Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Deeqa-yar iyo Murtideedii

Deeqa-yar iyo Murtideedii

(Sheeko gaaban oo dhab ah)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ama This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Waa qaybtii danbe ee 1986kii. Awaare ayaanu degganayn oo markaa ahayd Xarunta tababarrada ciidammada ee SNM. Ugu yaraan toddoba boqol oo ciidan ah ayaa markiiba lagu tababari jiray. Xilligu gu’ ayuu ahaa oo beeshu aad ayay u taallay, gaar ahaan wixii Awaare hoos ka xigay. Xilli-colaadeed ayuu ahaa oo dagaallo ka curtay dilkii bahalnimada ahaa ee Maxamed Mooge iyo ciidankii siday ayaa dhulka aad ugu baahay. Waa la kala gurtay oo Awaare ayaa ahayd goobta dhexe ee dagaalka ka caaggan, maa daama ay ciidammo Itoobiyaan ihi degganaayeen.

Maalmaha qaarkood ayaanu geel-jiraha Awaare caanaha keena la carraabi jirnay. Geel-xer ayay ahaayeen oo reero lama ay oollin. Qaab colaadeed ayay geelashu u oodnaayeen. Shantii geelba iyaga oo xeryahooda ku kala jira ayay dusha sare ood xeryaha midaysa oo kadin keliya lihi kaga oodnayd. Xeryahaa wadaagga ahaa way sinnaayeen oo saf ayay u yaalleen. Kor-joogtuna way ka sii horreysay. Baaq iyo af-garashoba way lahaayeen.

Waa meel “Qara-duug” ka sarraysay barina kaga beegnayd, buuraha “Sugumaha” loo yaqaannaana xagga bari oo kor ah ayay nagaga sii toosnaayeen. “Sugumaha” markaad aragto ama maqashoba, waxa kugu soo dhacayay “Subulaha” oo galbeed kaga beegan Tog-wajaale. Maqal iyo muuqaalba lama kala garto. Ma hubo tiro ahaan in ay is-le’eg yihiin iyo in kale. Kolleyba se qayb waliba waa dhowr buurood oo yar yar. Beri danbe ayaan ogaanayaa in jiiddan dhexe ee Hargeysa meel dusheeda ahna ay ku yaallaan “Gunburuhu”. Arabsiyo koonfurteedana waxa ku yaal “Duburaha”. Iyaba waa yaabe maxaa magacyada buurahan yar yar isu eekaysiiyay. Bal adba!

Waxaanu maalintaa wada soconnay Mujaahid Cabdillaahi oo dagaalladii dibuxoreynta qaran ku shahiiday, gaar ahaan markii Burco la galay 27/5/1988kii. Waxaan sitay: baastoolad “Brazilian” ah, “Groun-sheet”, Buraashad isku dhan oo dhowr shay oo wax lagu shubto isugu xidhnayd iyo laba buug oo midna aan wax ku qoranayay midna aan akhrisanayay. Buraashaddaa oo caag ahayd waxa lagu sameeyay dalkii la odhan jiray Jarmalka Bari. Waxay ka koobnayd: Buraashad, gaaweyto weyn iyo dhowr weel oo yar yar oo isku dhex jiray. Intaas oo dhan ayaa isku gudo-jiray oo la gelin jiray gal shiraaq ah dhexdana lagu xidhan jiray. Wadarta weelkaa wax-tarka ahaa waxa la odhan jiray “Madax-diin”, waxaana loogu magac-daray Yuusuf Jaamac Buraale oo ku shahiiday Burco 1988kii.

Subax hore, markii geelashii la dareeriyay ee la foofiyay, ayaanu ka toosnay xeradii. Nirgihii ayaa noo sii muuqday markaa aanu toosnay, odayaal geelasha ka hadhayna wixii weel laga tegay ayay ururinayeen oo meelahaa ku xasaynayeen. Ereygaa xasaynta waxaan is-moodayay in aan aqaanno. Laakiin maalintaas ayaan ogaaday in aanan si sax u aqoonin. Maalintaa ka hor xasayn waxaan u aqaannay qarin, bal se qarintaasi nooca ay tahay iima saxnayn. “Groun-sheet”-kii oo aan laab-laabay ayaan u baahday in aan ka tago. Meel aan dhigo aniga oo deydeyaya, ayuu wiil yar oo Xamse la odhan jiray oo nirgaha raacayay ii yimid. Wuxu igu yidhi: “Ma kuu xaseeyaa?” Anigiina yaabay oo Xamse-yare: “Haa”, ku idhi. Xamse intuu shiraacii iga qaaday ayuu la carar is-yidhi. Haddana intuu hakaday ayuu aniga oo sii eegaya dib ii soo jalleecay. Intuu is-taagay ayuu igu yidhi: “Waan soo xasaynayaaye, ha I soo eegine iga jeedso.” Anna waan ka sii jeestay. Xamse-yare intuu igu soo noqday ayuu igu yidhi: “Waan kuu soo xaseeyay.” Markaa ka dib baan gartay in uu Duur soo dhex dhigay.

Cabdillaahi ayaanu is-raacnay oo xaggaa bari ayaanu u dhaqaaqnay oo ay ku taallay makhaayad waab ahayd oo la guurta beeshu. Dhulku aad ayuu u nimcaysnaa oo barwaaqo ayay ahayd. Markaad keynta dhex marayso manka geedaha ka baxay iyo habeedda geela ayaad sanka la raacaysay. Waa maxay foodhida canbuusha iyo jiiqda dhirta ka baxaysaa. Dhegaysiga dhawaaq-sankaa ayaa daal-bax noogu fillaa. Hadba burciid cad oo daadkii xalay goglay ayaad kabaha la maraysay. Degel laga guuray markaad soo martaba, saa waa digadii iyo qoryo yar yar oo ku milmay oo seer-seeran oo is-daba yaal. Waa maxay Digirin-kuruska xayn-xaynta u socda ee hadba sanqadha tallaabada ku didayaa.

Cabdillaahi xagga makhaayadda ayuu u kacay. Aniguna geedo Bilcil ah oo afka is-gashaday ayaan hoos fadhiistay. Tigaadda meesha ka baxday waa maxay! Markaad ku jiifsato malaha habeen wax ku dhow ayaad dhulka u sii dhaxaysay. Buuggii ayaan la soo baxay oo aan bilaabay in aan akhristo.

Aniga oo iska baraad la’ oo Buuggii ku maqan, ayaa waxa I soo galay maqal sunsumaysay. Dhabarka ayaan markaa u jiifay. Inta aan kor u soo toosay ayaan hareeraha eegay. Saa waa maqashii oo is-daba socota. Gabadh yar oo ul sidata ayaa daba joogta. Waxay xidhnayd toob buluuki ah oo satan ah. Da’deeda waxaan ku qiyaasay ilaa toban jir. Markii ay I aragtay ayay is-taagtay iyada oo yaabban. Way yar xishootay oo afka ayay gacanta saartay.

Bariidiyay. Si wanaagsan oo edeb iyo xishoodba leh iiga qaadday bariidadii. “Adeer magacaa”, ayaan ku idhi. Iyada oo foorarta oo farta qaniinsan ayay iigu jawaabtay: “Deeqa.”

Horaa loo yidhi: “Ninba meesha bugtaa isagay belbeshaa.” Markaanu sidaas oo kale geelasha u soo booqanno dhowr maalmood ayaanu joogi jirnay. Caanahaa geela ayaa la durduuran jiray. Habeenkoo dhan inta hadba hal loo yeedh-yeedho ayaa la godli jiray oo hadhuubbada higaagmay nalagu soori jiray. Mararka qaarkood madaxa ayaanu dhigan jirnay oo sidii carruurta ayaanu miran jirnay. Markaanu ka qaraarno ee diidno, geel-jiruhu wuxu ku dhawaan jiray in uu ul noo qaato oo dhama na yidhaa. Reer magaal ayaanu iska ahayn oo markaaba caloosha ayaa na dhaqaaqi jirtay, meel loo kor-tagaana ma jirin oo intaas oo oodood lama guri karayn. Nolosha ayaa sanqadh-tirasho iska ahayd, mar haddii dhinaca dhulka la dhigona nimanka geela leh ee aanu martida u ahayn sanqadha iyo geela oo dida ma ay jeclayn. Sanqadha caynkaas ah oo keeni jirtay geela oo didaa, waxay dareen gelin jirtay geelasha hareeraha ka xiga, wax la yaab lehna ma ahayn in aad xabbado la ridayo ku war heshaa.

Markaa aanu Deeqa-yar wada joognay waxa xiskayga miranayay sidii aan caano ciir ah u heli lahaa. Dadka waaweyn in aan weydiiyona waan ka xishoonayay, Deeqa-yar qudheeda in aan weydiiyo, waan ku dhici la’aa. Waxaan ka baqanayay haddii aan weydiiyo in ay reerkii tagto oo ay ii sheegto oo ay tidhaa: “Ninka geedkaa fadhiya ayaa ciir ii soo dirtay.” Aad ayaan u tallamay oo tashiga ugu raagay.

Deeqa-yar, meel agtayda ah inta ay iska soo fadhiisatay ayay daawashadaydii ku raagtay, ushii galoolka ahayd ee ay sidatayna agteeda ayay dhigatay. Daymadeedu waxay u badnayd Buraashaddii aan kala furfuray. Iyada oo iska kay eegaysa ayay hadba taabo is-tidhaahdaa. Haddana way ka waabataa. Maqashii hadba way sii yar durkaysaa, Deeqi se ma dhaaddana oo maaweeladeedu waa aniga iyo Buraashaddaydii.

Cabbaar markaan arrinkii rogrogay, ayaan go’aansaday in aan dhiirrado oo Deeqa-yar weydiiyo in ay reerkii ciir iiga keento. Il-bidhiqsiyo gudahood ayaan hadalkii aan ku odhan lahaa isku hagaajiyay oo madaxayga ku raseeyay. Markaan hadalkii u holladay ayaan haddana is-qabtay. Waxaan is-idhi: “Wallaahi, ciirtaada mooyaane in aad naftaada iyo Jabhaddaba magac-xumo u soo jiidiye, iska aammus.” Mararka qaarkood, waxa aan is-lahaaba Deeqa-yar way kugu qosli doontaayoo intay afka gacanta saarto ayay orod is-dhigi doontaa iyada oo qaylinaysa oo ku celcelinaysa: “Hayaay.hayaay bal ninkan weyn ee ciirta doonaya eega.” Tallanku wax iskaga kay dhashay ma ahayne, wax badan baan ciirtaa uga soo joogay. Reer miyigana dalbashada ciirtu dhadhan aanu reer magaalku dhaaddanayn ayay u leedahay.

Xanuun iyo xanaf badnaydaa. Geel jeelay kama aan duwanayn. Waxa weliba intaa ii dheeraa werwerka aan ka qabay caanaha liska ah ee caawa marka aanu xeradii ku noqonno nalagu soori doono iyo calool-dhaqaaqa xigi doona ee weliba meel loola kor-tagaa aanay jirin.

Deeqa-yar, markan way qalo-baxday oo inta ay soo dhiirratay oo ii soo dhawaatay, ayay bilowday in ay Buraashaddii hadba shay kor u qaaddo oo taataabato. Kolba su’aal ayay ii weydiinaysaayoo inta ay kolba mid kor u qaaddo ayay igu leedahay: “Kanna ama tanna waa maxay.” Markaan xaqiiqsaday in aanay iga qaloonayn oo saaxiibtinnimo unkantay urtayadiina is-oggolaatay, ayaan inta aan si wanaagsan u soo hankaabsaday, go’aansaday in aan Deeqa-yar ku dhiirrado.

Inta aan ku soo yar durkay ayaan gacantaydii midig garabkeeda saaray. Way soo jeedsatay oo xaggaygii ayay soo jalleecday. Maqashii aad noogama dheeraan oo naqa dhulka ku yaallay awgii madaxaba kor uma ay qaadin.

“Deeqa, adeer ciir maad I keeni”, ayaan ku idhi aniga oo yar cabsanaya. Iyada oo faraxsan ayay iigu jawaabtay: “Maqasha ayaan soo dareeriyaye, immika ayaan guriga ku noqonayaayoo aniga ayaaba lulaya oo waan kuu keenayaaye, maxaan kuugu soo shubaa.” Neef ayaa iga soo boodday. Aniga oo aan is-ogeyn ayaan Buraashaddaydii jalleecay iyada oo kala taal. Gaaweytadii ugu weyneyd ayaan u dhiibay, aniga oo raaciyay: “Tan iigu soo shub, adeer.”

Way iga qaadday. Is-taagtay, iyada oo hollatay in ay dhaqaaqdo. Intii aanay dhaqaaqin ayaan haddana is-idhi: “Toloow, in burcad ah may kuu soo raacin.” Tashi iyo tallan kii hore ka badan ayaan galay. Weliba markan waxa igaga sii daran, Deeqa-yar oo taagnayd oo dhaqaaqaysay, illeyn markii hore way ila fadhiday oo waqti aan arrinka ku rogrogo ayaan haystaye. Kol haddii codsigii hore la iga aqbalay, waxaan go’aansaday in aan kan danbena ku dhiirrado.

Sidaa markii ay u sii jeedsatay, ayaan haddana ku idhi: “Oo Deeqaay, adeer in burcad ah maad ii soo raacin.” Inta ay yar qososhay, ayay iigu jawaabtay: “Haa waan kuu soo raacin.”

Waqti aan badnayn markii ay iga maqnayd, ayay igu soo noqotay iyada oo qun yar socota oo si feejignaan leh cagta dhulka u dhigaysa oo gaaweytadii dhaqdhaqaaq iyo janjeedhsi midna aan u oogolayn. Qun-yar socodkii iyo indhaheedii ku mudnaa gaaweytadii ay sidday ayaan ku gartay in ay soo buuxisay. Inta aan is-taagay ayaan isu diyaariyay sidii aan uga guddoomi lahaa. Ii dhiibtay, anna qalbi furan kaga guddoomay.

Waa gaaweytadii oo daf ah. Kaaga darane badh iyo badh ayay ahayd. Burcadka iyo ciirtaa is-le’ekaa. Miyaanay naxdiniba iga dhammaanayn. Cabsi iyo werwer ayaa igu habsaday haddana, oo markanna Deeqa-yar ayaan u baqay oo ciirtu waxba ma ahayne, waxaan is-idhi burcadkaa loo qabsan doonaa illeyn reerka wixii haanta la lulayo ka soo baxaa wuu u qiyaasnaaaye.

Deeqa, geedkii aan fadhiyay ayaan kaga tegay oo sii fadhi ayaan ku idhi. Xaggii makhaayadda oo qof dumari jeeble yar oo dhulka goglan ay ku haysatay ayaan u kacay. Labaatan shilin oo nacnac ah ayaan Deeqa u soo iibiyay. Geedkii ayaan ku soo noqday oo Deeqa ayaan nacnacii guddoonsiiyay. Iyada oo qoslaysa isla markaana yar xishoonaysa oo foorarta gacantii bidixna wejiga ku qarinaysa, ayay iga qaadatay.

Dhaqaaqdii ay is-tidhi, ayaan joojiyay. “Deeqa, adeer, magaaladii Hargeysa maad ii raaci aan iskuulka kugu daro e’”, ayaan ku idhi. Si kalsooni iyo dhiirranaanba leh inta ay dib iigu soo jalleecday, ayay igu tidhi: “Oo haddii aad I kaxayso oo aan ku raaco, yaa adhiga maqasha u dhigaya?”

Naxdin iyo af-kala-qaad ayay igu noqotay, waxaana igu soo dhacday odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: “Xil dhallaan gartay weynaa.”

Additional information