Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii - 2016ka)

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, beryahanba waa uu xanuunsanayay oo wuxu jiifay Cisbitaal ku yaal Imaaraadka. Aad ayaa looga soo dardaar-werin jiray caafimaadkiisa. Hadba waxaad ku hanbabaraysay wefdi xukuumadeed oo dalxiis ku jooga Imaaraadka oo soo booqanaya Mujaahid Abwaan Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Sidaas ayay xaaladdiisa caafimaad iskaga liidatay beryahan danbeba.

 


v\:* {behavior:url(#default#VML);} o\:* {behavior:url(#default#VML);} w\:* {behavior:url(#default#VML);} .shape {behavior:url(#default#VML);}

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4 st1\:*{behavior:url(#ieooui) } /* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:10.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif";}

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal,

(1936kii - 2016ka)

"Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e',

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e',

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale - This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hargeysa, 14/1/2016ka,

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, beryahanba waa uu xanuunsanayay oo wuxu jiifay Cisbitaal ku yaal Imaaraadka. Aad ayaa looga soo dardaar-werin jiray caafimaadkiisa. Hadba waxaad ku hanbabaraysay wefdi xukuumadeed oo dalxiis ku jooga Imaaraadka oo soo booqanaya Mujaahid Abwaan Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Sidaas ayay xaaladdiisa caafimaad iskaga liidatay beryahan danbeba.

Siddeetanaadkii Cali Sugulle Cigaal, wuxu ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee af iyo addinba ku dagaallamay. Wuxu ka mid ahaa kooxdii fanka ee SNM ee deggenayd Kaam-abokor. Markii dalka la xoreeyay muddo yar ka dib ayuu deggenaansho ka helay mid ka mid ah Imaradka Abu-dabi oo aan filayo in ay tahay Shaariqa. Halkaas ayuu deggenaa sannadihii ugu danbeeyay noloshisa, ka dibna ku xanuunsaday.

Markii ay taariikhdu ku beegnayd 11/1/2016ka, mar ay saacaddu ahayd ku-sinnaan ilaa 3.00 galabnimo ama gelinkii danbe ayuu ku geeriyooday Imaaraadka. Muddo ku sinnayd 15 daqiiqadood ka dib aniga oo gurigayga ku sugan ayay dhowr jeer dad i soo garaaceen. Waxaan ka sii xusuustaa Mahad iyo Tiyo oo ii sheegay geerida naxdinta leh ee Cali Sugulle Cigaal. Waxa kale oo iyaguna goor danbe ila soo hadlay Wacays iyo wiil magaciisa Muxyaddiin iigu sheegay oo iyaguna ii xaqiijiyay geerida Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Tilifoonnadu sidaas ayay iskaga soo daba-dhacayeen ilaa habeennimadii.

Ku-sinnaan 7.04 saacadood ee fiidnimo waxa Dubai igala soo hadlay Axmed Naaji sacad, wax yar ka-dibna waxaanu wada-hadallay Colaad oo ii xaqiijiyay in ay soo qaadi doonaan meydka Cali Sugulle Cigaal maalinta Khamiista, subaxnimada hore.

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed qof keliya ma ahayn. Wuu ka badnaa. Weliba waxa intaa u dheeraa in uu ahaa bad-faneed oo aan laga dabbaalan karayn. Waxa kaaga daran wuxuu ka tegay ama beeray oo fan iyo fannaanba leh. Waxaan soo xusuustay tuducyo ka mid ahaa Baroor-diiqdii Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis) ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi-qarshe, tuducaas oo ahaa:

"Hadda qof iyo dhowr iyo,

Qoys iyo kamuu tegin,

Qolo waxaad tidhaahdo e'

Annagoo quruunuu,

Qormadu fadhiyi jiray,

Qarshe nagu banneeyee,"

Qormadaa qormadeedii ayuu Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed ku banneeyay dunida fanka Soomaaliyeed guud ahaan.

Sidii uu ii sheegay 1998kii dhammaadkiisii mar aan Dubai ku wareystay, Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” wuxu ku dhashay magaalada Oodweyne 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Dhool Xasan Xirsi. Wuxu ku barbaaray magaalada Berbera oo uu ka galay malcaamad Quraan. Markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose, wuxu Dugsiga Dhexe ka galay Sheekh 1949kii. Sannadku markii uu ahaa 1951kii ayaa laga eryay Dugsiga Dhexe ee Sheekh isaga oo lagu eedeeyay muddaaharaad uu abaabulay oo la xidhiidhay ciyaar kubbadeed. Saaxiibbadii la galay abaabulkaa oo kaga baxay waa kii ku lahaa:

“Saaxiibbadayoow intay sababteen,

Sanduuqiina mayla qaadi weydeen”,

Tuducaas ayaa badiba loo yaqaannaa in uu ahaa wixii ugu horreeyay ee uu tiriyay. Laga soo bilaabo maalintas ilaa maanta oo uu geeriyoonayo Cali Sugulle Cigaal wuxu ku hawlanaa fanka iyo falkintiisa isaga oo geedaha ugu doorka roon meydhax iyo mullaaxdeedba uga diiri jiray.

Marka aynu fanka iyo dhudihiisa ka hadlaynno, Cali Sugulle Cigaal wuxu ka mid dadka aadka u tirada yar ee Ilaahay mowhibada u siiyay in uu hor yaal ku noqdo dhowr dhudood oo sida qof keli ahi u kulmiyaa adag tahay.

Dhowr iyo konton ayuu bilaabay in uu ka hawl-galo Waaxdii ama 'Department-kii' Xannaanada xoolaha. Muddo badan ayuu ka ka hawl-gelayay degmooyin badan oo Somaliland ka mid ahaa, halkaana waayo-aragnimo hodan ah ka korodhsaday. 1957kii wuxu galay Dugsigii Tababarka Xirfadaha ee Sheekh (VTC), halkaas oo uu ku jiray ilaa 1959kii xilligaas oo loo beddelay Boorame.

Wuu ka digo-rogtay oo 1960kii wuxu noqdya Karraani isaga oo ka hawl-geli jiray xafiiskyadii maamulka ee dawladdii Ingiriiska ee dalka gumeysan jirtay. Wuxu ka shaqayn jiray oo uu karraani ka ahaan jiray Xafiiskii Hawlaha Guud ee loo yaqaannay 'PWD-da'. Intaa ka dib ama xilliyadii danbe wuxu u wareegay Xafiiska Shaqaalaha oo loo yaqaannay 'Establishment-ka'.

Wuxu iiga sheekeeyay mar uu Addis-ababa dawada xoolaha kaga soo raray laba baqalood uu la soo lugeeyay. Wuxu sheekadaa ii marinayaa 1993kii, malmihii lagu jiray Shirweynihii Boorame. Wuxu sheekada iigu daray in ay Boorame ka mid ahayd magaalooyinka ama degmooyinka uu ka hawl-galay. Hawshan xannaanada xoolaha oo uu waxoogaa ka shaqaynayay waxay u suuro-gelisay in uu barto dad badan iyo deegaammo badan oo markii danbe wax weyn ku kordhiyay awooddiisii curineed ee faneed oo dhudo badan u qaybsamaysay.

Waxba wax la raajaa rag kuma sama e', Cali Sugulle Cigaal wuxu horyaal sida loola tartamaa adag tahay ku ahaa: curinta maansada, curinta iyo soo-saarista riwaayadaha, curinta heesaha, curinta alxaanta isaga oo lahaa kuwa ugu macaan ee ilaa maantadaa loogu jecel yahay. Wuxu si la yaab leh u yaqaannay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo saldhig iyo hal-beegba u ahaa alxaantiisa ma-guuraanka ah, taas oo dhadhan gaar ah u yeeli jirtay alxaanta uu sameeyo baadi-sooc gaar ahna u ahayd.

Ralli iga ahad, Axmed Yuusuf Ducaale oo ay Cali Sugulle isku soo gaadheen Dugsiga Sheekh isla markaana goob-joog u ahaa galabtaa la eryay ayaa ii sheegay in ay dhalashadiisu ku beegnayd 1936kii oo ay isku fil ahaayeen.

Marka aynu eegno noloshiisa qoysnimo Cali Sugulle wuxu yeeshay saddex xaas, carruurtii uu dhakayna waxa ka nool toban u kala-baxa 8 gabdhood iyo laba wiil. Carfi Jaamac ayaa ugu horreysay oo laba hablood u dhashay, waxa ku xigtay Saado Jamac Geelle oo leh shan hablood iyo laba wiil iyo Jamaad Xasan Axmed oo gabadh keliya u dhashay.

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, isaga oo iska lahaa taariikh faneed oo hodan ah oo u gaar ahayd, ayaynu haddana ka dheehan karnaa sidii uu ugu xidhnaa ama fan-wadaag, suugaan-wadaag iyo masrax-wadaagba uu la ahaa qamaamuurtii ka horreysay ee lahayd Cabdillaahi-qarshe, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Maxamed Ismaaciil Baa-sarce (Barkhad-cas) iyo qaar kaloo badan....iyo qaar kaloo badan waa halkii Maxamed Mooge e'. Fanka hodanka iyo ma-guuraankaba ah ee Cali Sugulle Cigaal waa mid ku taxan soo-if-bixii iyo curashadii Qaraamka ama heellada oo ah halka uu ka soo galay.

1954kii wuxu ka mid noqday aasaasayaashii Kooxdii Walaalo Hargeysa oo magacyada uu xusay ay ku jireen: Xuseen Aw Faarax, Cabdillaahi-qarshe iyo Barkhad-cas.

Sidii uu Cali Sugulle laftiisu ii sheegay 1998kii mar aan Dubai kula kulmay hawlaha fanka waxa ku dhiirri-geliyay Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay.'

Cabdillaahi-qarshe wuxu Cadan ka soo wareegayaa 1945kii oo uu ka soo degayaa magaalada Berbera ka-dibna u soo gudbayaa magaalada Hargeysa. Wuxu la kulmayaa Balwadii oo galbeed ka curatay 1943kii oo uu calan-side u ahaa Cabdi-sinimoo oo ay ku lammaanayd Qadiijo Ciye Dharaar oo loo yaqaannay magac-faneedka Qadiija Balwo.

Balwadii ayaa u soo guuraysa Hargeysa, waxaanay markii danbe u digo-roganaysaa Heello oo uu horseed u ahaa Cabdillaahi-qarshe. Markii magaca Balwada lala xidhiidhiyay balwooyin badan oo ay jaadka iyo sigaarkuba ka mid ahaayeen ayaa magaca la beddelayaa. Waxa kale oo intaa u dheeraa iyada oo Balwada lagu sharaysan jiray fanka oo cusbaa iyo rag iyo dumar wada fadhiista. Waa sida uu ku sababeeyay soo-if-baxii Heellada Cabdillaahi-qarshe mar lagu wareystay RTD-da Jabuuti 1993kii.

Iyada oo ay Balwadu ka curatay galbeed, ayay Heelladu ka curatay Hargeysa oo magalada Boorame bari kaga beegan. Sidaas ayaa berigaa loo odhanayaa:

"Balwadii baxsatoo bareey qabatee,

Bigfoor ma ku baadi-doonnaa,"

Bigfoorkuna wuxu ahaa baabbur ka mid ahaa kuwii Ingiriisku beryahaa adeegsan jiray oo la odhan jiray 'Bedford'.

Inta aynaan ka bixin Qaraamka ama Heellooyinka, malahayga waxa ila fiican ama ila habboonba in aynu halkan ku xusno codka Hayaan oo uu Cali Sugulle Cigaal leeyahay. Heellooyinku waxay kaga duwan yihiin Heesaha, magaca waxa la siiyaa codka ama laxanka halka magaca heesaha laga siiyo midhaha. Heellooyinku waxay ka koobnaayeen ereyo miisaan ahaan aan ka fogayn Dhantada. Magac-bixinta Heellooyinka ayaa inta badan aad looga fiirsan jiray oo midhaha la siin jiray magac u dhigma ama u qalma codka, taas oo aad ka dheehan karayso dhammaan magacyada codadka qaraamka ama Heellooyinka oo looga danbeyn jiray Cabdillahi-qarshe oo intooda badan isagu iska lahaa, fankaa magac-bixintana hor yaal u ahaa.

Marka aynu fanka magac-bixinta ka had\laynno waxaynu tusaalayaal nool u soo qaadan karayna codadka qaraamka ee ay ka midka yihiin Ciil iyo. Waa mid ka mid ah codadka loogu dhegaysiga badan yahay. Midhaha lagu qaado waxa laga falkiyay xarafka 'Ca'. Codku waa mid tiiranyo iyo ciilba ka muuqdaan sidaasna Cabdillaahi-qarshe ugu wan-qalay 'Ciil'. Waxa kale oo ka mid ah codka 'Laac'. Midhaha waxa laga unka xarafka 'La'. Codka meel hoose ayaa laga soo qaadayaa oo laga soo bilabaya ka dibna kor ayaa loo kacayaa, markaas ayaad moodaysaa in wax la laacayo ama la tiigsanayaba. Haddii aad labadaa cod si fiican u dhegaysataan dareenkaas ayaa idin ku soo dhacaya. Bal isku daya in aad dhugmo u yeelataan. Waa fan iyo farshaxan u gar aha Cabdillaahi-qarshe iyo intii ku xeersanayd fanka soo tabantaabisay.

Cali Sugulle Cigaal, wuxu ku lahaa Qaramka codka Hayaan. Maalin aan ku marti-qaaday Gebilay intii aan Akaademiga ka shaqyn jiray isaga iyo nin aanu saaxiibbo nahay oo Xuble la yidhaahdo ayuu Cali Sugulle Cigaal iiga sheekeeyay codka Hayaan oo uu in yar ku luuqeeyay. Marka uu ku luuqaynayay isaga oo labada sacab isku haya oo is-lulaya ayuu codka qaadayay. Hummaaggaa iyo muuqlkaa marka aad fiiriso, dareenka kugu soo dhacayay wuxu ahaa in uu Cali Sugulle sawirayay awr hayin ah oo haamo culus sida oo socda. Haddii aan beyd ka xuso Heelladaa Hayaan, waa kii lahaa:

"Hayaay sida beel hayaamaysoo,

Hir doogle aragtaan handanayaa,"

Cali Sugulle Cigaal, suugantiisii hodanka ahayd, waxaynu ka soo qaadan karnaa oo kale hees caan ahayd oo uu tiriyay 1954kii, taas oo ku saabsanayd deegaanka 'Hawd iyo Reserved Area' oo gumeysigii Ingiriisku ku wareejiyay Boqortooyadii Itoobiya. Heestan oo hal-ku-dheg iyo hal-haysba u noqotay ummadda Soomaaliyeed, meel ay joogtaba Cali Sugulle wuxu ku yidhi:

'Guunyada lo’du waw garaad daran too,
Gaajiyo ma oggola harraad gelinoo,
Gawdha iyo usha way ka gubataa,

Haddii aan la gunaynin looma galoo,
Gujada weyshu waa ta gaaggixisee,
Haddii la garaaco godol ma leh,

Garteed weeye in ay gilgilataa,

Gadooddooy geeska soo rogataayoo,

Gumaaddo wixii ka galabsadayoo,

Ganbiyo dumarkaa garayska xidhee,
Guntiga raggu waa isku giijin jiree,
Geyigan tegey gaalku maw hadhay!

Gadantoo arladeennii way gedmatee,

Gabaabsina weeye oo galbataye,
Aan gaadhnee ma loo gurmanayaa?

Geeliyo adhigiyo gammaankii fardaha,
Gu’goo da’ay geedihii hawd,

Aan geynee ma loo gurmanayaa!

Garaad isma dhaanno gaalada,
Gu’geennuna waa gudboon yahay,

Guul-darro waynagaa gacmaa madhan!

Gaashaan-qaad xaqiisa lalama gudbee,

Garkiyo wadnahay na kala go’anoo,

Guul-darro waynagaa gacmaa madhan,

Godobtii nin qirtay oo ku gawracay,
Gashigii diiddan oon wax kaaga gudbayn,

Gadaan-gadayaa gar-daranaa!

Ayaa Guullaheen gargaaraayoo,
Ayaa gobannimada garanaayoo,
Ayey la genbiya gumeystaha!

(Maansadan waxaan ka soo xigtay qoralkeeda qormo uu qoray Maxamed Baashe Xasan)

Isla sdannadkaa 1954kii oo ahaa sannad aad ugu adkaa shacbigii Soomaliyeed ee xornimada, is-raaca iyo midnimada doonayay maansooyinka kale ee Cali Sugulle ka tiriyay waxa ka mid ahaa:

"Haddaanan qaylo dheer hayaay odhan,

Hororka celiyaay ku heellayn,

Haddaanan gumayste waan la hodmee,

Haddaanan goynin hanaqiyo halbowlaha,

Haddaanan dhulka heegan baan u ahee,

Anigu aan hoydee isagu hadhin,

Haddaanan ma huraanka haaneedkiyo,

Hadhuubka u dhiibin hanaddada,

Haddaanan oogo Hawd u hawshoonnoo,

Hilbaha iga maqan la soo noqon,

Haddaanan ENEFDhii Hengelo dhiginoo,

Huurkiyo laga qaadin heeryada,

Haddaanan Jabuuti way hakatee,

Hilinka kuwa kale hayaan marin,

Haddaanan Xamar way hadhaysan tahee,

Hargeysaay ku saarin heegada,

Haddaanan Shantu waysku hooyo-hiddee,

Hiilkiyo isku raacin hoogaba,

Haddaanan Rabbi baa hagaajin karee,

Hanuunin sidii hubkays wada."

(Maansadanna waxaan ka soo xigtay qoraalkaa Maxamed Baashw Xasan oo aan uga mahad-celinayo kalinta la yaabka leh ee uu kaga jiro qoraalka, keydinta iyo tebinta suugaanta iyo taariikhdaba.)

Cali Sugulle wuxu ahaa hal-abuur, waxaanu leeyahay Riwaayado iyo heeso badan oo halkudheg noqday. Waxa intaa u dheer oo uu kaga duwan yahay hal-abuur badan oo la ayni ah, isaga oo ah “Mulaxin” heesihiisa intooda badan codadka u sameeya. Inta badan codadka Cali Sugulle waxa saldhig u ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, inta badanna codadkiisu waxay leeyihiin baadi-sooc lagu garto in uu Cali Sugulle ku saxeexan yahay.

Riwaayadaha Cali Sugulle waxa ka mid ah:

Riwaayadda Sannadka

1. Ayaa ila genbiya gumeysiga 1954kii

2. Darxumo 1955kii

3. Hayaay iyo haddaanan 1955kii

4. Himiladeenna 1958kii

5. Indho-sarcaad 1961kii

6. Xil-gobeed 1961kii

7. Ma-huraan 1965kii

8. Kala haab iyo kala haad 1966kii

9. Gobannimo 1967kii

10. Sheeg iyo Shareer 1968kii

11. Ma hadhin 1968kii

In kasta oo aan nolol ku soo gaadhay Cali Sugulle oo aanu is-naqaannay saaxiibbona ahayn,, haddana iima ay suuro-gelin in aan fursad u helo in aan galo ama daawado riwayadihiisa oo dhan. Waxaan si fiican u xusuustaa in aan daawaday Riwaayadaha hoos ku qoran aniga oo Dugsiga Sare ku jiray oo Muqdisho deggenaa. Waxaan weliba sii xusuustaa in aan ku daawaday 'sinimoo' la odhan jiray 'Sinima Nasar' oo Masaaridu lahayd oo Guriga Ummadda xagga Bari kaga beegnaa dalcaddii Weliyow-cadde, meel taallada Dhagax-tuur ka soo hor-jeedday. Riwaayadahaasi waxay ahaayeen:

1. Ma-huraan,

2. Kala-haab iyo kala-had,

3. Ma hadhin,

Waxa intaa ii raaca in aan dhegaystay qaybo ka mid ah Riwaayadda Indho-sarcaad, gaar ahaan heesaheeda. Waxa kale oo aan si fiican u xusuusta in maalmihii aan ahaa Wasiirka Warfaafinta ay Xafiiska Wasaaradda iigu timid Canab Aadan oo Maxamed Axmed Riwaayadda ku lammaanayd ama la jilaysay, waxaanay i keentay riwayaddaas oo dhan oo cajalad ku duuban. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e'.
Marka aad Riwaayaddaas aad u dhuuxdo ama u dhegaysataba, waxaad ka dheehanaysaa sidii uu Cali Sugulle uga dardaar-werinayay isu-taggii, is-raacii ama isku-darkii lixdanki dhacay ee labada gobol la isku daray. In kasta oo ay Riwayadda Indho-sarcaad ku sabsanayd gobolkii NFDii, haddana waxaad ka dheehanaysay sidii uu uga niyad-jabsanaa isu-taggaa una arkayay in aan meel lagu gadhi doonin. Bal hadda aan arrintan u maragsanno tuducyo ka mid ah hees ku jirtay Riwaayaddaas Indho-sarcaad, waxaanu yidhi:

"Wallee ama calan jira,

Oo caan ah baad ahaan,

Oo lagu cawaansayeey,

Ama calal maryaa,

La-cayn ah baad ahaan,

Oo ciirsi weynayeey,

Caydhiin iyo bisayl,

Mid uun ku caano-maal,"

Xaqiiqadu waxay tahay in uu calankaasi caydhiin ku caano-maalay oo uu noqday calal maryaha la cayn ah oo hoog iyo halaag u horseeday ummaddii lahayd ee darxumada u soo martay. Xooggii dalka iyo magacii qaranka Soomaliyeed ayaa loo adeegsaday burburinta qarankii Soomaaliyeed.

Heestaa waxa si xarrago iyo la-yaabba leh u qaadayay Maxamed Axmed Kuluc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e'. Waxa kale oo Riwaayadda ku jiray\ hees waddaniya oo qiiro leh oo ay kala-roganayeen Canab Aadan iyo Maxamed Axmed Kuluc. Haddii aan godol ka soio qaato, waa tii heestaasi lahayd:

"Inta uu dhulkeenniiyeey,

Qoqobaha dhex yaalliineey,

Haddaan dhimashooy ku diido,

Haddaan dhalashooy ku sheegto,

Haddaan dheregow ku doono,

Haddaan dhaqashoy ku doono,"

Calanku waa maro, waa se halka ay ummadiba calankeeda dhigto iyo sida ay u qiimayso. Saadaashaa Cali Sugulle waxay ka tarjumaysay hoggaan-xumadii dadka Soomaaliyeed ku habsatay. Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle) oo isku-darkaa lixdankii ka hadlayay isagana waxaanu ka gunudnay tuduc ku jiray maansadiisa Dir-sooc oo ahaa:

"Lixdankii dadkaygow,

Markaad dawladnimadii,

Diiqada u bixiseen,

Degdegsiiyo mooyee,

Doqonniimo ma ahayn,

Manaydaan denbaabine,

Shanta kala dab-raacdaad,

Dermo qudh ah u gogosheen,

Isku-duubnideenniyo,

Daacad baad horseeddeen,

Geeluba hadduu dido,

Duq baa loo hoggaanshaa,

Sida loogu deyduu,

Geesina u diriraa,

Dibi keligay lay qalay,

Qoys qudha dibbiradii,

Waxa aan ka door-biday,

Duubiga shan lagu cuno,

Shaxda kama il-duufine,

Sidaan damacsanaa iyo,

Sida Dooddii yeelaa,

Kala-durugsanaadoo,

Deyrtii hillaacdiyo,

Deylo curashadeedii,

Daaqii ka soo baxay,

Diir iyo wax baa cunay,"

Dar Allee abaalkaa,

Waxa dumay ku suuree,"

Maandeeqdii mataanaysay ee isku-darka iyo is-raaca baadi-soocda looga dhigay iyo hayaankii dheeraa ee loo galay midnimada Soomaaliyeed ama shantii gobol muddo yar ka dibba mugdi ayaa isku gedaamay. Xaqiiqadu waxay noqotay in ay himiladaasi noqotay mid riyo isu roogtay oo aanay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba hadal-hayn. Midnimadii ayay soo gaabsadeen oo ay ku soo ururiyeen labadii gobol ee lixdankii is-raacay ama isku-darsaday ee shanta gobol baadi-doonka beenta ah u galay.

Sow tii Cabdi Iidaan Faarax, maansadiisii 'Daad-wararac' ee uu Deelleeydii ku lahaa ku yidhi:

"Dood kalena waxay tahay,

Dadka reer Jabuutiya,

Dawladnimada tooda ah,

Cidna aan iskaga darin,

Waa deris walaalnimo,

Dugsi weeye gacalnimo,

Anigu waan ku diirsaday,

Lama dira-diraalayn,

Ha daar-daarin waa gobe,

Sidaa kuguma diiddani,

Dood kalena waxay tahay,

Doon-doonisteennii,

Shantii la isku dari jiray,

Degdeggii is-raacii,

Didisaye u yeedh-yeedh,"

Riwaayadihii aan ifka arag ee Cali Sugulle uu curiyay intii 'Kadeedkii' Oktoobar dalka ka talinayay, waxa ka mid ah mid uu ku magacaabay "Kala fogaa fool iyo lulmo." Guddidii Faaf-reebka ayaa ka biyo-diidday magacii ka dibna beddel ayaa lagu yidhi. Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad oo sheekadan noo mariyay ayaa noo sheegay in uu Cali Sugulle magacii ku beddelay: "Waa la tolay oo ay oloshay." Ka-dar oo dibi dhal ma maqli jirteen! Waa tan oo kale. Sidii ayaa Cali Sugulle Riwaayaddaas lagaga joojiyay.

Axmed Saleebaan Bidde oo ka sheekaynayay aqoontii uu u lahaa Cali Sugulle, ayaa yidhi: "Riwaayaddii lagu xidhay waxay ahayd Ooddaynu kala rogan, irridahaynu kala xidhan. Run ahaantii sidii ayuu Cali Sugulle oodda uga rogtay irridihiina uga xidhay 'Kadeedkii' Oktoobar oo aanu waxba ugu yeelan suugaantii daadka ahayd ee loo tiriyay maantana aanay suugaantaa guul-wadaynta ahayd waxba uga noolayn iyada oo la dhimatay nidaamkaa ay la dhalatay..

Marka aynu u leexanno caalamka heesaha Cali Sugulle lagagama dabo dhufan jirin. Ereyadu mullaax ayay ahaayeen.......Laxanka ama codkuba xareed ayuu ahaa.......Tumistu heer sare ayay ahayd.......Hooballada ku qaadayaana xulka xulkiisa ayay ahaayeen. Wuxu ku ballaysimayaa qaraamkii iyo codkii Hayaan ee socodka awrka ahaa. Waa beryihii la odhan jiray:

"Qaraamka in ay ku qiirooto,

Aan qaado qasiidadeedii,"

Heesahaa hore waxaynu ka soo qaadan karaynaa heestii hal-hayska noqotay ee "Nin lagu seexdow ha seexan, soo jeed oo si weyn u feejignow" oo ahayd hees siyaasadeed oo la hadlaysay innammadii la doortay iyo abbaanduulahoodii sidii beryahaa la odhan jiray.

Heesaha halkudhegga noqday waxa ka mid ah heesta dhiirri-gelinta shaqo-tagga iyo ka-adkaanta nafta ee "Wallee nin hurdow hallowday dantaa, hadhowna dib looma heli karo." Nimaan magac ka-miskiin ahayn oo Kuluc la odhan jiray ayaa codkaa ku leexaysan jiray. Waxa kale oo aynu tusaale nool u soo qaadan karaynaa heestii dhaqaalaha iyo kobcintiisaba uu ku dhiirri-gelinayay ee uu sida la yaabka leh u qaadi jiray Cabdi Muxumed Amiin ee ahayd:

"Dhaqaalaheennu ha dhuroobee,

Dhambala ciiddoo ku dhuftaay,"

Heesihiisa dhaqameed ee halkudhegga noqday waxa ka mid ahayd heestii siyaasadeed ee Hiddiiddiiyoo Hiddii. Waxay ahayd hees siyaasadeed oo uu curiyay laguna qaaday 1962kii. Heestaas oo aad u caan-baxday waxa kala-roganayay wiilal iyo hablo ka mid ahaa markaa fannaaniintii Radio Hargeysa oo waa intii aan Kooxda Waaberi la samaynin. Haddii aanu godollo ka soo qaadanno waa kii lahaa:

"Hir bay laacayoo hinqaday,
Hillaac bay baxoo handaday,
Haddana waayayoo hakaday,
Halyeey waayoo habraday,
Haween baan ahoo hamraday,
Hiil iyo midna hoo ma karo,".

Wiilashuna waa kuwii lahaa:

"Hurdada aawadaa ma ledo,
Hummaaggaagi bay hor kacay,
Hawshaada ma soo hadh galo,
Hawshaan ku la qaybsadaa
Oo harraadkaan kula qabaa,
Oo anigu waan ku la hayaa,
Ee adaan i hagaajinayn,.

Tuducyadaasi waa Heestii dhaqameed ee Hiddiiddiiyoo Hiddii. Beryo danbe ayuu Cali Sugulle ka dheegayaa Hees dhaqameed kale hees Jabuuti ka caan ah oo ay qaaddo Nimco Jaamac oo ah ta halkudheggeedu yahay: "Heey yaa, Alla Hobaalin Hoobaalow waa" oo ka hadlaysay arrimaha ijtimaaciga ah ee guurka oo uu ku luuqeeyay Al-ustad Axmed Naaji Sacad. Heestan qudheeda waxa ku doodayay wiilal iyo gabdho isku eedaynaya guurka burburay iyo qoysaska kala tegay.

Nasiib-wanaag Al-ustaad Axmed Naaji Sacad oo ay Cali Sugulle fan ahaan isku xidhnaayeen, wuxu ka mid ahaa dadkii meydkii Cali Sugulle ka soo gelbiyay Imaaraadka si loogu aaso magaalada Hargeysa. Si wanaagsan oo qiimo leh ayaa Cali Sugulle loo sii gelbiyay oo waxay ahayd geeri-arooskeed. Axmed-Naaji Sacad isaga oo Cali Sugulle iyo Hargeysaba qiimaynayay habeenkii Jimcihii ee 14/1/2016ka, wuxu Hudheelka Hiddo-dhowr ka qaaday heestii Cali Sugulle ee Guri ba'ay. Hiddo-dhowr waa xarun dhaqameed oo cusub oo kaalin la yaab leh kaga jirta soo-noolaynta iyo keydinta guud ahaanba fanka Soomaaliyeed iyada oo lagu ballaysimay codadkii Qaraamka. Dhawaanna waxa xadhigga laga jari doonaa Hoolka yar ee Hiddo-dhowr oo loogu wan-qali doono Ardaaga Maxamed Mooge. Axmed-naaji isaga oo deggen Maansoor Hotel ayaan ka codsaday in uu ii qoro hees-dhaqameeddaa Guur ba'ay ee Cali Sugule, waanu yeelay sidaas oo maanta (17/1/2016ka) barqadii ayuu iyada oo qoran i siiyay. Heestii Guur ba'ayna waa tan ee ka noolaada:

Hees-dhaqameedda Guur ba'ay

"Gaarida gaarida haween,

Geed baa loo fadhiisan jiray,

Inta loo gogol-dhigtaa,

Gabbaati la qaadi jiray,

Guurkii sida geed ma dhadhay,

Geyaankii miyuu goblamay!

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

Gabdhii waxay leeyihiin,

Giniyo lacag baan rabnaa,

Gacmaha kaan sudhi lahayn,

Luqunta kaan gashan lahayn,

Guntiino xariir ah iyo,

Garbo-saar aan la iibsan karin,

Kolkii ay guddoonsadeen,

Sidaasaa guurkii ku ba'ay,

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

Gabdhii waxayleeyihiin,

Raggii godadleey noqdeen,

Iyagaa goobta xun na dhigay,

Galabtii walba waa aroos,

Gelbisna uma baahanee,

Gebleey-shinbir bay tuntaan,

Guurkii sida geed ma dhadhay,

Geyaankii miyuu goblamay,

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

Raggii gocasheey qabaan,

Gabdhii way cabanayaan,

Iyamaa godobtaasi qaba,

Gefkaasi xagguu ka yimid,

Dadweynoow gartooda naqa,

Jiib: Heey haa, heey heey haa, Alla hobaalow hoobalow waa

Heesaha kale ee hadaaqa dadweynaha noqday waxa ka mid ah oo dal iyo dibadba maaxday heesta uu ugu hiilinayay qoraalkii farta Soomaaliga, heestaas oo aan filayo in ay ku jirtay Riwaayadihiisii mid ka mid ahayd. Waa heesta la yaabka leh ee "Af-qalaad aqoontu miyaa." Waxa kala-roganaya oo cirkaa isla maraya Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) iyo Xasan Diiriye. Haddii aynu yar sunnaynno, waa kii lahaa:

"Af-qalaad aqoontu miyaa,

Mayay mayee waa intuu qofba Eebbe geshaa,

Ayay nala tahay annagee,

Ma og tahay dib looma abuuro dadkee,"

Cali Sugulle kuma koobnayn oo keliya heesahaa waddaniga ah bal se mararka qaarkood ayuu kalgacalka iyo laxawgana baacin jiray. Tusaale waxaynu u soo qaadan karaynaa hees ay wada qaadeen Xasan Diiriye iyo Magool. Haddii aynu dhandhamiya is-nidhaahno midhahaa kalgacal, sow kii lahaa:

Gabadha:

"Baxsanow kalgacaylku waa,

Dab baxaaya oo belelee,

Adigaa i badee iga bi'i,"

Wiilka:

"Bilaneey kalgacaylku waa,

Bidhaan quruxsan ood u boogtee,

Adigaa i badee iga bi'i,"

Heesihiisii kale ee halkudhegga noqday ee had iyo jeer lagu halqabsadona waxa ka mid ah:

"Ma-hadhin hadal la is-yidhaahdaaye,

Hubsiimo hal baa la siistaa,"

Heesaha kale ee ma-hadhada reebay ilaa maantadaa aynu joognana la majeerto waxa ka mid ah laba heesood oo uu Jabuuti u tiriyay 19kii Maarj, 1967kii. Waa xilli dalkaa laga qaadayay afti ahayd in ay kala doortaan Haa iyo Maya oo u kala taagnaa: Haa gumeysigu ha na sii haysto iyo Maya oo ahayd gumeysigu ha naga guuro.

Cali Sugulle wuxu is-hordhigay laba munaasbadood. Wuxu yiqiinsaday in ay aftidaasi laba natiijo mid uun ku dhammaanayso: Haa ama Maya oo u kala-dhigmayay 'Oui' iyo 'No'. Laba heesood ayuu u kala sameeyay labadaa munaasabadood. Wuu laximay, waa la tumay waana lagu qaaday ama lagu heesayba. Xiddigihiisii Kuluc iyo Magool ayuu u kala dhiibay.

Xilligu xilliyada kuma jirin oo waa berigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti oo ku beegnayd 19kii Maarj, 1967kii. Haddii dadweynuhu maya ku codeeyaan oo ay gumeysiga iska eryaan, wuxu ugu talo-galay heesta karkaarrada jabsatay ee:

"Waa baa beryay,

Bilicsan,

Arooryo baxsan,

Maalin bokhran,"

Raalli iga ahaada Qormadii 6aad qalad aanan ku talo-gelin oo aan qoray. Heesta Af-qalaad aqoontu miyaa waxa ku luuqeeyay Magool iyo Xasan Diiriye. Ilaahay baa mahad leh, waxa kale oo aan u mahad-celinayaa nin Saalax la yidhaahdo oo ii soo qoray e-mailka sixitaanka. Run ahaantii waan ogaa oo goob-joog ayaan u ahaa heestaa ciddii qaadday ee waan il-duufay. 'Hadalna hilmaan kuma jiro.' Raalli ahaada. Waan saxay sawirkii Xasan Diiriyena waan geliyay oo sidaas ayay qormooyinka danbe ku soo baxaysaa.

Cali Sugulle, wuxu isla munaasibaddaas aftida Jabuuti ugu talo-galay hees kale oo ay Maxamed Axmed iyo Xaliimo Khaliif, Magool, wada qaadeen oo heestaa kale ka duwaneyd. Haddii ay dadweynuhu 'Haa' ku codeeyaan ama ay natiijadu sidaas noqoto wuxu ugu talo-galay hees kale oo ahayd: "Midnimadeennii mugday gashoo, magaceen ba'yeey." Waxa kale oo heestaas ku jiray tuduca ah: "Mayadii Haa maqaar la saaraa meydhaantayeey."

Cali Sugulle mararka qaarkood ayuu u tallaabi jiray suugaanta qalaad oo uu ka dheegi jiray maansooyin Soomaaliyeed. Waxa jirtay maanso carbeed oo ka hadlaysay lacagta iyo saamaynta ay nolosha aadamaha ku leedahay. Cali Sugulle ayaa ka dheegay maanso Soomaaliyeed oo hal-hays noqotay. Ma wada hayo, waqti aan ku baadhana ma aan helin, bal se waxaan ka sii xusuustaa:

"Hoheey! Lacageey wax kala-haadshaay,

Horreeye danbeeye weydaarshaay,

Ninkii haya way u hadashaa,"

Dadka qaarkii ayaa laga yaabaa in ay ku qaldaan heestii Feysal Cumar Mushteeg ee la laximay isaguna ku qaadayay ee ahayd:

"Lacageey, lacageey,

Liitaa gargaaraay,

Laqanna hoos-u-celiyaay,"

Sannadihii dul-saarka ahaa ee lagu jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, Cali Sugulle suugaantiisii xariirta ahayd waxa ka mid ahaa Astaantii Halganka ama miyuusigga astaanta u ahaa halgankii hubeysnaa oo ahayd hees uu midhaha iyo codkaba lahaa oo ay kooxdii SNM ku luuqayn jirtay. Haddii aan godollo ka soo qaato, waa kii lahaa:

"Dhuxul danbas huwan ku dhac,

Car wir ku dhac,

Dhamac lagu gubtay,

Car wir ku dhac,

Dhallintii halgamaysay,

Dhiirranayaasha,

Qoriga dhuunta loo saaray,

Halgamayaasha,

Beebbega ka dhuuman waayay,

Dhabbacan waayay,

Baroonka ka dhuuman waayay,

Dhabbacan waayay,

Dheg-xumo-diide is-dhiibi waayay,

Sida dharaarta Gaas-dhegoole,

Magacii ha dheeraado,

Dhakhso guusha dhakhso,

Weynu dhalinaynaa,

Weynu dhalinaynaa,"

Bal hadda immikana aynu qaybo ka soo qaadanno Deelleeydii Cali Sugulle ee 'Maxaa daran, maxaa dan ah.' Waxay ka mid ahayd kuwa quruxda farshaxanka san isla markaana ugu dheer taxanihii Maanso ee Deelleeyda. Waxaan is-leeyahay Deelleeydii Xudeydi iyo tan Cali Sugulleba waxay ka mid yihiin kuwa ugu dhaadheer. Waxa kale oo aad u dheeraa maansooyinkii: Cali Banfas, Axmed Garow iyo nin Farxaan la odhan oo reer Laas-caanood ahaa. Wuxu ku suntaday: Maxaa daran, maxaa dan ah. waxay soo baxday 10/2/1980kii waana Bah-Muqdisho.

Maalin maalmahaas ka mid ahayd ayaanu goor gelinkii danbe ahayd fadhiisannay guri u kiraysnaa Maxamed Cabdi Iskeerse oo ku yaallay degmada Xamar-weyne ee Muqdisho. Bil ammaara wuxu gurigaasi ka danbeeyay dhismaha weyn ee dawladda hoose ee Muqdisho. Halkaas ayuu maalintaas Cali Sugulle noogu mariyay maansadiisa Deelleeyda ah. Halkaas ayaanu ku wada tifaf-tirnay isla markaana u qoondaynay halka ay ka gelaysay taxaanihii maanso ee Deelleeyda. Taxanahaas iyo rasayntiisu arrin laga wada tashan jiray ayuu ahaa. Kolley inta aan ka xusuusto waxaanu ahayn: Iskeerse, Cali Sugulle, Gaarriye, Hadraawi, Rashiid Gadhweyne iyo aniga inta aan ka xusuusto.

Baadi-soocda gaarka ah ee ay leedahay maansadani waxay ahayd, in uu Cali Sugulle dawladnimadii ka dhigay aqal-soomaali. Sidaa darteed ayuu nidaamkii markaa jiray ku leeyahay:

"Dib in loo furfuro iyo,

Kala-daadi mooyee,

Dawo iyo maaro kale ma leh,"

Waxaanu maansadaas ku yidhi:

Danniga iyo tuhunkaa,

Denbi ugu horreeyoo,

Markuu diiday Nebigii,

Ibleys waa la doorshoo,

Intuu Xaawa duufsaday,

Waa tay ciinka daaqday,

Aadan kuma dukhuuleen,

In uu ciinka daaqoo,

Dabadeedna eedee,

Jannada dibad-baxeedii,

Dunida imashadeedii,

Diimihii la soo rogay,

Ummadaha u soo degay,

Nebiyada la soo diray,

Doonnanta oggolaatiyo,

Diiddan ka hor timaddaba,

Wuxu uga dan leeyahay,

Allaw daanyo-qaad ahe,

In ay noo daliishaan,

Wadaaddadaa isku deyi jiray,

Hadday dabinka dhowreen,

Jidkii doc uga leexdaan,

Door-roonaheedaa,

Bulshadaw damqanayoo,

Dabuub samato-bixisuu,

Dejiyaa abwaankuye,

Maxaa daran maxaa dan ah,

Deeqdii Ilaahay,

Waxa wada dabeylaha,

Risiqu waa daruuraha,

Iyo doogga soo baxa,

Hadba waxay ku da’ayaan,

Meeshuu la doonee,

Halka uu u diidona,

Waa laga duwaayaa,

Dunida iyo dalalkuna,

Way kala danbeeyaan,

Dedaal baa is-dhaafshoo,

Daryeelkoodu kala roon,

Dadku kala aqoon badan,

Deeqduna u kala qoran,

Daa’in baa u qaybshoo,

Looxay ku duugnayd,

Xaasidnimo la daahiyo,

Xanina waa inaga duub,

Ma dadkaynu qalannaa?

Waxaw daran waxaw dan ah,

Dabuub samato-ixisuu,

Dejiyaa abwaankuye,

Murti daaddahaysoo,

Daad-guraysa moodkoo,

Dalandalisa noolkaa,

Dawaadda iyo qalinkii,

Taariikhda ugu daabacay,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Deggenaanta nololeed,

Il-baxnimada doorka ah,

Quruumii u duur-xulay,

Dugaalkii magaalada,

Duddadiyo farsamadiyo,

Dugsiyada waxbarashada,

Ka-baaraan-deggeedaba,

Carro-edeg degaankeed,

Xeebta degelladeediyo,

Dalagga iyo beeraha,

Lagu dab iyo reer keen,

Dabbaal-barashadiisii,

Damac iyo hunguri iyo,

Dooc baa horseedoo,

Intuu daadshay shebegguu,

Mallaygiina[i] soo dabay,

Diilalyada harraadkiyo,

Diihaalka gaajiyo,

Baahi in uu ka doogsado,

Intuu doonyo suubsaday,

Dawyada bad-weyntuu,

Dekedo u samaystoo,

Doc kasta u galaa-baxay,

Duruuftaa qasbaysoo,

Daryeelka isu dhiibee,

Dalandoolki wala arag,

Qof waliba dagaalkii,

Iyo doorki uu galay,

Daalacan u gee dedan,

Dabo-dhilif gumeystiyo,

Dibusocod qabiil iyo,

Dakaniyo tixraaceed,

Somaalida daraaddeed,

Immisaa is-duudsiyay?

Dumarkiyo raggeedaba,

Darxumiyo dhibaatiyo,

Dood iyo dagaal galay,

Dahabka iyo lacagtii,

Duunyiyo naftii huray,

Daryeelkiyo danaha guud,

Shantoo la isku soo daro,

Durbaankii xornimadee,

Dawankiisa lagu kacay,

Deddo-gooyayaashii,

Kala-debecsan beeshii,

Kala-daadsanta ahayd,

Sida ul iyo diirkeed,

Isku-duuban laga dhigo,

Isku-soo-darkeedii,

Dooddeeda Maandeeq,

Kii lagu dugaashee,

Isku soo duwaan ahay,

Iyadoo daruur u eg,

Xiddigtii dagaaree,

Calanka loogu daabacay,

Dulucdi loogu talo-galay,

Dacalladi shan-geesleey,

Dadka iyo danteenniyo,

Dalkeennoo midoobaan,

Is-la deydeyaayee,

Dayaxeennu waa dhicis,

Dirirkuna dhammays noqoy,

Sida daadka hawlaha,

Doc kastaba igaga yimi,

Dawlad iyo xil-qaadkeed,

Dastuurka iyo xeerkeed,

Door-roonayaasheed,

Duco iyo habaarkeed,

Daacaddiyo khiyaamada,

Dulmiga iyo eexada,

Dusduskii qabiilada,

Doog iyo abaarleey,

Dugsi iyo dabeylleey,

Danbaysiyo horraysaba,

Digo-rogashadeediyo,

Dar Ilaahay maansada,

Diiwaanki af-tahamada,

Dawaadda iyo qalinkii,

Weli ways dul yaallaan,

Qof waliba dedaalkii,

Degdeg iyo horuu durug,

Dibudhac iyo daahniin,

Dorraad iyo wixii shalay,

Haddii maanta lagu daro,

Daalacan u gee dedan,

Daawashada hummaagga ah,

Isu qaybi daymada,

Demmenaha dhac uga sii,

Daacaddaan hungoobine,

Yididiilo durugsani,

Dabinnada khiyaamada,

In ay duulin karayaan,

Halkay doogtu jiiftona,

Kuwa deydeyaayiyo,

Kuwa naga duwaayoow,

Dawadeedi baan helay,

Dabiibkeedi baan ahay,

Magac baa la duugee,

Dirkeedii qabiiliyo,

Daamaannaddeediyo,

Isu diir-naxeedaa,

Danbas dhuxusha la huwaday,

Waxay degemsanaataba,

Duluc-furatay maantee,

La ye digo nimaan gelin,

Sugaaloow dab muu gubin,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Aqal labo-deryaale ah,

Dadabtii la kala rogay,

Loo daabay udubbada,

Loo daruuray dhigihii,

Laga moosay daadkii,

Lagu deyray xeerkii,

Docda ilo-xidhkiisii,

Dermadiyo asgogolkii,

Barkimadi dul saarnayd,

Waa maxay dabeylahan,

Duudduubay gogoshii?

Daadoo yaabban baa tidhi:

“Daldaloolku waa maxay?

Dabo-saarki food-saar,

Dugayeey is-dhaafshaye,

Intaan aqalku iga dumin,

Darroorrimo ma celiyee,

Duul Alloow I kaalmee,”

Dumar waayo-araggii,

Waxay tidhi Dahabo-cadar:

“Dul iyo hoosba aqalkii,

Dib in loo furfuro iyo,

Kala daadi mooyee,

Dawiyo maaro kale ma leh,

Hadda Deylo say tidh:

“Dareemadiyo maadhii,

Duleedkay ku yaalliin,

Diirashada galoolkuna,

Iyaduna ma durugsana,

U dareeri caws kale,

Ama duubashida taal,

Uga saar hal-doorkoo,

Dabo-saar halkiisii,

Daadooy ku kala bixi”,

La ye Daado uma rixin,

Waxay tidhi Dahabo-cadar:

“Udub soo dabtaa jira,

Deri iyo janjeedho leh,

Haddii laga il-duufona,

Dhigihii dalaysnaa,

Yuu dalab u yeelaa,

Wuu xagal-ka-daacaa,”

Dalays iyo Guduudaa,

Kebeddii dareershoo,

Daahii xidhaayoo,

Deelleey ku heesoo,

Durba waxay ku qaadeen,

Dumarkii horaa yidhi:

“Daadooy digtoonow,

Awr dabar la’aan dhacay,

Yaan duqaagu kugu furin,

Daadooy ha daganine,

Dabo-saarka hadimeed,

Aqalkii dugsiin waa,

Dumis buu u halis yahay,

Yaan lagugu digannoo,

Doca-dalool laguu bixin,

Alla-doori waayeey,

Ninku yuu dabayshoon,

U-darsiyo ka-raysiga,

Kala dooro kii daran,”

Buuggiina waan dayey,

Durbaankii Hargeysiyo,

Xamarba isku soo daray,

Daayeer la tabobaray,

Dugaaggaa abaal-guda,

Daryeelkeedi gobannimo,

Dayac-tirihi sooyaal,

Haddaan cidi danaynayn,

Dadnimooy mudnaantaa,

Dul ahaan abuurtaba,

Kii loo dellegay oo,

Inta loo danaasacay,

Wada dala’sanaayoow,

Dibudhac iyo daahniin,

Degdeg iyo horuu durug,

Da’ kastaa aqoonteed,

Waa dardaaran maansadu,

Dib wax loogu aayaa,

Deelleey ku baaqdee,

Daganaha in loo digo,

Dawankaw garaacdee,

Waxa loo dan leeyahay,

In qabiilku dabar-go’o,

Kii daaya yidhiyoow,

Musuq daahan baad tahay,

Hadal daaqsin geel jira,

Waagaan dul mari jiray,

Ma wixii I daashaday,

Gadhka deebta iga dhigay,

Yaad dabada haysaa?

Sheydaanki damagsane,

Dib Ilaahay ugu noqo,

Keliyuu ka didayaa,

Dad uu soo qabbaansaday,

Doocooda wadartiyo,

Ka hor yimi dareenkii,

Haddii loogu daw-galay,

Anna daafac Qarannimo,

Doodda aan u jilib-dhigo,

Gal dad liq ah ul lagu dayey,

Dalaaqdii indheer-garad,

Dibnaheeda soo galay,

Daankaa la dhigayaa,

Dac-gudh iyo qallalan iyo,

Da’-fur bay ku sheegtee,

Danbaska sheeko-baraleey,

Dheguu uma daloolaan,

Wax u dan ah wixii daran,

Danyar kala ogaatoo,

Dibjir lama luggooyoo,

Dulucdiyo ujeeddada,

Doodda iyo maansada,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Markaan duubto weerka cad,

Halgankii is-dabo-joog,

Kuwii igu danbaabee,

Inta waalan igu daray,

Ma maantaan u daganahay?

Dulinkiyo qaniinkii,

Hasha duudka kaga yiil,

In uu daatay moodee,

Sow tan uu dul-buuxshee,

Dibbirkiyo dillaalkii,

Daryeelkii danaha guud,

Dibusocodki ka hor yimi,

Qabiil loo dugaashaday,

Dawadii ayaan helay,

Cayayaanka dili layd,

Diiwaankii walaalaha,

Duruustuu u talin jiray,

Sow tay “dab iyo dhagax,”[ii]

Kala daaya idin tidhi,

Dusha way qallalan tahay,

Dix kastaba nasiibkeed,

Hoosta way ka dihin tahay,

Daruur iyo hillaaceed,

Danabka onkodkiisii,

Aashii hadduu da’ay,

Durdur wada aqoonyahan,

Daad wada af-tahamo ah,

Haddii la isku soo daray,

Daa’in mahaddi weeyaan,

Dix waliba nasiibkeed,

Labadeeda daamood,

Dooggii ka soo baxay,

Hadba doc u-tallaabaha,

Dalaggiisii dalaq yidhi,

Deegaanta-raacdiyo,

Daad-xoorta yeelkeed,

Dalawadeenna oloshiyo,

Nirgaha u dunuunucay,

Sida dalagga beeruhu,

Biyaha ugu dararaan,

Alleylehe ku doogsaday,

Dararteeda Maandeeq,

Nin doonaa ha xooxsado,

Dalandoolku ha xigteen,

Dunjigeed anayska leh,

Danbarkeeda kama xigo,

Daaqa iyo xeradana,

Qawsaarka loo diray,

Dayac-tirkeeda ka adkow,

Yaa daanyo-qaad u ah?

Doobiga miskeedka ah,

Laga deyrshay haaneed,

Haddaan loo dardaar-werin,

In uu daato waw halis,

Nimankii durduuree,

Darka ceelka keenee,

Dawliskiyo wadaantii,

Biyaha ugu dawdabay,

Dadweynaha codkiisay,

Deelleey ku hadashaa,

Dooddeedu maansada,

Dimuqraaddi weeyaan,

Dorraad iyo heshiiskii,

Dabuubtii kacaaneed,

Ujeeddada danteenniyo,

Aayaha dalkeenneey,

Deelleey la socotaa,

Derejiyo ammaan bay,

Dufan-jecel u xilataa,

Doogsin-dhabadka lacageed,

Dayax shan iyo toban jira,

Runtii duhurka ka caddayd,

Anigaa dul dhigayee,

Billad haygu doonteen,

Dulucdiyo ujeeddada,

Dalab intay u yeelaan,

Doc kaloo ka-jeeddo ah,

Hadalka haw duweenoo,

Dallacaad ha raadsado,

Way naga dul boodeen,

Murtiday dillaaleen,

La daalaa-dhacaayaan,

Misna doobinaayaan,

Doqonnimo waa shile,

Dushay milil ka dheyayaan,

Isku diin Hadraawoow,

Bil ammaara Deelleey,

Duullimaadki weeyaan,

Halkay doogtu jiiftiyo,

Maashaba duraysee,

Daafaceeda kii galay,

Dugsi ma leh qabyaaladi,

Roobkaa ku dacal-dhebay,

Dan kaluu ka leeyahay,

Waa se loo kitaab-deyi,

Da’da kale waxay tahay:

Damalka isku-noolka ah,

Dugaalkiyo hadhkiisii,

Duul baa ka buuxoo,

Durrujaaga hoosiyo,

Dalandoolli jinacliyo,

Kud-kudohoo an laga dilin,

Dooyayasan maayoo,

Weligay shax maan degin,

Dabada ciidda maan dhigin,

Faraha boodhka maan darin,

Mana daawan karayoo,

Illeyn waan derderanoo,

Anigu waan degdegayaa,

Diirisadii cadceeddaa,

Daruur beeni qarisoo,

Habeen dumay xiddigo dem ah,

Aragtidoodi diiq tahay,

Dayax shan iyo toban jira,

Runtii duhurka ka caddayd,

Daliilkeedu wuxu yahay:

Dunqulaalka huriyiyo,

Dogobbo iyagoon gurin,

Dabka shida ku diirsada,

Kuway uga daraysoow,

Waan idiin digaayaa,

Dabeyshii qabiiladu,

Way soo dusaysaa,

Yay deminin ololkee,

Duul-duushay dhuxushii,

Deelleeydu sheegtee,

Waa la duugay kii yidhi,

Dirayskuu ku dhuuntaa,

Derejaduu ku qariyaa,

Dulligii hadduu wado,

Ma danbaabidhaysoo,

Debecsan hooyadoodii,

Dameeruhu isku halleyn,

Dabada uga nuugee,

Waxan uga dan leeyahay:

Dulmigii gumeysiga,

Diburootigiisii,

Dakharradi igaga dhacay,

Waxa igaga sii daran,

Kuwa doogta kiciyee,

Deel-qaafka maansada,

U dul-qaadan maayoo,

Waa laga diqoodaa,

Soor quudhi waa duuf,

Waa dardaarankiisii,

Weligi u ducayn jiray,

Qarshaan[iii] uga danbeeyaa,

Dooddeeda Maandeeq,

Sheekadaw kitaab-daya,

Dar Ilaahay maansada,

U dareeriyaan ahay,

Murtidii dalkeennaa,

Dadku ii xil-saaroo,

Habaar dibadda weeyaan,

Waa duluc ujeeddo leh,

Waxay daarran tahay waa:

Gudimo daab la’aantii,

Miyay dogobbo goysaa?

Diric keli ahaantii,

Daleel guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,

Waxan uga dan leeyahay:

Daacaddiyo sinnaantaa,

Daahirin caddaalade,

Dersigii midnimadiyo,

Isku dubba-rid nololeed,

Danta dawyadeedii,

Daanyo-qaad ku baaqyoo,

Doog baynu moodnee,

Cabsi laguma dabo-gelin,

Dadkana waa u siman yahay,

Hawluhuu inoo diray,

Dusheennuu xil-saaraye,

Ka dayacay intiisii,

Docdiisii ka soo bixin,

Wixii dacarta laga dhigay,

Waa la isu diidoo,

Waa la iska daayee,

Ka doonaaya ee wada,

Daliilkuu u haystiyo,

Duubkuu u xidhan yahay,

Dabarkuu inoo ruxay,

An ku labo-diblaynee,

Waxan uga dan leeyahay:

Daacadow ma-daaloow,

Dunbuqu qaado leeyahay,

Seefta dananta yayska leh?

Ma waxa lagu deldelayaa,

Danyartii iska lahayd?

Yaa lagu dilaayaa?

Haddaan duul Amxaaro ah,

Hubka lagu dabraynayn,

Daafaca cadaawaha,

Ciidammada dabkaw sida,

Ayaa lagu diraayaa?

Muxuu uga dan leeyahay,

Duul Alloow ninkii yidhi?

Miyuu nagu didsanayaa?

Dul ahaanba Madaxweyn,

Dalka iyo dadkeennaba,

Loo doortay weeyee,

Ma Duquu xigsanayaa?

Oo naga durkinayaa?

Waxay daarran tahay baa,

Haddaa loo kitaab-deyi,

Halkay doogtu jiiftuu,

Falax-falax dillaacshee,

Ilaahay ha daayee,

Duul Alloow sidiisaa,

Ma qof diiddan baa jira?

Dameer dabo nin haystoow,

Daamankaa la qaban jiray,

Cunaha aan dig siinnee,

Ma dakaamo weligii,

Waddaniguma daalee,

Qaysoow dalaandali,

Hawl-qaran u daaddihi,

Allaw daanyo-qaadoo,

Annagaa u dammiin ahe,

Dariiqii xaqa ahaa,

Dawgeedii mariyoo,

Dakanadeeda kii qaba,

Xoolaha dadweynaha,

Dooxatadu la tegayaan,

Halkay doogtu jiiftona,

Deelleey tixraacoo,

Waa marag ma-doontee,

U-dudduuc maxkamadaha,

Denbi-baadhisteenniyo,

Dalka nabad-suggiisiyo,

Dooc iyo dareenkeed,

Doodaha garsooraha,

Diintaba la kaashoo,

Dacwaddooda gaadhsii,

Waa duul walaalo ah,

Dantu waw dhexaysaa,

Doog iyo barwaaqiyo,

Deegaanta haradiyo,

Dabo-dheer abaartiyo,

Dagaalka iyo nabaddaba,

Dunji waa wadaagaan,

Dire-dire qabiil iyo,

Uma baahna duul-duul,

Waxay derejadood tahay,

Falax-falax hogguu degay,

Yamyam deriski uu dhigay,

Kadderena u daaddegay,

Dunjigood abwaannadu,

Bartay dacalka saareen,

Dir-soocdana u diideen,

Dawadii halkaasay,

Ila tahay dareenkay,

Dalka horumarkiisiyo,

Danwadaagta taladiyo,

Dimuqraad hirgelin iyo,

Sharci laga danbeeyiyo,

Dadka oo sinnaadiyo,

Daallinkaan ka qabanniyo,

Danaheenna Qarankiyo,

Aan ku duulno wadarnimo

Deelleeydii markii ay dar-jiidhay ee ay faro-badatay ayuu Cabdi Iidaan Faarax uga guuray Shiinleydii oo aan maansooyin badan laga tirin. Cali Sugulle Cigaal ayaa ka mid ahaa ama lahaaba mid ka mid ahayd afar Shiinley oo silsiladdaas la caris-qalay ka mid ahayd. Si aynu silsiladdaas u xusno, aynu tusaale u soo qaadanno Shiinleydii Cabdi Iidaan Faarax iyo Shiinleydii Cali Sugulle Cigaal.

Shiinleey, Cabdi Iidaan Faarax, 15/2/80kii,

Kolkii midho-yarii wada shuq yidhi, shidantay Deelleeye,

Shinbir dharabtu meel aar fadhiyo, shuuqa ka ma deyne,

Sha’dii baan hayaankaw rarriyo, shaanbis-geeddiga e,

Shaabuugga madigaa tix-yare, sheexo ka lahaanne,

Afarreey ha la la soo shir tago, shoolo booliyahe,

Halkaasaa sengeha noo sharraxan, shaalka loo sudhaye,

Shafshafo duxda ah leefihii, cid u shaqaynaayay,

Iyo shurunshur malaggiisu galay, haysa soo shubo e’,

Shil-ma-hele tixdaan Gaarriyoow, Shiinka ka asdeeyay,

Ama geenyadaan xalay shirrabay, shalow-abraarkeeda,

Meeshaan shakamaddaw xidhay, sheeg haddaad garato,

Shatarta iyo dabeylaha jiraa, shaamo-reerka lehe,

Shifo waxaan ahaynoo la cuno, sheeg haddaad garato,

Shubaal qurux san gaawaha shaxshaxa, shuqul-gobaadeedka,

Shinni dhagax sideedii kolkuu, noogu shiro geelu,

Shalaan duhurkii sharad kuugu galay, laaska shacabkaasa,

Maantadan in aan kuugu shubo, ee shifo u-hooda,

Kolkay shaaxin ugu heesayaan, kama shiddoodaane,

Sharba uga ducee in aanu helin, shar iyo qayrkiise,

Haddana sheekhyadii iyo u qabay, weliyo sheellaaye,

Misna sharax kitaab kama akhriyin, shed ay ku yaallaane,

Wuxu badowgu sha’ Allaa ku yidhi, sheeg haddaad garato,

Shib ba waxa debnihii looga dhigay, shar iyo kheyr daayay,

Abwaan wuxu murtidii uga shakiyay, sheeg haddaad garato,

Runtii shimiqda waxa looga dhigay, una shareerraatay,

Ey beentii shaaraca ku timid, sheeg haddaad garato,

Shirkii lagu ballamay faalladii, shaaca laga qaaday,

Shalmadi koore raacdaye wax baan, sheedda ka arkaaye,

Shishe u garannay haasaawihii, shaadirka lahaaye,

Shaf-dhiggeedii meeshuu hirdiyay, sheeg haddaad garato,

Belaayada shinkeed galay fidmada, laga shaqaynaayo,

Shoocaalligeedaa hirmacay, waa se sheen go’aye,

Halka shalaxda la lamaagan yahay, sheeg haddaad garato,

Cadceedduba dayaxa shiiqisee, waa se laba shey e’,

Wuxu shamacba taaggii u huray, sheeg haddaad garato,

Shatartii qabiilka iyo wigladan, lagu shaqaynaayo,

Waxa qaranka shuushkii ka baxay, dib ugu shaasheeyay,

Duqdii oo shakaalkii iyo qabrigi, shebeggii hayn waayay,

Shaarubo libaax iyo hadday, shaadh ammaan tolatay,

Sharcigii qaban lahaa meel u jro, sheeg haddaad garato,

Shuf u dhimo nin ragi waa geyaa, sharaf na nooloowe,

Waxay sharadii meesheed u tahay, sheeg haddaad garato,

Ninkuu kibirku shaan-shaan ka riday, waayo shaxarsaanye,

Misna waxanu sheekada ku darin, shiishka soo maqane,

Intuu shaqalka gaabani u jiro, sheeg haddaad garato,

Shillalka lagu qal neefkii la dhigay, shidada xoolaha e’,

Shanqadha iyo shariiryaha disdida, shagagaxdii weelka,

Sidii wananka loo kala shishlaa, shiillimaad noqoye,

Shansho kama dhandhamin reerki waa, shey cajaa’ib ahe,

Waxay sheeko-baraleydu tahay, sheeg haddaad garato,

Shaxda niman aqoon lama degeen, mana shu’aysteene,

Shan Soomaliyoo wada socdoo, calan ku sheekeeya,

Shimmaa la arkayaa waa su’aal, sharad ka yaallaaye.

https://fbcdn-profile-a.akamaihd.net/hprofile-ak-xfp1/v/t1.0-1/p160x160/11148545_463793133777409_3560587113739054970_n.jpg?oh=c6f516edcc54cc8f0f517320b63b989b&oe=5665674D&__gda__=1449972518_06369089a1243a5b5b88a4c1fe7ed44fCabdi Iidaan Faarax, ku-sinnaan 1924kii ayuu ku dhashay Degmadii Hargeysa. Qayb libaax ayuu ka soo qaatay halgankii gobannimo-doonka ee gumeysigii Ingiriiska lagaga hor tegay. Wuxu ka tirsanaan jiray oo uu ka gabyi jiray makrifoonkii Xisbigii NUF-ta (National United Front). Cabdi Iidaan wuxu ahaa gabayaa waddaniya oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba aad looga yaqaan. In kastoo badiba loo yaqaannay gabayaa, haddana Cabdi Iidaan wuxu lahaa qaar ka mid ah heesaha Soomaaliyeed kuwa loogu jecel yahay oo uu ku luuqeeyo Maxamed Axmed Kuluc. Heesahaa, waxa ka mid ah: “Jacayl biri ma goyso”, “Xurmo-daran” iyo qaar kale oo badan

Deelleeydii laba maanso oo dhamac ahaa ayuu ku lahaa oo kala ahaa: Awrka dooh ma lagu yidhi iyo Daad-warararac, Shiinleydana isaga ayaa ballaysimay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo. Dhammaadkii 1980kii ayaa si qarsoodi ah loogu dilay duleedka bari ee magaalada Hargeysa, taas oo loo aanaynayo nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre oo uu si dadban iyo si toosanba uga hor yimid ulana dagaallamay. Shiinleydii Cali Sugulle kaga jawaabay, berri la socda haddii Eebbe idmo.

Shib yidhoow abwaannada debnuu, uma shakaalmaan,

Shakiguna Hadraawoow ma galo, shaacir caan-baxay,

Waa shoolad oloshoo murtidu, aayahaw shidan,

Shookigiyo xabsigu gabay ma xidho, shebeglahoodii,

Sharad buuxsantaa Gaarriyoow, tiirku shaabahay,

Shar iyo kheyrba keenaa jiree, sheegato-habowga,

Sheydaanku weel fooraruu, shoolligaw tolaye,

Shalli-laahi dhaha taasi waa, shaqo Ilaahaye,

Shacdurka delebka iyo rag aan, dheelin shabadaanta,

Oo aan shantarad barannin baad, wada shaxayseene,

Sharafkeedi Gobannimo hadday, habari shaashaysay,

Ha la sheegadii lagu ballamay, waxa shareeraaya,

Kii shiikhinaayoow anigu, shaaciyaan ahaye,

Sheekadan bulshada taabatee, sharaxa doonaysa,

Shedkeediyo medkeedii Cabdaa, Shiin ku daabacaye,

Sheekheedi maansada halkuu, shookadda u saaray,

Anoo shiiday weydiinaha, oo cilinta shiilaaya,

Waa shilisyay gabayguye haddan, shaaxin ku habaynin,

Shiilaabo iyo Wajeer kuma hirtaan, aayo talo-sheege,

Shantu in ay is-raacdaan u degay, shoolo-boolida e’,

Shanshadii Jabuutiyo haddaan, shirixi aan weynay,

Shuhra noqotay Soomaali iyo, Xamar shirkeediiye,

Sheeladan qarsoodiga ah iyo, nabarkan shuuqaaya,

Shirkeedaan labaatan u dib-jiray, sano shabeelood,

Shuruud-li’I midnimadaan ku galay, dib-u-shallaygeeda,

Shandadaha in aan uga tagoo, shayna laga qaadan,

In aynu shaashka kala qaybsanniyo, gobo’da shaalkeenna,

Shaki-li’I mid labadaa ayay, gar Alle kuu sheegtay,

Shirqoolkeedi garay Faarax Nuur, sheeko-baraley,

Aniguna shareerkii ka rogay, beentan shaadirane,

Shaqo qaran in uu gabaygu yahay, dani run kuu sheegtay,

Sharkeediyo qabiilaba dhacay, shalay lahaayeene,

Iyadoo shunuufihii lehoo, shagagaxlaynaysa,

Tallaabada sidii shalakho iyo, shaanbiyay tidhi,

Shadaabka iyo xildiiddiina way, ugu shanleeyeen,

Shunufka iyo qudhuunkeedi baa, shaamo-reer dhigaye,

Shiriiryahan siniinee digsiga, shagagaxlaynaaya,

Shaacoodii daah aan xil qarin, baa shishe u diraye,

Shaanshaan in laga weriyay buu, gabaygu kuu sheegay,

Shalmadi in ay koore raacday, waa daahir yaa shamis,

Shidhkiyo buudhigana daaqaddii, sheekadaw furan,

Shaxaade iyo xammaal iyo hadduu, kaarigu u shawro,

Shufeerka iyo kirishboyga jaan, laga shanayn waa,

Shixnadda iyo rakaabkaba xisaab, tay shalfadiyaane,

Shaag uma rogmado dabo-ka-fuul, waa shukaan-barad,

Isaga oo sheyna ka aqoonninoo, loo shakamadeeyay,

In uu shalowga gaadhigu ka dhici, anigu kuu sheegay,

Sidii shaagle laga baqay ayuun buu, soo shaf weyn yahaye,

Shuqulkii askari faranji qoray, shaadhka haw tolan,

Shawa iyo sidigta Nayroobi baan, kuu shirrabayaa,

Shakaddiyo bunduqa qarannimoow, shiishka kor u taaga,

Shisheeyaha ku fiiq gacalka waa, lagala shaacaaye,

Haddii kale shil weyn baa ka dhici, anigu kuu sheegay,

Shilin jooge gini kaaga gade, shan afar laab qaate,

Shuftada suuqa madow naga heshee, shubatay dhiiggeenna,

Shilintiyo gafanahaa ku cunay, waa shaqaalaha,

Ma shukulaha buushaha galleey, budana loo shiiday,

Shuuro iyo moofana codsaday, aan shinnidi beerin,

Shiddadeeda sicir-barar miyaan, lacagtu kuu sheegin,

Shoobto iyo Batuulaba xariir, baa ku shaqasheen,

Shanley iyo dhacliyo darayamuus, ay shollaha geyso,

Ayay Shamis u baratee markaad, shiidadka u keentay,

Shuun iyo Kinsiba kaaga dude, shiid-talyaaniga,

In ay kala shuftoobayso buu, gabaygu kuu sheegay,

Shuraakaha is-raacaa hantiday, wada shaqaysteen,

Shaarubaha kiiyoon la gelin, hoo la shubanaayo,

Sannadihii dul-saarka ahaa ee aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, Cali Sugulle wuxu ka tirsanaan jiray Kooxdii Fanka ee SNM ee deggenayd Kaam-abokor. Maansooyinkii uu beryahaa tiriyay waxa ka mid ahayd maanso-halgameed hal beyd oo keliya ka koobnayd, beydkaas oo ahaa:

"La-haystaha is-haystuu ku yimid, kelidi haystuhuye,"

Si aynu u soo gunaandno taxanahan kooban ee taariikheed-nololeedkii iyo taariikhdii curineed ee Cali Sugulle, bal aynu halkan ku taxno maansooyin baroor-diiq ah oo loo tiriyay geeridaa naxdinta lahayd.

Maansooyinkaa baroor-diiqda ah waxa ugu horreeyay mid uu curiyay abwaan Xasan Daahir Ismaaciil oo ah:

Webtii cawke anigoon ka kaban welina dhiillaysan

Anigoon wadnuhu ii garrayn wahabna aan goynin

Caawana ma weer baan xidhnahay cali intaan waayey

Wadaniga abwaankii ahaa waracii suugaanta

Ma-waabtihii gumaystaha necbaa warankii qoomaayey

Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige.

Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e',

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e',

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-aragiiye,

Waxan waayey, wadihii wanqalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wecelkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.

Rabbiyoow aadaa waarayoo, wed an ka yaabayne,

Qof ku wacay, ku weecansadoo, kuna wax weydiistay,

Adaan webin oo aan waabinoo, wadhi ku soorayne,

Gacmahaan ku hoos wadhay Rabboow, waad I aragtaaye,

Weynoow dunuubtiisa dhaaf, weliyadii raaci,

Waafaji su'aalaha Rabboow, Malaggu weydiiyo,

Ka waraabi Jannadii Fardaws, una dhig weylaalis,

Maansadan kale ee baroor-diiqda ahna waxa tiriyay Saleebaan Cali Cabdi, waxaanu yidhi:

Jabad wali lamaan degin,
Jidiin maanu wada cunin,
Jidna maanu wada marin,
Jaahiisa maan arag,
Jabaqdiisa maan maqal,
Mid aan jaandi soo tebin,
Misna waa jidhkaygiyo,
Saaxiib aan jeclaayoo,
Geeridu jaxaastoon,
Tacsidiisa joogee,
Jaliilloow jameecada,
Jaarkii Rasuulkiyo, (NNKH)
Asxaabtii Janada tegay,
Kobtay maanta joogaan,
Gelbis jaanta ha u dhigo,
jeexyada rummaankiyo,
Midhaha jaadba jaadka ah,
Haku jala-buteeyoo,
Su’aalaha jidka u yaal,
Jawaabtooda garansii,
Naaraha jidkoodiyo,
yuu ku leexan Jahannaba,
Aamin aamin aamin.

Maansadan kale ee baroor-diiqda ahna, waxa tiriyay Maxmed Aw Cali Cartan, Hal-deeq, waxaanu yidhi:

Ifku waa halgaag iyo naxdimo, hurran ninkii noole,
Waa la wada hayaayoo nafluhu, waa hayaan rarane,
Waa la kala horreeyaa ma jiro, ruux ku hadhayaaye,
Hoggaan dhaqan yaqaannaa go’iyo, hamash caleen wayne,
Hal-abuurku tiiraanyo qaad, wuu hiq leeyahaye,
Habeen baa u dumayoo afkii, waa hengelo saare,
Hareertuu ku beegnaa qayood, baa ka haw tidhiye,
Hanad iyo abwaan baa hoydiyo, qaran hal-doorkiiye,
Xaq Ilaahay heddii baa heshiyo, lama-huraantiiye,
Hormuudkeennii way wada hoydeen, badi halyaydiiye,
Hal iyo laba waxaan dhaamin baa, hadhay Batuunoowe,
Mawdku wayna helayaa qabrigu, hubanti weeyaane,
Hadhacii Fardawsiyo Jannaa, hodanku yaallaaye,
Hoobaanta Cali sii Raboow, hoorshay ducadiiye.
Aammiin aammiin.

Weli waxa inoo socda maansooyinki baroor-diiqda ahaa ee laga tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee Cali Sugulle. Tixdan gaabanna waxa geeridaa ka tiriyay Ibraahin Xaaji Muuse Wacays, waxaanu yidhi:

"Go'aan weeye lagu wada xukumay, gaanka uummane,

Geeraaan u wada taagan nahay, gedi ahaanteene,

Adduunyada rag guud jooga oo, goofay baa jira e',

Oo camalka ay geystaan ka dhigo, qaar samaan go'y e',

Godka adiga oo jiifa baad, nooshay gacalloowe,

Intaad gabayo nagu toosisiyo, ereyo guubaabo,

Ama gelin na haasaawisaan, gocanayaa jeere,

Waxad soo gashiyo waxad soo guddeed, gelisay Diiwaanno,

Gadaal da'aha iman waw tiriig, geedahaw sudhane,

Nuur weeye galacloon mugdigu, gibisha saaryn e',

Gelbiskaaga duco gaar ah baan, kuu gunaanaday e',

Jannadii ku gee Eebbahay, gogoshu kuu taalle,

Oo gedeb xijaab kaaga dadab, godadka naareed."

Maansadan kale ee baroorp-diiqda ahna, waxa curiyay Maxamed Baashe Xasan. Isaga oo ka tiiraanyeysnaa geeridaa naxdinta lahaydna, wuxu yidhi:

"Damal la hadh galaa buu ahaa, duhur kaliileede,
Dugsi lagu hirtaa buu ahaa, deyro-dhaafyada e',
Dayax noo iftiimuu ahaa, oo la daawado e',
Dadnimada hu’geedu ahaa dabo-galkeediiye,
Xaqa daaficiisu lahaa, geyllan-dirireede,
Dabuub gabay ayuu odhan ogaa, maalintii daran e',
Afhayeen u dooduu ahaa doorka maatida e',
Dhaaxuu dab oog weyn leh shiday, oo xaq daakiraye,
Dhaaxuu dareen kiciyey oo, soo duwaay yidhiye,
Dhaaxuu digniin noogu daray, maanso duluc weyne,
Duug dhaxalka noo yaalla baa, loox ku daabacane,
Dugsiyada aqoontaanu dhigi, daymo bogasheede,

Waa duni habeen lagu dhaxaa, degeshigeediiye,
Dun-carbeed ka duuduubayoo, daantii kale aadye,
Dudmo ma laha geeridu hadduu, xaqu dillaacaaye,
Daaraha Jannada Eebbahay, hawga dadab yeelo,
Allahayow dariiq toosan mari, dawgii Nebigeenna, scw,
Duddo nabad ah Weynow Jannada, socod ha daanshoodo,,
Dermo gogol ah beeraha jannada, debecsanaan seexi."

Dr. Bashiir Good oo deggen Imaaraadka ayaa isaguna ka mid ahaa dadkii maansooday geeridii Cali Sugulle. Bashiir oo qoraa, cilmi-baadhe maansayahan ah ayaa jiiftadan soo socota isaguna ka tiriyay geeridaa naxdinta lahayd, waxaanu maansadiisan baadi-sooc uga dhigay: Afkaa caano lagu qabay, waxaanu yidhi:

"In kastoy dhul ciiriyo,

Geerida Carceeriyo,

Dishaa wiil cimaamadan,

Ama caan bixii oday,

Caalim deeqa uunkiyo,

Curaddada odhaahdiyo,

Abwaan maanso curiyoo,

Ciil-tira dadkiisiyo,

Hooyo lagu cigaashaa,

Ay tahay cir soo dumay,

Colaadow sidaan qabo,

Nin xabaali celisaa,

Maaha wiil cadceeddiyo,

Cali Sugule oo kale,

Oo abwaanku ciid iyo,

Carro-tuul nin qariyoo,
Cidla' lagu illooboo,
Aayar uun la cidhif maro,
Wuu ka cidhibo dheer yahay,

Ka ciraabo weyn yahay,

Wuxuu heeso curiyiyo,
Wuxuu erayo caan-baxay,

Suugaan cuddoon iyo,

Wuxu caano iyo malab,

Ceeryoonshay baa tuban,

Oo ciidda Soomaal,

Inta ubad carruuriyo,

Cirrolaba dul joogaan,

Afkeennuna cammiran yahay,

Carrabkeennu dihin yahay,

Codkiisiyo dhawaqii,

Carradeenna hadhiyaan,

Cali wuu ku nool yahay,

Ceeriga dhulkeenniyo,

Carrigeenna Soomaal,

Abwaannada ku caan-baxay,

Haddaan sheego dhawr ciriq,

Oo Cali dad dheeraa,

Cidna kaga tilmaanaa,

Wuxu Cali dad dheeraa

Cidna kaga tilmaanaa

Tix u curiyay uu diray,
Oon curubo soo ridin,

Midhaheedu caan noqon,

Caleemaysan lama arag,

Wuxu Cali dad dheeraa,

Cidna kaga tilmaanaa,

Runta uu caddeeyoon,

Ceeryaamo iyo qiiq,

Cawriir la hoos gelin,

Markuu ciil dareemaba,

Iyadoo cillaan iyo,

Calankeedi wadatoo,

Cidla' laga arkaayuu,

Tixo ay carruurtiyo,

Cawaankuba fahmaayaan,

Oo haddana culays iyo,

Caqli lagu abaydimay,

Calcalyada xareeddiyo,

Ciidda raacin jirayoo,

Duhurkiyo caweysyada,

Sida cadarka Baariis,

Carfi laysku marin jiray,

Wuxu Cali dad dheeraa

Cidna kaga tilmaanaa

Haddaan gabayga ciil iyo,

Cadho lagu bogsiinayn,

Ama maalin ciidoo,

Carcaraaf xun loo maray,

Aan lagu cimaamadin,

Ama caashaq iyo lool,

Dhallinyaro u ciidmayn,

Hiddo iyo ciyaar iyo,

Cashar aanu noqonayn,

Weligiiba uma curin,

Inu cuud ku raadsado,

Casho maanso uma tirin,

Canaan iyo tus mooyee,

Madax inu u ciidmuu,

Been ugu cidaadaa,

Caadadiisa ma ahayn,

Weligii cod quudheed,

Carrabkiisu muu odhan,


Wuxu Cali dad dheeraa,

Cidna kaga tilmaanaa,

Hal-abuur wax curiyoo,

Inta gabay cisaysaa,

Ka cibaaro qaatiyo,

Caynaanka maansada,

Iyo wuxu ahaa calan,

Cawo dhalad Ilaahay,

Dadkeenaw ugu ciidmiyo,

Carooggii afkeennee,

Cudurrada qalaad iyo,

Cayayaanka dhawrtiyo.

Ka ilaashay ceebtee,

Kuushiyo cabbaadhkiyo,

Cunnaabiga u soo xidhay,

Caliyow cirrooliyo,

Carruurta iyo dumarkiyo,

Cidda iyo dhirtii iyo,

Ciiddaad u oydeed,

Ilaa calan-sudhkii iyo,

Maantoy cid kale tahay,

Ood cidhib-xumaantiyo,

Ciilkeeda dibadaha,

Cidlada ugu dhimataa,

Ciidho kuugu ooyee,

Aakhiro ku cadho beel,

Carfi iyo wanaag iyo,

Cisi lagugu sooryee,

Afkaa caano lagu qabay.

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed sidaas ayaynu ku sii sagootiyaynaa innaga oo Ilaahay uga baryaynayna in qabri u nuuro oo uu Jannooyinkiisii ka waraabiyo. Ilaahay innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Intaa iyo in ka badan ayuu dhammaanteen ku wada lahaa, anigana si gaar ah ayuu iigu lahaa. Sidaas ayuu Cali Sugulle naftiisii qaaliga ahayd iyo waqtigiisiiba inoogu huray isaguna ku shuf-beelay. Waxaan soo xusuusta haba tuduc uu lahaa |Gaarriye oo ahaa:

"Hilinkaan iftiinshaa,

Anna ku hurushoobaa,"

Alleylehe Cali Sugulle ayaa sidii uu inoogu iftiiminayay isagii ku jurushoobay oo naftiisii qaaliga ahayd ku waayay. Xilka dhammaanteen saarani waa sidii aynu u ururin lahayn, u daabici lahayn, una keydin lahayn murtidii dhaxal-galka ahayd ee uu da'-yarteenna uga tegay.

Aynu ku soo gunaanadno taxanaheennan gaabnaa tuducan laga reebay Cali Sugulle isaga oo Faarax Nuur soo xiganayay.

Faarax Nuur wuxu yidhi:

Sidii aan ka wada deynahan, wax ugu sheegaaye,

Mar haddii aan waxaa yeela iyo, waano kala quustay,

Sow in aan dantay warriyaa, igu wanaag maaha,

Cali Sugullena wuxu yidhi:

Sidii waanadii Faarax nuur, dhego haddaan waayay,

Ka-waantoobi maayee in aan, waajibkaw sheego,

Ayaa igu wallaahiya tan iyo, waaga aakhiro,

Dhammaad



 

Additional information