Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Jabhadayntii Af-Soomaaliga

 

Jabhadayntii Af-Soomaaliga

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Waa xilliyadii wax-saareenka. Xilliyadii rafaadka iyo raxan-raadka. Raranka iyo raaf-caddaadka. Xilliyadii caqliga loo dhiibay caaro-dhuubtii aan waxba reebin. Xilliyadii caragsiga iyo dhafoor-taabadka. Waa xilliyadii babac-dhigga iyo rogaal-celiska. Waa xilliyadii loo qalab-qaatay in la iska rogo heeryada nidaamkii dal iyo dadba aafeeyay.

Waa la is-abaabulay. Colal baa la dumay. Dab iyo daab-cadba waa la qaatay. Magaalooyinkii waa la isu dacareeyay oo waa laga dhaqaaqay. Dad iyo duunyaba miyi ayaa la durraansaday. Go’aan wadari leedahay ayaa lagu gaadhay in sannadkaa heeryada gumeysiga la iska rogo. Waa la isu habar-wacday.

Alleylehe, haddii colalkii la soo dumay loo xeero-ooday, saa meel duleedka ah waxa soo joogsaday Af-Soomaaligii oo oodihiisii iyo dhigihiisii wata.

Ku-ye: “Colalka baxaya ee duulaya ha la igu daro.” Yaab iyo dheygag ayay dadkii dhabankii gacantii ku engegtay. La-ye: “Oo adiguna yaad ahayd?” Ku-ye: “Miyeydaan I garanayn in aan Af-Soomaaligii ahay.” Colalkii ayaa yaabay. Dib ayay isugu noqdeen. Waxay is-weydiiyeen in ay Af-Soomaaligoodii wataan iyo in ay ka yimaaddeen. Waxay xaqiiqsadeen in aanay dhinacaa ka soo diyaar-garoobin oo ay Af-Soomaaligii caadiga ahaa ku hadlayaan. Farta ayay dhexda ka qaniineen iyaga oo isku leh: “Illeyn xaggaa diyaarba kama aynu ahayn. Maxaynu weerar qaadnaa afkii aynu ku wada hadli lahayn wuu inaga maqan yahaye.”

Af-hayeenkii ciidanka Af-Soomaaliga ayay dib ugu jeesteen. Waxay weydiiyeen in uu u soo diyaar-garoobay dagaalka loo ololaynayo oo Af-Soomaaligii lagu geli lahaa soo diyaarsaday. Af-hayeenkii Ciidanka Af-Soomaaliguna wuxu ugu jawaabay in uu diyaar yahay. Colalkii weerarrada qorshaystay ayaa isku raacay in ay weydiiyaan su’aal ay ku hubsadaan in ay colalka Af-Soomaaligu diyaar yihiin iyo in kale. Waxay ku yidhaahdeen, si aad noola dagaal-gasho maah-maahaha ma gashay. Af-hayeenkii ayaa ugu jawaabay: “Haa waanu gallay oo weliba nala diiwaan-geliyay.” Af-hayeenkii waxay ku yidhaahdeen bal noo sheeg maah-maahaha mid aad ku leedahay. Wuxu ugu jawaabay af-hayeenkii: “In kasta oo ay arrintu kedis nagu ahayd, maah-maahaha ilaa hadda aanu isla meel-dhignay waxa ka mid ah: ‘Jid ma la martay, jabad ma la degtay, jidiin ma la cuntay oo JABHAD MA LA NOQOTAY.”

Intaas oo keliya kuma aanu deynine: “Guddi-hoosaad arrinkaa baadhis ku sii sameeyana waanu u saarnay”, ayuu ku ladhay. Ergadii Af-Soomaaliga mid ka mid ah ayaa af-hayeenkoodii gujiyay oo ku yidhi: “Ku dar maah-maahda aynu sigaarka u sameynay.” Af-hayeenkii ayaa madaxa gacanta saaray oo yidhi: “Waan illoobay. Haa…..maah-maahaha kale ee aanu diyaarinnay waxa ka mid ah mid aanu sigaarka u samaynay.”

Colalkii darbanaa ayaa sugi kari waayay inta uu u sheegayo oo la soo booday: “Oo taasina maxay odhanaysay?” Markaas ayuu af-hayeenkii wuxu u guud-maray cabashooyinkii sigaarka ee daarranaa cimri-gaabnida baakidhka oo aan maalinba gaadhi jirin. Wuxu ka sheekeeyay in ay sii oddoroseen in Jabhadnimaduna cimrigiisa sii koobi doonto oo ay xataa maah-maaho u sii sameeyeen sida: “Ma goosarad xabaal taal ayaan noqday!” Waa marka cimrigiisaba lagu soo koobi doono il-bidhiqsiga la furo iyo tuutristiisa oo is-xigi doona.

Colalkii weerarka u darbanaa ayaa arrimihii af-hayeenku la yimid ka mabsuuday. Af-hayeenkii oo aad ula dhacsan sida loogu bogay, ayaa isaga oo is-mahadinaya oo saaxiibbadii il kalgacal leh ku eegaya, yidhi: “Ma intaas oo keliya ayaad moodaysaan, tamuuxaa iyo ciiddaa camaarrey ka badan. Maanta oo dhan haddii aanu wadno, ka dhammaan meyno. Maxaad moodaysaan ma in aanu ciyaar idiin la nimid!.”

Haddii intaas la is-weydaarsaday, ayuu colkii soo gaadhay oday tukubayay oo ka tirsanaa ergada Af-Soomaaligu. Mid ay saaxiibbo yihiin ayaa si kooban ugu guud-maray sheekadii. Odeygii ayay shalay ma aha e’ dorraad ka tagtay. Inta uu labada dhinac dadkii ay wada socdeen u kala riixay, ayuu colalkii weerarka u darbanaa foolka saaray oo si cadho leh ugu yidhi: “Waar miyeydaan maqlin dardaarankii Salaan Carabey ee ahaa: ‘Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jaro e’. Haddii aad ku tashateen in aad afka la’aantii dagaal tagtaan, marka hore ayaydaan tashan dagaalkuna sal idin ka ahayn.”

Colalkii dagaalka u darbanaa ayaa qosol jaanta-wadhay oo af-hayeenkii mar ku wada yidhi: “Waar ina keena raggeedii ayaad tihiine.” Markaas ayaa inta gacmaha la is-qabsaday, heesihii halganka hadba mid la soo gundhiyay. Waa maxay luuqda iyo jiibta isku dhacday. Idiin ma wada marin karayo e’, waxaan ka sii xusuustaa:

“Shahiid weer soo xidhiyo,

Wedkii Faqashtaanu nahay,”

Iyo:

“Dhuxul danbas huwan ku dhac,

Car wir ku dhac,

Dhallintii halgamaysay,

Dhiirranayaasha,

Qoriga dhuunta loo saaray,

Dhiirranayaasha,

Beebbeega ka dhuuman waayay,

Dhabbacan waayay,

Baroonka ka dhuuman waayay,

Dhabbacan waayay,

Dheg-xumo-diide is-dhiibi waayay,

Dhagaxa tuuraayay,

Sida dharaarta Gaas-dhegoole,

Magacii ha dheeraado,”

Ma sidii ay heestaa danbe ee Cali Sugulle Dun-carbeed u kala roganayeen, iyaga oo mararka qaarkood jiibta raacinayay rasaas ay cirka u ridayeen. Waa maxay mashaxaradda ka dhacaysay hadba reerka ay dul marayaan. Meelaha qaarkood hablihii ayaa dhexda xidhay oo colalkii darbanaa laga reebi kari waayay. Waa maxay baroorta iyo muusannowga isku darsamay.

Qaar colalkii ka mid ahaa oo kalgacalku saldhigyo ku lahaa beerkooda ayaa dhulka is-daadiyay sidii wax waran lagu taagay oo taah iyo ilmo isku daray. Waxay is-lahaayeen reeraha ha la idin kaga tago oo aad hablahan mashxaradaya u hadhaan. Miyaan la jiidin kuwii oo indhuhu jallecadii la dheeraadeen.

Sidii ayay ku oggolaadeen in ay ka qayb-geliyaan dagaalkii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran. Bal aynu haddaba tusaalayaal kooban ka soo qaadanno qaabkii iyo hannaankii Af-Soomaaligu u jabhadeeyay ee uu ula jaan-qaaday halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran. Waxa kaaga daran siduu u tarmay ee uu u beekhaamay ee loogu kala adeegsaday qaybihii kala duwanaa ee nolosha iyo dagaalkaba.

Goor barqo ah oo aanu ka toosnay dugsi aanu xalay seexannay, ayuu na soo hor maray “Xabaal-mari-waa” oo kabna lulaya kabna laallaadinayaa. Aniga iyo “Xabbaddii-dhuunta” ayaanu ahayn. Indhaha markii aanu ka qaadnay, saa waa ninkii “Xabaal-mari-waa” oo gu’iina cumaamatay, buste haylo noqdayna dhulka jiidaya. Labadayadii ayaa ku murannay: “Wuu ka dhigay, baf baa ku jirta iyo bac baa beryahanba ku xidhnayd.” Annaga oo weli murankii haynna ayaa waxa na soo dul-joogsaday “Taangi-liqe” oo Dul-cad ka yimid. Ku-ye: “Ma ‘Xabaal-mari-waa’ ayaad ku murmaysaan, waar waxba kuma dhicine, tan iyo intii wefdigu xerada yimidba silsilad iyo sanqadh baa u baxaysa e’, waxba ma qabo.”

“Xabaal-mari-waa”, wuxu ahaa Taliye-kooxeed yaraantiisii magaalada ku koray bal se aan waxbarashadiisii dhammaysan. Iyaga oo murankii weli ku jira oo ku dhilaya “Xabaal-mari-waa” ayay mar keliya ku hanbabareen maam-qaaddiisii oo dul taagan. Waa ay ka naxeen. Bal se, “Taangi-liqe” ayaan hadalkiisii joojin oo halkii ka sii watay. “Xabbaddii-dhuunta” ayaa ka xanaaqay dareen-la’aantiisa. Ku-ye: “Ninkaana waxaan ku nacay ammaanka ayaa mar walba u furan markaasuu weliba fadhdhaqda geeyaa.”

Qaybtii labaad

Additional information