Taariikh-nololeedkii aabbahay iyo hooyaday oo kooban

Aabbahay wuxu ahaa Aw Yuusuf Ducaale Caynaan oo ahaa ganacsade yar oo aanay hayntiisu sidaa u badnayn.

1907KII – 1964KII
(SAWIRKA WAXA LAGAGA QAADAY TASWIIRLIHII
CALI QOWDHAN EE HARGEISA 1962KII)

Bar, beer iyo xoolaba wuu lahaa oo waxa uu deggenaa meesha la yidhaahdo Ijiwaaji oo magaalada Gebilay kaga beegan koonfur. Waxaan garaadsaday isaga oo hudheel yar oo hilibka geela lagu kariyo laguna iibiyo ku leh magaalada Hargeysa meel ku dheggaan masaajidka macallin Jaamac ee xero-hadhuudhii hore kaga beegan koonfur-galbeed. Nin Cali-toor la odhan jiray ayaa ka mid ahaa dadkii ay hudheelladaa wada lahaayeen ee ay saaxiibka ahaayeen. Hudheelladaa yar yar waxa loo yaqaannay Buraanlayaasha. Beryihii danbe wuxu u guuray Gebilay oo uu ku lahaa dukaan yar oo uu haystay ilaa markii uu dhimanayay oo ku beegnayd badhtamihii bishii Abriil ee 1964kii. Doorashadii 1964kii wax yar ka dib ayuu dhintay. Wuxu ku dhintay cisbitaalka lacagta (Payment Ward) ee Hargeysa waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa xabaalo ku oolli jiray meel ka tallowsan laagta yare e bariga ka xigta Dugsigii “Shacab Girls” oo hadda lagu magacaabo Gacmo-dheere.

 

Dadkii caanka ahaa ee xabaalaha lagu aasay waxaan ka sii xusuustaa hal-abuurkii waddaniga ahaa ee Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay “Barkhad cas” oo halkaa is-na lagu aasay 2/1/1962kii. Goor casar dheer ah ayaa “Barkhad cas” halkaa lagu aasay. Waxaanu kubbad ku ciyaaraynay garoonkii ku oolli jiray halkii calankii Soomaaliyeed laga taagay 26kii Juun 1960kii. Markii aanu aragnay meydka la sido cabbaar ayaanu kubbaddii joojinnay annaga oo weydiinnay qofka meydkiisii la sido, waxaana naloo sheegay in uu ahaa “Barkhad cas”. Waa aaskii Cabdillaahi Qarshe ka dul qaaday heestii caanka ahayd ee “Waa ayaanba ayaan”.

Waxa kale oo hal-doorka xabaalahaa ku aasan ka mid ah Sheekh Ibraahin Xujaale oo ahaa foolaadka culimadii waaweyneyd ee dalka, gaar ahaan Hargeysa. Dhammaantoodba Ilaahay ha u naxariisto.

Aan wax aan badneyn dib ugu noqdo aabbahay iyo sidii uu u dhintay. Qiyaastii maalmo ka hor ayaanu ka saarnay cisbitaalka guud oo uu ku jiray maalmo. Sidaa ugama war qabin xanuunka uu u jiifay. Gebilay ayaan ku celiyay oo aniga ayaa sii qaaday. Guri aan dukaankiisii ka fogayn oo ka soo hor jeeday masjid jaamaca Gebilay ayaa la dhigay. Waxa la joogtay mid ka mid ahayd xaasaskiisii oo ahayd Aamina Cumar Abu-shanab oo daaddahaynaysay Maxamed Aw Yuusuf oo ahaa wiilka keliya ee ay u dhashay. Haddii uu halkaa dhowr maalmood jiifay ayaa haddana dib loo qabtay. Hargeysa ayaan ku soo noqday oo waxaan u tegay Maxamed Ismaaciil Dunbuqe oo ay Axmed Yuusuf Ducaale ooryo-walaalo noqdeen markii danbe ahaana sarkaal ka madax ahaa xafiiskii shaqaalaha ee dawladda oo la odhan jiray “Establishment”-ka. Baabbuur Land-rover ah oo “series one” ahaa oo qafillaa ayuu I siiyay. Sidii ayaan ku soo qaaday aabbahay oo aanu qaybtii lacagta ee cisbitaalka guud u dhignay. Malahayga laba iyo saddex maalmood markii uu yaallay ayuu subax hore dhintay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ markii danbe waxa la ii sheegay in uu u dhintay “Joonis”.

Muslin taqiya oo aan salad salad ku darin ayuu ahaa. Intii aanu reerka yeelan aabbahay wuxu fursad u helay in uu diinta barto, isaga oo ku danbeeyay Medresadihii Harar oo uu aqoontiisii diineed ka sii watay. Waxa igu maqaale ah in awowgay Ducaale Caynaan qudhiisu Qotada joogi jiray muddo noloshiisii ka mid ah. Marka uu hudheelkiisa cuntada ka miisayo iyo mararkii uu dukaanka iibin jirayba, salliga Nebiga afka kama qaadi jirin. Qaadka aad uma cuni jirin kamana maqnaan jirin. Barqadii Ijibane aan badnayn ayuu cuni jiray, duhurkana wax aan sidaa u sii badnayn. Wuxu ahaa dadka sida laxaadka leh shaqada u jecel ee hawl-karka ah. Hawsha iyo shaqada kama daali jirin. Si laxaad leh oo dhakhso badan ayuu u tallaabsan jiray oo wuxu ahaa dadka socodka ku dheereeya. Marka uu socdo ee uu agtaada marayo waxaad moodi jirtay in dabeyli ku dhaaftay xawliga uu ku socday dartii. Waxaad ku war heli jirtay macawista oo baf…baf..bafta haysa. Waxay ku dhawaan jirtay in ay kala dillaacdo. Wuxu ahaa nin midabka casaan xiga oo wejiga furuq-doon ku lahaa. Wuxu lahaa golxo aan sidaa u sii weyneyn. Marka uu tallaabsanayo cagta si toosan ayuu dhulka u dhigi jiray isaga oo cidhibta ku horreysiin jiray. Qosolka wuu ilko caddayn jiray oo aad uma qosli jirin. Doob weyn oo cunihiisa ka soo yar taagan ayuu lahaa oo marka uu qoslayo noq-noqota. Fanax aan weyneyn ayuu lahaa. Dhaqan ahaan wuxu qaadan jiray macawis, shaadh, cumaamad, koofiyad iyo kabo sandhal ah.

Iyaga oo meel gubanka ah deggan oo ‘Cadayga’ la yidhaahdo ayaa Furuq ku dhacay beeshii oo dhan. Dad badan ayaa halkaa ku madhay oo qayb badan oo ka mid ahi ay ka tirsanaayeen Reer Caynaan Samatarkii aabbahay ka dhashay. Reer Ducaale Caynaan, gaar ahaan Bah-Meydhan oo aabbahay ka dhashay waxay ahaayeen 11 qof. Waxay ahaayeen sagaal wiil iyo laba hablood. Bah-Meydhan cudurkii Furuqa waxa ka kacay: laba wiil oo kala ahaa: Nuux iyo Aw Yuusuf, iyo laba hablood oo kala ahaa: Caasha iyo Faadumo.

Maalmihii aan Gebilay kula noolaa oo inta badan fasaxyada dugsiyada ahayd, dukaanka ayaanu wada geli jirnay. Cuntada halkaas ayaanu ku karsan jirnay. Dukaanka ayaan habeenkii dhex seexan jiray. Inta badan habeenkii wuxu Gebilay ka tegi jiray ilaa saacad ka dib marka uu cishaa’iga ku tukado masaajidka oo naga soo hor jeeday. Tooj ayuu sii qaadan jiray, waxaanu u hoyan jiray Ijiwaaji oo reerku yaallay beertuna ku taallay. Haddana subaxdii ilaa toddobbada subaxnimo ayuu dukaanka igu garaaci jiray. Miyi iyo magaalo midna hawli kagama baaqan. Maalmaha qaarkood ayaan Ijiwaaji u raaci jiray. Hadba dhakhsaha uu ku socday inta uu iga go’o ayuu I yar sugi jiray oo marka aan soo gaadho haddana iga dheereyn jiray. Waxa xusuus gaar ah iga mudan maalin aan 1992kii carruurtayda la lugaynayay meelihii aanu aabbahay wada lugayn jirnay. Sidii dhaqanka noo ahayd Ijiwaaji iyo beertii ayaanu ku soconnay. Wiilashayda maalintaa ila socday waxa ugu weynaa Caynaan. Waxaan uga sheekeeyay sidii aanu aabbahay halkan u wada lugeyn jirnay ee uu hadba geed igu sugi jiray. Caynaan ayaa maalintaa hadalkii holladay. Ku ye: “Aabbo marka aad dhimato ayaanu carruurtayda halkan wada lugayn doonnaa oo aan uga sheekayn doonaa in aynu halkan wada lugeyn jirnay sidii aad adba aabbaha u wada lugeyn jirteen.” Run ahaantii waan yar naxay. In aan hadlo ayaan holladay, haddana waan iska aammusay. Weli waan xusuustaa hadalkii marka aan meeshii marayaba. Ijiwaaji waa degmo-beereed magaalada Gebilay kaga beegan koonfurta oo u jirta ilaa siddeed kilo-mitir.

Aabbahay beerta inta badan isaga ayaa ka hawl-geli jiray. Aniguna maalmaha aan fasaxa ahay waan la shaqayn jiray. Waxba ma qodi aqoonnin laakiin mararka qaarkood dibida ayaan u san-wadi jiray. Mararka qaarkood dibida ayaan daba socon jiray oo hadba halka ay irfidu marto ayaan gaantayga iyo xarfada ka guri jiray. Marka odeyga barqada loo keeno shaaha qudheeda dibida ayaan soo waraabin jiray oo laagta Ijiwaaji ayay beertu dacalka woqooyi ee hoose ku haysay. Galabtii marka uu meerarka dibida ka furo aniga ayaa daajin jiray. Xilliyada qaarkood ayuu igu soo noqon jiray si uu ii kormeero isaga oo werwer ka qabay in aanan si wanaagsan u daajin dibida. Galab galbahaa ka mid ahayd ayuu dib iigu soo noqday si uu ogaado xaaladdii dibida. Aniga qudhaydu duunka hoose ee aabbahay waa aan ka war qabay oo si wanaagsan ayaan dibida u daajin jiray. Aniga oo soo-noqodkaa ka cabsi qabay ayaan dibida daajinayay faagga beerta oo dooggu aad uga baxay maa daama xoolaha biqilka laga ilaaliyo. Ul yar inta aan goostay ayaan xaggii biqilka iska taagay labadii dibi. Si wanaagsan ayay u dhergeen. Aabbahay markii uu I soo booqday dibi xaraash ahaa oo Xoogsade la odhan jiray ayuu salaaxay, ka dibna wuxu igu yidhi: “Oo aabbo illeyn nin xoolo-og baad tahay.” Ilaahay ayaa ogaa sidaan maalintaa hoosta uga farxay illeyn nin aabbihii xoolo-ogida billad ku siiyay ayaan ahaaye.

Waxaan xusuustaa galab uu iigu yimid beerta aniga oo weylihii ilaalinaya. Gebilay ayuu ka yimid waxaanu ii keenay oo I siiyay qeyd ‘maraykaan’ ah si aan habeenkii u huwado. Wuu iga tegay oo xaggii reerka ayuu u dhaqaaqay. Qaalin yar oo dhiin ahayd oo weylaha ku jirtay oo cawarreyd ayaan qeydkii xakame uga dhigay oo aan fuulay. Usha ayaan ku dhuftay. Inta ay boodday oo cabbaar aan saarnaa ayay bohol lug la gashay oo aan ka dhacay. Show intan aan saarnaaba qeydkii ayay calaalinaysay oo laba u kala go’ay. Talo ayaa igu caddaatay. Waqtigii aan weylaha xerayn lahaana waa uu igu soo dhawaaday. Qeydkii oo laba qaar ah ayaan beertii ku aasay. Kama aan fekerin halka aan ku aasayo. Waxaan ku aasay beerta intii aan qodnayn. Subaxdii ayuu aabbahay dibidii soo meeraray, mise irfidii ayaa markiiba soo saaratay qeydkii cusbaa oo laba qaar ah. Miyaanu odeygii cabbaar dullihii dibida ila daba cararin.

Aabbahay inta aan xusuusnahay weligii inta uu gacan ii qaaday ima dilin. Weligii hadal xun ima odhan igumana xanaaqin, aniguna ninka weligiiba kor u eegay ma ihi. Ifka inta aan kula noolaa maalin la sawirayay ayaaan wejigiisa ka bogtay. Haddii laga tegi waayo maalin Jimce ahayd oo aanu masjid jaamicii hore ee Hargeysa ku wada tukannay ayuu aniga oo aan maqlayn show cabbaar ii yeedhay. Anna maba maqlayn. Xaafaddii markii aanu qedadii isugu nimid ayuu si kulul iigu yidhi: “Waar maxaad ii diidaysay markii aan kuu yeedhayay.” Ifka intii aanu wada joognay hadal xun oo uu I yidhaahdaa kaas ayuu ii ahaa.

Habeenkii marka aanu sariirta wada seexanno intaa gacmahayga iyo labada dhudhun ee lugaha ayuu hadba mid qaban jiray oo ka buuxsan jiray. Waxaan is-odhan jiray malaha in aad naaxday iyo in aad muruqyo yeelatay ayuu eegayay.

1915KII – 1999KII
(SAWIRKA WAXA LAGAGA QAADAY TASWIIRLE NIN TALYAANI AHI KU LAHA MUQDISHO 1967KII)Hooyadayna waxay ahayd Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor Axmed. Hooyaday waxay ku dhalatay kuna kortay magaalada Hargeysa. Qof wanaagsan ayay ahayd. Maa daama aabahay xilli hore dhintay, waxay ahayd xudduntii isku haysay qoyska. Waxay ahayd qof tolka iyo xigaalkaba aad u soo dhaweysa oo ku fiicnayd isku-xidhka. Baaho iyo bukaan midna kama ay maqnaan jirin. Dhowr arrimood ayaan aad ugu xusuustaa oo weliba aan is-leeyahay qaarkood waa aad ka dhaxashay, aniga oo aabbahay qudhiisa wax badan ka wata. Waxyaabahaa astaanta gaar ah leh ee aan hooyaday ku xusuusto waxa ka mid ah:

Sidii ay wax u madhxin jirtay ama u beekhaamin jirtay. Waxaan si fiican u xusuustaa aniga oo xaas leh oo Muqdisho deggenaa in ay noo timid oo ay guriga nagula nooleyd. Waa ilaa 1978kii xilli ku beegnaa. Maalin kasta raashinka la soo iibiyo ayay wax yar ka cantoobi jirtay oo meelo kala gaar ah ku shubi jirtay. Marka ay ururiso ayay malahayga tobankii cishoba laba maalmood xaaska ku odhan jirtay intan karsada oo waxba ha soo iibin. Aad baan ula yaabi jiray dhinaca kalena ugu bogi jiray.

Waxa ay ahayd qof Ilaahay curin iyo hal-abuurba siiyay. Waa marka hore e’ waa ay buraanburi jirtay in kasta oo ay ku koobnayd maansooyin shakhsiya ama qoyskaba saamayntooda ku lahaa. Mar labaadkana waxay ahayd qof ku xeel-dheereyd samaynta agabka Soomaaliyeed sida kuwa guryaha lagu dhisto, weelka iyo qaar badan oo kale oo daabacu ka mid ahaa. Waxay aad ugu xeel dheereyd samaynta Xeedhada iyada oo maalintii ay Hargeysa ka qaxday 1988kii aqalkii ay degeneyd kaga guurtay 14 fijaan oo dhammaa oo ay weliba magacyana u bixisay.

Waxay hooyaday dhaqan u lahayd keydinta. Waxa gurigayaga oolli jiray sanduuq weyn oo bir ah oo muggiisuna weynaa. Waxay ku ridi jirtay waxyaabaha ay keydinayso. Sanduuqaas oo aanu marka muddo la joogaba daawan jirnay waxyaabaha ku keydsanaa oo maacuun iyo dharba lahaa in badan ayaan ka sii xusuustaa. Waxa ka mid ahaa agabka sanduuqaa ku dhowrsanaa koob yar oo eeri ah, midabkiisuna doogo ahaa oo ay noo sheegtay hooyaday in ay ku canqarisay Axmed Yuusuf Ducaale oo reerka curad u ahaa. Waxa kale oo sanduuqaa ku keydsanaa mishiin-gacmeed kan bunka lagu ridqo ahaa oo ay noo sheegtay in uu qoyska soo galay dagaalkii Talyaaniga iyo Ingiriiska. Waxa ku jiray sanduuqaas dahabkeedii iyo agabkeedii qurxinta oo aan ka sii xusuusto: Laasinkii, Canbarshii, Sindiyihii, Murriyaddii, Wasaakhyadii, Jimihii cunnabiga ahaa iyo agab kale oo badnaa. Waxa kale sanduuqaa ku jiray dharkeeda intii u dhowrsanayd oo isugu jiray qaar aanay xidhanba iyo qaar ay maalmaha iidaha iyo aroosyada u haysatay. Dharka halkaa ku jiray waxa ay ugu jeclayd oo aanay afka ka dhigi jirin dhar ay niman ay eeddo u ahayd Bariga Afrika uga keeneen. Dalalkaa waxay u taqaannay Sawaaxil, dharkaana waxay odhan jirtay ama u taqaannay ‘Bulji’ oo aan filayo in ilaa maanta loo yaqaanno in kasta oo aan ereygan hadda aad loo adeegsan.

Qaybtii: 2aad

Waxyaabaha kale ee aan hooyaday ku xusuustaa waa cunto-karintii la yaabka lahayd. Cuntadu laxoox, bariis iyo hilib ayay ahayd. Caanaha ayaa ku ladhnaa. Haddii aanu laxoox ku quraacanno inta badan isku dhex-karis ayaa qedada raaci jiray. Isku-dhex karisku kan maanta ma ahayn ee aad iyo aad ayuu uga fogaa. Ilaah baan ku dhaartaye marka uu dheriga saran yahay urta iyo udgoonka daaqsin-maqaleed ayaad sanka kala soo raaci jirtay. Intii aanu yar-yareyn dherigaa kama aanu fogaan jirin oo marka hilibka la qalaynayo ayaanu waslad yar oo aad isku goosato ku lahayn. Sideedaa ninkii u yidhi: “Beri-samaad waa badnaaye, nolol baa ka badatay.”

Madbakhii ama cuntadii berigaa jirtay waxaad odhan karaysaa Seylici ayay ahayd marka aad eegto sida il-baxnimada ah ee wax loo karin jiray. Waxa la yaabka lahaa wuxu ahaa xawaashkii cuntada lagu fasakhi jiray ee carfiga, udgoonka iyo macaankaba cokanaa ee aad faraha is-goosanaysay. Ma daqiiqda marka la xashayo ee la dubo. Horto marka hore daqiiqda lafteeda ayaa la hiddo-raaci jiray oo marwooyinku waxaan daqiiq ‘Daabuuniya’ ahayn umaba ay fadhiisan jirin. Marka la dubo ayay cirkaa u tuuri jireen oo inta aanay sixniga ku soo dhicin hawada iyada oo maraysa ayay isku jebin jireen. Ma daqiiq ay Saluugla’ Xaaji dubi jirtay. Immika ayaa dhareerkii iga soo daadanayaa.

Noloshayda intii badnayd hooyaday ayaan la soo noolaa gaar ahaan intii aan barbaarayay. Hablo badan ayaan la dhashay, wiilalna keli ayaan guriga ku ahaa maa daama Axmed markii uu hano-qaadayba naga tegay. Si kale kuma garataane Boqor yar ayaan guriga ku ahaa hablahayaguna kolley aad ayay ii xaman jireen, marka aan xantooda yar dareemana waa aan ka xanaaqi jirya oo hooyo ayaan u caban jiray. Qalqaallinnimadu wiil soo koraya iyo caadadii ayay ahayde, hooyaday maa daama aan inta badan ag joogay mararka ay qoonsato dhaqankayga waa ay I dagaali jirtay af iyo gacanba. Aqalladii aanu deggeneyn ee Soomaaliga ahaa waxa ku wareegsanaa ood iyo xeyramad. Inta badan marka ay gacanta ii qaaddo xeyramadkaas ayay ila dhici jirtay. Hooyaday kalgacalkii xad-dhaafka ahaa ee ay ii haysay mararka qaarkood dharka Cadan ayay iigu diri jirtay. Dumarkii Cadan ka baayac-mushtarayn jiray ee ay dharka iigu diri jirtay waxaan ka sii xusuustaa Faadumo Cabdi Ibraahin, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waxay ahayd Axmed Cali Haaruun (Dararamle) hooyadii oo haddana Habar-yar iigu toosnayd.

Awowgay Ducaale Caynaan sida la ii sheegay wuxu ku dhintay meel woqooyi-bari kaga beegan magaalada Baabbili ee Itoobiya. Adeerkay Muxumed Ducaale Caynaan oo “Geeble” loo yaqaannay, ayaa annaga oo wada soconnay oo bas saarnayn barqo aanu magaalada Baabbili maraynay igu yidhi: “Halkaas ayuu Ducaale ku dhintay oo uu ku aasan yahay.” Markaa wuxu farta iigu fiiqayay meel woqooyi-bari kaga beegan Baabbili oo aan aad uga sii fogayn. Dhanka kale eddeday Ardo Ducaale Caynaan oo 2008dii ku dhimatay magaalada Jabuuti oo 84 jir ahayd ayaa ii sheegtay in Ducaale Caynaan ku dhintay halkaas oo ay iyada oo yar goob-joog u ahayd. Waxay intaa iigu dartay in abaar dalka looga qaxay awgeed ay halkaa u daqaqameen.

Waxa kale oo ay ii sheegtay in ay yarayd oo ay wada socdeen walaasheed Caasha Ducaale Caynaan oo halkaa lagu guursaday. Abwaankii taariikhyahanka ahaa ee Xasan Sheekh Muumin wuxu ii sheegay is-na 2002dii mar aan Boorame kula kulmay in ay xiliigaa dhacday abaar dal iyo dadba aan waxba ka reebin oo la odhan jiray “saamo-dubad” oo dadku markii ay waayeen waxay cunaan saamaha la duban jiray. Wuxu xilligaa iigu muddeeyay 1927kii. Abaaruhu waxay ahaayeen saymo iyo saxariir si joogto ah ugu soo noq-noqon jiray nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa ka mid ahaa inta aynu maqallo: Hawaara, Harga-cuna, Haarriya, Abaaleys, Saamo-dubad, Habtii, Dabo-dheer iyo qaar kale oo badan.

Ayeyday aabbo waxay ahayd Meydhan Allaale, nasiibna uma aan helin in arko amaba nolol ku soo gaadho. Awowgay hooyo wuxu ahaa Xaaji Abokor Axmed oo caan ku ahaa dalka laguna yaqaannay gar-naqsiga. Wuxu ahaa dadka looyarnimada loo qabsan jiray markii gartu ay taallay geedka. Halkudhegyadiisii iyo hal-muceedyadiisii waxa ka mid ahaa beri ay qolo uu u doodayay Baqal uu fuulo ugu ballan-qaadday haddii ay garta helaan. Xaaji Abokor wuu dhutin jiray oo sida aan sheekada ku helay Turkigii dalka xukumi jiray ayaa sabab u ahaa. Markii gartii la helay ayay qoladii ballan-qaadka u samaysay marka uu Baqashii weydiiyaba, ku odhan jireen: “Waa gar oo waad nagu leedahay.” In badan markii ay intaa ku cel-celiyeen, Xaajiguna Baqal uu fuulo u baahnaa, ayuu markii danbe reebay odhaahdan: “Ma gar baan fuuli.”

Ayeyday hooyana waxay ahayd Qoran Cawaale oo aan nasiib u yeeshay in aan nolol ku soo gaadho, waxaanay dhimatay 1958kii annaga oo deggan xaafad aan ka fogayn deyrka bari ee Dugsiga Hoose ee Biyo-dhacay. Run ahaantii dugsiga waxa na kala qaybinayay garoonka kubbadda cagta oo keliya. Waa xaafaddii aanu soo degnay 1958kii markii aanu ka soo guurnay ama nalaga soo rarayba xaafaddii aan ku dhashay ee Laba-nuux oo beryahaa dhismihii daaruhu soo gaadheen.

Awowgay aabbo wuxu ahaa Caynaan Samatar Cigaal oo lagu naaneysi jiray “Caynaan Guud-yare”. Timo ma lahaan jirin sida la ii sheegay bal se wax aan badnayn oo timo ah ayaa kaga oolli jiray xaggaa danbe ee qadaadka. Wuxu ka mid ahaan jiray raaggii beesha arrimaheeda gacanta ku hayn jiray ee looga danbeeyay.

Aabbahay waxay wada dhasheen oo aan nolol ku soo gaadhay: Ardo Ducaale, Nuux Ducaale iyo Muxumed Ducaale oo “Geeble” loo yaqaannay oo dhintay sannadkii 1997kii Gebilayna lagu aasay.

Hooyaday waxay wada dhasheen oo aan soo gaadhay abtigii keli ahaa ee aan lahaa oo la odhan jiray Muxumed Xaaji Abokor. Waxa kale oo ay wada dhasheen Xaaji Cali Abokor iyo Faadumo Xaaji Abokor oo aanan nolol ku soo gaadhin. Kalgaclkaa Habar-yartu waa mid ii dhiman oo aanan nasiib u helin in aan ku soo koro.

Aabbahay Aw Yuusuf Ducaale Caynaan wuxu dhintay bishii Abriil 1964kii. Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale oo reerka curad u ahi wuxu ii sheegay in uu aabbo dhintay isaga oo 57 jir ah qiyaastii. Halkaa marka aan ka dhaqaaqo aabbahay wuxu dhashay sannadkii 1907kii. Hooyaday Xaajiya Cibaado Xaaji Abokor waxay ku dhimatay Gebilay bishii Noofambar 1999kii. Labadayda waalidba Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo e’, hooyaday waxay iyaduna ii sheegtay in ay Axmed Yuusuf Ducaale ku curatay iyada oo 20 jir ah. Axmed Yuusuf Ducaale wuxu dhashay 1935kii. Marka laga jaro 20kii sannadood ee ay hooyaday ka weyneyd, waxa halkaa ka soo baxaysa in hooyaday dhalatay 1915kii. Axmed Yuusuf Ducaale oo aan e-mail ku weydiiyay sannadkii ay hooyaday dhalatay wuxu ii soo qoray in ay 1999kii dhimatay iyada oo ilaa 84 jir ah.

Taariikhahan aan idiin soo taxay waxaan ka tuujin karaa in qoyskayaga reer Aw Yuusuf Ducaale Caynaan dhidibkiisa la taagay waqti ku beegnaa 1933kii.

 

Additional information