Home

Xusuusta walaal aan xiskayga ka tirmayn inta aan xayga ahay

Haa…..Hurdo dheer in aan ka toosay baa la moodaa…..Haddana waan soo jeeday…Xusuusta aan tirmayn ayaa keentay xadantada xubnahayga nugul xaradhaamisay.

 


Jabuuti oo aan Caneb joogin

(Xusuusta walaal aan xiskayga ka tirmayn inta aan xayga ahay)

“Walaalo is-jecel wed kala qaadyoo,

Is-waaye amba waaxyahaygii,”

Suudi Xaaji Aadan Cilmi

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , dharaaro.com

Hibeyn Waxaan u hibeynayaa dhammaan qoyskayaga, gaar ahaanna aabbahay, hooyaday iyo hablahayagii Caasha-naado iyo Ruqiya-caneb.

 

 

Tusmada Qormadan

 

Hordhac...................................................... 5

Dhalashadii Caneb iyo dhismihii Qoyska............. 8

Booqashadaydii Meygaagle............................, 11

Xagaa-bixii iyo xanuunkii Caneb....................... 14

Cabdi Muxumed Diiriye (Bon Famille)................ 16

Booqashooyinkii SNM-ta.................................... 23

Sakaraadkii Caneb........................................ 24

Caasha-naado.............................................. 28

Jaamac Caabbi Cawad..................................... 33

Imaam Yaxye Xaaji Ibraahin Warsame............... 33

Aabbahay Aw Yuusuf Ducaale Caynaan............ 38

Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor Axmed Diiriye 41

Caneb aan u soo dego.................................. 43

Aaskii iyo baroor-diiqdii Caneb......................... 44

Gogoshii iyo tacsidii....................................... 45

Xaajiya Habboon Cabdi Muxumed:................... 50

Damaq iyo dareen-curin................................ 50

Gebegebada sheekada:................................. 58

 

Hordhac

Haa…..Hurdo dheer in aan ka toosay baa la moodaa…..Haddana waan soo jeeday…Xusuusta aan tirmayn ayaa keentay xadantada xubnahayga nugul xaradhaamisay.

Miyaan hadlayay…..Miyaan hugmayay…..Miyaan hadrayay…..Mise waan hadaaqayayba…..Mooyi…..Hadal iyo hawraari se iguma yarayn…..Hiida…..Haada…..iyo hidiidiqa oohinta hoortay miyan hadhsan waayay…..Hammiga…..Hilowga…..Miyaan la hiinraagay……Halaanhal naf mooday…..Miyaan hangallaystay…..Miyaan halladaadka…..Hu’gii ka dhaqaaqay…..Hilmaanka dartiina…..Maxaa hal I seegay…..Hagaag-u-dhaqaaqid…..Sow maan hinqan waayin…..Ma hiishan hangoolka…..Markuu socod heermay…..Miisaankii hallaabay…..Miyaan huri-waaga…..Haleelba ka quustay…..Gandoodka hillaabtay…..Baroorta haweenka…..Miyay hadhay yeedhay…..Ma hoognay la raacshay…..Miyaan hengel maanta…..Darteed Caneb haabtay.

Haa…..Halbowlaha iyo adhaxda sheekaduba waa Caneb Yuusuf Ducaale. Haa…..iyada ayaa sheekadan gaaban dhex-roor iyo dhex-taalba u ah. Bal se waa qormo qormadeed. Waa qalin qalinkii. Waa qowlka qowlkii. Qacda yeedhay waa qayladeedii. Waa qaddarin iyo qiimayn aan ku xurmeynayo mudankii qoyskayaga oo ay ugu horreyso Caneb Yuusuf Ducaale oo 14kii Diisambar 2010kii ku dhimatay magaalada Jabuuti. Waa qaddarin iyo qiimayn aan ku xurmeynayo aaabbahay iyo hooyaday. Waa qaddarin iyo qiimayn aan ku maamuusayo walaashay Caasho-naado. Waa xus iyo xusuus aan u samaynayo adeerraday Nuux iyo Muxumed. Waa qormo aan ku muunaynayo seeddiyaashay Cabdi Muxumed Diiriye, Jaamac Caabbi Cawad iyo Yaxye Xaaji Ibraahin.

Waxa ay ahayd maalin Isniineed oo ay bishii Maarj ahayd 21, sannadkan 2011ka. Goor ay saacaddu ku beegnayd ilaa 4.30kii galabnimo ayaan dayuurad ay leedahay Jubba ‘Airlines’ ka soo raacay gegeda caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa. Maalin daal badnayd ayay ahayd oo in badan aanu sugaynay dayuuradda oo markii danbe ee ay soo fadhiisatayna in badan oo kale aanu sii sugaynay. Waxba ma ay soo socon ee markiiba waxa ay na keentay gegeida caalamiga ah ee dayuuradaha ee Jabuuti. Kuma aan raagin madaarka ee markiiba inta aan shandaddaydii qaatay ayaan tagsi I sugayay oo aan la ballansanaa raacay. Waa Cabdillaahi tagsiiluhu oo beryahn danbe oo dhanba aan raaco mar kasta oo aan Jabuuti tagaba.

Waa nin wanaagsan oo war-galeen ah isla markaana magaalada taako-taako ugu jira. Malahayga,carruurnimadiisii ayuu magaalda ku soo koray. Mar mar ayaad is-odhanaysaa ma Cabdilqaadir Jiilaani baa. Waa nin farxaan ah oo aan tilifoonka inta badan dhegaha ka dhigin wax yar se oo kooban gacanta ka adeegsada. Malahayga waa loo qariyaaye, Cabdillaahi Mashaakil ayay dadku ugu yeedhaan, anigu se intaa aan aqaannay Cabdillaahi uma dhaafo. Waa wax sheeko badan. Inta badan marka aad u yeedho wuxu kuugu soo jawaabaa: “Waanigaa soo dhaqaaqay iyo in yar ayaan kuu soo jiraa,” ayuu ku soo odhanayaa mar marka uu tilifoonkaaga khaatiyaan ka joogsado. Bal se in uu hore kuu soo gaadhaa waa ay adag tahay. Ma waayo wax aan kaa cadhaysiin oo uu kugu maaweeliyo. In aanu soo dhakhsanayn inta badan waxaad ku garataa marka aad la socoto ee uu dadka kale u jawaabayo. Waa nin dadka aad u yaqaanna oo macmiil badan. Ma shaqaale rag iyo dumarba leh oo sahqo tegaya ama rawaxayaa….ma carruur dugsiyo la geynayo ama laga soo qaadayaa…ma qolo barje tegaysa oo Cabdi Muuse ku jiraa. Inta badan waa uu qoslayaa, gelinnada danbe iyo habeennadiina jaad ayuu afka ku hayaa. Anigu markii aan bartay, marka aan u baahanahay cabbaar ka hor ayaan u yeedhaa si uu u soo socdo, u soo dhawaado, marka danbena ii yidhaahdo waanigaa soo galay. Ceebtii ma aha ee waa caadadii. Cabdillaahi waa mashruuc sidiisa ah. Ciddii aad u baahan tahay si fudud ayuu inta badan u soo dhuftaa oo tilifoonka kama baadho. Waxa intaa u dheer isaga oo hadba ciddii aad ka dalbato kaa siin kara inta badan macluumaad aad kaga go’aan qaadan karto ama aad ra’yiba kaga yeelan karto. Qaar aanad weydiin oo dariiqa maraya ayuu u hollanayaa in uu waxoogaa raad-raac ah ka bixiyo. Malaha in maah-maahaha lagu daro ayay ahayd: “Reer magaal tanaaday iyo tagsiile soo taagnaaba sida ay wax u og yihiin wax uma sheegaan.”

Xagga macaamilka iska Hargeysaawi aan badhax lahayn ayuu ahaa oo inta badan kuma aanu xisaabtami jirin halka uu iga soo qaaday iyo halka uu I geeyay, amaba inta saacadood ee aan la socday. Si kale haddii aan u idhaahdo kuma aanaan xisaabtami jirin inta uu ii taagnaa ama I sugayayba. Shul iyo shul ayuu xaalkayagu ahaa oo marna isaga ayaa bursanayay, marna aniga ayaa bursanayay. Bal se waxay ahayd xisaabtan aanu ku wada qanacsan nahay oo aannaan ku murmin ama lacag kaga wada hadal. Anna waan qabay dareenka inta uu I siday ama aan tagsigaba saarnaa, isaguna hayntayda iyo waayhayga si fiican ayuu uga war hayay. Marna islama aanu seegin ee waanu isla heli jirnay. Isaga oo aan I qaadin kama dhoofin madaarka Jabuuti kamana soo deign. Si wanaagsan ayaanu isu maca-salaamayn jirnay.

Inta aanan hore u bixin, aan wax badnayn ku hakado Maxamed Cali Ammaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Wuxu ka mid ahaa dadka ay igu adkayd in aan Jabuuti suureeyo haddii ay ka maqan yihiin. Saaxiib kal iyo laabba furan ayuu ahaa. Run ahaantii xidhiidhkii aanu lahayn saaxiibtinnimo waa uu ka badnaa. Garan maayo intii uu noolaa aniga oo Jabuuti jooga oo meel kale oo aan gurigiisa ahayn ka qadeeyay. Dhif iyo nadir ayay ahayd. Intaas oo keliya ma ahayn e’ meel aanu jooginna ma fadhiisan. Inta uu shaqaynayo mooyaan e’ inta kalena waanu wada soconnay. Markii la igu yidhi wuu dhintay ee aan tacsiyadeeyay ayaan is-odhan jiray: “Bal haddaba waa taa Jabuuti e’, yaa ku dhacaya Maxamed Cali Ammaan la’aantii?” Isagana intaa aan uga dhigo xusuus iyo xurmo aan guurinba, marka aan Jabuuti tagana ima seegto in aan gurigii iyo carruurtii soo eegaa.

Siciid Maxamed Xasan ayaa isaguna beryaha qaar sidaas oo kale ahaa. Waa 81kii ilaa 82kii, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo labadoodaba e’. Mefrish-wadaag ayaanu ku ahayn mefrishkii ‘Aakhiro’ la odhan jiray ee Xaafadda 5aad.

Nin Cali-roodhi la odhan jiray oo SNM ka mid ahaa oo dhintay, Berberana lagu aasay ayaa odhan jiray: “Miyaad maqasheen maah-maahaha aan sameeyay.” Mid ka mid ah ayaa ahayd: “Asqo magaalo, saaxiibbo adag ka lahow.”

Halkii madaarka ayuu Cabdillaahi iga dhuftay. Shir ay ku ballansanaayeen Beelaha Gabooye ee Soomaaliyeed ayaan ka qayb-gelayay. Waxa ergooyinka qaybtii aan ka midka ahaa la dejiyay Hudheelka Imperial ee Jabuuti oo aan markii iigu horreysay ku degay. Cabdillaahi waxa aan ka codsaday in uu I sii mariyo gurigii ay ka dhimatay walaashay Caneb Yuusuf Ducaale oo aan ilaa dhowr iyo lixdankii ku degi jiray. Gurigayga labaad ayuu ii ahaa, haddii aanu mararka qaarkood ka koowaadba ii ahayn. Gurigii ayuu is-hor taagay. Gaadhigii ayaan ka degay. Waan ogaa Hodan Cabdi Muxumed oo aan abti u ahaa in ay guriga keligeed ku hadhay, bal se iyada qudheeda ayaa Hindiya shaqo iyo tabobarba ugu maqnayd. Inantii guriga ka shaqaynaysay ee ay Hodan kaga tagtay oo Canab la yidhaahdo ayaan bariidiyay oo cabbaar la joogay. Hilow iyo xusuusba maskaxdaydu xilliyo tegay ayay faallada ugu maqnayd.

Cabdi Muxumed Diiriye

(Bon famille)

(1937kii-1995kii)

Cabbar markii aanu Caneb oo guriga mas’uul ka ahayd la joogay ayaan tagsigii Cabdillaahi dib ugu noqday. Waxaanu u ambo-baxnay Hudheelka Imperial ee ka sokeeya Sheraton oo ciddii na marti-qaadday meel nooga qabatay ama aanu ku degaynayba. Waxaanu ka qayb-gelaynay Shir ballaadhan oo ay isugu imanayeen Beelaha Gabooye oo meelo kala geddisan ka imanayay. Si wanaagsan ayaa la ii soo dhaweeyay qol weyn oo qabowna waa la I siiyay. Waxaan u malaynayaa in uu ahaa Lambar 145. Sariirtu laba-qaad ayay ahayd si la yaab leh u goglan. Qolku nefis iyo masquushuba. Bahal qaboojiye ah oo meeshiiba baraf ka dhigayna waa uu ku xidhnaa. Marka aan xejin waayo waan aan iska xidhayayba.

Laba arrimood ayaa xusuus gaar ah igu lahaa intii shirku socday. Maalin ayaan e-mailkayga furay. Wiil aan Cabdillaahi Cabdi Shube sawirkiisa weydiistay ayaa ii soo jawaabay. Baadi-soocda e-mailkiisa ayaa ahayd midgaanyare@......... Wallaahi hoosta ayaan uga duceeyay. Maalin kalena nin ayaa nagu qaaday baabuur Pajero ah. Aniga iyo Aamina oo Guddida Xuquuqda Aadamaha Somaliland madax u ah ayaanu ahayn. Xagga danbe ayaanu fadhiisannay oo in cid kale na raacayso ayaanu moodaynay. Labadayadii ayuu nala dhaqaaqay. Markii aanu hudheelkii ka baxnay ayuu dib noo soo jalleecay isaga oo aniga ila hadlayay. Ku-ye: “Ma reer Kiiniya ayaad tahay?” Markaas ayaan ku idhi: “Maya ee reer Somaliland.” Wuxu igu celiyay: “Ma Isaaq ayaad tihiin?” “Haa,” ayaan ugu jawaabay. Isagii ayaan ku noqday: “Adiguna?” Markaas ayuu iigu jawaabay: “Muuse Dheriyo oo reer Tallaabo-cadde ah.” “Lillaahi darrak,” ayaan ku idhi. Bal maxay ku caayi haddii uu ab, isir iyo laan-dheeriba sheegtay. Bal adba!

Inta aan shandaddii dhigtay ayaan gurigii walaashay Caneb Yuusuf Ducaale ka dhimatay dib ugu noqday aniga oo macawis xidhan.  Rashiid iyo niman la fadhiyay ayaan iskala fadhiistay. Goor danbe ayaan ka imid oo aan hudheelkii Imperial u soo hoyday. Berendahaa aan galabtaa fadhiyay ayaanu Caneb Yuusuf Ducaale ku wada sheekaysan jirnay.

Mararka aanu berendahaa ku sheekaysanayno marna gambadh ayay ku fadhiisan jirtay, marna gogol khafiif ah ayay agtayda dhigan jirtay oo waa ay yar jiifsan jirtay annaga oo sheekada gawda hayna. Sawirkani waa kii ugu danbeeyay ee Caneb laga qaaday, shan maalmood ka dib markii ay Hargeysa nagaga soo noqotay. Ganbadhkeedii ayay ku fadhidaa, aniguna mar kasta oo aan u imaaddo berendaha ka danbeeyay ayaan fadhiisan jiray aniga oo albaabkaa birta ah dhabarka saari jiray.

Dhalashadii Caneb iyo dhismihii Qoyska


 

 


Dhalashadii Caneb iyo dhismihii Qoyska

Caneb ayaa loogu wan-qalay, hooyaday se waxa kale oo ay ugu yeedhi jirtay Ruqiya. Waxay dhalatay waqti ku beegnaa 1940kii, waxaanay ku dhalatay xaafaddii Laba-nuux ee Hargeysa. Waxay Caneb ahayd qofkii saddexaad ee ay hooyaday dhasho. Waxa ku xigay Rashiid iyo Deeq oo iyaga oo yar yar saqiiray. Basra ayaa ku sii xigtay oo timaha raamo looga dhigay, iyada oo caado ahaan looga jeeday in carruurtu badbaaddo. Caneb waxay wada kacaameen Caasha-naado oo ay inta badan isku lug ahaayeen, markii danbe se laba nololood oo kala fog ayay kala qaadeen. Farshaxanka waa ay ka sinnaayeen. Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqankana waa ay ka sinnaayeen oo kama ay maqnaan jirin fagaarayaasha jiibta iyo jaantaba la miciinsado galbaha ciidaha iyo maalmaha munaasbaduhu jiraan. Botorku ha ugu horreeyo e’ guud ahaan ciyaaraha belo ayay ku qabeen. Weliba Caasha-naado buraanburka ayaa u dheeraa. Farshaxan ayay ku ahaayeen samaynta kebedda iyo cawskaba.

Caneb Yuusuf Ducaale 1961kii waxa guursaday Cabdi Muxumed Diiriye oo ka tirsanaan jiray ciidammadii ‘Jaandaaranka’ ee Jabuuti, isaga oo hawl-gab noqday 1977kii. Wuxu ku danbeeyay ganacsade, waxaanu dhintay  14/4/1995kii, waxaana lagu aasay magaalada Jabuuti. Cabdi Muxumed intii aanu Jabuuti u wareegin wuxu deggenaan jiray magaalada Hargeysa. Wiil dhallinyaro ah oo is-koris ah ayuu ahaa, aabbahay oo beryahaa hudheel wax laga cuno ku lahaa magaalada Hargeysina waa uu ka war hayay Cabdi Muxumed oo uu arkayay wiil yar oo noloshiisa dhisaya.

Isaga oo doob ah ayuu Cabdi Muxumed u wareegay magaalada Jabuuti, waxaanu halkaa ku guursaday Caneb Yuusuf Ducaale oo uu ka soo doonay Hargeysa. Qoyskii reer Cabdi Muxumed Diiriye oo loo yaqaannay ‘Bon Famille’ waxay dhaleen siddeed carruur ah oo kala ah: Rashiid, Yaasiin, Saamiya, Ilyaas, Hodan, Diiriye, Deeqa iyo Habboon. Iyaguna markooda waxa ay yeesheen ilaa 26 ubad ah.

Tarankii qoyska Reer Cabdi Muxumed Diiriye

1. Rashiid Cabdi Muxumed wuxu guursaday:

  • Veronigue Begland oo Faransiiis ah, waxaanay u dhashay Qadiija oo hadda dhakhtarad ah,
  • Saamiya Xuseen Siciid oo carabiyad ah, waxaanay u dhashay wiil la yidhaahdo Ayman,
  • Nimco Cali Warsame waxaanay u dhashay gabadh la yidhaahdo Abyan,

 



  • Maandeeq Cabdi-rasaaq Xuseen waxaanay u dhashay: Absan, Caneb, Xikmaat iyo Cabdi Yare,

2. Yaasiin Cabdi Muxumed wuxu guursaday Nimco Cismaan Maxamed wax carruur ahna ma ay yeelan,

3. Saamiya Cabdi Muxumed waxa guursaday Rashiid Maxamuud, waxaanay u dhashay: Abokor, Weris, Ugbaad iyo Faadumo,

4. Ilyaas Cabdi Muxumed waxa uu guursaday Charline oo Maraykan ah, waxaanay u dhashay: Aniisa iyo Rehanna oo mataano ah, Khadra iyo Keyse,

5. Hodan Cabdi Muxumed waa cadrad oo weli lama guursan,

6. Diiriye Cabdi Muxumed wuxu guursaday Leyla Cumar Gaboobe, wax carruur ahna weli ma ay yeelan,

7. Deeqa Cabdi Muxumed waxa guursaday Naasir Cabdi Aadan, waxaanay u dhashay: Mudan, Cabdi-samad iyo Raxiima oo mataano ah, Ridwaan iyo Caaliya,

8. Habboon Cabdi Muxumed waxa guursaday Khadar Kheyrre, waxaanay u dhashay: Cabdi-qani (Bulbul), Koraad, Aabi, Mahdi, Masno iyo Maxamed oo mataano ah.

Intaasina waa Reer Cabdi Muxumed Diiriye iyo tarankoodii qoysnimo ilaa maalintan aan Qormadan qoray.

Sawirka waxa ka muuqda: Caneb Yuusuf Ducaale, Hodan, Diiriye, Deeqa iyo Habboon oo carruurtooda ugu yar. Waxa xus iyo xusuusba mudan toobka ay walaashay xidhan tahay in aan 1977kii uga keenay magaalada Lagos oo markaa Nayjeeriya xarun u ahaan jirtay. Waa 1977kii oo aanu ka qayb-gallay Bandhiggii Fanka iyo Suugaanta ee Beelaha Madow ee adduunka (FESTAC 77). Sawirka toobka ku yaallaana waa goobtii (Masraxii) bandhiggaa lagu qabtay.

Caneb qudheedu, hadyadaha ay ii keentay ama I siisay tammuuxaa ayay ka badnaayeen. Waxa ugu da’ weyn hadyadaha aan ilaa maanta walaashay ka hayo baraarug lacag ah oo ay Muqdisho iigu keentay mar ay na soo booqdeen iyada iyo saygeedii Cabdi Muxumed Diiriye. Waxa xusuus gaar ah leh in aan ilaa maantadaa aynu joogno hayo baraarugtaas, oo weliba aan gacanta midig ku xidhnaa tobankii sannadood ee aan ku jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Carruurtayda, gaar ahaan wiilasha intooda badani waa ay xidheen: Caynaan, Diiriye iyo Ayaanle. Tobankii sannadood ee ugu danbeeyay waxa xidhnaa Diiriye.

Bal se safarkan aan Jabuuti ku tegay markii iigu horreysay intii ay walaashay Caneb mootanayd oo ku beegnaa 21/3/2010kii, waxa iiga horreeyay safar kale oo naxdin iyo dhiillaba cokanaa ama xanbaarsanaaba. Waxay ahayd mar aan booqasho ugu tegay walaashay Caneb oo cisbitaal Jabuuti ku yaalla taallay.

Wuxu ahaa xilli xilligii….wuxu ahaa xanuun xanuunkii….xantada iyo xaradhaamada…..xummadda iyo xaraaradda…..xanaaqa iyo xiiqa…..xaglaha aan laabtay iyo xusul-duubka…..xanafta iyo xinjiraha guntamay ayay naftaydii la xasili weyday.

Bishu waa Diisambar oo soo af-jaraysay sannadkii 2010kii oo ahaa sannad barkhadeed oo xiisado siyaasadeed ku dhammaadeen guul iyo reynreyn shacbiga Somaliland u soo hoyday. Doorashadii Madaxweynaha oo in badan la sugay, la saadiyay oo loo sid-tiriyay ayaa si xarrago leh ku dhammaatay oo inta badan aammaan lagu mutaystay.

Booqashadaydii Meygaagle

 

4tii Diisambar 2010kii ayaan ka ambo-baxay magaalada Hargeysa aniga oo ku socday shirkii nabadeed ee ka socday Meygaagle ee lagu heshiisiinayay labadii beelood ee walaalaha ahaa ee xiisaduhu dhex mareen. Waxaan ka socday Akaademiga Nabadda iyo Horumarka oo waxoogaa dhiirri-gelin ah ayaanu u samaynaynay una sidnay ergooyinka madasha ku kulmay. Dhiirri-gelintaasi waxay ahayd sahay fiican oo ka timid Hay’adda Interpeace oo ay kaga qayb-gekaysay qaboojinta xiisaddii ka aloosnayd Kalshaale. Habeennimadii waxaan u hoyday Hudheelka Cigaal ee ku yaal kadinka magaalada Burco laga galo, subaxnimadii horena waxaanu u ambo-baxnay Meygaagle. Intayadii Hargeysa ka tagtay waxa ku soo biiray xafiiskayagii Burco oo ay ka socdeen: Cali Cige, Cumar Aadan iyo Kinsi Faarax iyo Cali Boodhle oo baabuurka u waday. Aniga, Axmed Bile ayaa Hargeysa iga sii qaaday. Markiiba laammidii Beled-weyne tegaysay ayaanu dhufannay oo bed qabta. Cabbaar haddii aanu soconnay ayaanu ka leexannay Wadaamo-goo oo koonfur afka saarnay.

Waa waddooyinkii caadiga ahaa ee Hawdka lagu yaqaannay. Waddooyin ciid yar oo casaan ah leh oo inta badan markii ay godmeen iska noqday biyo-mareen. Inta badan wuxu ahaa dhul geed-quwaaxa “Xodayga” la yidhaahdaa wada qabsaday oo si la yaab leh uga baxay. Waxa kale oo ka baxayay Xagarka. Dhirta kale ee xusuusta mudnayd waxa ka mid ahaa: Cadaadda iyo Qansaxa. Waa geedo xusuus gaar ah igu leh, guud ahaanna dadka Soomaaliyeed jecel yihiin. Ma cadaadda iyo xabagteeda! Waxa ka daran Qansaxa iyo meydhaxdiisa hahda leh ee aad jeclaysanayso marka aad calaalinayso. Dawgaa aanu maraynay dhirta kale ee aad ku arkaysay waxa ka mid ahaa: Bilcil, Qudhac, Galool, Gob, Dhiddin iyo dhir kale oo badnayd.

Yaraantaydii iyo lixdanaadkii ayaan soo xusuustay xilliyo aan gu’gii u tegi jiray walaashay Caasha-naado oo Hawdka deggenayd. Haddii aanay xusuustaydu I dageyn waa 1962kii. Hargeysa ayaanu baabuur weyn ka raacnay oo Sallaxley na geeyay. Waxa na waday nin Hargeysa caan ku ahaa oo la odhan jiray Ina Loox-tuur. Habeenkii haddii aanu halkaa u hoyannay aroortii hore ayaanu lug bilownay annaga oo sii jeexnay meelo aan ka sii xusuusto Sii-godan iyo Afmeerkii Axan-weyne. Waxaanu reerkii ugu tagnay meel la yidhaahdo Qadhoonleyaha. Cabbaar haddii aanu halkaa deggenayn ayaanu u guurnay Gahaydh-weyne oo galbeed kaga toosan Awaare. Waxaan si fiican u xusuustaa in aan reerka kaga imid meel u dhaweyd Dharkeyn-dalaaq oo aan ka soo raacay baabuur “Austin” af-gaab ahaa. Sidaa ayaan berigaana Hargeysa ugu soo noqday aniga oo waxoogaa ka soo bartay noloshii raacatada iyo dal-sankii aanu deggenayn. Waa beryaha aan geedka Qansaxa la yidhaahdo iyo meydhaxdiisa bartay ee aanu dhirta robogga ka guran jirnay. Waxaan sii xusuustaa Sudihii Qansax iyo Waabay.

Intii aanu Meygaagle ku sii soconnay, dhowr tuulo oo yar yar ayaanu sii marnay oo kollay “Muraayaddu” ku jirtay. Laba xusuusoodba waddadu waa ay igu yeelatay oo midi waxay ahayd sannadihii dul-saarka ahaa ee SNM ee aanu hawd-ku-noolka ahayn, si gaar ah waxaan u xusuustay jiidihii Hawdka ee dhulkan aanu maraynay la jaadka ahaa. Xusuusta kalena waxa ay ahayd jidkii dheeraa ee beryaha qaar loo sii mari jiray magaalada Muqdisho oo qudhiisu hawdkaa iska ahaa. Wallaahi soo-noqodkii inta aan is-taagay ayaan soo goostay laamo Xoday ah si aan Hargeysa uga beero. Laan ayaa Akaademiga ka baxday, bal se kuwii gurigu waa ay iga qallaleen.

Intii aanu jidka ku sii jirnayba laba arrimood ayaa igu mudnaa ama igu taagnaaba. Waa shirkii Meygaagle loo fadhiyay iyo xanuunka walaashay Caneb Yuusuf Ducaale. Maalin Jimce ah ayay ahayd. Goor barqo dheer ah oo ay saacaddu ku beegnayd 11.00 saacadood ee duhurnimo ayaanu soo gallay magaalada Qori-lugud. Inankii baabuurka noo waday ayaan ku idhi: “Magaalada ha gelin ee halkaa duleedka is-taag oo waddada ka yar bax.” Axmed Bile oo baabuurka noo wadayna sidii ayuu yeelay.

Jabuuti ayaan garaacay bal si aan u wareysto Caneb oo igu weyneyd, waxay ku sugan tahay. Waxa iga qabatay tilifoonkii Habboon Cabdi Muxumed oo carruurteeda ugu yareyd. Aad ayay uga dardaar-werisay xaalkeeda caafimaad. Xaaskayga Faadumo Xasan Diiriye oo iyaduna ka mid ahayd gurmadkii Hargeysa ka baxay ayaan ii gudbi ku idhi. Tabtii Habboon ayay Faadumona xaalkii caafimaad ee walaashay Caneb ay uga dayrisay. Saacaddaas ayaan go’aansaday in aan marka aan Meygaagle ka noqdo Jabuuti u ambo-baxo bal in aan Caneb nolol ku gaadho.

Baabuurkii kale ee nala socday oo ahaa kii xafiiska Burco ee Akaademiga oo ay saarnaayeen: Cali Cige Ducaale, Cumar Aadan, Kinsi Faarax isla markaana uu waday Cali Boodhle ayaa xawaare nagu dhaafay. Sidii aanu isku ogeyn is-ma uu taagin magaalada ee xawaarihii ayuu ku dhaafay, annaguna sidii ayaanu ku dhaafnay. Waxa aanu maqlaynay dhowr qof oo waabab kala duwan fadhiyay oo ku murmayay: “Waa Akaademiyadii….iyo waar Boobow.” Bal se dheg ayaanaan jalaq u siin.

Sidii aanu u ordaynay ayaanu Meygaagle daf nidhi. Saa waa kantarool iyo ciidan xadhig yar laba qori ku xidhay. Ceebtood ma aha ee waa caadadood e’, cabbaar maaweelo naga dhigte. “Dejiya muraayadaha? Maxaa ahaydeen? Xaggee ka socotaan? Waraaqo fasax la idin ku soo siiyay ma sidataan?” Waxaa iyo wax la mid ah ayay nagu boobeen. Hadba askari iska sii socday baa nagu soo laaba si uu is-na wadhiisa u rito. Qaar geedaha hoos hadhsanayay iyaguna soo ruqaansade oo inta ay qadhii ka yimaaddeen cagaag ku soo dhaqaaqe ama dacas soo xidhe. Adigu cabbaar markii ay na haysteen, qaar ka mid ah ayaanu garannay oo jabhaddii SNM ahaan jiray, ka dibna na sii daaye.

Markii aanu is-taagnay madashii shir-nabadeedka ee wada-hadalladu ka socdeen, Ilaahay yaab iyo amankaagba noo keen. Waa maxay goobta shirka lagu haloosiyay? Waa maxay damasha dhinaca isa saartay ee amar Ilaahay ku baxday? Waa maxay Gobka iyo Qudhaca meesha bilay ee inta ay soo hoogaansadeen faraqyada dhulka la gaadhay? Been ku hadli maayo haddii aan idin idhaahdo geedba tiro adhiya ayaa ku fooftay caleentii ka daadatay oo aan caws kale u baahan. Waa maxay booyadaha balli-biyoodka ka dhaaminaya ee mishiinnada u rakibtay? Dalsan la yaab leh oo odayaal Gebilay iyo Boorame ka yimid ay ku waasheen: “Waar nimanku meesha miyaanay geedna ka beeran! Alla! Ma bustaanno ka dillaaci lahaa.” Ninba si la noqotay. Hadda iyada oo daaqeen ah ayaa lagu kala bixi la’ yahay ee bal ka warrama tan oo la beerto oo bustaanno laga dhigtana.

Annagii oo Meygaagle la yaabban ayaanu wareysannay Hurre Walanwal oo aanu ku nidhi: “Ma Meygaagle oo keliya ayaa sidan ah.” Ku-ye: “Meygaagle waa kee, waar waa ilaa 18 goobood oo dhulkan oo kale ah.” Annagiina yaabnay oo ku nidhi Hurre: “Bal noo tiri.” Waa ka dabada isugu qabtay isaga oo hadba eegaya dhinaca ay naga xigto meesha uu sheegayaa. Intii uu carrabka mariyay ee Meygaagle la jaadka ahayd ee balli-biyoodka ahayd waxaan ka sii xusuustaa: Kalshaale, Gal-gal, Gocondhaale, Horu-fadhi, Qori-lugud, Hagoogane, Qeydarka, Dhilaalo, Shiil-qorraxeed, Balli-uus, Aadan-waal iyo qaar kale oo badan waa halkii Maxamed Mooge Liibaan e’.

Waxaanu la yaabnay meesha madasha loo dooray iyo sida loo dhisay loona qalabeeyay. Geed hadhac ah ayaa hoostiisa la waabay oo weliba dhinaca cadceed-ka-dhaca oo keliya ayaa la sharraxay oo ergooyinkii oo dhan deeqday. Waxa goobta ku sugnaa ilaa 50 ergey oo labada beelood ka socday. Waxa kale oo dhex joogay ama ku dhex jiray 25 odey oo isugu jiray madax-dhaqameed iyo culimo aan labada beelood ka kala tirsanayn. Waxa dusha ka ilaalinayay 37 madax-dhaqameed oo kale oo kormeer iyo kor-joogtaba ahaa. Waxa iyaguna madashaa bilan ku sugnaa oo ilaalinayay Urur ka tirsanaa ciidammada Qaranka ee Somaliland oo dhowr tekniko ahna haystay. Waxa madashaa sii sharfay 40tameeyo dumar ahaa oo marti-gelinta iyo sooryada gacanta ku hayay oo reer Buuhoodle ahaa. Madasha waxa marti loogu ahaa Beesha Buhoodle ka soo jeedday. Maalin ayaanu madashaa joognay oo xaaladda indho-indhaynaynay ka dibna Burco ayaanu ku noqonnay. Maalin labaaddiina waxa ku soo noqday Xafiiskayagii Burco oo u qaybiyay waxoogaa taakuleyn lacageed ahayd oo aanu u sidnay ergooyinkii madashaa ku sugnaa.

Meygaagle oo ahayd meel masno ah oo la yaab leh ayaan ka soo noqday, aniga oo mar kale ku degay Hudheelka Cigaal. Habeennimadii waan iska seexday oo waa aan daallanaa. Subaxnimadii markii aan toosay ayaan dalbaday quraac beer ah aniga oo fadhiistay berendaha hudhhelka. Waxa halkaa ku quraacanayay nin ii sheegtay in uu yahay Turki ka yimid magaalada Istanbuul. Wuxu u lebbisnaa si aad iyo aad u qurux badan. Shaadh iyo surwaal madow ayuu xidhnaa. Waxa u dheeraa koodh harag ahaa oo qurux badnaa iyo kabo buudh ah oo dhaadheeraa oo koodhka u ekaa. Harag si wanaagsan looga shaqeeyay ayuu ahaa. Nin reer Hargeysa ah oo Cabdi Cali Barkhad la yidhaahdo ayaa la fadhiyay oo la sheekaysanayay.

Wax aan badnayn ayaan sheekadii ku darsaday aniga oo weydiiyay halka uu ka yimid iyo waxa uu soo doonay, waxaanu ii sheegay in uu Turki yahay oo uu Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco u yimid si uu iibsado harag uu dhoofiyo. Wuxu intaa iigu daray in uu halkan ku sugayay gabadh Sahra la yidhaahdoo oo baayac-mushtariga Burco ka mid ahayd. Arrin lagu farxo ayuu ahaa, Burcona magaalo horumar iyo dhismo ku tallaabsanaysa ayay ahayd oo ka muuqata Somaliland. Tiraba wershedaha hilibka ee hargaha soo saaraa laba ayay ahaayeen. Wershedaha saabuunta ayaa iyaguna laba ahaa. Iyo qaar kale oo badan. Denbi ku hadli maayo haddii aan idhaahdo Burco ayaa wershed iyo biyoba Somaliland hormood u ah. Markii aan quraacday ayaan Hargeysa u soo ambo-baxay.

Markii aan Hargeysa tegayba tigidhkii Jabuuti ayaan goostay, hawlihii xafiiskana waa aan iska wareejiyay aniga oo isu diyaarinayay in aan fasax gaaban u qaato si walaashay u soo dul joogsado.

Xagaa-bixii iyo xanuunkii Caneb

 

Taxanihii sheekadeenna iyo Caneb aan ku yar noqdo. Walaashay cisbitaalka Peltier waxa la geeyay 28/11/2010kii. Waxay Hargeysa noogu timid 24/8/2010kii iyada oo ay wadday gabadheeda Hodan Cabdi Muxumed. Waxay naga noqotay oo ay Jabuuti tagtay 24/10/2010kii, waxaana sii kaxaysay gabadheeda Saamiya Cabdi Muxumed. Ilaahay baa igu simay in ay intaa ila joogto Hargeysa oo weliba aanu guri ku wada noolaanno maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay. Gurigayga ayay nala degganayd oo waxaanu ku marti-gelinnay qolka Mujaahid Ayaanle oo isla markaana noo ah qolka martida maa daama uu reerka ugu yar yahay. Fursaddaas ayaan walaashay Caneb u helay oo aanu inta badan wada fadhiisan jirnay qolka fadhiga oo aan ka guri jiray sheekooyinka iyo muddaakaraadkaba. Wax badan ayay iiga sheekaysay taariikhdii qoyskayaga gaar ahaan intii aanan anigu soo gaadhin amaba aanan aqoonta u lahayn. Waxay qolka fadhiga ka fadhiisan jirtay furaashyada qaaciga ah ee xagga galbeed oo cidhifka bariga ah, maxaa yeelay TV-ga ayaa yaallay ama ka soo jeedayba dhinaca bari. TV-ga fadhi iyo jiifba waa ay ku daawan jirtay. Gelinka hore kursi ayaa dibadda ama daaraddaba loo dhigi jiray. Inta badanna daaradda ayay barqadii yar lugeyn jirtay iyada oo ay Hodan garbaha hayso ama ay dhinac socotaba. Ninka reerka ugu nasiibka badnaa ee Caneb bilihii nolosheeda ugu danbeeyay ay la deggenayd ayaan ahaa. Maalmahaa qaar ka mid ah waxa iyaduna nala joogtay oo nasiibkaas oo kale heshay walaashay Sacdiya oo hooyaday Baar-cadna u bixisay oo aan ku dhalasho xigay oo London ka timid.

Caneb waxa la geeyay Jidda bishii Abriil 2010kii si looga soo qalo Buro la sheegay in ay kaga taallay uur-ku-jirta. Waxa sii kaxeeyay oo ku lammaana carruurteeda Hodan iyo Diiriye. Jabuuti markii lagu soo celiyay ayaa mar kale xanuun laga dareemay, markaa ka dib ayaa loo qaaday haddana magaalda Nayroobi oo ay sii kaxaysay gabadha carruurteeda ugu yare ee Habboon. Dhakhtarka la geyn jiray ka-sokow waxa xusuus iyo in aan hoosta ka xarriiqaba iga mudan in ay ku degtay oo ay marti u ahaayeen Mudane Maxbuub Macallin oo Xoghaye Guud ka ah Urur-goboleedka IGAD oo ay Hodan Cabdi Muxumed kaga hawl-gasho Jabuuti. Maxbuub Macallin iyo xaaskiisana Dahabo Diiriyeba Ilaahay ha ka abaal-mariyo soo-dhaweyntaa walaalnimo ee gacaltooyada iyo Soomaalinnimaduba ku dheehnaayeen.

Caneb waxay Hargeysa ka xagaa-noqotay 24/10/2010kii. Gurigeedii oo xaafadda Gabood ku yaallay ayay tagtay. Caneb mar kale ayaa la qabtay oo ay ku xanuunsatay gurigeedii Jabuuti. Waa 18/11/2010kii. Burka bahalba lagama filin e’ waxa la is-yidhi guriga ku baxnaaniya. Toban maalmood haddii ay halkaa taallay ayuu xaalkeedi ka sii daray, ka dibna 28/11/2010kii ayaa la dhigay cisbitaalka guud ee Jabuuti ee Peltier lagu magacaabo. Qof weyni wedkiisa waa yaqaannaaye, walaashay Caneb intii ay Hargeysa nala joogtayba aad ayay uga dardaar-werinaysay xanuunkan ku soo noq-noqday oo waxay hoos u odhan jirtay: “malaha waa kaan u dhimanayay.”

Intii aanan tegin Jabuuti si aan u booqdo walaal igu dheereyd, hadba tilifoon ayaan diri jiray si aan xaaladdeeda u wareysto ama waa la ii soo diri jiray si xaaladdeeda la iigaga warramo. Waxan xusuustaa maalin wiilkeeda Rashiid tilifoon ii soo diray oo igu yidhi: “Hooyo waxa la doonayaa in la sawiro oo tuubbo lagu dhaadhiciyo caloosheeda, waa ay se na diidday ee la hadal.” Tilifoonkii ayaa la ii dhiibay. Waan la hadlay. Waxaan ku idhi: “Walaal ha lagu sawiro e’ oggolow tuubbada caloosha lagu dhaadhicinayo.” Waxay iigu jawaabtay: “Oggolaan maayo, dib danbena jidhkayga loo qali mayo, sidaas ayaan ku dhimanayaa aniga oo isku dhan.” Waan naxay. Haddana hadal ayaan ku celiyay: “Walaal, haddaad diiddo dee waanu iman doonnaa.” Ku-ye Caneb: “Oo haddaad timaaddo miyaad I qasbi.” Inta aan naxay ayaan ku celiyay: “Maya…ee walaal waanu ku baryaynaa.” Waxay iigu jawaabtay: “Markan waan kaa yeelayaa ee mar danbe yaan la ii celin waxaas oo kale.” Sidii ayaa maalintaana lagu sawiray iyada oo aan raalli ka ahayn bal se hadalkayga qaadi weyday.

Intaa ay cisbitaalka Peltier taallayba waa laga dardaar-werinayay caafimaadkeeda. Qof kasta oo qoyska ka mid ahaa oo ila soo hadlaaba si dadban ayuu iigu sheegayay in aan imaaddo. 2006dii ayaa Caneb Yuusuf Ducaale wiilkeeda Diiriye caafimaad ahaan u geeyay dalka Koonfurta Afrika. Sida muuqatayna, tan iyo beryahaa iyo xilliyo ka horreeyayba aad ayaa loogu dedaalay caafimaadkeeda iyo dhakhtar-geynteedaba oo la iskuma ciil-kaambiyayo. Tii Alle ayaa qornayd. Waxaan xusuustay islaan odeygeedii oo beel-daajiye laga danbeeyo ahaa bukooday. Nuur iyo Naalleeyaba waa  la iskugu yimid. Ardaayo ayaa duleedkii reerka laga ootay. Faras iyo lugba waa la ahaa. Waa Gebilay duleedkeeda woqooyi-galbeed. Odeygii bukay oo la odhan jiray Hode Xirsi ayaa aroortii danbe go’ay oo ay tiisii noqotay. Hawraar iyo maanso Islaantii laga reebay ayaa ahayd:

“Allowda la hay,

Oodo la hor qabay,

Ooli waa Hode,”

Walaashay Caneb sidaas oo kale ayay iska ahayd oo wed ayaan la baajin karin. Qof ahaan waa ay igu weyneyd qoys ahaanna qof muddakar ah oo dadka reerka u taliya ugu mudan ayay ahayd. Aniga si gaar ah ayay iigu dheereyd oo waxa ay ila qaybsatay maalmihii qadhaadhaa ee aan ku jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahyd. Maa daama ay Jabuuti joogtay waxa ay na xidhiidhin jirtay reerka oo dhan, gaar ahaan qoyskayga reer Boobe: xaaskayga, carruurtayda, hooyaday iyo reerka intiisa kaleba. Arrin oo keliya iguma ay taakuleyn jirin bal se adduun ahaanna reerka wax weyn ayay u qaban jirtay gaar ahaan intaa aan SNM-ta ku maqnaa. Marka aan wax helo ama ay I soo galaanba iyada ayaan u soo diri jiray si ay reerkayga ugu gudbiso, intii danbe ee halgankiina reer Cabdi Muxumed Diiriye ayaa qaaday mas’uuliyaddii reerkayga.


 

Cabdi Muxumed Diiriye (Bon Famille)

Cabdi Muxumed Diiriye wuxu ka mid ahaa dadkii halista u soo maray halgankii gobannimo-doonka ahaa ee dadka reer Jabuuti maa daama uu isaga oo ciidanka ka tirsanaa xidhiidh aad u dhow oo qarsoodiya la lahaa Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa hoggaamiyihii halgankaa gobannimo-doonka. Waxa maalmahaa si gaar ah uga tilmaannaa beryo uu Xasan Guleed Abtidoon ku sugnaa magaalada Carta oo uu Cabdi Muxumed Diiriyena halkaa u joogay shaqo ciidan oo uu u samayn jiray xidhiidho badan oo qarsoodi ahaa. Taasi waxay keentay in uu Xasan Guuleed Abtidoon ku xurmeyn jiray Cabdi Muxumed Diiriye xidhhidhkii caynkaas ahaa beryihii uu Madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Jabuuti, ilaa maantadaa aynu joognana lagu xurmeeyo isaga iyo qoyskiisaba.

Maalmihii noloshayda iigu naxdinta badnaa waxa ka mid ahaa 14kiii iyo 15kii bishii Abriil ee 1995kii. 14/4/1995kii oo maalin Jimce ah ahayd, seeddiagay Cabdi Muxumed Diiriye ayaa ku dhintay cisbitaalka Peltier ee Jabuuti isla qolka ay ku dhiman doonto shan iyo toban sannadood ka dib xaaskiisii Caneb Yuusuf Ducaale. Goor barqo ahayd ayaa aniga oo Madaxtooyada hor maraya oo gobolka ku sii socda geerida Cabdi Muxumed Diiriye la ii sheegay. Annaga oo qabna nabarkaa iyo naxdinta geeridaa dhiillada lahayd, ayaa 15/4/1995kii haddana qedadii aanu ku war hellay in Xasan Axmed Cige oo isaguna ah seeddigay uu ku dhacay ‘Stroke’ oo dhinac bakhtiyay. Naxdin weynaa! Waa se qaddarka Eebbe. Ilaa maantadaa aynu joogno Xasan Axmed Cige halkii uu maalintii ku dhacay ayuu jiifaa in kasta oo dedaal fara badan oo gude iyo dibadba ah loo sameeyay. Weligay Jimce iyo Sabti ka raaf kululaa oo ka xanuun badnaa!

Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale oo Canada joogay ayaa maanso Baroor-diiq ah halkaa ka soo diray isaga oo gabay-dheegay maansadii Cali Jaamac Haabiil. Axmed Yuusuf Ducaale wuxu guud-mar suugaaneed ku sameeyay Cabdi Muxumed Diiriye iyo qofkii uu ahaa isaga oo dhinacyo badan iska taagay. Aniga oo aan u ambo-bixin in aan maansada oo dhan soo qaato, bal hadda aan wax aan badnayn ka soo xigto.

Inta aanan maansada u gelin, hordhac aad u koobnaa oo uu ku soo hagaajiyay walaashay Caneb Yuusuf Ducaale, waxa uu ku yidhi,

“Salaan ka bacdi, iga guddooma, walaal, giddigiinba tixdan yare e kooban ee Baroor-diiqda ah, Hooyo iyo Boobe oo aan ku hal-qabsadayna, Faadumo Xasan ugu sii dhiiba. Ilaahayna giddigeenba samir iyo iimaan ha innaga siiyo geerida Cabdi Muxumed Diiriye, nololna ha isku keen tuso inteenna nool.”

Maansadiina wuxu Axmed Yuusuf Ducaale ku bilaabay:

Geeridu xaq weeyiyo Cabdow, Lama-gefaankiiye,

Godka lagu janneegii hadduu, galabta siigeeyay,

Geesh reer-tolkii ahi hadduu, gurigi sii buuxshay,

Goblan maaha oo wuxu ka tegay, geesiyaal badane,

Tilmaamihi u wada gaar ahaa, gocanayee mooyi,

Gacan-furnaantiisii wuxu ka yidhi:

Bakhayl baan la gelin oo khalqigu, dhab uga giigaaye,

Gacantiisi sida roob ahayd, gocanayee mooyi,

Xoolahoo na gabay beerahoo, geedna laga waayay,

Godolkiisi gacan aan go’ayn, gocanayee mooyi,

Giddi reer-tolkii deeq wuxuu, gacal-ogaanaayay,

Gobannimadu sheegtee sugnayd, gocanayee mooyi,

Dugsigii iyo gabboodkii uu ahaa, wuxu ka yidhi:

Gabaddanada jiilaal xagaa, laga geyoon waayay,

Gaashaankuu noo wada ahaa, gocanayee mooyi,

Mar uu xidhnaa abaalkii uu isaga iyo carruurtiisa u galay, wuxu ka yidhi:

Gaalshire markii aan galee, gooni lay ooday,

Gurboodkayga samuhuu u galay, gocanayee mooyi,

Naxariistii iyo kalgacalkii uu reerkiisa u qabay, wuxu ka yidhi:

Ma guhaadin ubadkiisa oo, oori muu gabine,

Guradii u wada saari jiray, gocanayee mooyi,

Gabdhahiyo raggiyo hooyadood, wuxu ku guuxaayay,

Korintuu u golongolay dartood, gocanayee mooyi,

Hooyadayo sidii uu ku ahaa, wuxu ka yidhi:

Gobo’daa ilmada hooyaday, gees kastaba qoysay,

Gunnayntiisi hoosiyo xurmadi, gocanayee mooyi,

Dulqaadkiisii wuxu ka yidhi:

Gego lagu socdaaluu ahaa, gibil ma-daadshuhuye,

Dulqaadkii u goonida ahaa, gocanayee mooyi,

Ma xarragadiisii iyo gole-joog wanaaggii baa? Iyadana wuxu ka yidhi:

Goray kacay la-moodyow markuu, gacanta saydhaayo,

Xarragaduu rag gaasiray iyana, gocanayee mooyi,

Gobannimo nin goostuu ahaa, gobo’di shaalkiiye,

Intaas oo u wada gaar ahayd, gocanayee mooyi,

Ma meesha nagu bannaanaatay iyo xilalkii uu hayay baa! Wuxu ka yidhi:

Gebedhaa ilmada iyo Cabdow, goohan demi waayay,

Godad igu bannaanaaday oon, cidi gufaynaynin,

Garabkiisii aan tebee galbaday, gocanayee mooyi,

Diiriye Bil-qariyaa goblamay, waa gef maan odhanne,

Geed baa se jabay oon la hayn, gun iyo baarkiiye,

Jannadii ha galo galabsigii, duco guddoonkeed dheh,

Ducada iyo gunaanadkiina waa kan:

Anoon gudayn abaalkii haddii, galab la soo sheegay,

Jannadii ha galo galabsigii, duco guddoonkeed dheh,

Gelbis iyo salaam malagyadii, gaardiga u joogay,

Gadh-wadeen Jibriil baw ahaa, gaadh la soo madhaye,

Goonyaha Quraan baan ka dhigay, gogosha uu yaalle,

Allahayaow aduu naga guddoon, Guulle waad tahaye,

Intaana waxaan xus iyo xusuusba uga dhigayaa seeddigay Cabdi Muxumed Diiriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Aniga qudhaydu seeddi ayaan u ahaa Cabdi Muxumed Diiriye oo 19/7/1977kii ayaan guursaday walaashii Faadumo xasan Diiriye oo ay wada dhashay hooyana u wada ahayd Qadiija Warsame. Sidaas ayaanu walaalo u ahayn oo aanu isugu dhex daadsanayn oo aanu reer Diiriye Bil-qariye iyo reer Ducaale Caynaanba u wada ahayn. Arrinta ma meel soke in aan ka hadlayo ayaad moodaysaan! Xaalku waa shishe.

Habboon[1], waa hubaal in ay wax badan ka qortay hooyadeed. Bal markanna waxay isku deyaysaa wixii ay ka xusuusan karto aabbaheed oo dhintay waqti hore oo ku sinnaa, 14kii Abriil 1995kii. Run ahaantii waa ay yareyd oo waxa laga yaabaa in aanay waqti badan u helin aabbaheed ama aanay is-haleelinba.

Xaajiya Habboon, waxay tidhi:

“Aabbo, haddaan ka hadlo, horto aabbo aniga oo iskuulka dhigta ayuu dhintay oo sidaan hooyo ula dersay ulama aan dersin. Bal se, wax aan ka taabto isagana, Ilaahay ha u naxariisto e’.”

Bal haddaba maxay ku bilowday ka-hadalkii aabbaheed? Habboon, waxay tidhi:

“Aabbo, baarri ayuu ahaa oo ma rabshad badnayn. Qof nolosha meel hoose ka soo bilaabay ayuu ahaa. Horto isaga oo agoon yar ah ayuu Jabuuti u soo raacay eddadii Cadar Diiriye Bil-qariye, tariikhdu xilli ay ku beegnayd qiyaastii 1950kii. Wuxu iiga sheekayn jiray noloshii adkayd ee uu ku noolaa. Markii danbe, aabbo wuxuu ku dedaalay sidii uu wax u qori lahaa ee uu u akhriyi lahaa. Wuxuu igu yidhi askari Senegal u dhashay ayaan ‘boy’ u noqday, kaas oo Af Faransiiska ii bari jiray, habeenkii marka aan hawsha dhammeeyo. Ka dib wuxuu tegay magaalada Carta oo uu Cabdi Ibraahim askari ka ahaa. Aabbo markaa waxa uu rabay in uu askari noqdo oo uu direyska qaado.”

Haa….Haddii uu Cabdi Muxumed Diiriye ku hammiyi jiray in uu direyska qaado, Xaajiya Habboon maxay ka tidhi arrintaa. Waa tan iyadii oo xusuusteeda xiganaysaa:

“Waa ilaa 1957kii. Wuxu aabbo ii sheegay in uu bilaabay sidii uu isagu wax isu bari lahaa. Wuxu ii sheegay in uu wax badan ku bartay "self teaching". Beryihii danbe ayay gaaladu imtixaan ka qaadday waanu ku guulaystay. Haddaba waxaan hayaa shahaadadihii iyo imtaxaannadi u aabbo qoray ee uu maray 1958kii iyo dhibcihii uu ku helay. Aabbo, si layaab leh ayuu Af Faransiiska u yaqaannay oo annaga oo dugsiyada ku dhiganna ayuu naga sixi jiray. Wuxu nasiib u yeeshay in uu wax baro u afarta carruurta ugu waaweyn, annagana iyaga ayaa wax na sii bari jiray oo aabbo noo beddelay. Aabbo, direyska wuxuu dhigay 1977kii isaga oo ahaa ‘Adjudant- chef’. Ka dibna wuxu furtay meel baabuurta lagu barto kii ugu horreeyay ee laga furo magaalada Jabuuti oo la odhan jiray ‘Auto-ecole Rex’. Waxaay shuraako ku ahaayeen oday Faransiis ah oo askari ahaan jiray oo la odhan jiray Mr. Granier.”

Intaa garannay. Maxay Xaajiya Habboon inoo raacinaysaa, intaa hore. Waa tan tii oo hadba qalinkeedu sii dararayaa, waxaanay ku kartay xusuustaa hore iyada oo shakhsiyaddii aabbaheed ka hadlaysa:

“Aabbo, qof gacan furan oo aan maya aqoon ayuu ahaa. Waxaad weydiisato wuu ku siin jiray. Aabbo, hablahana si gaar ah ayuu u jeclaa, anigana markii aan yaraa waxaan xusuusta in uu mar walba wax ii soo qaadi jiray oo uu baco iigu keeni jiray ka dibna uu odhan jiray mee ‘jiirki’  isaga oo kaftamaya. Aabbo, reer Jabuuti aad ayay u yaqaaneen oo magaciisu wuu dheera. Xataa carruurta magaalada ayaa taqaannay. Waxa loo yaqaannay "Bonfamille". Wuxuu kula baxay magacan mar uu bukooday oo uu dhakhtarka galay oo siyaaradii iyo booqashadii kala go'i weyday ayay Faransiiskii  yaabeen oo yidhahdeen ninkani dad wanaagsan ayuu ka dhashay: ‘Bonfamille’.

Xaajiya habboon oo carruurtii Cabdi Muxumed Diiriye ugu yareyd oo ahayd guri-danbaystii walaashay Caneb Yuusuf Ducaale, Ilaah wuxu og yahay in aan intii hore uga sed kordhiyay. Qormadan xuska iyo xusuusta ah bilaash ayaan iskugu magacaabay e’, waxa hubaal ah in ay Habboon qayb libaax ka qaadatay.

Haddana waxay u ambo-baxday aabbaheed iyo sidii uu ku ahaa suugaanta Soomaaliyeed, waxaanay tidhi:

“Aabbo, suugaanta Soomaliyeedna aad iyo aad ayuu u jeclaa, oo habeenkii marka uu sii seexanayo waxaan u akhriyi jiray buug gabayadii Timacadde ku qornaayeen oo adigu aad ururisay, kaas oo aan ilaa immika hayo. Wuu jeclaaysan jiray marka aan u akhriyayo, kelmedaha aan fahmi waayana wuu ii macnayn jiray. Aabbo, waxa kale oo uu jeclaa silsilad gabayo ah oo la odhan jiray ‘Guba’ oo raggii is-dhaafsanayay ay ka mid ahaayeen: Qammaan Bulxan, Salaan-carrabay iyo Cali-dhuux.

Waxaan sii xusuustaa aabbo oo leh Salaan-carrabay wuxuu ku yidhi Cali-dhuux:

‘Haddad ficil hinaastay asaad, hiilin kari wayday,

Ma afkaad ku hawl-bixi cidlaad, ka hanjabaaysaaye’,

Aabo waxa kale oo uu tirin jiray gabaygii Cabdillaahi Muuse u tiriyay gabadhiisa oo aan ka sii xusuusto:

‘Naag yahay Dannood baa u weyn, harada Doollood e’,

Hadday duunyadu ku dhacdo ooy, digo ku sii dayso,

Iyaba waa dikhoowda haddan, laysku diidayne,

Dawgii la marayaa dhexduu, deri ka yeeshaye,

Duksigaa ku dhaca xeedhadaan, dabaqu saarnayne,

Dermadaan la laabini dhakhsay, duug u noqotaaye,

Dundumooyinkoo lala hadlaa, damac ma yeeshaan e’,

Doqontii ku yeesha wax uun, lagu dabiibaaye,

Dirxiilahaa Madheedh waa cas yahay, daawashada guude,

Waan kaa dareen qabay tan iyo, dadab-galkeenniiye,

Deydayo haddan kuu fasaxay, dibad-wareeggiiye,’

Haa….Anna immika ayaan xusuustay. Buug kasta oo ka soo baxa Akaademiyadii Fanka, Cilmiga iyo Suugaanta ee Muqdishi waan u soo diri jiray Cabdi Muxumed Diiriye. Si fiican ayaan u xusuustaa in aan u soo diray Diiwaankii Sayid Maxamed Cabdillae Xasan.

Intaa waxay ku sii dabo-kartay Habboon iyada oo weli aabbaheed ka sii hadlaysa::

“Baabuur badan ayaanu lahayn. Aabbo, gaadhiga weyn ee iska-rogada ah had iyo jeer wuxuu ku caawin jiray aasaska tolka iyo wixii kale ee u baahdaba. Aabbo reer Saarray (halka aanu miyiga ka degno) waxaay u yaqaaneen shaah-maal iyo ina Muxumad Galbeedi. Aabbo, waddani sax ah ayuu ahaa oo wuu codayn jiray, xisbiga talada hayana wuu taageeri jiray waayo Xasan Guuleed Abti-doon saxiib ayay ahaayeen. Aabbo, dirawal xariif ah ayuu ahaa, 1979kiina wuxuu gaadhi toyota qufulan ah nagu geeyay Xamar. Runtii waan yaraa laakiin sawirradii ayaan arkay isna wuu  ka sheekayn jiray in uu jidku dheeraa. Aabbo, markaanu yarayn Jimcayaashii wuxu na gayn jiray badda iyo hayjadaha (miyiga), qof maskax furan ayuu ahaa. Sannadihii noloshiisa ugu danbeeyay aabbo xoog ayuu u daalay, waayo dacwado badan ayuu lahaan jiray waxa ka muuqan jiray tacab iyo daal badan.

Wuxuu halhays u lahaan jiray:

‘Dhallinyaradu daashaye,

Marka daan-cirrooliyo,

Ninka madaxu deeb yahay,

Dirir laysku soo hadho,

Ninba maaxdi haw dego,’

Abti maanta intaa ayaan ku joojinayaa, waxaan kuu soo diri doona sawir aan leeyahay iyo shahaadadihii iyo imtaxaanadii u maray 1958kii.”

 

Booqashooyinkii SNM-ta

Markii muddo la joogaba mar ayaan soo mari jiray. Anigu waxa aan Jabuuti la deggena bilo ka mid ahaa 1981kii iyo 1982kiiba. Mar kale ayaan booqasho gaaban ugu imid 1984kii aniga oo Cadan ka imid, Addis Ababana u gudbayay oo SNM ka tirsanaa. Xaaskayga Faadumo Xasan Diiriye oo ay seeddigay Cabdi Muxumed Diiriye walaalo yihiin, aya iyaduna Jabuuti booqasho ku tagtay 1987kii mar aanu deggenayn magaalada Jigjiga.

Intaas oo keliya ma ay ahayn e’, xilliyada qaarkood ayay Caneb qudheedu booqasho noogu iman jirtay magaalooyinkii aanu degganayn markii aanu SNM-ta ahayn. Waxaan aad u sii xusuustaa maalmo ay nala joogtay Diri-dhabe oo ay wada socdeen odeygeeda Cabdi Muxumed Diiriye. Run ahaantii keligay iima ay iman bal se waxa ay indho-indhaynayeen xaaladda nololeed iyo halgameedba. Waxaan si fiican u xusuustaa in uu Cabdi Muxumed Diiriye dhowr maalmood odayaashii Jabhadda la fadhiistay xaafadda Lag-Harre ee Diri-dhabe, waxaanan odayaashaa ka sii xusuustaa Suldaan Maxmed Faarax, Suldaan Saxardiid iyo qaar kale oo badnaa. Waxa xusuus gaar ah mudnayd in ay ku soo degeen gabadh Itoobiyaan ahayd oo la odhan jiray ‘Saraguud’ oo ay saaxiibbo qoys ku ahaayeen Jabuuti, anna aan halkaa ku bartay. Sawirka aad halkan ku arkaysaan waa mid aanu maalmahaa Diri-dhabe iska qaadnay annaga oo joognay Ras Hotel. Waa Cabdi Muxumed Diiriye, Caneb Yuusuf iyo Boobe oo taagan, iyo Shahiid Mujaahid Ibraahin-Khaliil oo fadhiya. Waxa kale oo xus iyo xusuusba mudan in uu Diiriye Cabdi Muxumed noogu iman jiray Jigjiga iyo jiidaha hore oo ay Durya-dheer ka mid ahayd, weliba sannadihii adkaa ee 1988kii.

Sakaraadkii Caneb



[1] Habboon qormadan qaybaheeda danbe ayay si qoto dheer ugaga hadashay Hooyadeed iyo sidii ay u taqaannay. Qaybtan kooban oo ay aabbaheed kaga hadlaysay ayaanu soo hor marinnay si ay qormadan u kaabto,

 


 

9kii bishii Diisambar 2010kii ayaan galabnimadii ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Jabuuti aniga oo Hargeysa ka imid. Rashiid Cabdi ayaa iga soo qaaday madaarka. Waxa aan ka codsaday in uu toos ii geeyo cisbitaalkii Peltier, qaybtii Martial ee walaashay Caneb taallay. Halkii ayuu I geeyay. Waa qol laba sariirood yaalleen oo galbeed u jeeday, berende dheerina ka horreeyo. Walaashay, marka qolka la galo sariirta midigta xigta ayay taallay. Madaxeedu xagga galbeed ayuu yaallay, luguhuna bari. Markii aan albaabkii furay ee aan lug geliyay qolkii ayay dadkii dul tubnaa mar qudh ah wada yidhaahdeen: “Waa Boobe.” Markaa ma aan soo wada gelin ee albaabkii ayaan gacanta ku hayaa. Walaashay Caneb waa ay I sugi kari weyday inta aan soo wada gelayo, oo iyada oo aan karayn ayay damacday in ay madaxa jebiso oo kor ii soo eegto iyada oo qadaadka u jiifta. Aad ayaan u damqaday ugana naxay, iyada oo aan la I maqlaynna waxaan hoosta ka higgaadiyay dumarkii magacayga ku dhawaaqay aniga oo aan qolkiiba soo wada gelin ee walaashay oo aan is-qaadi karayn dhibtaa baday. Waan ku soo foorarsaday oo wejiga ayaan ka dhunkaday. Ilmo ayaa iga timid oo iyadii isku dayday in ay I aammusiiso. Markiiba waxaan dareemay diiftii xanuunku ku reebay. Xataa midabkii wejigeeda ayaa is-beddelay. Intaa indhaha hareerahooda ayaa casaan yar noqotay iyada oo u dhalatay midab madow oo qurux badnaa. Xataa dhabannadii ayaa isa soo beddelayay. Markaa aan la joogay waa la soo yar fadhiisinayay oo jal yar ayaa la siinayay. Matagga ayaa ku badnaa oo wax kasta oo la siiyaba waa ay soo celinaysay. Show buradii ayaa inta ay si la yaab leh ugu tarantay caloosheedii qabsinnadii iyo meel walba kala xidhay.

Caneb qof weyn ayay ahayd oo waa ay dareensanayd in waqtigu ka dhawaa waxaanay dadka ku qancisay in aan mar danbe qalliin iyo wax la mid ah loola iman bal se ay Ilaahay sidaa ku sugto. Qoyska intii isa soo qaadi karaysay waa ay joogtay. Walaashay Basra oo Caneb ku dhalasho xigtay London ayay ka timid. Waxa kale oo la socotay Deeqa Cabdi Muxumed oo iyaduna London deggenayd. Diiriye Cabdi Muxumed oo carruurteeda ka mid ahaa isaguna waxa uu ka yimid dalka Mali oo uu shaqo u joogay. Leyla Cumar Gaboobe oo xaaska Diiriye Cabdi Muxumed ahaydna waxa ay ka timid London. Xaaskayga Faadumo Xasan iyo aniguna waxaanu ka tagnay Hargeysa. Seynab Xasan Axmed oo ay habar-yar u ahayd waxay ka tagtay Hargeysa iyada oo ka wakiil ahayd qoyskooda gaar ahaan walaashay Safiya Yuusuf Ducaale oo haysay odeygeeda sariirta dhowr iyo tobanka sannadood aan ka kicin. Nafiisa Maxamed Xaaji oo ay carruurteeda ilmo-abti ahaayeenna waxa ay ka tagtay Gebilay. Jabuutina markaa waxa joogay saddex ka mid ahaa carruurteeda oo kala ahaa: Saamiya, Hodan iyo Habboon. Intaa iyo eheladii Jabuuti ku sugnayd ayaanu habeen iyo maalinba Caneb ku dul taagnayn. Inta badani waa ay dareensanayd in ay adkayd sidii ay xanuunkan uga kici lahayd, bal se waa la wada dul joogay. Qoyska intiisii kale meel ay joogeenba ama ku sugnaayeenba ‘on-line’ ayay ahaayeen.

“On-line” waxa ahaa Axmed Yuusuf Ducaale, carruurtiisii Cabdifataax, Basma, Yaasimiin iyo intii ay sii dhaleen oo Canada joogtay. Waxa kale oo “On-line” ahaa laba wiil oo ay dhashay oo kala ahaa Yaasiin iyo Ilyaas iyo xaaskiisii iyo carruurtiisii oo Canada ku sugnaa. Waxa kale oo heegan ahaa walaashay Sacdiya oo London joogtay. Waxa “On-line” ahaa walaalkay Maxamed Yuusuf oo London joogay. Waxa “on-line” ahaa hablihii ay habar-yarta u ahayd ee Norway degganaa: Ilhaan iyo Faa’sa. Waxa “On-line” ahaa Ifraax oo ay habar-yar u ahayd oo iyaduna London deggenayd. Waxa “On-line” carruurtii kale ee habar-yarta ay u ahayd ee Ilma Yaxye Sheekh Ibraahin ee London deggenaa. Waxa kale “On-line” ahaa walaashay Safiya oo reerka ugu yareyd iyo carruurteedii: Cabdiraxmaan, Deeqa, Cali, Kowsar oo Hargeysa deggenaa, Faadumo iyo Cabdilqaadir oo Sweden deggenaa. Caynaan Boobe iyo xaaskiisa ayaa “On-line” ahaa. Colaad Boobe ayaa “on-line” ahaa. Diiriye Boobe ayaa isaguna “On-line” ahaa. Intaas iyo intaas iyo intaas oo kale ayaa “On-line” ku ahayd tilifoon iyo internetba.

Intii aanan Hargeysaba ka dhoofin ee aan wareysanayay xaaladda caafimaad ee Caneb waxay wararku igu soo gaadhayeen in ay buradii laga jaray dib u biqishay isla markaana si degdeg ah u tarmaysay oo ay jidhkeeda ugu faafaysay. Tilifoonnadii badnaa ee aan u dirayay Jabuuti ayaan ku ogaaday in Dr. Maxamed Jaamac (Surri-surri) u ahaa dhakhtar ay si joogto ah ula xidhiidhi jirtay. Isagii ayaan habeen habeennada ka mid ahaa la hadlay, waxaanu si cad iigu sheegay in buradii laga gooyay mar danbe dib u biqishay oo ay la timid xanuunkan ay walaashay la jiiftay. Sidaas iyo si la mid ah ayay dhakhtarradii kalena noo wada sheegeen, waxaana ugu horreeyay wax dareenkaa bixiya dhakhtarkii Nayroobi oo ay muddo bil ka badan la joogtay.

Galabtaa ay Diisambar 9ka ahayd ee aan Jabuuti tegay cisbitaalkii ayaan iska joogay. Habeennimadii ayaa Caneb kor loo soo yar fadhiisiyay si caano loo siiyo. Inta ay madaxa lushay ayay diidday caanihii. “Cab”, ayaa lagu yidhi. Waxay ku jawaabtay:

“Maya e’ caanaha Boobe u dhiga ha cabbo e’”. Haddana waxay raacisay: “Qolkee ayaad gurigii uga gogosheen?”

Markaa anigu qolka ay jiiftay kuma aan sugnayn, bal se xaaskayga oo dibadda u soo baxday ayaa ii sheegtay. Ilmo kala joogsan weyday ayaa iga timid.

Goor danbe ayaanu cisbitaalkii ka tagnay oo hoyannay. Habeen walba laba qof ayaa la seexan jiray oo hayn jiray Caneb. Inta badan waxa la joogi jiray si ay u rog-rogaan xaaskayga Faadumo Xasan iyo walaashay Basra Yuusuf. La-joogga Caneb ee habeenkii inta badan xiisado ayaa ka dhalan jiray oo waxa la isku qabsan jiray aniga yaa la joogaya iyo ma aha e’ aniga ayaa la joogaya. Basra Yuusuf Ducaale waa ay diidday in ay habeenna ka maqnaato, maalintii oo dhanna cisbitaalka ayay joogi jirtay. Waqti badan waxa aan ku qaatay sidii aan xiisadahaa u maareyn lahaa, waayo carruurtii Caneb ay dhashayna waxay doonayeen in ay hooyadood habeen walba la seexdaan. Inta badan Basra Yuusuf iyo Faadumo Xasan ayaa la seexan jiray. Wax rag ah Diiriye Cabdi Muxumed ayaa hooyadii habeennada qaar hayn jiray. Habboon oo fool ahayd oo mataano sidday ayaan iyaduna kaltanka saacadaheeda ka maqnaan jirin. Hodan baa joogtay. Saamiya ayaa joogtay. Deeqa ayaa joogtay. Intaas iyo in ka badaniba waa ay dul tubnaayeen hadh iyo habeenba. Nafiisa Maxamed Xaaji oo dadkaba ka wada xoog weyneyd iyadu marka ay kaltanka leedahay keligeed ayay Caneb rog-rogi jirtay.

Markii ay Caneb taallay qaybta Martial ee cisbitaalka Peltier ardaa aanu maalin iyo habeenba fadhino ayaanu ku lahayn galbeedka waadhka ay Caneb taallay. Markii qolka “Khatarta” la geeyayna ardaa kale ayaanu ka yagleelannay koonfurta halkii ay Caneb taallay. Halkaas ayaanu inta badan isku qabsan jirnay waardiyihii cisbitaalka.

Ilaa gaadhka cisbitaalka oo ‘Jib Clean’ la yidhaahdaa na dareerinayo, meesha kama aanu tegi jirin. Dareerintaas ayaa iyada qudheedu murti iyo maad kaleba ahayd oo dadka qaar ayaa gaadhka ka dhuuman jiray ama ka meeraysan jiray. Run ahaantii niman dulqaad badan oo xilkas ah ayay ahaayeen oo inta badan nala saayiri jiray in kasta oo qaar ka mid ahi mararka qaarkood nagu qaad-qaadi jireen.

Dhakhtarradu intaa waa ay ordayaan, hadba baadhis hor leh ayaa la samaynayaa…..waa la sawirayaa…..Guddi dhakhaatiir ah ayaa fadhiisanaysa..…hadba fayl ayaa mid nala dhaafayaa ama ay nala dhaafaysaaba.….waa la degdegayaa..…waa la xaydan yahay…..waa la xiiqsan yahay…..hadba carruurta ayaa mid raacayaa ama raacaysaaba si ay in yar oo war ah uga soo tuujiso……waa la faqayaa….farahaa la tag-taagayaa…..la foorarsanayaa…..la fekerayaa…..faraha iyo faruuryahaa la cunayaa…..falaad, fakalloon iyo fahmo-wareer…..waa la fiigsan yahay, fir-ka-naxna waa noo dheer yahay.

10kii Diisambar ayaa mar kale waagii sidaa noogu baryay. Waxoogaa ayaa xaaladdii cisbitaalka iska beddeshay oo Caneb subaxnimadii hore ayaa loo qaaday qolka “daryeelka xooggan” ama “intensive Care”. Waa meel la geeyo dadka xaaladdoodu adkaato. Qolka hortiisa waxa ku qoran “Reanimation”. Waxay u dhigantaa “Dib-u-noolayn”. Dadka reer Jabuuti ee meesha marayaa waxay ku weydiinayaan: “Ree-aagu” waa halkee? Garo’ oo waxaan is-idhi waxay soo gaabsadeen “Reanimation”.

Dadka caadiga ah ee suuq-joogga ah ama baadiyaha ka yimid marka ay meeshaa ku socdaan, iyaga oo naxsan oo afar-qaadaya oo dumarku xaynka haystaan, ragguna macawista ama surwaalkaba haystaan ayay kugu odhanayaan iyaga oo anfariirsan: “Khatartu waa halkee?” Markaas ayaad u tilmaamaysaa. Erey-bixin caalamiya oo caafimaad ayaa adeegsata ereygaa “Reanimation.” Afka “Laatiinka” ereyga “L’ anima” waa nafta, kolleyba sida aan ugu aqaanno afka Talyaaniga. Bal ka warrama marka beni-aadam yidhaahdo naf-baxaysa ayaan dib u soo noolaynayaa. Sow kama fiicnaateen in ay erey-bixin kale adeegsadaan. Waxaan u jeeda qolooyinkan caafimaadka ku hawlan ee adduunku sow in ay erey kale la baxaan ma aha!

Filim aan ka daawado ha joogto e’, abidkay intii aan ifka ku noolaa laba jeer ayaan meel caynkaas ah galay. Markii koowaad waxa ay ahayd cisbitaalka Millateriga Faransiiska ee Buffard oo Cawo oo aan dhalay ku xanuunsanaysay 2006dii iyada oo markii danbe halkaa ku dhimatay 6/4/2006dii oo maalin taariikhiya ahayd. Waxay ku soo beegantay maalintaasii sannad-guuradii 16aad ee aasaaskii SNM oo ka soo bilaabmayay 6/4/1981kii. Markii labaadna waxay ahayd markan ay walaashay Caneb jiiftay cisbitaalka guud ee Peltier ee Jabuuti. Sanqadh aan labadaa jeerba maqlayay oo dhegahayga ka dhammaan li’I waa dhidh…dhidh…dhidh…dhidh oo malahayga ka baxaysay saacad wadnaha ku xidhnayd. Waxa kale oo maalmahaa dhiillada iyo dhakafaarkaba lahaa aan daawnayay dhowr saacadood ama mashiinno cabbirayay: socodka dhiigga, garaaca wadnaha iyo waxyaabo kale oo ay daalacan karayeen kalkaaliyayaasha la soo baray. Wax yar ayaanu ka akhriyi karaynay saacadahaas.

Sidii Cawo, walaashay Canebna sanka tuubbooyin ayaa kaga jiray. Gacmaha wax badan ayaa kaga xidhnaa. Xataa faraha ayaan u fayoobayn, bahalo ciddiyaha loo geliyay ayaa iyaguna jiray oo aanan garanayn waxa ay cabbirayeen. Cawo iyo Canebba afku wuu kala tegay oo waa ay jidiin-qallaleen oo hadba biyo yar oo qooya ayaa lagu shubayay.

Waa halkii Hadraawiye,

“Haki Maxamed geenyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,”

Caasha-naado

Waxaan xusuustay Caasha Yuusuf Ducaale oo Caasha-naado ay hooyadayo u bixisay. Dhimashada Caneb waa ay ka horreysay. Waxaan is-idhi fursaddu yaanay ku dhaafin ee iyadana cabbaar aan badnayn ku hako. Meel fog iyo reero muskood ayay ku dhimatay. Waxay ku dhimatay oo lagu aasay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway oo caafimaad loo geeyay. 24/11/2007kii aniga oo hawlo caafimaad u jooga Addis Ababa oo indhaha la ii jeexayay, ayay habeennimadii xaaskaygu tilifoon iiga soo dirtay Hargeysa. Markaas ayuun baan goor fiid ah soo gelayay Hudheelka Plazza oo aan beryihii danbe oo dhan ku degi jiray. Tilifoonkii ayaan qabtay, waxaanay ii sheegtay in Caasha Yuusuf Ducaale dhimatay. Ka dibna si deggan ayaan xaaskaygii ugu idhi: “Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, iyadana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.” Sidaas ayaan tilifoonkii ku dhigay aniga oo yar naxsan.

Muftaaxii ayaan qaatay oo qolkii ayaan u ambo-baxay. Sallaankii haddaan lugta saaray ayaan bahal ilmo ah hayn waayay oo inta aan derbigii cuskaday hiqda guray. Dadkii hudheelka iigu dhawaa ayaa igu soo yaacay. “Miyaad buktaa…maxaa ku helay? Mindhinnow! Indhee!” Aniga oo hiq dhabanaya ayaan u sheegay in walaashay Oslo ku dhimatay. Sidii ayay garbaha igu qabteen oo qolkaygii igu geeyeen iyaga oo leh: “Weynee…weynee…..misikiin.”

Si aan Caasha-naado u xuso aan wax aan badnayn ka soo qaato, qormo aan hore uga qoray walaashay oo warbaahinta qaarkeed ku baxday:

Dhallaannimadaydii ayaan soo xusuustay. Beryo hore oo ay magaalada Hargeysaba xaafad Soomaali iskaga badnayd. Laba-nuux oo aan ku dhashay kuna barbaaray ayaanu deggenayn. Aqal Soomaaliyo ayay xaafaddu ahayd. Markaan Qormadan xuska iyo xusuusta ah diyaarinayay waxa madaxayga ku soo dhacay xaafaddaa aan ku soo barbaaray iyo beryihii agabka aqal Soomaaliga la samayn jiray. Harrarradii…Kebdihii…Aloolkii…iyo…iyo..iyo qaar kale oo badan. Waxa xiskayga ku soo dhacay habeen la tidcayay Caws la odhan jiray “Waaxyo-gooye.”

Habeenkaa, heesihii iyo sidii xafladdaa loo bilayba waan yar xusuusanayay, bal se wax badan ayaa igaga maqnaa. Hablihii habeenkaa “Waaxyo-gooye” wax ka tidcayay ayaan xusuustay. Qaar baan raadiyay, waxaana ii suurto-gashay in aan mid ka mid ah helo oo ahayd walaashay Caasho-naado Yuusuf Ducaale oo markan ayeeyo ahayd. Xafladdii habeenkaa cawska lagu tidcayay ayaan ka wareystay.

Walaashay Caasha-naado waxay igu tidhi:

“Waxa weeye berigii hore hiddaha iyo dhaqankii heeryada waa la samayn jiray. Heeryadaasi xariir bay ahayd. Cawska ama kebedda wanaagsan magac ayaa loo bixin jiray. Cawska marka la sameeyo waa la tidci jiray. Habeenkaa la tidcayo, maalinnimada casarka dheer ayay habluhu is-raaci jireen si ay u soo dalbadaan hablihii cawska tidci lahaa. Hablaha tidica loo dalbanayo waxyaabaha lagu soo xulan jiray waxa ugu mudnaa farshaxannimada iyo luuqda. Daaradda lagu tidcayo cawskaa ciid cad, saafiya oo burciid ah ayaa dooxa looga soo guri jiray. Waa la rushayn jiray. Daaradiba daaradda ay ka weyn tahay ayaa la adeegsan jiray. Daaradaha muskoodu ood iyo xeyramadba wuu lahaa. Mararka qaarkood ayaa muska xayaab ku bixi jiray oo ay biseylka midhahaasi casaan noqon jireen shinbiruhuna aanay ka dhammaan jirin. Waa maxay luuqda ay subcinayaan ee midiba nooc u dhawaaqaysaa! Qofku isaga oo aan is-ogeyn ayuu dhegta la raaci jiray.

Ilaa afar tiriig ayaa habeennimadaa la soo kireyn jiray. Hablihii la dalbaday ayaa ku fadhiisan jiray cawskii oo la goglay. Tidica ayay ku bilaabi jireen iyada oo ay mid waliba wixii uu Ilaahay baray ee luuq iyo farshaxannimo ahaa badka keeni jirtay. Heesta iyo luuqda ayaa isu bixi jiray. Cawskan aynu ka sheekaynayno oo gabadhii samaysatay u bixisay “Waaxyo-gooye” wuxu ahaa caws dheer, qurux badan oo wanaagsan. “Waaxyo-gooye” waxa loogu bixiyay dhererka iyo isaga oo ku soo laabmi jiray aqalka. Wuxu ahaa isku-joog xariir ah. Habeenkaa “Waaxyo-gooye” la tidcayay haddii aan heesihii loo tiriyay godollo ka sheego, laba hablood oo miyiga iyo magaalada kala daafacayay ayaa isku baxsaday.

Waxa ku horreysay gabadhii miyiga daafacaysay oo tidhi:


 

‘Dildillaac furaashkii,

Soo daaday lebenkii,

Ninka Daawi law ladan,’

Iyada oo dadka ku baraarujinaysay dhaqashada geela. Gabadhii magaalada u hadlaysay ayaa meel aan fogayn ka soo tuurtay:

‘Geelu waa dareeraa,

Dabadeed la qaadaa,

Adhina duunyo noqon waa,

Dahabka iyo daaraha,

Ha ka daganne daba roor,‘

Cawskaa Waaxyo-gooye gabadhii samaysatay iyada oo u buraanburaysa, waxa ereyadii ay cawskaa ku muunaysay ka mid ahaa:

‘Sabool-diidoow waxaan kuu samaynayaa,

Aydintaadana waxaan iinta uga jiraa,

Daakirka arooryo waxaan kuu dul meerayaa,

Gob-loo-dadabyow waxaan kuugu goohayaa,

In aan wiil keydsan oo kula hela kinsiya.’

Hablaha cawsaska tidci jiray tiro ahaan way kala duwanaayeen oo cawsba dhererkiisa ayay ku xidhnaayeen hablaha tidcayaa. Cawsaska qaarkood shan iyo toban hablood, qaarna labaatan baa ku fadhiisan jiray. Bal se habeenkaa ‘Waaxyo-gooye’ la tidcayay waxa ku fadhiistay soddon hablood. Qiyaastii gabadh kasta waxa ku soo hagaagayay ilaa afar taako oo ay tidcaysay.”

Caasho-naado ayaa xusuusteedii iyo sheekadeediiba halkaa marisay.

Waxa kale oo aan xususstaa oo intaa dhex socday dhex-taalna u ahaa heestii caanka ahayd ee cawsku lahaa ee ahayd:

‘Cawskanoow sabool-diidoow, Hooyal

In aan suuqa lagu dhiginoo, Hooyal

Soddon lagugu baayicinoo, Hooyal

Yaa sameeyay lagu odhan,

Ay hooyalaayooow,

Hooyaloow hooyee,

Hooyalee,’

Halkaa aan kaga baxo xusuustii Caasha-naado.

Marka ay habluhu tidica cawska dhameeyaan ayaa foolad lagu bilaabi jiray oo nacnaca iyo buskutka lagu dul daadin jiray oo mashxaraddu isu bixi jirtay. Markaas ayay carruurtuna oodda soo jebin jirtay si ay nacnaca wax uga gurtaan. Daaradda dusheeda waxa tubnaan jiray raggii hablaha cawska tidcaya gayaanka u ahaa oo guur-u-meera oo quud-darraynaya bal in ay calafkoodii halkaa kala kulmaan. Munaasbadaha iyo xafladaha cawska lagu tidcayaa waxa kale oo ay astaan u ahaayeen in gabadhaa cawska loo tidcayaa gudatay qayb ka mid ah xilalkii ay ugu diyaar-garoobaysay aqal-galkeeda. Malaha eedi igu raaci meyso haddii aan idhaahdo munaasabad ogeysiis ah ayay iska ahaydba. Waxa kale oo ay munaasbadahani ahaayeen qaar ay ku kulmaan hablaha iyo raggu. Kulan la is-arkayay oo la wada hadlayay ma ay ahayne, raggu iyaga oo oodda dusheeda tuban ayay halkaa ka qoraansan jireen hablaha iyaga oo dhegta u raaricinaya luuqdooda iyo midhaha ay ku heesayaanba. Hablo iyo ragba hagoog baa jiq la ahaayoo waxa inta badan gabadha lagu tilmaansan jiray go’a ay hagoogan tahay iyo halka ay safka kaga jirto. Wuxu iskaga badnaa haasaawe aammusan oo asturan, hufan oo dhaqan iyo hiddaba hagoognaa. Hablo iyo wiilalba waa la sarrigan jiray oo xumaan la isuma quudhi jirin. Diinta iyo dhaqankaa dabar iyo seetaba ahaa, mujtamacuna sidan uu u dhaqan-doorsoomay ma ahayn e’ xishoodkaa qiimo lahaa.

Kaasi wuxu ahaa aqal-Soomaaligii iyo habkii loo samayn jiray agabkiisa, gaar ahaan cawskii ‘Waaxyo-gooye’ oo ka mid ahaa cawsaskii taariikhiga ahaa ee soo maray magaalada Hargeysa ku-sinnaan kontonnadii qarnigii hore.

Caasha Yuusuf Ducaale beryo badan ayay gurigayga Gebilay iyo Hargeysaba igula noolayd. Waxa ay ka mid ahayd kuwa aan walaalahay ugu jeclaa. Iyada ayaa noogu sheeko, maad iyo murtiba badnayd. Waxa aan aad u xusuustaa sidii ay carruurtaydu u jeclayd ugana heli jirtay sheekadeeda uguna soo ururi jireen. Waxa intaa u dheereyd buraanburro gaaggaban oo qaarkood qoyska ku saabsanaayeen. Qof maad miidhan ah ayay ahayd oo nolol hodan ah soo noolaatay oo miyi iyo magaalaba lahayd. Waxaan nasiib u yeeshay in aan labadaa noloodba la wadaago oo aan beryaha qaarna miyi kula noolaa: Balli-gubadle, Qadhoonlayihii iyo Gahaydh-weynaba, beryaha qaarna Hargeysa iyo Gebilayba. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo.

Caasha-naado oo cajalad aan ka duubay kaga sheekaynaysay buraanburradeedii ayaa tidhi:

“…..Beri aan arkay Burco Xaaji Aadan ayay igu tidhi: ‘Boobe ayaan arkay oo waa uu iska wanaagsanaa. Cadan ayaan kula kulmay oo wuxu ku socday xaggaa iyo Jabhadihii Siyaad Barre la dagaallamayay iyo xaggaa Itoobiya.’”

Caasho-naado intaa waxay ku kabtay: “Wax walaal iiga kaa warrmana beryahaa ma aan helin, Burco oo igu tidhi beri baan Cadan ku arkay mooyaan e’. Markaas ayaan idhi:

Aniga oo baradayda iyo beydka aan fadhiyo,

Ayuu haad samada lalayaa hortayda yimid,

Oon idhi: “Maxaa haadyow ku dhigay hilinkan aan fadhiyo,”

Uu yidhi: “Haatufkii baan ahee maxaa ku helay,”

Oon idhi: “Aniga werwer bay diloo waayo iguma yara,”

Uu yidhi: “Waad walaacdee xaggee wahanku kaaga yimid,”

Oon idhi: “Dhaayihii hooyaday baa dhulkaba ka tegay,

Raggii aanu garabsanaynaan geyiga fadhiyin,

Uu yidhi: “Dunida waan meerayaa dooro kaan u tago,”

Oon idhi: “Axmed badbaadana waa qabaa beledku waa u nabad,

Caymayoo Eebbeheen caawimuu ka helay,

Xaggiisa dhibaato iyo dheygag igama helin,

Jabuuti haddaad u kici jiido oo war gee,

Seeddiyaashay salaan diirran iiga gee,

Aduun baa u waayo-sheegiye warkayga qaad,

Dabeed jiiree xagguu joogo inankayagu,

Bidixda u leexo beledkii xagguu ahaa,

Habeen dhixi meysid e’ iiga keen hubaal,

Markaa haatufkii wuxu igu yidhi:

Walaalkaa waan arkoo wuu wanaagsanaa,

Caafimaad buu qaboo caadil buu ahaa,

Hayeeshee Faadumoy waxaan sidaa farriin,

Walaalkaa wuxu ku yidhi: “waan dagaallamaa,

Dalkii basanbaasay baan baadi doonayaa,

Farajku waa noo maqnaa feleggu noo hagaag,

Aniga oo guul wadaan kuugu iman geyiga,

Caasho-naado waqtiyo badan oo kala duwan ayay igula noolayd gurigayga Gebilay. Xilli ku beegnaa 1995kii ayaa la dhisay. Maalintii aanu u soo guuraynay Caasha-naado waa ay nala socotay. Geed yar oo sogsog aha oo guriga hortiisa ka baxayay ayay xidhxidhay oo ay hadh ka samaysatay. Hooyadayna mararka ay nala joogto geedkaa hoostiisa ayay fadhiisan jirtay oo ay carruurtuna la joogi jirtay.

Dayuurad ayaa goor barqo ah na soo dul martay. Taas oo ay Caasho-naado iska jeclaysatay in geyso ‘Oslo’ si carruurteedii oo halkaa joogtay u soo aragto. Markaa waxa Norway ka joogay: Axmed, Ilhaan, Faa’isa iyo Ifraax.

Maalintaana Caasha-naado waxaan ka guntay iyada oo dayuuraddii la hadlaysa:

“Dayuuradda duuliyay aniga ma I danayn,

Dal dheer iyo maad I geyn meelahaan dalbado,

Anigu Yurubtaan rabaayay rugtii ma tegi,

Beledka Norway bannaankiisa maad I dhigi,

Waa ‘Oslee’ aabiyow aradkii maad I geyn,

Indhaha nuurkoodi nadarkii halkuu fadhiyay,

Faadumiyo Faa’isiyo Faraxna aan u tago,

Waw hilooboo hanqaarkoodi bay dilay,

Waw basaasee bidhaantooda aan arkee.”

Caasha Yuusuf Ducaale 24/11/2007kii ayay ku dhimatay magaalada Oslo ee dalka Norway halkaas oo lagu aasay.

Run ahaantii Caasha-naado oo keliya ma aha e’ muddakarkii reerka ayaa bishan Noofambar intoodii ugu badnayd dhimatay. Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor ayaa qudheedu dhimatay 22/11/199kii oo lagu aasay magaalada Gebilay. Adeerkay Muxumued Ducaale Caynaan oo ku magac-dheeraa “Geeble” ayaa isaguna ku dhintay magaalada Gebilay oo lagu aasay 18/11/1997kii. Dhammaantoodba Ilaahay ha u wada naxariisto.

 

Jaamac Caabbi Cawad

Caasha yuusuf Ducaale waxa guursaday Jaamac Caabbi Cawad waqti ku sinnaa 1956kii. Waxay ku aqal-galeen magaalada Hargeysa waxaanay isu yeesheen saddex wiil iyo saddex gabdhood oo kala ah: Axmed, Ilhaan, Faa’isa, Cali, Deeq iyo Ifraax. Intii ka tafiirantay aabbahay iyo hooyaday, carruurtan reer Jaamac Caabbi ayaa ugu weyn. Gaar ahaan Faa’isa Jaamac Caabbi ayay carruurteedu ugu weyn yihiin oo hablaheeda saddex ka mid ah la qabaa oo aan awow labaad u noqonayaa.

Nolol miyi iyo mid magaalaba waa ay soo arkeen, Jaamac Caabbi Cawadna waxa uu dhintay 1993kii, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa. Wuxu ahaan jiray ganacsade markii hore baabuurta ku baayac-mushtarayn jiray, markii danbena Hargeysa bakhaarro ku lahaa. Wuxu ahaa nin hawl-kar ah oo xoogsada. Hal-adayg, keni-adayg iyo go’aan-qaadasho adag ayuu lahaa. In kasta oo uu iga weynaa seeddina ii ahaa, haddana saaxiibbo dadka iskaga dhow ayaanu ahayn. Bishii Juulay dhowr iyo tobankeedii 1977kii oo dagaalkii Itoobiya lala galay socdo ayaan Hargeysa imid. Waxaan ku socday Gebilay oo aan ku aqal-gelayay. Hudheelka ‘Union-ka’ ayaan ku soo degay. Baabuur ciidan mooyaan e’ baabuur kale ma soconnin. Jaamac Caabbi markii uu xaaladdaydii ka yaabay ayuu goor habeennimo ah baabuur qaadle ah oo si tuugo ah u baxayay I saaray. Waxa kale oo mudan in aan halkan ku xuso gacantii iyo taageeradii Jaamac Caabbi ka geystay arooskii Axmed Yuusuf Ducaale oo iyadana uu iiga sheekeeyay walaalkay. Intaa koobann aan xus iyo xusuusba uga dhigo Jaamac Caabbi Cawad.

Docda kale Jaamac Caabbi Cawad, waxaanu ahayn xigto ku soo wada kortay oo wada deggenayd Xaafaddii Laba-nuux ee Hargeysa. Walaalkii Dhamac Caabbi Cawad weligii wax aan habar-wadaag ahayn iguma odhan. Waxa labadoodaba dhashay Cudbi Mooge Xasan Diiriye, Alla ha u naxariisto e’ oo ay hooyaday Cibaado Xaaji Abokor Axmed Diiriye Ilmo-adeer ahaayeen. Sidaas ayaanu mar kalena reer Diiriye u wada ahayn.

Imaam Yaxye Xaaji Ibraahin Warsame

Yaxye Xaaji Ibraahin Warsame Guuleed oo ay hooyadiina ahayd Aamina Nuur, kuna dhashay magaalada Hargeysa 12/3/1943kii waxaanu is-barannay 1965kii. Muddo 39 sannadood ku siman ayaanu is-naqaannay. Wax badan ayaanu wadaagnay. Saaxiibbo ayaanu ahayn. Walaalo rumaad ayaanu ahayn. Xilliyada qaarkoodna waalid ayuu ii ahaa. Seeddigay ayuu ahaa. Hargeysa ayaanu ku wada dhalannay, Reer Gebilayna waanu isku ahayn. Habro-wadaag ayaanu ahayn. Wax badan ayaanu isu ahayn. Labaatankii sannadood ee ugu danbeeyayna halgan-wadaag naf-qaybsi leh ayaanu ahayn. Toban sannadood oo halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ah lagu jiray iyo saddex iyo toban sannadood oo dibudhis qaran lagu jiray, ayaanu dhib iyo dheef wadaagba ahayn. Halgankaa dheeraa ee uu dibuxoreynta iyo dibudhiska qaran u soo maray wuxu kula baxay Imaam Yaxye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Sida qaalibka ah ee loo badan yahay, Imaam Yaxye wuxu tacliintiisii ka bilaabay malcaamad Quraan. Dugsiga Hoose wuxu ka galay magaalada Gebilay 1953kii. Dugsiga Dhexe wuxu ku dhammaystay Cammuud 1960kii. Wuxu ku wareegay Dugsiga Sare ee Sheekh oo uu ka baxay 1964kii. Wuxu ka mid ahaa intii tacliinta ugu fiicnayd, taas oo ay u dheerayd in uu ahaa ciyaartooy lagu majeerto kubbadda cagta. Siduu tacliinta ugu fiicnaa waxay ka muuqatay noloshiisii danbe.

1965kii ayuu Dawladda Hoose ee Gebilay ka noqday Xoghaye ama “Excutive Officer” sidii beryahaa loo yaqaannay. Gebilay ayay ka bilaabmaysaa noloshiisii shaqo. Isla sannadkaa ayay Gebilay ka bilaabmaysaa noloshiisii qoysnimo isaga oo guursaday Basra Yuusuf Ducaale oo u dhashay afar wiil iyo afar hablood, kuwaas oo immika dhammaantood dalka dibaddiisa ku nool. Yaxye kuma raagin Dawladda Hoose ee Gebilay ee markiiba wuxu ku wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isaga oo ka hawl-galay Xaruntii Wasaaradda ee Muqdisho. 1971kii Yaxye wuxu galay adeeggii diblomaasiyadeed ee Dawladihii Soomaaliyeed isaga oo qunsul ka noqday dalka Saambiya. Muddo markuu Saambiya ka shaqeeyay ayaa loo beddelay safaarraddii Soomaaliyeed ee Sweden. Ku-sinnaan 1975kii ayaa dib loogu soo celiyay Wasaaraddii Arrimaha Dibadda. Kuma raagin ee shaqadii Dawladda wuu ka tegay oo Ganacsade ayuu ka noqday magaalada Muqdisho, hawshaas oo uu ku jiray ilaa 1982kii oo uu dalka dibadda uga baxay isaga oo aad ugu cindanaa alooskii iyo abaabulkii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran. Wuxu soo degay magaalada Jabuuti oo uu Ganacsade ka noqday halkaas oo uu ku sugnaa ilaa dhammaadkii 1983kii markaas oo uu si toos ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd.

Yaxye, intii uu Muqdisho ku noolaa ayuu bilaabay in uu ka qayb qaato abaabulkii iyo alooskii SNM. Wuxu ahaa xubin fir-fircoon oo leh naf-hur la yaab leh oo aan ka maqnaan ardaayada lagu hurinayo halgankaa hubeysnaa. Wuxu ka mid ahaa raggii iskaga dab-qaadi jiray saraakiisha, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo indheer-garatadaba. Intaba wuu ku xidhnaa. Nin ballaadhan oo aan qaloon ayuu ahaa.

Imaam Yaxye, in kasta oo ay tacliintiisu ku ekeyd Dugsiga Sare, haddana nin is-dhigtay oo qalinkii, buuggii iyo kitaabkiiba tuuray ma ahayne, sida ka muuqatay noloshiisii danbe, wuxu waday wax-is-barid xidhiidh ah oo joogtaysan oo uu if iyo aakhiroba u adeegsan jiray. Nin aragti fog ayuu ahaa. Afafka Ingiriisiga iyo Carabigu isugu mid ayay ahaayeen. Diinta aqoon fiican oo aanu cidna ku martiyin ayuu u lahaa. Alla-ka-cabsiga iyo cibaadadana waa lagu majeeran jiray. Denbi iga raaci maayo haddii aan idhaahdo kuwa Jaamicadaha ka soo qalin-jebiyay waxba uma uu ogeyn.

Sidaan horeba idiin ku soo sheegay, Yaxye wuxu ka mid ahaa raaggii foolaadka u ahaa halgankii hubeysnaa ee SNM. Xansaskii iyo xaabadii lagu huriyay raggii u soo guray ayuu ka mid ahaa. Dibad iyo gudeba wuu ku xidhnaa, in kasta oo uu gudaha u badnaa. Wuxu ka mid ahaa qodimmadii ay ku dhisnaayeen unugyadii guduhu gaar ahaan Muqdisho iyo Hargeysa. Ma laga yaabaa in ay qaarkiin Muqdishodaa ka xanaaqaanba. Sabab looga xanaaqaa ma jirto oo beryahaa dalku wuu mideysnaa, hawlaha intooda badanina Muqdisho ayay ka socdeenba.

Bishii Ogos 1984kii ayuu Shirweynihii 4aad ee SNM ku qabsoomay magaalada Jijiga. Shirweynahaas oo markii ugu horreysay lagu oggolaaday Barnaamajkii Siyaasiga ahaa, Dastuurkii iyo astaanta SNM, waxa kale oo ka mid ahaa go’aammadii lagu qaatay iyada oo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” loo doortay Guddoomiyaha Ururka. Shirweynahaasi markuu dhammaaday Siilaanyo wuxu soo dhisay Guddidiisii Fulinta oo uu Yaxye Xaaji Ibraahin xubin ka noqday. Beryahaas Yaxye wuxu isku hayay saddex waaxood xilalkood, kuwaas oo kala ahaa: Warfaafinta, Abaabulka iyo Diinta. Kaftan-jabhadeedkayagiina waxaanu odhan jirnay: Mujammaca. Kaftan aan turxaan lahayn ayuu ahaa. Kaftanka iyo is-xifaalaynta turxaan-la’aaneed waxay noo ahaan jireen madadaalo aanu isku dhaafinno maalmihii dul-saarka ahaa ee aanu ku jirnay.

Yaxye Xaaji Ibraahin, intii aanu SNM ku wada jirnay iyo dibuxoreyntii qaran sannadihii ka danbeeyayba, wuxu in badan oo aqoon iyo waayo-aragnimoba la wadaagtay ama la sinnaydba kaga duwanaa isaga oo nolosha iyo halgankii hubeysnaaba aragti ka lahaa. Waxa laga yaabaa in intiinna badani u haysateen in SNM ay ahayd xisbi, sidaana aad markaa kula yaabbanaydeen kooxihii ay ka koobnayd ama kala-qaybsanaantii aragtiyeed ee SNM ka dhex jirtay. Xaalku sidaa ma ahayn. SNM jabhad ayay ahayd. Qofka aqoon u leh nolosha siyaasadeed ee xisbiyada ama jabhadaha hubeysani, wuu garan karayay in ay SNM ahayd jabhad ay ku bahoobeen dad ujeeddooyin guud wadaaga oo ku kala duwanaan karayay aragtiyuhu. Erey-bixinta immika aynu adeegsanno haddii aynu ku eegno SNM waxay ahayd “Dallad”. Sidaa darteed ayay SNM ugu wada jireen dad aragtida ku kala duwan bal se wadaaga ujeeddooyin guud oo lagu xaqiijinayay halgankii hubeysnaa ee shacbiga ahaa ee SNM horseedka ka ahayd.

Yaxye, qofkaas ayuu ahaa. Wuxu ahaa Xoghayihii ugu horreeyay ee Dugsigaa Tababarka ee Awaaare makrifoonno ciidanka lagu wacyi-geliyo geeya. Labadan aragtiyood ee danbe waxa kale oo ay ka mideysnaayeen kaalinta ay warbaahinta iyo wacyi-gelintu kaga jiraan halganka hubeysan. Yaxye, beryahaa uu hayay xilalkaa saddexda waaxood, waxyaabaha uu ku tallaabsaday waxa ka mid ahaa isaga oo adeegsan jiray Radio Harar si loo qulaamiyo Radio Halgan oo Adis-ababa ku yaallay goobaha dagaalkana ka fogaa. Yaxye, ma ahayn qof xag-jira oo xidhiidhka ka goosta qofka ay aragtida ku kala duwan yihiin. Bal waxaaban odhan karaa waqtigiisa inta badan wuxu ku qaadan jiray kuwa ay aragtida ku kala duwan yihiin. Ma ahayn macangag tiisa ku adkaysta inta kalena takoora.

Yaxye wuxu ka dhexayn jiray Saldhigyadii Ciidammada ee SNM iyo Xarumihii maamulka ee Guulalle, Raamaale iyo Aroori. In kasta oo uu u badnaa qaybihii ciidan ee galbeedka, haddana waxaan odhan karaa saldhig ciidan ama degaan oo seegay ma jirin.

Yaxye intii uu ku jiray halgankii hubeysnaa ee SNM kuma uu koobnayn meel keliya. Waxaan odhan karaa goob walba wuu ka adeegay. In kasta oo uu u badnaa hawlaha siyaasadeed, hawlaha kale ee uu ku cindanaa waxa ka mid ahaa: isku-xidhka dadweynaha, xidhiidhinta dibadda iyo gudaha, abaabulka iyo hawlo kale oo badan. Yaxye, xero-joogga iyo la-noolaanshaha ciidanka waa lagu majeeran jiray. Aadkaysi la yaab leh ayuu u laha la-noolaanshaha ciidanka iyo odayaashii ciidanka taakuleyn jirayba. Intaa kuma uu koobnayne, wuxu ahaa nin ka dagaallama goobaha foodda la isku daro. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa maalmihii badnaa ee uu hoggaamiyaha siyaasadeed iyo ciidanba ka ahaa masarxiyadihii la isku habar-wacday ee Banka Wajaale iyo Kalabaydhka ee daba-yaaqadii 1988kii. Maalmihiisii Qabri-macallin ayaa baal dahab ah kaga qoran ma-guurtada taariikheed ee halgankii hubeysnaa ee SNM.

Yaxye beryahaa ayuu guursaday xaaskiisii labaad oo ah Aamina oo u dhashay laba wiil iyo gabadh.

Bilowgii 1991kii markii lagu guulaystay dibuxoreyntii qaran ee dalka, Yaxye wuxu ka mid ahaa raggii sida laxaadka leh abaabulka u galay si ay ummaddu ula soo noqoto madax-bannaanideedii. Hawshaas waxay ka bilaabeen Hargeysa bishii Feeberweri ee 1991kii, eedina igu raaci meyso haddii aan idhaahdo abaabulkaasi saamayn laxaad leh ayuu ku yeeshay shirarkii Burco ka dhacay Meey 1991kii ee lagu go’aansaday dhismihii Dawladda iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Ilaa 1993kii waxaan odhan karaa Yaxye wuxu ku sugnaa Gebilay oo uu kaga jiray abaabul laxaad leh oo dalka iyo dawladdaba dib loogu dhisayay. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa abaabul uu hormood ka ahaa oo lagu baabi’inayay seerayaasha Degmada Gebilay, gaar ahaan deegaammada oogada iyo Qadowga.

20kii Feeberweri 1997kii markii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal loo doortay Madaxweynaha, Yaxye wuxu noqday Wasiirka Beeraha. Waxa xusuus gaar ah mudan in aan halkan ku sheego in uu doorashadan Madaxweynaha, Yaxye ka mid ahaa raggii isu soo sharraxay jagadaa.

Aniga oo aan ku talax-tegin, intaana waxaan ku soo dhaafayaa taariikh-halgameedkiisii iyo kaalintii uu ka qaatay dibudhiska dalka. Sidaa ayuu Yaxye Xaaji Ibraahin u soo noolaa noloshaa hodanka ah ee fikirka iyo waayo-aragnimadaba cokanayd.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.



 

(Qormadan Yaxye oo isku dhan ka akhrista Dhaxal-reeb: Horaad)

Si aanay fursaddu ii dhaafin, bal hadda aan cabbaar ku hakado adeerrday. Aabbahayna waxa weynaa Nuux Ducaale Caynaan oo beeraley Ijiwaaji deggean ahaa. Waxaan u malaynayaa beryihii aan yaraa in uu iiga sheekayn jiray mar uu ka tirsanaan jiray ciidammadii Talyaaniga. Nuux Ducaale wuxu noolaa waqti ku sinnaa 1905kii – 1978kii oo uu ku dhintay laguna aasay Ijiwaaji oo ay beerahaygu ku yaallaan.

Si aan u xuso adeerkay Muxumed Ducaale Caynaan, waxaan wax ka soo qaadan lahaa tix baroor-diiq ahayd oo Axmed Yuusuf Ducaale u tiriyay, taas oo beydadki ku jiray ay ka mid ahayeen:

“Aroos Xuural-cayntii,

Aalad loo dhammeeyoo,

Aw Yuusuf joogoo,

Nuuxna uu ka yahay odey,

Naxariis Allow sii,

Olloggii Rasuulkiyo,

Afartii Khaliifiyo,

Al-baqiic intii tiil,

Ilaahow ka yeel oo,

Anna samirka iimaan,

Iigu sii adkeeyoo,

Ooftaa bannaan ee,

Aanan awdi karihayn,

Allow iga albaab oo,

Aayaadkaan akhriyayana,

Ajarkooda gaadhsii,

Aammiin Al-faataxa.”

Adeerkay Geeble wuxu ahaa nin taqiya oo salad sax ah. Quraanka marka uu akhriyayo wuxu ku cel-celin jiray Suuradda Al-raxmaan oo uu aad u jeclaa. Baroor-diiqdan Axmed Yuusuf Ducaale u tiriyay ayaa waxa ku jirta:

“Arooskii Quraankiyo,

Al-raxaaman jeclaadow,”

Adeerkay Muxumed Ducaale Caynaan wuxu noolaa 1911kii-1997kii. Ilaahay ha u naxariisto.

Aabbahay Aw Yuusuf Ducaale Caynaan

Aabbahay wuxu ahaa Aw Yuusuf Ducaale Caynaan oo ahaa ganacsade yar oo aanay hayntiisu sidaa u badnayn. Wuxu Gebilay ku dhashay 1907kii. Bar, beer iyo xoolaba wuu lahaa oo waxa uu deggenaa meesha Ijiwaaji la yidhaahdo oo magaalada Gebilay kaga beegan koonfur. Waxaan garaadsaday isaga oo hudheel yar oo hilibka geela lagu kariyo ku leh magaalada Hargeysa meel ku dheggaan masaajidka macallin Jaamac ee xer-hadhuudhii hore kaga beegan koonfur. Nin Cali-toor la odhan jiray ayaa ka mid ahaa dadkii ay hudheelladaa wada lahaayeen ee ay saaxiibka ahaayeen. Beryihii danbe wuxu u guuray Gebilay oo uu ku lahaa dukaan yar oo uu haystay ilaa markii uu dhimanayay oo ku beegnayd badhtamihii bishii Abriil ee 1964kii. Wuxu ku dhintay cisbitaalka lacagta (Payment Ward) ee Hargeysa waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa xabaalo ku oolli jiray meel ka tallowsan laagta yare e bariga ka xigta Dugsigii “Shacab Girls” oo hadda lagu magacaabo Gacmo-dheere.

Dadkii caanka ahaa ee xabaalaha lagu aasay waxaan ka sii xusuustaa hal-abuurkii waddaniga ahaa ee Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay “Barkhad cas” oo halkaa is-na lagu aasay 2/1/1962kii. Goor casar dheer ah ayaa “Barkhad cas” halkaa lagu aasay. Waxaan kubbad ku ciyaaraynay garoonkii ku oolli jiray halkii calankii Soomaaliyeed laga taagay 26kii Juun 1960kii. Markii aanu aragnay meydka la sido cabbaar ayaanu kubbaddii joojinnay annaga oo weydiinnay qofka meydkiisii la sido, waxaana naloo sheegay in uu ahaa “Barkhad cas”. Waa aaskii Cabdillaahi Qarshe ka dul qaaday heestii caanka ahayd ee “Waa ayaanba ayaan”.

Waxa kale oo hal-doorka xabaalahaa ku aasan ka mid ah Sheekh Ibraahin Xujaale oo ahaa foolaadka culimadii waaweyneyd ee dalka, gaar ahaan Hargeysa. Dhammaantoodba Ilaahay ha u naxariisto.

Aan wax aan badneyn dib ugu noqdo aabbahay iyo sidii uu u dhintay. Qiyaastii maalmo ka hor ayaanu ka saarnay cisbitaalka guud oo uu ku jiray maalmo. Sidaa ugama war qabin xanuunka uu u jiifay. Gebilay ayaan ku celiyay oo aniga ayaa sii qaaday. Guri aan dukaankiisii ka fogayn oo ka soo hor jeeday masjid jaamaca Gebilay ayaa la dhigay. Waxa la joogtay mid ka mid ahayd xaasaskiisii oo ahayd Aamina Cumar Abu-shanab oo daaddahaynaysay Maxamed Aw Yuusuf oo ahaa wiilka keliya ee ay u dhashay. Haddii uu halkaa dhowr maalmood jiifay ayaa haddana dib loo qabtay. Hargeysa ayaan ku soo noqday oo waxaan u tegay Maxamed Ismaaciil Dunbuqe oo ay Axmed Yuusuf Ducaale ooryo-walaalo noqdeen markii danbe ahaana sarkaal ka madax ahaa xafiiskii shaqaalaha ee dawladda oo la odhan jiray “Establishment”-ka. Baabbuur Land-rover ah oo “series one” ahaa oo qafillaa ayuu I siiyay. Sidii ayaan ku soo qaaday aabbahay oo aanu qaybtii lacagta ee cisbitaalka guud u dhignay. Malahayga laba iyo saddex maalmood markii uu yaallay ayuu subax hore dhintay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ markii danbe waxa la ii sheegay in uu u dhintay “Joonis”.

Muslin taqiya oo aan salad salad ku darin ayuu ahaa. Marka uu hudheelkiisa cuntada ka miisayo iyo mararakii uu dukaanka iibin jirayba, salliga Nebiga afka kama qaadi jirin. Qaadka aad uma cuni jirin kama maqnaan jirin. Barqadii Ijibane aan badnayn ayuu cuni jiray, duhurkana wax aan sidaa u sii badnayn. Wuxu ahaa dadka sida laxaadka leh shaqada u jecel ee hawl-karka ah. Hawsha iyo shaqada kama daali jirin. Si laxaad leh oo dhakhso badan ayuu u tallaabsan jiray oo wuxu ahaa dadka socodka ku dheereeya. Marka uu socdo ee uu agtaada marayo waxaad moodi jirtay in dabeyli ku dhaaftay xawliga uu ku socday dartii. Waxaad ku war heli jirtay macawista oo baf…baf..bafta haysa. Waxay ku dhawaan jirtay in ay kala dillaacdo. Wuxu ahaa nin midabka casaan xiga oo wejiga furuq-doon ku lahaa. Wuxu lahaa golxo aan sidaa u sii weyneyn. Marka uu tallaabsanayo cagta si toosan ayuu dhulka u dhigi jiray isaga oo cidhibta ku horreysiin jiray. Qosolka wuu ilko caddayn jiray oo aad uma qosli jirin. Doob weyn oo cunihiisa ka soo yar taagan ayuu lahaa oo marka uu qoslayo noq-noqota. Fanax aan weyneyn ayuu lahaa. Dhaqan ahaan wuxu qaadan jiray macawis, shaadh, cumaamad, koofiyad iyo kabo sadhal ah.

Iyaga oo meel gubanka ah deggan oo ‘Cadayga’ la yidhaahdo ayaa Furuq dhacay beeshii oo dhan. Dad badan ayaa halkaa ku madhay oo qayb badan oo ka mid ahi ay ka tirsanaayeen Reer Caynaan Samatarkii aabbahay ka dhashay. Reer Ducaale Caynaan, gaar ahaan Bah-Meydhan oo aabbahay ka dhashay waxay ahaayeen 11 qof. Waxay ahaayeen sagaal wiil iyo laba hablood. Bah-Meydhan cudurkii Furuqa waxa ka kacay: laba wiil oo kala ahaa: Nuux iyo Aw Yuusuf, iyo laba hablood oo kala ahaa: Caasha iyo Faadumo. Waa taariikhihii ay Caneb Yuusuf Ducaale iiga sheekaysay bilihii nolosheeda ugu danbeeyay ee ay ila joogtay Hargeysa, gaar ahaan bilihii Ogos, Sebtember iyo qayb Oktoobar ahayd.

Maalmihii aan Gebilay kula noolaa oo inta badan fasaxyada dugsiyada ahayd, aabbahay dukaanka ayaanu wada geli jirnay. Cuntada halkaas ayaanu ku karsan jirnay. Dukaanka ayaan habeenkii dhex seexan jiray. Inta badan habeenkii wuxu Gebilay ka tegi jiray ilaa saacad ka dib marka uu cishaa’iga ku tukado masaajidka oo naga soo hor jeeday. Tooj ayuu sii qaadan jiray, waxaanu u hoyan jiray Ijiwaaji oo reerku yaallay beertuna ku taallay. Haddana subaxdii ilaa toddobbada subaxnimo ayuu dukaanka igu garaaci jiray. Miyi iyo magaalo midna hawli kagama baaqan. Maalmaha qaarkood ayaan Ijiwaaji u raaci jiray. Hadba dhakhsaha uu ku socday inta uu iga go’o ayuu I yar sugi jiray oo marka aan soo gaadho haddana iga dheereyn jiray. Waxa xusuus gaar ah igu mudan maalin aan 1992kii carruurtayda la lugaynayay meelihii aanu aabbahay wada lugayn jirnay. Sidii dhaqanka noo ahayd Ijiwaaji iyo beertii ayaanu ku soconnay. Wiilashayda maalintaa ila socday waxa ugu weynaa Caynaan. Waxaan uga sheekeeyay sidii aanu aabbahay halkan u wada lugeyn jirnay ee uu hadba geed igu sugi jiray. Caynaan ayaa maalintaa hadalkii holladay. Ku ye: “Aabbo marka aad dhimato ayaanu carruurtayda halkan wada lugayn doonnaa oo aan uga sheekayn doonaa in aynu halkan wada lugeyn jirnay sidii aad adba aabbaha u wada lugeyn jirteen.” Run ahaantii waan yar naxay. In aan hadlo ayaan u holladay, haddana waan iska aammusay. Weli waan xusuustaa hadalkii marka aan meeshii marayaba. Ijiwaaji waa degmo-beereed magaalada Gebilay kaga beegan koonfurta oo u jirta ilaa siddeed kilo-mitir.

Aabbahay beerta inta badan isaga ayaa ka hawl-geli jiray. Aniguna maalmaha aan fasaxa ahay waan la shaqayn jiray. Waxba ma qodi aqoonnin laakiin mararka qaarkood dibida ayaan u san-wadi jiray. Mararka qaarkood dibida ayaan daba socon jiray oo hadba halka ay irfidu marto ayaan gaantayga iyo xarfada ka guri jiray. Marka odeyga barqada loo keeno shaaha qudheeda dibida ayaan soo waraabin jiray oo laagta Ijiwaaji ayay beertu dacalka ku haysay. Galabtaii marka uu dibida ka furo meerarka aniga ayaa daajin jiray. Xilliyada qaarkood ayuu igu soo noqon jiray si uu ii kormeero isaga oo werwer ka qabay in aanan si wanaagsan u daajin dibida. Galab galbahaa ka mid ahayd ayuu dib iigu soo noqday si uu ogaado xaaladdii dibida. Aniga qudhaydu duunka hoose ee aabbahay waa aan ka war qabay oo si wanaagsan ayaan dibida u daajin jiray. Waxaan xusuustaa galab aabbahay dib iigu soo noqday. Aniga oo soo-noqodkaa ka cabsi qabay ayaan dibida daajinayay faagga beerta oo dooggu aad uga baxay maa daama xoolaha biqilka laga ilaaliyo. Ul yar inta aan goostay ayaan xaggii biqilka iska taagay labadii dibi. Si wanaagsan ayay u dhergeen. Aabbahay markii uu I soo booqday dibi xaraash ahaa oo Xoogsade la odhan jiray ayuu salaaxay, ka dibna wuxu igu yidhi: “Oo aabbo illeyn nin xoolo-og baad tahay.” Ilaahay ayaa ogaa sidaan maalintaa hoosta uga farxay illeyn nin aabbihii xoolo-ogida billad ku siiyay ayaan ahaaye.

Waxaan xusuustaa galab uu iigu yimid beerta aniga oo weylihii ilaalinaya. Gebilay ayuu ka yimid waxaanu ii keenay oo I siiyay qeyd maraykaan ah si aan habeenkii u huwado. Wuu iga tegay oo xaggii reerka ayuu u dhaqaaqay. Qaalin yar oo dhiin ahayd oo weylaha ku jirtay oo cawarreyd ayaan qeydkii xakame u dhigay oo aan fuulay. Usha ayaan ku dhuftay. Inta ay boodday oo cabbaar aan saarnaa ayay bohol lug la gashay oo aan ka dhacay. Show intan aan saarnaaba qeydkii ayay calaalinaysay oo laba u kala go’ay. Talo ayaa igu caddaatay. Waqtigii aan weylaha xerayn lahaana waa ay igu soo dhawaatay. Qeydkii oo laba qaar ah ayaan beertii ku aasay. Kama aan fekerin halka aan ku aasayo. Waxaan ku aasay beerta intii aan qodnayn. Subaxdii ayuu aabbahay dibidii soo meeraray, mise irfidii ayaa markiiba soo saaratay qeydkii cusbaa oo laba qaar ah. Miyaanu odeygii cabbaar dullihii dibida ila daba cararin.

Aabbahay inta aan xusuusnahay weligii inta uu gacan ii qaaday ima dilin. Weligii hadal xun ima odhan igumana xanaaqin, aniguna ninka weligiiba kor u eegay ma ihi. Ifka inta aan kula noolaa maalintaa la sawirayay ayaaan wejigiisa ka bogtay. Haddii laga tegi waayo maalin Jimce ahayd oo aanu masjid jaamicii hore ee Hargeysa ku wada tukannay ayuu aniga oo aan maqlayn show cabbaar ii yeedhay. Anna maba maqlayn. Xaafaddii markii aanu qedadii isugu nimid ayuu si kulul iigu yidhi: “Waar maxaad ii diidaysay markii aan kuu yeedhayay.” Ifka intii aanu wada joognay hadal kulul oo uu I yidhaahdaa kaas ayuu ii ahaa.

Saddex Bahood ayaanu nahay oo kala ah:

  1. Bah-Cibaado: Axmed, Caasha, Caneb, Basra, Sacdiya, Boobe iyo Safiya,
  2. Bah-Caasha: Cumar iyo Cabdillaahi,
  3. Bah-Aamina: Maxamed,

Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor Axmed Diiriye

Hooyaday waxay ahayd Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor Axmed. Hooyaday waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa 1915kii. Hooyaday waxa la odhan jiray Cibaado War-la’ oo iyada oo yar ayay dhimatay gabadh ay mataano ahaayeen. Dhowr qof oo qoyska ka mid ah ayaa iyaguna mataaneeyay oo hidde-sideyashaa qaatay. Anigu waxaan dhalay Colaad iyo Cawo oo mataano ah. Idil Yaxye Xaaji Ibraahin waxa dhashay Shiima iyo Basra. Ilyaas Cabdi Muxumed wuxu dhalay Aniisa iyo Rehanna. Deeqa Cabdi Muxumed waxay dhashay Cabdisamad iyo Raxiima, halka ay Habboon Cabdi Muxumedna ka dhashay Masno iyo Maxamed.

Hooyaday qof wanaagsan ayay ahayd. Maa daama aabahay xilli hore dhintay, waxay ahayd xudduntii isku haysay qoyska. Waxay ahayd qof tolka iyo xigaalkaba aad u soo dhaweysa oo ku fiicnayd isku-xidhka. Baaho iyo bukaan midna kama ay maqnaan jirin. Dhowr arrimood ayaan aad ugu xusuustaa oo weliba aan is-leeyahay qaarkood waa aad ka dhaxashay, aniga oo aabbahay qudhiisa wax badan ka wata. Waxyaabahaa astaanta gaar ah leh ee aan hooyaday ku xusuusto waxa ka mid ah: sidii ay wax u madhxin jirtay ama u beekhaamin jirtay. Waxaan si fiican u xusuustaa aniga oo xaas leh oo Muqdisho deggenaa in ay noo timid oo ay guriga nagula nooleyd. Waa ilaa 1978kii xilli ku beegnaa. Maalin kasta raashinka la soo iibiyo ayay wax yar ka cantoobi jirtay oo meelo kala gaar ah ku shubi jirtay. Marka ay ururiso ayay malahayga tobankii cishoba laba maalmood xaaska ku odhan jirtay intan karsada oo waxba ha soo iibin. Aad baan ula yaabi jiray dhinaca kalena ugu bogi jiray.

Waxa ay ahayd qof Ilaahay curin iyo hal-abuurba siiyay. Waa marka hore e’ waa ay buraanburi jirtay in kasta oo ay ku koobnayd maansooyin shakhsiya ama qoyskaba saamayntooda ku lahaa. Mar labaadkana waxay ahayd qof ku xeel-dheereyd samaynta agabka Soomaaliyeed sida kuwa guryaha lagu dhisto, weelka iyo qaar badan oo kale oo daabacu ka mid ahaa. Waxay aad ugu xeel dheereyd samaynta Xeedhada iyada oo maalintii ay Hargeysa ka qaxday 1988kii aqalkii ay degeneyd kaga guurtay 14 fijaan oo dhammaa oo ay weliba magacyana u bixisay.

Waxay hooyaday dhaqan u lahayd keydinta. Waxa gurigayaga oolli jiray sanduuq weyn oo bir ah oo muggiisuna weynaa. Waxay ku ridi jirtay waxyaabaha ay keydinayso. Sanduuqaas oo aanu marka muddo la joogaba daawan jirnay waxyaabaha ku keydsanaa oo maacuun iyo dharba lahaa in badan ayaan ka sii xusuustaa. Waxa ka mid ahaa agabka sanduuqaa ku dhowrsanaa koob yar oo eeri midabkiisu doogo yahay ahaa oo ay noo sheegtay hooyaday in ay ku canqarisay Axmed Yuusuf Ducaale oo reerka curad u ahaa. Waxa kale oo sanduuqaa ku keydsanaa mishiin-gacmeed kan bunka lagu ridqo ahaa oo ay noo sheegtay in uu qoyska soo galay dagaalkii Talyaaniga iyo Ingiriiska. Waxa ku jiray sanduuqaas dahabkeedii iyo agabkeedii qurxinta oo aan ka sii xusuusto: Laasinkii, Canbarshii, Sindiyihii, Murriyaddii, Wasaakhyadii, Jimihii cunnabiga ahaa iyo agab kale oo badnaa. Waxa kale sanduuqaa ku jiray dharkeeda intii u dhowrsanayd oo isugu jiray qaar aanay xidhanba iyo qaar ay maalmaha iidaha iyo aroosyada u haysatay. Dharka halkaa ku jiray waxa ay ugu jeclayd oo aanay afka ka dhigi jirin dhar ay niman ay eeddo u ahayd Bariga Afrika uga keeneen. Dalalkaa waxay u taqaannay sawaaxil, dharkaana waxay odhan jirtay ama u taqaannay ‘Bulji’ oo aan filayo in ilaa maanta loo yaqaanno in kasta oo aan ereygan hadda aad loo adeegsan.

Waxyaabaha kale ee aan hooyaday ku xusuustaa waa cunto-karintii la yaabka lahayd. Cuntadu laxoox, bariis iyo cad ayay ahayd. Caanaha ayaa ku ladhnaa. Haddii aanu laxoox ku quraacanno inta badan isku-dhex-karis ayaa qedada raaci jiray. Isku-dhex- karisku kan maanta ma ahayn ee aad iyo aad ayuu uga fogaa. Ilaah baan ku dhaartaye marka uu dheriga saran yahay urta iyo udgoonka daaqsin-maqaleed ayaad sanka kala soo raaci jirtay. Intii aanu yar-yareyn dherigaa kama aanu fogaan jirin oo marka hilibka la qalaynayo ayaanu waslad yar oo aad isku goosato ku lahayn. Sideedaa ninkii u yidhi: “Beri-samaad waa badnaaye, nolol baa ka badatay.”

Madbakhii ama cuntadii berigaa jirtay waxaad odhan karaysaa Seylici ayay ahayd marka aad eegto sida il-baxnimada ah ee wax loo karin jiray. Waxa la yaabka lahaa wuxu ahaa xawaashkii cuntada lagu fasakhi jiray ee carfiga, udgoonka iyo macaankaba cokanaa ee aad faraha is-goosanaysay. Ma daqiiqda marka la xashayo ee la dubo. Horto marka hore daqiiqda lafteeda ayaa la hiddo-raaci jiray oo marwooyinku waxaan daqiiq Daabuuniya ahayn umaba ay fadhiisan jirin. Marka la dubo ayay cirkaa u tuuri jireen oo inta aanay sixniga ku soo dhicin hawada iyada oo maraysa ayay isku jebin jireen. Ma daqiiq ay Saluugla’ Xaaji dubi jirtay. Immika ayaa dhareerkii iga soo daadanayaa.

Noloshayda intii badnayd hooyaday ayaan la soo noolaa gaar ahaan intii aan barbaarayay. Hablo badan ayaan la dhashay, wiilalna keli ayaan guriga ku ahaa maa daama Axmed markii uu hana-qaadayba naga tegay. Si kale kuma garataan e’ Boqor yar ayaan guriga ku ahaa hablahayaguna kolley aad ayay ii xaman jireen, marka aan xantooda yar dareemana waa aan ka xanaaqi jirya oo hooyo ayaan u caban jiray. Qalqaallinnimadu wiil soo koraya iyo caadadii ayay ahayd e’, hooyaday maa daama aan inta badan ag joogay mararka ay qoonsato dhaqankayga waa ay I dagaali jirta af iyo gacanba. Aqalladii aanu deggeneyn ee Soomaaliga ahaa waxa ku wareegsanaa ood iyo xeyramad. Inta badan marka ay gacanta ii qaaddo xeyramadkaas ayay ila dhici jirtay.Hooyaday kalgacalkii xad-dhaafka ahaa ee ay ii haysay mararka qaarkood dharka Cadan ayay iigu diri jirtay. Dumarkii Cadan ka baayac-mushtarayn jiray ee ay dharka iigu diri jirtay waxaan ka sii xusuustaa Faadumo Cabdi Ibraahin, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waxay ahayd Axmed Cali Haaruun (Dararamle) hooyadii oo haddana Habar-yar iigu toosnayd.

Aan Hadraawi ku noqdo. Si aynu mowduuceennii hore ugu noqonno aan tuduc kale oo maansadiisii Gol-janno ku jiray soo xigto. Sow ki lahaa:

“Gol-jannaan ka shaxayee,

Goormaan dawaafkii,

Tegay webi Ganaaniyo,

Gabbalaha dusheenna ah?”

Waa halkaa Hadraawiye,

“Caneb baan ka shaxayee,

Hadmaan Caasha-naadiyo,

Hooyaday Cibaadiyo,

Ciil-tire adowgay,

Seeddiyaal cuddoonaa,

Calmashada xusuustoo,

Celi idhi abaalkii,”

Caneb aan u soo dego

 

Sidii aan idiin soo sheegay Caneb 10/12/2010kii ayaa la dhigay bartii ‘Gargaarka xooggan’ ama ‘Khatarta’ sidii dadweynuhu u yaqaannay. Wuxu ahaa waadh isku sii daysan oo daahyo yar yar lagu kala qoqobay. Caneb madaxeedu galbeed ayuu yaallay, luguhuna bari. Labada dhinac ee kale ee woqooyiga iyo koonfurta ayaa laba kursi ka kala yaalleen oo dadka soo booqanayaa fadhiisan jireen. Anigu kolleyba galbihii ilaa habeennimadii ayaan la joogi jiray, waxaanan qandaraas ku qaatay kursigii woqooyiga oo inta aan cisbitaalka joogo cidi iigu iman jirin. Caneb waa ay taallay wixii oo qalab ahaa iyo qaar kale oo lagu darayna waa ay ku rakibnaayeen.

Inta badan ee aan Caneb dul fadhiyo, waxa aan haysan jiray oo aan qabsan jiray gacanteeda bidix, gaar ahaan faraha hore. Waan duugi jiray, gacanta kalena dusha ayaan ka marin jiray. Hadal iyo hugun midna ma ay lahayn, afkuna waa uu kala tegay oo hadba biyo yar ayaa lagu qoyn jiray. Ciddiyaha intooda hore xinne aad u qabtay ayaa u marsanaa. Hadba inta ay faraha iga buuxsato ayay sidii wax I soo jiidaya I gundhinaysay. Malahayga laabta iyo qalbigaba gasho ayay is-lahayd, ma se ay karayn. Jidhku wuu is-garanayay. Anigu sax iyo maan ayaan u garnayay oo u haystay gacanteeda, iyaduna waa ay dareensanayd in aan walaalkeed Boobe ahay, sidaana waa ay ii yar gundhinaysay.

Ilaa 13/12/2010kii ayaanu sidaa ku jirnay. Goor danbe oo habeennimadii ah ayaanu ka soo hoyannay sidii caadada iyo dhaqankuba ahaayeen. Quraan iyo gunaanad waa ay dhammaadeen oo jihada ayaa loo dhigay in kasta oo xididku garaacayay.

Aaskii iyo baroor-diiqdii Caneb

14/12/2010kii ayaa la soo gaadhay. Xaafaddii Gabood ku taallay ee reer Cabdi Muxumed Diiriye ayaan joogay. Goor ay saacaddu ku beegnayd tobankii oo wax yar la’ oo subaxnimo, ayay I soo garaacday Habboon oo carruurteeda ugu yareyd. Ku-ye: “Abti” iyo “Hee”. Waxa ii xigtay Habboon oo igu leh : “Hooyo immika ayay ka dhacday.” Hadalba uma celin ee tilifoonkii ayaan xidhay.

Haddii aan halkii uun xagga guriga uga yar dhaqaaqay ayay walaashay Sacdiya-Baar-cad iga soo wacday London. Geeridii Caneb ayaan u sheegay. Waa ta oohin hiq dhabatay ee igu tidhi: “Mar hore ayay dhimatay ee waad iga qarinaysay.”

Anigii baa naxdin iyo oohin dhaqaaqi kari waayay. Saacadahaa waxaan ku sugnaa gurigii Gabood ee ay walaashay deggenayd. Markaa geerida walaashay Caneb la ii soo sheegayo albaabka laga baxo ee guriga ayaan taagnaa oo tagsi ayaan sugayay aan cisbitaalkii ku tago. Maalintaa waxaan go’aan ku gaadhay in aan dhakhtarrada ku idhaahdo, walaashay silci meyso e’ waxba yaan hadba wax lagu xidhin e’, ha la iska daayo Ilaahay ayay hor taallaaye.

Guriga ayaan dib ugu noqday. Hodan oo keliya ayaa joogtay. Waa gabadhii carruurteeda kaga hadhay ee ay guriga ku wada noolaayeen. Qasab ayay igu ahayd in aan warkan dhiillada leh u sheego. Makhsin ayay dhulka dhinac u jiiftay, waa ay se soo jeedday. Inta aan ag fadhiistay ayaan ku idhi: “Abti, samir iyo iimaan.” Innaa Lillaah! Inta ay af labadii yeedhay ayay kor u boodday. Oo miyaan qaban karayaa! Dhulka ayay isla dhacday iyada oo barooranaysa, run ahaantiina maa daama ay iyada iyo hooyadeed wada noolaayeen keligood, si gaar ah ayay geeridu u taabanaysay.

Horaa loo yidhi: “War xumi dugsi ma fadhiisto.” Markiiba tilifoonnadii ayaanu hayn weynay oo intii ‘On-line-ka’ ahayd iyo intii maqashayba nagu soo boobtay. Waa maxay e-mailladu! Anigu markiiba xaggii cisbitaalka ayaan u dhaqaaqay, ka dibna waxaanu isu diyaarinnay aaskii Caneb Yuusuf Ducaale oo 70 jir ahayd kana mid ahayd foolaadkii haweenka Jabuuti iyo muddakarkii Reer Diiriye Bil-qariye iyo Reer Ducaale Caynaanba.

Sidii daadka ayay Reer Jabuuti oo qowmiyado badan lihi ugu soo qulquleen gurigii. Ma Soomaali baa, ma Carab baa, ma Cafar baa, ma Itoobiyaan baa, Faransiis baa, ma Ereteriyaan baa, ma Afrikaan kalaa, ma iska-dhal isku dhafan baa iyo qaar kale oo badnaa. Rag iyo dumar meel la kala maro ayaa la waayay. Maxaa gogol la sidaa! Maxaa ruumi la keenayaa! Maxaa barkimooyin lala roorayaa! Maxaa baabuur baxaysa! Maxaa baabuur soo gelaysa! Maxaa hadba gabadh aad dirqi ku suuranayso kugu soo boodaysa! Maxaa hadba nin kugu odhanaya: “samir iyo iimaan.”

Nasiib wanaag guriga oo weynaa, daarad fidsanna lahaa waxa noo dheeraa guri fooq ah oo cusbaa oo uu deyrka ka dhex dhistay Diiriye Cabdi Muxumed iyo taanbuugyo laga dhisay daaradda oo waaweynaa. Taanbuugyada waxa noogu deeqay ciidammada qalabka sida ee Jabuuti. Rashiid Cabdi Muxumed ayaa u tegay General Zakariye, kaas oo na soo siiyay taanbuugyada iyo ciidan noo dhisaba. Ilaahay isaga iyo ciidankaba ha ka abaal-mariyo. Xataa masquulihii wareegayay ayaa la keenay, Ilaahay ha ka abaal-mariyo Ilmo Geelle Arab e’.

Qolkii fadhiga ee gurigeeda ayaa lagu meydhay, xabaashii waa la diyaariyay wixii kale ee qaban-qaabo ahaana dad badan ayaa qaybsaday oo ka hawl-galay. Maalintaa waxa aanu is-raacnay oo aan la soo qadeeyay Cabdi Muuse. Waxaanu ka qadaynay hudheel cusbaa oo markaa laga furay jidka weyn ee gegeda dayuuradaha taga oo la yidhaahdo’Jannatayn.’ Gurigii oo hawlihii aasku ka socdaan ayaanu ku soo noqonnay, ka dibna casarkii ayaa la qaaday. Waxa lagu tukaday Masaajidka weyn ee Salmaan ee ku yaalla jidka madaarka caalamiga ah ee Jabuuti taga. Salaaddii casar ka dib ayaanu meydkii qaadnay si loo soo aaso.

Waxaanu tagnay xabaalaha PK: 12 oo beryihii hore loo yaqaannay ‘Jaban cas’, waxaana lagu aasay meel xabaashii odeygeeda kaga beegan galbeed oo cabbaar u jirtay.

Xabaalaha Jabuuti waa la mid kuwa Hargeysa xagga xabaal-bilaashta, laakiin iil la leexiyaa ma jiro ee waa qabaal-jeex dhexda ah sida xabaalaha Muqdisho. Waxaan is-leeyahay dhulka oo jilicsan awgii ayaan iilka loo leexin karin. Kala-duwanaanshaha kale ee aan maalintaa arkayna waxa uu ahaa in cagaf ay ciidda ku rogaysay xabaasha. Waxay ahayd markii iigu horreysay noloshayda ee aan xabaalaha Jabuuti tago.

Si wanaagsan ayaa loo aasay oo loo sii gelbiyay naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Si kale kuma garatan e’, geeri arooskeed ayay ahayd.

Gogoshii iyo tacsidii

Aaskii iyo tacsidii Caneb looma kala hadhin oo foolaadkii Jabuuti oo dumar iyo ragba lahaa ayaa meesha marayay. Ka hadli meynno tilifoonnada iyo e-maillada sida dhibica roobka u soo daadanayay ee dalkii iyo dibadahaba ka imanayay.

Laba guri ayaa la kala goglay. Gurigii ay Caneb degganayd waxa loo goglay dumarkii oo sidii daadka u qulqulayay. Marka ay kooxi baxdaba mid kale ayaa soo gelaysay. Wardiga ayaa la rogayay, Quraanna waa la akhriyayay. Sheekha Faadumo Cabdi Ibraahin oo Canada ka timid ayaa si joogto ah iyaduna dumarka u wacdiyaysay oo if iyo aakhiraba uga sheekaynaysay. Ilaahay ka abaal-mariyo.

Mudanka iyo ma-dhaafaanka haweenka geerida Caneb yimid waxa hormood u ahayd Xaajiya Khadra Maxamuud Xeyd, Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Qaddarin iyo tixgelin ayay ahayd. Goor barqo ah ayay guriga timid oo ay gogoshii dumarka la fadhiisatay. Aniga oo qolkaygii jiifa ayaa la ii sheegay. Degdeg ayaan u lebbistay ka dibna dibadda ayaan u joogsaday si aan magaca qoyska ugu mahad-celiyo, marka ay gogosha ka soo kacdo. Cabbaar ayay guriga joogtay oo ay Quraan akhriyaysay, werdigana rogaysay. Dibadda ayaan woxoogaa ku sugay ka dibna markii ay soo baxday ayaan gacan-qaaday, aniga oo leh: “Ina-adeer.” Ka dibna waxay igu tidhi: “Abti ayaad ii tahay.” Inta aan yar foorarsaday ayaan uga mahad-celiyay qiimaynta iyo qaddarinta ay tacsida iyo booqashadaba noogu timid, aniga oo aad uga xumaa in aan sare-joog kula hadlayay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo. Run ahaantii waxa kale oo ay noo ahayd in uu na soo booqday oo uu na soo tacsiyadeeyay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxtooyada, Qoyska koowaad iyo dawladda Jabuutiba ka geysan oo ka guddooman tacsida iyo booqashaduba. Qoys ahaan waxaanu leenahay: “Magan Alla. Idin ka geysan oo idin ka guddooman.”

Waxa kale oo isaguna aan cagta naga qaadin Mudane Cali Cabdi Faarax oo ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Is-gaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo afar maalmoodba gelinkii danbe guriga nala joogay oo gogosha nala fadhiyay. Waxa aan ka hadhi jirin oo intaasba la socday Cilmi Tukaale. Waxa iyaguna maalmaha qaar la socday Maxamed Cabdi Iskeerse, Fu’aad Daahir Aadan iyo qaar kaleba. Cali Cabdi Faarax wuxu muujiyay mas’uuliyad la yaab leh iyo is-xilqaan inta aan dad kale ku arkay ay aad iyo aad u yar tahay. Run ahaantii maalmahaa aanu murugada geerida ku jirnay, si aanan hore ugu aqoon ayaan u bartay Cali Cabdi Faarax, in aan u sed kordhiyaana gar ayay igu tahay. Ilaahay dhiirri-gelintii iyo taakuleyntiiba ha ka abaal-mariyo.

Waxa isaguna maalintii ducadii ee khatinkii na soo booqday oo tacsi noogu yimid Mudane Dilleyta Maxamed Dilleyta, Ra’iisal-wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti. Waxay ii ahayd markii iigu horreysay ee aan arko, salaamo isla markaana aan dhinac fadhiisto. Markii mowliidka la akhriyayay ayaanu is-ag fadhinay. Mowliidka Jabuuti laga akhriyaa waa kan Hargeysa laga akhriyo. Haddii laga tegi waayo, marka la sare joogsado (maxallal qiyaamka) ayaa luuq kale lagu akhriyaa qasiidada ‘Marxabba’. Waa cod aad u macaan oo aan aad u jeclaysto mararka kooban ee aan Jabuuti kaga qayb-galo mowliidyada.

Waxa kale oo abaal iyo mahad-celinba naga mudan ganacsade Maxamed Aw Siciid oo isaguna nagala gurmaday aaska iyo baroor-diiqdaba.

Waxa kale oo iyaduna si gaar ah abaal nooga mudan Aamina Cabdi Aadan oo si hagar la’aan ah noogala qayb-gashay tacsidii iyo gogoshii Caneb Yuusuf Ducaale. Aamina Cabdi Aadan iyada oo ka mid ahayd dadkii tacsida keenay ayay haddana weliba mas’uul ka ahayd wixii shidaal baabuurta ku baxay. Magan Alle ayaanu leenahay, adigana kaa geysan.

Waxa kale oo aanu halkan uga mahad-celinaynaa Ciise Cabdillaahi Gulaan oo ah maamulaha Dugsiga ‘Lyce de Gabod’ ee ay Habboon Cabdi Muxumed ka hawl-gasho ‘Library-giisa’ oo inta uu Habboon u soo fasaxay xanuunka hooyadeed, haddana tacsidii iyo gogoshiiba ka soo qayb-galay. Isagana Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Hay’dda IRC oo uu ka hawl-galo Diiriye Cabdi Muxumed ayaa iyaduna abaal badan nagu leh, maa daama ay dhowr jeer Diiriye u soo fasaxeen xanuunka hooyadii oo muddo soo jiitamayay.

Ma foolaadka kale ee Jabuuti baa….oo miyaan tixi karayaa…..miyaan wada xusuusan karayaa…..miyaan magacyada iyo muuqaallada isla helayaa…..ma Cismaan Cumar baa…..ma Xasan Faarax baa….ma Xaashi Cabdillaahi Orrax baa…..ma Axmed Ciise Gaboobaa…..ma Jaamac Xasan Xagaa baa…..ma Cabdillaahi Mahdi baa…..ma Aadan Aw Cabdi Cismaan baa…..ma Daahir Shidaa…..ma Cabdi Muusaa…..ma Muxumed Xirsi Kaahin (Biljiik) baa…..ma Khadar Kheyrraa…..ma Rashiid Maxamuud baa……ma Yuusuf Cabdillaahi Kaariyaa.….ma Cumar Gaboobaa…..ma Yuusuf Cumar Geellaa…..ma Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi (Baabbiloo) baa…..ma Jaamac Yuusuf baa…..ma Xasan Cabdi baa…..ma Kheyrraa Maxamed baa…..ma Maxamed Faarax Waaberi baa…..ma Horseed Faarax Waaberi baa…..ma Samatar Faarax Waaberi baa…..ma Cabdiraxmaan Xuseen baa…..ma Maxamuud Saleebaan baa….. ma Caarif Maxamed Caarif baa…..ma Cumar Xasan Diiriyaa…..ma Siciid Ammin baa…..ma Axmed Cilmi baa…..ma Maxamed Cumar Xasan baa…..ma Odey Muraad baa…..ma Wahiib baa…..ma Cabdillaahi Qabyaa…..ma Maxamed Cali Fuliyaa….. ma Cabdirashiid Cilmi baa…..ma Maxamuud Bile Iftiin baa…..ma Baashe Axmed baa…..ma Cawil Muusaa…..ma Axmed Dacar baa…..ma Mowliid Maxamed Axmed baa ..…ma Salaan Maxamuud baa……ma Cabdillaahi Yuusuf baa…..ma hebel hebel baa…..ma hebel hebel baa…..iyo qaar kaloo badan……iyo qaar kaloo badan.

In badan oo kale oo aan ka maqnaateen tacsida iyo gogosha Caneb Yuusuf Ducaale ayaa ka maqnayd oo u maqnayd hawlo ay ka maqnaan kari waayeen oo ay dalka dibaddiisa ugu maqnaayeen. Iyagana niyaddii iyo laabtii ay ku hayeen Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Ma haweenkii baa…cidi kama maqnayn…. Xildhibaan Safiya Cilmi Khadari ayaa joogtay….. Aamina Cabdi Aadan ayaa joogtay…Caasha Muuse Hayaan ayaa joogtay…..Tamad Faarax Xuseen ayaa joogtay….. Saamiya Maxamed Xaddi ayaa joogtay……Luula Geesood ayaa joogtay…..Fadxiya Jaamac Cudin ayaa joogtay…..Khadra Ismaaciil ayaa joogtay…..Faadumo Cilmi Muude ayaa joogtay……Caasha Barkhad ayaa joogtay…..Aamina Nadiif Cali ayaa joogtay…..Sahra Aadan ayaa joogtay…..Siraad Madar ayaa joogtay……Caasha Muxumed Geelle ayaa joogtay……Xasna Xuseen Halas ayaa joogtay……Safiya Ciise ayaa joogtay…..Faadumo Yuusuf ayaa joogtay……Aamina Muuse ayaa joogtay…..Sahra Muuse ayaa joogtay…..Faadumo Cabdi Ibraahin (ogaadeen) ayaa joogtay…..Faadumo Amiin ayaa joogtay…..Aamina Xasan Bahal ayaa joogtay…..Sahra Cabdi Hadalo ayaa joogtay…..Dhuux Cismaan Beder ayaa joogtay…..Malyuun Cabdi Hadalo ayaa joogtay……Dhuux Cismaan Beder…..Sahra Cabdi Hadalo ayaa joogtay…..Fatxiya Cabdi-dheere ayaa joogtay…..Weris Ducaale ayaa joogtay…..Sahra Muxumed Axmed ayaa joogtay…….Saado Muxumed baa joogtay…..Nimco Faarax Geerdoon ayaa joogtay…..Luula Daahir ayaa joogtay….Qadiija Muuse ayaa joogtay…..Raxma Ibraahin ayaa joogtay…..Ifraax Xasan Cali ayaa joogtay….Deeqa Faarax Waaberi ayaa joogtay…..Khadiira Faarax Waaberi ayaa joogtay…..Amran Aw Xasan ayaa joogtay…..Qadiija Muuse ayaa joogtay……Fatxiya Aw Duceeye ayaa joogtay……Basra Muuse Madar ayaa joogtay……Safiya Muxumed Samriye ayaa joogtay……Sacaada Ciise Meygaag ayaa joogtay……Caneb Cali ayaa joogtay……Heblaayo Hebel ayaa joogtay iyo qaar kaloo badan….iyo qaar kaloo badan.

Ma dadkii ajnabiga ahaa ee aan Soomaalida ahayn baa? Bal hadda aan wax aan sidaa u sii badnayn, oo aad sawir ka qaadataan aan halkan ku taxo aniga oo magaca iyo dalkaba is-raacinaya.

Mrs. Hanawi Abdoulaker Moussa oo Cafar ah ayaa joogtay, Mr. Ramzi Fouad Salem oo Carab ah ayaa joogay, Mr. Yacouba Adamu oo reer Niger ah ayaa joogay, Mrs. Xalima Xaysama oo Cafar ah ayaa joogtay, Mrs. Olga Abdoulkader oo Cafar ah ayaa joogtay, Mr. Adil Turquie oo Turkiya ayaa joogay, Dr. Ahmadu Maggagi oo reer Niger ah ayaa joogay, Mrs. Debrework Andagre oo Itoobiyaan ah ayaa joogtay, Mrs. Fatima Taha oo reer Suudaan ah ayaa joogtay, Mrs. Hadera Tesfay oo Itoobiyaan ah ayaa joogtay, Mr. Mahmoud Abdoukarim oo Carab ah ayaa joogay, Mrs. Dahabo Dirieh oo reer Kiinaya (Somali) ayaa joogtay, Mr. Bwango Apuuli oo reer Uganda ah ayaa joogay, Mr. Kiflemariam Sabhatu oo reer Eritrea ayaa joogay, Mr. Simon Mbugua oo reer Kenya ah ayaa joogay, Mrs. Tigist Shimelis oo Itoobiyaan ah ayaa joogtay, Mrs. Egzharia Teklé oo Eritrea ayaa joogtay.

Dahabo Dirieh waa xaaska Xoghayaha Guud ee IGAD, Mr. Maxbuub Macallin. Mahad iyo abaal aan duugoobinba waa ay naga mudan yihiin maa daama ay Caneb oo xanuunsanaysa ku hayeen gurigooda Nairobi muddo bil iyo toddobaad ah. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Hay’adda IGAD iyo hawl-wadeennada ka shaqeeyana waxaanu uga mahad-celinaynaa sidii ay Hodan Cabdi ugu gargaareen uguna fasaxeen in ay hooyadeed ag joogto saacadihii nolosheeda ugu danbeeyay. Waxa kale oo aanu uga mahad-celinaynaa gacantii iyo taageeradii ay ka geysteen tacsidii Caneb Yuusuf Ducaale.

Caneb…..haa Caneb ayaanu ugu yeedhi jirnay intayada badani…..Ruqiya-Caneb hooyadayo ayaa ugu yeedhi jirtay ama u taqaannayba…….beryihii danbe ee ay koreen carruurteedu waxay u yaqaanneen ama ugu yeedhi jireenba ‘Canabo’. Kolleyba intii ugu dhadhaweyd beryahan danbe ayaa ugu yeedhi jirtay ‘Canebo’. Diiriye wuu ugu yeedhi jiray malaha ka ugu bandanna waa uu ahaa. Hodan ayaa ku xigtay. Habboon ayaa iyaduna ugu yeedhi jirtay. Cidna ma aan weydiin sida uu magacu ku baxay, bal se waxay ila noqotay in kolley Diiriye iyo Hodan hormuud u ahaayeen inta magacaa bixisay. Beryihii danbe xaaskayga Faadumo Xasan (Cawo) ayaa iyaduna caadaysatay in ay ‘Canebo’ ugu yeedho. Kalgacal iyo soo-dhaweyn ayay ka ahayd.

Caneb waxyaabo badan ayaanu wadaagnay. Waxyaabahaa aanu wadaagnay waxa kale oo aanu la wadaagnay hooyadayo iyo aabbahayo. Caneb hawl-kar ayay ahayd sidii aabbahay. Qof xusuus badan oo taariikho badan haysay oo keydisay ayay ahayd sidii hooday. Sawirradan aan u adeegsaday Qormadan kooban ee aan ku maammuusayo walaashay, iyada ayaa keydisay oo halkii ay ku ururisay ayaan ka soo sawirtay. Gurigeedu ilaa maantadaa aynu joogno waa ‘Matxaf’. Waxa yaalla oo sidii u dhowrsoon kabadhadii ay ku aqal-gashay lixdannadii. Waxa yaalla weelkii iyo maacuunkii xilliyada kala duwan ay iibsatay oo aad ka dheehan karayso marxaladihii nololeed ee la soo maray iyo hadba ‘faashinkii’ ama ‘model-kii’ socday.

Caneb nolol hodan ah ayay soo noolaatay. Hargeysa ayay ku dhalatay, ku kortay kuna barbaartay. Iyada oo gashaanti ah ayaa halkaa laga soo guursaday, nolosheeda intii ka hadhayna Jabuuti ayay ku qaadatay iyada oo si joogto sannad kasta u soo xagaa bixi jirtay. Xataa beryaha ama sannadaha qaar ayay Caneb Yuusuf Ducaale aad ayay u jeclayd dalka Jabuuti oo ah dalkeedii koowaad. Waxa kale oo ay aad iyo aad u jeclayd dadka reer Jabuuti oo ay ka mid ahayd. Si la yaab leh ayay u jeclayd horumarka iyo xasilloonida Jabuuti aadna waa ay ugu taami jirtay. Waxay aad u nebcayd cid kasta oo hollisa ama isku dayda in ay hantaaqdo ama kala-dhaantaasho hormarkeeda.

Habboon editedWaxaan si gaar ah halkan ugu xusayaa sidii ay u taageeri jirtay siyaasadaha Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ma aha mid aan iska qorayo, bal se waa sidii aan ka soo xigtay laba jeer oo aan kula kulmay magaalada Jabuuti iyada oo lagu jiray ololihii doorashooyinka madaxtooyada. Laba xilli ayay ahayd. Mar waxay ahayd 2006dii, mar labaadkiina waxay ahayd 2011ka. Labadaa jeerba waxay walaashay ii sheegtay in ay dooranayso Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay si laxaad leh u taageersanayd siyaasadihiisa iyo hoggaamintiisaba. Waxay halhays u lahayd inta uu nool yahay cid aan isaga ahayn dooran meynno. Intaasina waa aragtideedii siyaasadeed.

Xaajiya Habboon Cabdi Muxumed:

Damaq iyo dareen-curin

Qormadan xusuusta ahi intii aanay iga bixin ee aanan baahin ayaan nuqul u diray Habboon Cabdi Muxumed oo ah guri-danbaystii reer Cabdi Muxumed Diiriye. Macallimad ayay ahaan jirtay, immikana Dugsiga Sare ee “Lycee de Gabod’ ayay ‘Library-ga’ u haysaa. Aad ayay u jeclayd in ay barato qoraalka Af Soomaaliga. Xaajiya Habboon oo ay mar soo wada xajiyeen hooyadeed, waxay Jabuuti ku dhalatay 1975kii. In badan ayaan aniguna ka caawiyay oo xidhiidh waraaqeed oo taxane ahaa ayaanu lahayn. Heer ayaan gaadhay warqadda ay ii soo qorto inta aan saxo aan u celin jiray si ay qaladkeeda u aragto una saxdo.

Habboon in aan abti u ahay ka-sokow, carruurta kuwa aan ugu jeclahay ayay ka mid tahay aadna waanu isugu dhow nahay. Sannadaha qaar ayay hooyadeed soo raaci jirtay mararka ay Diri-dhabe iigu iman jirtay walaashay. Waxaan xusuustaa habeen xusuus gaar ah igu lahaa oo aan aniga oo SNM ka tirsan Jabuuti imid. Caneb oo Habboon oo yar wadda ayaa igu soo booqatay halkii aan deggenaa annaga oo isla habeenkaa baxaynay oo tareenka u raacaynay Diri-dhabe. Fandhaal qurux badnaa oo aan wax ku cuni jiray intii aan Jabhadda SNM ka tirsanaa oo dhexda iigu xidhnaa ayaan habeenkaana xusuus iyo xurmoba u siiyay Habboon-yar.

Qormadan markii ay akhriday, Habboon waxay ii soo qortay:

“Abti waan akhristay maqaalkii hooyo aad ka qortay, ilmo badanna waan iska tiray, waayo geeridu xusuus ayay kugu dishaa. Weli hooyaday waa ay ii sawiran tahay. Intaa ka dib adiguna waad ku mahadsan tahay xusuustan aad ka reebtay. Abti waxaan doonaayay meelo yar yar in aan kuu saxo.


Hooyo heesaha maaweelada ee carruurta lagu seexiyana aad ayay u taqaannay. Kuwii carruurtayada ay ugu heesi jirtay waxa ka mid ah:


“Sidii kooraarin doog leh,

Ama kooraha ugaaska,

Ama Korayeey hal badisa,

Kor loo wada daawayoow wa,

Bariisku halku ka beermo,

Bumbay iyo beled shisheeye,

Tolkaaba lagu bokhraaye,

Kac oo adna baad u doono,


Gabooboow gaatiyoow wa,

Guntiga feedhaha gashoow wa,

Garta u gabangaabsadoow wa,

Haddaad gaajootay gacale,

Annaba geel dhalay ma maallo,

Annaba googo'an ma guranno,

Ee ha soo galo geelu xerada,”


Runti ma dhammayn karo ee wax yar ayuun baan ka taabanayaa. Hooyo xanuunka waxa uugu horraysay 30kii Maarj 2010kii. Magaalada Jidda waxa la geeyay 11kii Abriil 2010kii waxaana Buradii laga jeexay 29kii Abriil 2010kii.


Hooyo, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, waxay Jabuuti ku soo noqotay 14kii Meey 2010kii. Mar kale ayaa xanuunkii qabtay ka dibna 28kii Juun 2010kii waxaan u kexeeyay dalka Kenya oo qayb daawada u hadhsanayd loogu soo dhammaynayay (Radio-therapy). Dahabo Diiriye Shaale oo ah xaaska Maxbuub Macallin, waxaanu la deggenayn bil iyo toddobaad, Ilahay ha ka abaal mariyo e’.


Hooyo waxay ka soo noqotay Hargaysa 24kii Oktoobar 2010kii, toddobaad ka dibna waxay ka cabatay caloosha. 13kii Noofambar waxa hooyo la dhigay dhakhtar Gargaarka Degdegg ah (Eemergency) oo "Halas" la yidhaa. Irbado matagga joojiya ayaa lagu muday ka dibna waanu ka soo saarnay. Habeenkii Ciiddii Carrafo ka horreeyay ee 15kii Noofambar 2010kii, hooyo xanuunki ayaa ku soo noqday maalintii Ciiddana waa ay jiiftay oo tabcaan ayay ahayd. Markii ay ka soo raysan weyday ayaa 28kii Noofambar 2010kii la dhigay cisbitaalka Peltier.”

Habboon Cabdi Muxumed waxay cabbaar ku hakatay oo weliba ku raagtay hees-carruurreeddii hooyadeed ugu heesi jirtay ubadkeeda. Intaa horena waxay ku dartay:

“Adoo gaydheeyay timaha,

Adoo laba go' iyo shaal leh,

Adoo geeliinna maala,

Ishii aragtaa ayaan leh,

Halkaad Xalanoow xoqaayso,

Halkaad xardhaaminayso,

Halkaad xalay ledis ka weyday,

Quwiile ha kuu qaboojo,

Malaa'ig ha kuu malmaliso,

Laguu mari sacab Malayko,

Laguu mari midigta Maxamad,

Ha dhimanneey laguma dhababo,

Dhallaanka lagaa ma waayo,

Dhadhaab adag laguma saaro,

Dharaar habartaa ma oydo,

Kalgacal waa kal iyo laab e’,

Kashkaa laga laaqiyaaye

Kalaaxad an kuugu heeso,

Maxaad weydee la waalan,

Maxaad anna ii wareerin,

Maxaad weynaade dooni,

Maxaad weyda uugu oyday,

Gardaranoow gobi ma oydo,

Garteeday sheegataaye,

Ma naaskii baa gabnoobay,

Gabnoobood godol ka wayday,

Ma geelii baa arooray,

Arooro oon ku raagay,

Ha soo galo geelu xerada,

Ha waayin ha waalaloobin,

Ha waayin labada waalid,

Ha waayin wax-siiso hooyo,

Ha waayin wax-keene aabo,

Ha waayin walaal ku dhawra,

Ilma-adeer kula olkeeya,

Ma duuloow diiriyoow wa,

Ma duuloow duco-qaboow wa,

Sedkii rabi keenayoow wa,

Maxaa kaa galay nin geel badan,

Ma gaajaad ka cabsanaysaa,”

Habboon Cabdi Muxumedv oo xusuustii hooyadeed ka hadlaysay, hadalba waxay ku soo jartay: “Intaa iga hoo wax kalena waan isku deyayaa in aan soo xasuusto.”

 

Tan iyo maalintii aan qormadan xusuusta ah la wadaagay inanta aan abtiga u ahay ee Habboon oo ah guri-danbaystii Caneb, hadba xusuus hor leh ayaa ku soo dhacaysay, markaasay ‘e-mailka’ soo laba-ridaysay. Intaa hore ee aan idin durduursiiyay haddii ay na kala gaadhay, waa tan haddana mar kale gufaacada soo celisay.

Waxay tidhi Xaajiya Habboon:

“Horto, abti hooyo Ilaahay ha u naxariisto e’ wax urur ah kuma ay jirin. Waxay aad ula socon jirtay wararka adduunka oo ay TV-ga inta badan ka daawan jirtay. Ka dibna markaanu u nimaado ayay nooga warami jirtay, annaga oo la yaabban siday wararka u qaybi jirtay. Jabuuti aad iyo aad ayay u jeclayd. Weliba deggenaanshaheeda iyo horumarkeeda. Nafteedu waxay raalli ka ahayd in ay kuleylaha u xagaa-baxdo Somaliland, gaar ahaanna Gebilay. Waxay ku taami jirtay in ay caano-lo’aad soo dhanto, hilib daray ah soo cunto, hawo caafimaad qabtana soo qaadato. Xagaagii meel ay Gebilay ku doorsataa ma jirin. Hooyo "origin-keeda" iyo halka ay ka soo jeedday aad ayay u jeclayd. Had iyo jeer waxay igu odhan jirtay inta aan noolahay Somaliland meel kale uga kici maayo. Waxaay odhan jirtay Laba-nuux oo ahayd xaafaddii ay Hargeysa kaga dhalatay iyo ila Sheedaha ayaanu orod ku tagi jirnay oo aanu Xayramad ka soo guran jirnay .

Hooyo heesaha botorkana waa ay taqaannay, waxaanan ka sii xusuustaa kuwii aan ka maqli jiray:

‘Geelu ama rin ama reen,

Ama raarta ka cawee,

Ama rimay dhex wayn noqoy,


Waxa kale oo ka mid ahaa heesihii botorka ee ay yaraantii ku heesi jirtay:

‘Cirka bari ka soo kacay,

Bari shishe ka soo kacay,

Banka dhexe biyaha dhigay,

Barkhadle weylo kala tagay,

Tus qudhuun tummaatiyay,

Haddad garato gaari baad tahay,

Haddad garan waydo goonbaar,’

Waxa kale oo heesahaa botorka ka mid ahaa oo aan hooyaday ka guntay:

‘Heestaan laba ku raawramin,

Een labana raarta loo dhigin,

Een Ruun Cali kuu heesayn,

Heeskaa raaxadii maqan,’


Ma dhammayn karayo e’ waxaan intaa hore ku kabi laa oo ay odhan jirtay:

‘Saddex way gurguurtaan,

Saddex way madoowdahay,

Saddexna way golla-caddahay,

Diinku wuu gurguurtaa,

Daa’imo-carruureed,

Daadku wuu gurguurtaa,

Baddu way madaawdahay,

Habeen wuu madaaw yahay,

Geeridu way madaawdahay,

Maalintu way golla-caddahay,

Aroosku wuu golla-cad yahay,

Dayaxuna wuu golla-cad yahay,’

Hadda weli waxa aynu maalaynaa gaaxdii Xaajiya Habboon oo si la yaab leh uga hadlaysa sidii ay u taqaannay hooyadeed Caneb Yuusuf Ducaale, waxaanay intaa hore ku kaabtay:

“Hooyo naxariistii Janno Ilaahay haka waraabiyo e’, qof shaqo badan ayay ahayd oo nolosheedii hawl ku dhammaysatay.”

Alleylehe in aanay Xaajiya Habboon midhkaa been ku sheegin. Sow Caneb ma ay ahayn Ina Yuusuf Ducaale oo Aw Yuusuf Ducaale ma dhalin. Sidee ayay hawl-kar u noqon weydaa. Bal hadda aan idin ka codsado in aad cabbaar ku yar raasukhdaan qormada kooban ee aan aabbahay iyo hooyaday ka qoray. Sow hidde-sidayaashoodii ma xanbaarsanin oo hawl-karnimada iyo shaqo-jacaylkuba dhiig iyo dhuuxba ma dhex roorayaan.

Hadda, inantii aan abtiga u ahaa ee Habboon aan ku noqdo, si ay muddaakaraadkeedii inoogu sii waddo, waxaanay tidhi:

“Hooyo waxa guriga u taallay oo ay ku shaqayn jirtay makiinnadda dharka lagu tolo ama dawaar.”

Laaxin laga jari mayo. Habboon waa runteed. Intii aan la guursan walaashay Caneb ee aanay Jabuuti u wareegin ayay hargeysa ku lahaan jirtay dawaarkaas. Waxaan aad u xusuustaa in aanu guran jirnay maryaha yar yare e ay ka jarto dharka ay toil jirtay.

Faduul baan u soo dhex galay e’, aan ku noqdo Habboon si ay meersiyo kale inoogu mariso, waxaanay tidhi:

“Ka dib 1985kii markii aanu gurigayagii cusbaa ee Gabood u soo guurnay, hooyo, waxay haddana dhistay dukaan yar oo inta nagu dhawi ka adeegato. Hooyo, nolosheedu waa ay qorshaysnayd oo wax walba waa ay ka taxaddiri jirtay. Markii Somaliland lagu soo noqday hooyo waxay ku tashatay in ay guryihii dib u dhisto oo albeergadii dib u shaqayso oo beerta qaad lagu beero waanay u suurto gashay.”

Intaa haddii ay dhegeheenna iyo indhaheennaba ku hubsatay, Habboon waxay u ambo-baxday in ay godollo ka noolayso Caneb iyo sidii ay wax u keydin jirtay oo ay ka wadatay hooyadeed Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor.

Habboon waxay mar kale ii soo qortay iyada oo mowduucan xiisaha leh ka hadlaysa:

“Guriga Gabood alaabta taalla waxa ugu da' weyn kabadh ka soo hadhay arooskii hooyo iyo aabbo ee 1961kii oo laba ferdadood oo loox ah. Hooyo waxay igu tidhi waa kaan ku guri gallay. Alaabtan immika guriga taalla ee ay hooyo kaga dhimatay, waxay u diratay Sucuudiga 1984kii oo Cali-qodaal ayaa u soo iibiyay, isagana naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.”

Haddii ay intaa tidhi, Habboon markan waxay u ambo-baxday in ay cabbaar ku hakato sidii ay hooyadeed lebbisan jirtay, xarragadeedii iyo aqoonteedii. Habboon waxay tidhi:

“Hooyo waxay aad u jeclaad subeeciyadaha oo mid ayay intan danbe huwan jirtay, haddana aniga ayaa xusuus u haysta. Waa ay xarrago badnayd, xinnahana had iyo jeer faraha iyo timaha kama ay deyn jirin. Xata cusbur ayay wejiga marsan jirtay. Marka aanu Gebilay tagno ayaan ku odhan jiray hooyo waa qabaw ee iska daa. Waxaay igu odhan jirtay weliba haddii uu roob da'o, xareedda ayaan iskaga maydhayaa.

Xarrago iyada u daa. Weligeed ma ay xidhan diric shiid ah. Marka ay i soo booqato waxa la igu odhan jiray hooyadaa waa fannaanad, tin iyo cidhib dharkeedu wuu isku eg yahay. Gurigeedu aad ayuu u nidaamsana ila hadda waxa la moodaa aroos. Hooyo waxaay jeclayd cadarka abu-fulka ah iyo fur-caddaha. Hooyo, siddeetannadii ayay farta dhigan jirtay oo dugsigal dadka waawayn ayay tegi jirtay. Xisaabta cidi kagama badin jirin. Dusha ayay wax walba ka xisaabin jirtay, aadna waan ugu bogi jiray. Quraanka ila Jus Camma waa ay taqaannay, waxaanay ka akhriyi jirtay dusha.”

Haa….amba hadda ayaan xusuustay. 1958kii ayaanu ka guurnay xaafaddii Laba-nuux ee Hargeysa oo dhismihii magaaladu soo gaadhay. Waxaanu u guurnay Biyo-dhacay, meel wax yar bari kaga beegnayd Dugsiga Hoose ee Biyo-dhacay. Waxaan si fiican u xusuustaa in ay walaashay Caneb berigaana Quraanka dhigan jirtay oo aan mararka qaarkood u marin jiray. Haa….si fiican ayaan u xusuustaa. Weliba keligeed ma ay ahayn ee waxa ay wada dhigeen jireen saaxiibaddeed oo reer Jabuuti iyaduna markii danbe noqotay. Magacii ma xusuusto, bal se hooyadeed waxay ahayd Cawo Meecaad Biciid. Waxa kale oo habar-yaro u ahaa: Xaddiyo iyo Iido Meecaad Biciid. Iido qudheedu waxay dhashay Xasan Madar oo aanu saaxiibbo ahayn, Ilaahay ha u naxariisto e’.

Raalli iga ahaada. Habboon ayaan ka baqayaa in ay igu xanaaqdo oo ay tidhaahdo:

“Muxuu abtigay hadba hadalka iiga jarayaa?” Raalli ha iga noqoto iyaduna. Bal hadda aan godolladeedii halkii idiin ka sii wado.

Waxay tidhi Xaajiya Habboon:

“Hooyo, waxay ka mid ahayd dumarkii ugu horreeyay ee ‘Driving licence’-ka ka qaatay Jabuuti 1978kii, dugsiyadana waa ay naga soo dooni jirtay. Waxay wadan jirtay Toyota qafilan oo la odhan jiray ‘Jiib’. Hooyo, qof ballaadhan oo tolka jecel ayaay ahayd, had iyo jeerna waxay nagu waanin jirtay in aannaan tolka ka bixin  oo baahada bixinno. Kelmedaha ay hal-hayska u lahayd waxa ka mid ahaa: ‘Hadalku hadduu mid yahay laba lagama dhigo,’ iyo ‘Hadh baa la ag joosadaa, ee hadal lama garab joogsado.’ Abti bal maanta intaa aan ku joojiyo wixii kalena waan soo xusuusan doonaa,” ayay Habboon qormadaana ku soo xidhay.

Haa…Lillaahi darrak! Eesh calaa gabadh! Waxaasaa xusuus iyo xurmo waalidba ah. Ilaahay ha ka abaal-mariyo Xaajiya Habboon.

Oo miyay aammusaysaa mise waxaad u malaynaysaan in qalinkeedu gudhayo. Waa tan haddana mar kale car-carta soo celinasay, ee maxay tidhi? Dhadhankeedii iyo cuntadii ay ugu jeclayd ayay ka warramaysaa. Ku-ye:

“Abti, hooyo waxay jeclayd bariiska isku- dhex kariska ah iyo hilibka huuriska ah, kaluunka iyo cadriyadda. Waxa kale oo aay jeclayd qarmacda, faro-cadda, heedda iyo laxooxda. Mararka qaarkood ayay noo samayn jirtay sabaayadda oo la isku goosan jiray. Had iyo jeer Diiriye ayaa jeclaa oo ay u samayn jirtay.”

Miyaan dhareerkii idin ka dhammaan oo aanay hammuuntii idin qaadin. Ilaahay hortii waxa isku kay sawiray walaashay Caneb oo aanu miiskii qedada wada fadhino oo cuntadii noo qaybinaysa iyada oo anigiina igu dartay carruurteedii.

Habboon aan ku noqonno. Waa Habboon oo u hollatay in ay dabeecaddii hooyadeed wax yar ka taabato. Ku-ye:

“Hooyo, sharaarad yar ayay lahayd oo way yar kululayd, laakiin calool-ku-sid ma ay lahayn. Fariid dadkeeda mid walba og, ayay ahayd oo waxay igu odhan jirtay kolba kii golmoon ha la ogaado. Hooyo, walaalaheed dhammaan waa ay wada jeclayd. Adiga (Boobe) iyo Axmad-nuurna waay ku dhaaran jirtay. Hooyo, waxay odhan jirtay anigu inta aan noolahay guri walba oo reer Aw Yuusuf ah waan geli. Kollay, hooyo carruurteeda way wada jeclayd. Diiriye, waxay u bixisay Diiriye-ogaal, waayo aad ayuu u ogaa. Anna kollay guri-danbays ayaan ahaa oo xaynkeeda ayaan inta badan ku hoos jiray. Hodan waa ay is-weheshan jireen oo guriga ayay ku wada noolaayeen.”

Ma sharaarad bay tidhi oo ay iska aammustay. Waxaan xusuustaa xilliyo aan Jabuuti iman jiray. Waxoogaaga lacagta ah ee aan sito walaashay Caneb ayaan u dhiibian jiray. Galbaha qaar marka aan baxayo ayaan ku odhan jiray: “Walaal lacagtaydii shan kun oo faran iga sii sii.” Haba odhan lahaydee! Ku-ye: “Lacagtaadu waa tee? Waar waa bilaa lacag. Sidee ayaad shanta kun ee faran odhanaysaa? Waar kunkaa qaado oo na dhaaf.” Bal adba! Waan iska dhaqaaqi jiray, iyada oo weli I sii higgaadinaysa. Kalgacal iyo lexejeclo ayay ahayd. Waxba kama xumaan jirin. Qof hadallo cad-cad oo aan dareenkeeda la gabban ayay ahayd.

Haa…..Walaashay Caneb iyada oo carruurteeda wada jeclayd, haddana shaki kuma jiro in ay aad u jeclayd Rashiid oo curadkeeda ahaa oo lagu jeexay sidaa darteedna ay Uur-doox ula baxday.

Habboon aan ku noqdo:

“Hooyo, marka ay wax maslaxayso waxay hal-hays u lahayd: ‘Nimaad neceb tahay, nimaad jeceshahay ayaa caanahaaga siiya.’

Hooyo, waxay mar walba nagu tirtirsiin jirtay in aabbo sannad walba loo duceeyo oo la xuso. Hooyo, inankayga curdeedna iyada ayaa Bulbul u bixisay oo cid waliba u taqaanno .

Qof aad u xishood badan ayaay ahayd oo ragga hableheeda qaba waay iska ururin jirtay. Ma ay socod badnayn. Waxaan danteeda ahaynna kuma ay habsaamin jirin. Hooyo, qasnad ayay ahayd oo dhayal wax kagamaad soo saarin jirin.

Dadkooda in la hadal qaado waa ay diidi jitrtay. Abti adigana (Boobe) si gaar ah ayay kuugu callaqnayd ama kuugu jeclayd. Waxaan xasuustaa maalin ay socon kari weyday oo ay igu tidhi: ‘Hooyo, kaalay Boobe cadar iyo macawiis u soo iibi.’ Safiya markay sheegayso waxay odhan jirtay Safiya-yar. Hadda waa Safiya Yuusuf Ducaale oo reerka ugu yar.”

Ilaahay ha ka abaal-mariyo. Ma hadyado ay ii keeni jirtay sannad walba. Ma macawisaa…..ma cadar baa……ma shaadhadh baa. Ilaa maantadaa aynu joogno ayay guriga ka buuxaan aniga iyo xaaskaygaba.

Waa maalin Salaasa ah, 11/10/2011ka oo aan barqadii ka soo noqday magaalada Nayroobi oo aan hawlo ugu maqnaa. Galabnimadii ayaan e-mailladii furay, mise gabadhii Habboon ee aan abtiga u ahaa ayaa ugu soo horraysa. Markiiba waan furay. Waa qormo kale oo ay kaga hadlayso waxyaabaha ay ka xusuusato aabbaheed iyo hooyadeed.

Xaajiya Habboon-yar waxay ku bilowday qormadan:

“Horto waa nabad. Waxaan maqlay inaad Nayroobi tagtay ee ma nabad timid? Intaa ka dib, abti hooyo Ilaahay naxariistii Janno ha siiyo e’, Jabuuti waxay u ahaayd dalkeedii koowaad waayo 50 sannadood ayay deggenayd. Magaalada, xaafad xaafad ayay u kala taqaannay. Hooyo qof nabadda jecel ayaay ahayd, xisbiga talada hayana waa ay taageersanaan jirtay mar walba. Mucaaridka ma ay jeclayn oo dadka ku yidhaahda waxaanu u codaynayna mucaaridka, ma ay jecleysan jirin. Ismaaciil Cumar Geele isagana waa ay jeclayd oo had iyo jeer waxay odhan jirtay wuu nabad jecel yahay.”

Waa habboon mar kale gufaaco soo celisay oo hooyadeed ku yara hakanaysa. Markanna waxay tidhi:

“Abti, horto waxaan xusuustay hooyo Ilaahay ha u naxariisto e’ in ay Jimciyad dumarka reerku samaysteen ay ku jiri jirtay oo ay lacagta ururin jirtay. Abti, hooyo waxay haysan jirtay keyd cajalado ah (audio) oo ay dhegaysan jirtay. Waxay u badnaayeen gabayo "Timacade" iyo cajalad ay ku duubnaayeen gabay abti Axmed u soo tiriyay geeridii aabo. Hooyo had iyo jeer marka ay salaadda tukato waa ay ducayn jirtay, waxaanay hal-hays u lahayd: “War-san, weedh-san, wax-san, waa-san Ilaahow noo bari. Saw- sawda wareegaysa Ilaahow naga salaamad yeel. Hooyo, waxay ku wardisan jirtay wardi haybe ah oo ayeeyo lahaan jirtay.

Diiriye buraanbur ayay u tirin jirtay, waxaanay odhan jirtay:”Hooyo waan ku duceeye dabkaa ha jiro, dad iyo duunyaba ilaah daafi kaaga yeel, sidii dhibic hooray aqalkaaga lagu dhaxaa.”


 

Gebegebada sheekada:

Waxaan ku soo af-jarayaa Qormadan kooban ee aan walaal aan jeclaa ku xusayo, weedho aan ka soo xigtay cajalad ay u diraysay wiilkeeda Diiriye Cabdi Muxumed oo waxbarasho dibadeed ugu maqnaa dalka Faransiiska. Xigashadan kooban waxaad ka dheehan karaysaan sidii ay Caneb Yuusuf Ducaale uga werweri jirtay dhibaatooyinkii nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre dal iyo dadba ku hayay. Xilligu waa 1991kii.

Si kooban oo war-galeen ah waxay uga warramaysaa magaladii Jabuuti ee ay u dhasheen, waxaanay wiilkeedii Diiriye ku tidhi:

“……Dadkii magaaladu waxaan kaaga nixiyo ma leh.” Intaa koobani waa Jabuuti iyo waayaheedii ay markaa ku sugnayd. Tabtii weriyayaasha ayay warkeedii dhowr erey ku soo koobtay.

Caneb waxay u gudubtay in ay uga warranto waayihii ka jiray dalkii la odhan jiray Soomaaliya. Hadda taariikhdu waa xilliyo ku beegnaa markii dalka ay SNM ka xoreysay nidaamkii aafada ahaa ee Siyaad Barre.

Intaa hore waxay Caneb Yuusuf Ducaale ku kabtay:

“Dhulkii wuu xoroobay.” Yaa salaam! Ma bishaaro ka weyn oo ay wiilkeeda u sheegto ayaa garanaysaan. Waa dal iyo dad xoroobay oo weliba xab iyo xinjiro bururay ku xoroobay. Maanshaa Allaa.

Caneb Yuusuf Ducaale waxay u gudbaysaa in ay wiilkeeda Diiriye uga warranto xaaladda nabadgelyo, waxaanay tidhi:

“Bari guntii baabuurka ka yimaadda ayaa Lowga (Lowyo-caddo) yimaadda.”

Ma intaas oo keliya ayay Caneb isku koobtay markii ay ka hadlaysay isu-socodka dadka iyo gaadiidka. Xaasha! Waxay raacisay xaaladda uu gaadiidkaasi dalalka jaarka ah iskaga gooshi jiray. Oo maxay tidhi:

“…..oo aan cidi la hadlayn, oo aan cidi eegayn, oo aan cidi juuq u odhanayn.”

Bal qushi-socodkaa iyo badbaadadaa ka warrama! Ilaahay iyo SNM ayaa lagu mahadiyaa. Mujaahidiintii naftoodii iyo xubnahoodii qaaliga ahaa huray ayaa lagu mahadiyaa. Oo Caneb markii ay wiilkeeda Diiriye warbixinta siinaysay miyaanay ka hadlin Mujaahidiintiiba? Sidee ayaanay uga hadal. Ma fursad Caneb oo kale dhaafi kartaa. Oo maxay tidhi:

“……Maalinkan maanta ah innammadii yar-yaraa ee S-ta (SNM-ta) ahaa, habeen kasta toban baa soo gala oo nagu soo mara halkii.”

Ilaahow yaa ogaada inta ay Caneb salool iyo faanto geesiyaashaa barbaarta ahaa ku soortay daaraddii aqalkeeda, iyaga oo markii danbena barjaha jilbaha laabtay. Waa gob iyo caadkeed, Canebna dadba ha ku darin.

Caneb Yuusuf Ducaale maxay dalkii iyo dadkii ka tidhi markan ay wiilkeeda warbixinta siinaysay:

“………..Mubaax buu dhulkii noqday. Wax kula hadlaya ma leh, wax kuu juuqaya ma leh, wax ku xidhaya ma leh, wax ku dilaya ma leh.”

Innaa Lillaah! Isha ayay ka ridday! Allow ma run! Sow tii nacabkii iyo nacaybkiiba digo-xaadha la mariyay.

Caneb iyada oo ka hadlaysa hantidii reeraha waxay intaa hore ku kartay:

“……Aqalladeennii Gebilayna rajo ma leh. Waa ay wada baabba’een baa la yidhi. Boobe wuxu yidhi waxa ka nool aqalkeennii yaraa ee saldhigga booliska ku xigay ee aynu Ilmo Maxamed Xaaji isku nabnayn iyo sekeddaa Ina Xaaji ku jiro. Wax alle yaale waxeennii kale oo dhammi waa baaba’.”

Waa runteed. Tuugna ma xado. Weliba aqalkaa Ilma Maxamed Xaaji qoyskayga ayaa dhowr sannadood ku jiray, iyaguna Jabuuti ayay degganaayeen. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Saa waa wixii reer Aw Yuusuf Ducaale. Waxay intii hore ku dartay:

“Wax reer Aw Yuusuf leeyihiin oo dhisani ma jiro.”

Markaas ayay intay duunyadii iyo daarihiiba illowday xusuusatay dadkii ku shahiiday halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran, waxaanay tidhi:

“Haddana waa qushi e’, dee dad baa raggii waayay e’ haddii aynu ka hadhnay oo raggu inoo caafimaad qabo, waxay ila tahay in aan meel la galo la waayayn.”

Allow ma run! Ilaahay ha u naxariisto dhammaan intii dal iyo dadba u shahiidday. Caneb si ay u war-geliso wiilkeeda Diiriye, waxay bilowday in ay dhulkii guud ahaan uga warranto, waxaanay tidhi:

“Dhulkiina sidaas ayuu noqday. Sidaas ayuu u rajo belay oo meel waliba u duntay.”

Sidaa ay tahay haddana Caneb Yuusuf Ducaale ma ay rajo-dhigin oo mustaqbal ifaya ayaa u soo muuqday. Ma ay quusan ee rajo iyo ididiilo ayaa u muuqday, waxaanay tidhi:

“Haddana waxba ma laha kol haddii la nool yahay. Haddii meel la huluusho la helo oo nabad lagu seexdo, dee hanti luntay iyo aqallo dumay loo ooyi maayo…..”

Garaadka iyo garashada Caneb Yuusuf Ducaale taas ayay ahayd. Sidaas ayay hadh iyo habeen u halgamaysay oo ay u nebcayd nidaamkii shacbi-diidka ahaa ee Siyaad Barre.

Caneb gob ayay ahayd…….. Garasho iyo garaacashaba waa ay lahayd……. Garab iyo gaashaanba waa ay ahayd……. Gargaar bay noo ahayd……. Guri lagu gama’aa bay ahayd…….Gogol lagu nastaa bay ahayd………Godol aan gudhayn iyo gaawe buuxa ayay noo ahayd…….Gabbood aan nacabku ka soo gudbin bay ahayd…..Gaggaab culus bay ahayd……Guurti waayeel ayay noo ahayd…..Run ahaantii Caneb, Caneb bay ahayd…….Cosob iyo ugbaad bay noo ahayd.

Haddaan Qormadan soo af-jaray, ayay Cawo Amiin Xaashi oo ay Bilan Boobe ku curatay I soo dul joogsatay. Sawirkii Caneb ayay aragtay. Ku-ye:

“Awoowo miyaanad Jabuuti tegayn?”

Anna: “Ma aniga?”

Cawona: “Haa awoowo.”

Cajaladdii xusuusta ee maskaxdayda ku jirtay ayaan dib u duubay. Waxaan dib ugu noqday 9/12/2010kii galabtii aan Hargeysa ka imid ee aan walaashay Caneb ku booqday cisbitaalkii Peltier ee ay jiiftay. Waxa mar kale maskaxdaydii ku soo dhacay hadalkii ay tidhi markii jalka caanaha ah ee lagu qulaaminayay ay diidday ee ay tidhi:

“Maya e’ caanaha Boobe u dhiga ha cabbo e’”. Ee ay haddana raacisay: “Qolkee ayaad gurigii uga gogosheen?”

Aniiga oo Qormadan sii jalleecaya oo hadalkaasi dhegehayga xaradhaamo iyo xadantaba ku hayo, ayaan Cawo jalleecay oo aan su’aasheedii ahayd miyaanad Jabuuti tegayn kaga jawaabay: “Ma Jabuuti oo aan Caneb joogin!”

 

 

Dhamaad

 

 

 

Additional information