hadhay. Waa halka aan ku dhashay ee ay xudduntaydu ku aasan tahay.

Sidii dhaqanka iyo caadadaba ii ahayd waxaan toosay goor hore oo aan dhegaystay qaybo afafka qalaad ah oo BBC-da ah ka dibna u digo-rogtay VOA-da oo 6.30ka subaxnimo soo gasha. Wararka ka-sokow waxaan aad u xiiseeya heesta lagu soo khatimo oo mararka qaarkood ku aroorinaysa oo waayo-waayo ku xusuusinaysa. Waxaanan illoobayn Cabdi-qays iyo Aamina Canbdillaahi oo aroor dhaweyd hees kala roganayay. Waxaan is-idhi waa bilowgii lixdankii iyo magaalada Jabuuti. Inta aan subaxdaa iska daayay BBC-dii Soomaaliga ahayd ayaan dhakhso u baxay aniga oo Xisbiga Waddani ballan adag ku lahaa. Guddi gacanta ku haysay qabyo-qoraalkii Barnaamajka Wax-qabad ee Xisbiga Waddani ayaan la ballansanaa. Xafiiskii markii aan tegay ayaan arkay iyagii oo aan weli iman.

Gaadhigii ayaan dub u kala-xeelay aniga oo go'aansaday in aan soo maro dhakhtar aan la ballansanaa. Waxaan tegay Xarunta Baashista ee Rejo oo aan dhiigag iskaga qaadayay. Markii aan dhammaystay ee aan ka soo baxayay ayaa waxa iga dabo yimid wiil dhallinyaro ah oo Xaruntaa Rejo ka shaqaynayay oo aanu is-naqaannay. Isaga oo baalle-daymoonaya ayuu cod aad u hooseeyay oo aanay kalsooni badani ku dhehhnayn, dhegta ii saaray: "Miyaad maqashay geerida Cawke." Aniguna yaabay oo idhi: "Cawke waa kee? Ma Ina Xasan-cawke?" Ku-ye wiilkii Guuleedna: "Haa."

Aniga oo yar yaabban oo hoos isu weydiinaya halkii uu ku danbeeyay maa-daama an magaalada Hargeysa ku ogaa, ayaan Guuleed dib su'aal ugu celiyay. Waxaan weydiiyay halka uu ka maqlay. Ku-ye isaga oo aan shakisanayn: "Facebook-ga ayaa saaka ka akhriyay." Inta aan hoos u hiifay Facebook-ga, ayaan aniga oo sii dhaqaaqaya ku idhi: "Waa beentood, maxaa yeelay maalinba qof nool ayay aasaan oo ay ku dul qoraan war deg-deg ah." Sidaas ayaan ku dhaqaaqay aniga oo Guuleed shaki ku abuuray.

Aniga oo aan Xafiiskii Waddani gaadhin ayuu Guuleed i soo garaacay, ku-ye: "Adeer waa dhab oo wuxu ku geeriyooday saaka magaalada Jigjiga." Markan warka dhiillada xanbaarsani waa uu i taabtay. Si buuxda uma xaqiiqsan bal se shaki iyo walaac ayuu igu dhaliyay. Guuleeed ayaan su'aal aan ku shaki-baxo weydiiyay oo ahayd: "Adeer, yaad ka hubisay ee warkan naxdinta leh ku saxeexan?" Guuleed oo aan is-dhibin isla markaana aan ii soo war-wareegin, ayaa iigu jawaabay: "Mulkiilaha Maalinlaha Geeska ee Raambo ayaan weydiiyay oo ii caddeeyay."

Xaruntii Xisbiga Waddani markii aan gaadhay, ayaan Maxamed-raambo tilifoon u diray. Wuxu ii xaqiijiyay in uu Axmed Xasan-cawke si kedis ugu dhintay magaalada Jigjiga meydkiisana isla maanta la soo qaadayo. Waa sidii mocooyooyinkeen odhan jireen e', warkaasi wuxu noqday 'Xaqiiqal Maka.' Dhowr tilifon oo kale ayaan diray oo uu ka mid ahaa Yoonis Cali Nuur. Qaarkood ayaa iigu jawaabayay: "Waxaan weli la kala caddayn Kalabaydh oo aabbihii ku aasan yahay iyo Wajaale midka lagu aasayo." Mararka qaarkood ayay magaalada Gebilay sheekada xabaasha soo gelaysay. Qaar kale aya ku odhanayay saddex xabaalood ayaa la kala qoday.

Markii aan isu geystay wararkii tilifoonnada iyo mareegaha waxan isu diyaariyay in aan u ambo-baxo magaalada Wajaale oo warkii isugu biyo-shubtay in lagu aasay. Muran yar xoogganaa waxoogaa ayaa ka dhashay sababta loogu aasayo Wajaale oo qarka Itoobiya ah. Markii aanu goobta tagnay se, waxaanu xaqiiqsannay in ay Dawla-degaanka Soomaalidu sidaas door-bidday si ay iyaguna ilaa heer Madaxweyne ugaga soo qayb-galaan

Wuxu ahaa Axmed Xasan Suufi-cilmi. Aabbihii Xasan waxa loo yaqaannay Xasan-cawke. Hadda ma aha Xasan Cawke ee waa Xasan-cawke. Sidaas daraaddeed sifada Cawke waxay ahayd sifo ku ladhnayd ee ma ay ahayn magaca Xasan aabbihii oo ahaa Suufi-cilmi. Sida dadka intiisa badani u haysato, Cawke ma aha magac Axmed lahaa ama magaca awowgiiba.

Aabbihii ayaa la odhan jiray Xasan-cawke oo ay tahay in aad u qaadataan in Cawke ay ahayd sifo aabbihii magaciisa lagu ladhay. Haddii aan cabbaar raadiyay macnaha ereyga Cawke waxa la iigu sheegay adeygga ama qofnimo ha noqoto, ama hadalka ha noqoto ama si kaleba ha noqoto e'.

Axmed Xasan Suufi-cilmi oo loo yaqaannay Axmed Xasan-cawke ama Ina Xasan-cawke wuxu ku dhashay magaalada Tog-wajaale 1948kii. Da'diisa ma aan sugin oo qoraal kuma aan helin, bal se waxaan ka dhaqaaqay Muuse Biixi Cabdi oo ay isku dugsi iyo fasalba ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Caasha Aw Faarax Xirsi Mixille. Gabadh keliya ayay Axmed wada dhasheen oo ah Caneb.

Axmed wuxu dugsiyadii hoose/dhexe ku soo qaatay magaalada Tog-wajaale. Dugsigiisii Sare wuxu ku soo qaatay Cammuud, waxaanu dhammaystay 1970kii. Ka-dib wuxu ka bilaabay magaalada Gebilay shaqadiisii qaran. Halkaas ayaan ku bartay 1972kii. Aqoon badan uma aan lahayn. Axmed Xasan-cawke fadhi aan la fadhiisto oo aan sheeko la wadaago waxay ii ahayd maalmo ku jiray 2008kii, xilliyadii lagu jiray diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha. Inta badan waayo kala geddisan iyo meelo kala duwan ayaanu ku noolayn oo na kala qariyay.

Sannadkii 1973kii ayuu ka mid noqday dhallinyaro imtixaan lagu tartamayay u gashay Radio Muqdisho. Waxa tartamayay 17 dhallinyaro ah oo dugsiyada sare ka soo baxay shaqadii Qarankana dhammaystay. Waxa imtixaankaa ku gulaystay: Yoonis Cali Nuur, Cabdi Idiris Ducaale, Aadan Nuux Dhuule, Maxamuud Sheekh Dalmar, Axmed Xasan-cawke, Maxamed Cali Carraale iyo Maxamed Xasan (Terra). Beryaha qaar ayaa saami-qaybsigu sidaas iska ahaa. Heerkii beryahaa la taagnaa dhallinyaradan la qaatayba waxay wada ahaayeen reer woqooyi marka laga reebo Maxamed Xasan (Terra).

Markii barbaartas loo qaatay Radio Muqdisho ee ay imtixaankii ka gudbeen, waxay halkaa ugu tageen ruug-caddaa aan odhan karo waxay ahaayeen Raacii 2aad ee weriyayaasha Soomaaliyeed oo iyaga qudhoodu ahaa intii ka soo aflaxday Radio Hargeysa oo ahaa Raadyowgii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo la furay 1941kii. Idaacadaha kale marka aad dhaafto Laanta BBC-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu 16 sannadood ka weyn yahay ama ka horreeyayba.

Aan sheekadeennii Ina Xasan-cawke ku soo noqdo e' isaga iyo colkii la wada qaatay ayaa tababarro iyo carbis lagu bilaabay. Waxa u bilaabay Raacaa 2aad oo ay ka mid ahaayeen: Mustafe Xaaji Nuur, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Siciid Caddaani, Mijir Qaaddi-Maxamud, Idiris Xasan Diirye, Weli Xaaji Cali iyo Idiris Cigaal Nuur. Raacii ugu horreeyay ee weriyayaasha waxaynu ka xusi karaynaa Xaaji Cabdi Ayuub oo ahaa qofkii soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee BBC-da ka hadla, kuna furay "Halkani waa BBC oo idin bariidin."

Marka aynu si gaar ah ula baxno Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha warka sheega kuwa ugu fiican xagga tebinta iyo codkaba. Waxa intaa u raacayay xidhiidhsanaanta hadalka aan joogsiga iyo ku-margashada lahayn. Wuxu kaga tegay doobtii xariirta ahayd ee codka lab ee dheg-raaricinta leh dhegaystayaasha gaadhsiinaysay. Mararka warka la sheegayo dadka qaar ayaad mooddaa in ay iyagu isu warramayan, Axmed Xasan-cawke se waa uu ka duwanaa oo wuxu u warrami jiray dhegaystayaasha xiisaha u qabay qulqulkii weedhaha toolmoon ee sida webiyada cartama danankooda iyo reenkooda lagu raaxaysanayay.

Axmed Xasan-cawke wuxu ka mid noqday weriyayaasha ugu fiican xagga tebinta ciyaaraha oo aan filayo in uu kaga deyday Weli Xaaji Cali oo cod degdeg ah oo cagta ama gacanta kubbadda wadata la xawliya ku gudbin jiray wararka ciyaaraha. Waxaan Dugsiga Sare ee Benaadir oo Muqdisho ku yaalla ku jiray 1964kii - 1968kii. Garoon kubbadeed ayaa dugsiga noogu yaallay oo aanu galbaha qaar kubbad ku ciyaari jirnay. Waxaan xusuustaa in uu noo iman jiray Weli Xaaji Cali oo rikoodh UHR ah sitaa oo kuwii cajaladaha waaweynaa ah. Halkaas ayuu annaga oo ciyaarayna ku baran jiray sida ciyaaraha wararkooda loo gudbiyo. Mararka qaarkood carruurta daawnaysa ayuu urursan jiray oo ku odhan jiran qaylo iyo sawaxan sameeya oo uu ka duubi jiray. Weli Xaaji Cali waa ninkii ciyaarihii gobollada oo la ciyaarayo oo ay isku haleeleen koox reer woqooyi ah iyo mid reer koonfureed ahi inta uu is-illoobay yidhi: "Innaga aya wadanna."

Axmed Xasan-cawke dabeecadihii uu lahaa qaarkood wuxu ka watay ama ka raacayba aabbihii Xasan-cawke oo nin ballaadhan ahaa. Wuxu aabbihii ka mid ahaa mudankii ganacsatada magaalada Tog-wajaale. Wuxu aabbihii dhaqan iyo caadaba u lahaa in aanu dadka u kala qaybin reero iyo haybta ay ka soo jeedaan bal se uu magaalo ahaan u mideeyo. Wuxu aad iyo aad isugu deyi jiray in uu waayaha magaalada si fiican xogxogaal ugu noqdo magaceedana ilaaliyo.

Xasan-cawke waxa ceeb ku ahayd in ay dadka reer miyiga ah ee badeecadaha keenaa dib ula noqdaan mararka laga iibsan waayo. Shaqaalihiisa ayuu u diri jiray oo uu ku odhan jiray yaan badeecad magaalada la keenay dib reerihii loogu celin oo aan la odhan Wajaale waxba laguma iibsado. Sidaas ayuu kula wareegi jiray dhuxusha iyo xaabada la iibsan waayo si uu magaca iyo milgaha magaalada u ilaaliyo.

Xasan-cawke ayaa beri wiil malaha shaqo loo doonayay loo keenay. Baristii wiilka la barayay ayaa lagu yidhi: "Waa wiil fiican oo Reer Jigjiga ah." Xasan-cawkena maalintaa wuxu reebay odhahhda ah: "Waa Reer Jigjiga iyo waa wiil fiican kala daaya." Waxaan ka guntay inahaas Xasan-cawke ku saabsan muddaakaraat uu beryaha qaar noo marin jiray Xasan Warsame Seed oo aad u yaqaannay lana soo noolaa muddo dheeri.

Xagga nolosha qoysnimo Axmed Xasan-cawke laba jeer ayuu guursaday. Wuxu ku horreeyay Caasha Daahir oo u dhashay Maxamed iyo Farax. Markii uu London u digo-rogtay wuxu guursaday Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo u dhashay: Xasan, Caneb iyo Sakariye. Dhammaantood waa ay nool yihiin.

Xilliyada kale ee Axmed Xasan-cawke sida aadka loo bartay waxa ka mid ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ee 1977kii. Halkaa wuxu ka sawaabiyaa ama ka metelaaba Mustafe Xaaji Nuur oo isaguna sidaas oo kale ugu caan-baxay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray 1964kii.

Axmed wuxu ahaa nin aad u furfuran oo ay si fudud isu bartaan ama isu dhex galaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Wuxu lahaa xidhiidh ballaadhan oo uu qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed uu la lahaa. Hadda bulshada soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliya waa kala laba. Hadalkan, waxaan uga gol leeyahay xidhiidh wanagsan oo walaaltinnimo ayuu la lahaa dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba. Wuxu ahaa weriye soomaliyeed oo ka soo jeeday Somaliland oo uu ku dhashay laguna aasay.

Aaskii dib ugu noqo. Waqti hore ayaa xafiisyadii, xarumihii laga shaqaynayay iyo makhaayadihii la hoganayayba laga dhaqaaqay. Intaa warku wuu socdaa oo tilifoonnada iyo baraha bulshada ayaa lagu wada xidhiidhayaa. Wararkii xabaasha iyo halka lagu aasayo ku saabsanaa waxay isugu biyo-shubteen magaalada Tog-wajaale oo weliba qarka shishe ama Itoobiya ah.

Anigu waxaan ka mid ahaa colalkii baxay xilli ku beegnaa ilaa 1.00 gelinkii danbe ee isla maalintaas ah, 17/11/2015ka. Ma aanu badnayn oo baabuurka waxaanu ku saarnayn: Abshir Nuur oo reer Ottawa ah, Candiraxmaan Xasan-duse oo noo waday gaadhiga oo aan abti u ahay iyo aniga. Hargeysa ilaa Tog-wajaale meel keliya is-ma aanu taagin.

Waqti 2.30kii gelinka danbe ku beegnaa ayaanu Wajaale gaadhnay. Magaaladiiba waa ceeryoon oo dad iyo baabuur ayay la ciir-ciiraysaa. Saacadihii hore macaa baabuurta waa la tallaabayay, bal se xilliyadaa aanu magaalada gaadhnay baabuurtii waa la joojiyay oo lug ayaa lagu tallaabayay. Baabuur 'Surf' ah oo uu watay Guddoomiyaha magaalada iyo ninka amniga oo isagu reer Lafo-ciise ahaa ayaa na qaaday oo na geeyay gurigii meydka Axmed yaallay. Waxaanu ka mid ahayn dadkii sii gelbiyay ee fursadda u helay in ay indhaha ka qaadaan intii aan la aasin.

Meydka Axmed sariir ayuu saarnaa. Dhinaca midigta ayuu u yaallay. Madaxu xagga koonfureed ayuu u yaallay luguhuna xagga woqooyi. Madaxiisu waa uu muuqday oo dhaban, timaha iyo madaxaba waanu aragnay. Shaadh iyo macawis ayuu xidhnaa. Labada lugoodna waanu aragnay oo ma ay dednayn. La iskuma jebin ee wuu fidsanaa.

Su'aasha ugu badnayd ee aaska la iska weydiinayay waxay ahayd: Maxaa daanta ama qarka Itoobiya ee Tog-wajaale loogu aasayaa? Malaha waxay ku fiicnayd in labada maamul ee Itoobiya iyo Somaliland la weydiiyo. Anigu se, bal aan faduuli iska noqdo oo aan isku dayo in aan ka jawaabo. Si aad u garataan aan sababayntayda male-awaalka iyo mutihiska qodobbeeyo:

  1. Axmed Xasan-cawke oo si kedis ah isga oo aan wax badan xanuunsanayn si lama-filaan ugu dhintay magaalada Jigjiga,
  2. Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeday magaalada Tog-wajaale oo aan Jigjiga ka fogayn,
  3. Madaxweynaha Kililka 5aad iyo madaxda kale ee Dawlad-deegaanka Soomaalida oo jeclaystay in ay aaska ka qayb galaan,
  4. Labada dal ama mas'uuliinta labada dal oo aan isku diidin ama aan ku murminba halka lagu aasayo,
  5. Iyada oo ay labada dhinacba si fudud uga wada qayb-geli karayeen,

Waxaan is-leeyahay intaa waxa raacaya Xukuumadda Somaliland oo aan looga baran ama aan la isku hallayn karayn haynta iyo ilaalinta hab-maamuuska madaxda goobta imanaysa. Aaskii Qaryaan Dhoodaan ayaa la ogaa sidii habqanka iyo habaqlaha ahayd ee loo tegay. Jaantaa rogan ayay ahayd. La-yaab ma laha madaxda Kililku haddii ay ka baqday in ay tii oo kale dhacdo, run ahaantiina waa ay dhacday. Waxba yaan ku sii tiigaalin Xukuumaddeenna oo aanay iga jeedin mowduuca aan u ambo-baxay. Malahayga mareegaha iyo saxaafadda kaleba ka dheehate fool-xumooyinkii meesha ka dhacay. Waxaasi ma ay ahayn wax loo aaneeyo Axmed Xasan-cawke oo aaskiisii la joogay. Xaasha! Tani waxay ahayd 'Geeri arooskeed.' Si caaqiibo iyo xarragoba leh ayaa loo sii gelbiyay oo loo sii sagootiyay.

Aaska iyo gelbiska Ina Xasan-cawke, waa kow geeri ay tacsideeda ka sinnaayeen saddex Madaxweyne oo Soomaaliyeed: Mudane Siilaanyo, Mudane Cabdi Cumar iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ma goobtii aaska iyo xabaashii baa? Usha cirka loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn. Ragga waxa ka badnaa dumarka iyo dhallinyarada gobollada intooda badan iskaga timid.

Axmed Xasan-cawkw, Ina Xasan-cawke ama Cawke-yareba sidaas ayuu taariikhda culan bogaggeeda ku gelayaa. Magac ayuu ka tegay ku xardhanaan doona taariikhda ma-guuraanka ah ee war-baahinta Soomaaliyeed. War-baah\inta oo keliya ma aha ee wuxu taariikh ku gelayaa in uu ahaa aaskii ugu gelbiska fiicnaa ee qof soomaaliyeed loo sameeyo. Makhribkii ayaa la aasay.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aan ku soo gunaanado maansadan baroor-diiqda ah ee la magac-baxday Dayax-madoobaad ee uu curiyay Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame).

Dayax-madoobaad

Is diidsiiyey dhiilada warkiyo hadalka soo duulay

Duufaan xasuusuhu kacsheen daali madaxayga

Dubaaqayga qiirada damqaday igu dinnaahyeeye

Ilmo dabarku hayn waayey oo dhaba u dareeraysa

Hadba duugay waan duugayaa dooxse lama mooso!

Geeridu dibnaha waa mid qudha dihasho yeedhmeede

Kala daranse waa kala dareen dugayda dhiileede

Axmed xasanna tii naga dishaay dubatay jiidhkayga

Dar ilaahay waan kaa naxee dirac miyaad qaaday

Dadkii baad ka wada oohisee danab miyaad aastay

Dayaxaad madoobaysayeed damisay nuurkiisa

Dib miyaan indhaha loo tusayn diirshe ina cawke?

Doobtiyo rakaadiyo codkii dananka reemaayey

Dib miyaan ducaaloow dhaguhu daacad u maqlaynin?

Nimay dihatay hooyaba wed baan laga dabbaalayne

Rabbi baan durraansaday baryana waan u dirayaaye

Inta loo darraadiyo ilaah kaama dhigo deyro

Duddo nabada iilkaagu noqoy daarad naxariisa

Qabrigaagu daartii jannada daa’im idamkiisa

Dhammaad

 

 

 

Additional information