Home
BAROOR-DIIQ (MA BAXAY HALYEYGIYO HALGAMAAGII GAARIYE!)
Ilaahay geerida iyo masiibooyinka kaleba haynaga furdaamiyee, sanadkan 2012-ku waa sanadkii murugada xagayga,
Hal-xus: Tix Duco, Xus iyo Baroor-diiq U Ah Abwaan Gaarriye, By Siciid M Gahayr
Maansadan magaceedu yahay Hal-xus waxa ay baroor-diiq iyo duco u tahay Hal-abuurkii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Cilmi-baadhihii Weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Xusuustayda iyo Bare Sare Maxamed X. Dh. Gaarriye
Waxa aan qoraalkan kooban ku eegi doonaa doorkii aqoonneed ee aan u lahaa macallin Gaarriye, iyo maalmihii ardeynimo ee aan wadaagney.
Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg
Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay.
Khudbadda Xil-wareejinta Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, marti-sharafta, shaqaalaha iyo dhammaan dadkiinna ka soo qayb-galay xafladdan bilan ee aan xilkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejinayo,
Khudbadda Xafladda Xil-wareejinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta (19ka Maarj 2012ka)
Maanta waxaynu halkan u joognaa, si aan u tirsado xilkan culus ee Wasaaradda Warfaafinta. Halkan ama Wasaaraddan uma aan iman in aan ka shaqaysto. Halkan uma aan iman in aan ku hodmo oo aan ku tanaado.
Maktabada Wareegta iyo Bugaagta Geeddiga
Sheekh, 4/7/12ka: Maktabada Wareegta iyo Bugaagta Geeddiga ah ayaa safarkoodii xidhiidhka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ay kusoo mareen magaalooyinka Boorama iyo Gabiley
Buug ka hadlaya xasuuqii Dawladdii Siyaad Barre u geysatay shacabka Somaliland oo Hargeysa lagu soo bandhigay

Buug ka hadlaya xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre ayaa 31-6-2012 lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
GurmadkaShirkaddaDagabshiil:

Wefdi ka tirsan madaxda sare ee Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Guud ayaa shalay booqasho ku tegay magaalooyinka Boorama iyo Tog-wajaale, 
Shirkadda Isgaadhsiinta Ee Telesom Oo Jaamacadda Hargeysa Maanta Ku Wareejisay Dhisme Iyo Qalab ay Ku Baxday Aduun Gaadhaya Boqol Kun Oo Dollar

Maamulka Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa dhisme cusub oo ay ugu talo galeen Qaybta ICT-ga iyo qalab ku wareejisay Jaamacadda Hargeysa.
Dalladda SONYO oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Boobe Yuusuf Ducaale
Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa guddoonsiisay shahaado sharaf Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland,
Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. CabdishakuurSheekh Cali Jowhar (1952kii – 2012ka)
Haa….Galab Isniineed ayay ahayd. Waa 13kii Meey, 2012ka. Waa bishii amranaydee aan bilahaba ku jirin. Maalin kale oo taariikheed ayaa ku soo darsantay.
Carceer: Ereyadii: Xasan Xaaji Cabdillaahi, Ganey,
Maansadani waxay soo baxday 26/06/1986kii, waxaanay jawaab u ahayd maansadii Cibaaro ee uu tiriyay Alla ha u naxariisto e’ Cabdilqaadir Xirsi (Yam-Yam) taas oo uu ku weerarayo Maxamed Ibaraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) 
Askar miyaa galbaday?
Waa maalin kale……maalin geesi kale galbaday….geerida loo dhalay waana wax aan la gafayn oo xaq ah….Guulluhu qabriga kuu nuur…Gabboodkaaga guryihii nagaa ee jannada ka yeel.
Dharaaraa na soo maray: Hanbalyo iyo Bogaadin
Waa Dharaar…..Waa Dharaar ka mid ah Dharaaraha ugu mudan dharaaraha ay shacbiga Somaliland tirsadaan. Waa Dharaar aynu ka yeelannay dharaarihii jaan ee uu inagu qasbi jiray nidaamkii inagu habsaday.

Cabdilahi Yuusuf Axmed iyo adduun-aragga siyaasiyiinta Somalida ee maanta
Alle ha ha u naxariistee, waxaa geeriyoodey ninmagic weyn iyo raad aan la yaraysan karin ku lahaa siyaasadda Somalida ee maanta, taariikhdii burburkeedana qayb wayn ku la haa.
Hadimiyo Hantaaq (Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo)
Haa……Qalinow lagu jecel….. Lagu jamay oo laguu jeel…..Taariikhayna ma nin kaa tallaabsaday oo tixgelin iyo qadderin marna aan ku temmedin ayaa maanta ku tashaday in uu kugu tar-sheegto…
Madasha Sawirrada: Iyo Toddobaadkan.
Toddobaadkan waxa madasha sawirrada inoogu marti ah, sawir taariikhiya oo aanu ka qaadnay qaar ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM.
Xusuusta walaal aan xiskayga ka tirmayn inta aan xayga ahay
Haa…..Hurdo dheer in aan ka toosay baa la moodaa…..Haddana waan soo jeeday…Xusuusta aan tirmayn ayaa keentay xadantada xubnahayga nugul xaradhaamisay.
Kala-guran: maanso
Waa maansadii ugu danbaysay ee uu curiyo hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame oo loo yaqaanno Hadraawi.
Madasha sawirrada ee toddobaadkan
Toddobaadkanna waxa madasha sawirrada inoogu marti ah sawir taariikhiya. Waa magaalada Addis Ababa iyo 1993kii.
Shirweynihii 6aad ee SNM
Kulan wanaagsan iyo mar kale. Si aynu xogogaal ugu noqonno sooyaalkii taariikheed ee la soo maray, waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa Go’mmadii Shirweynihii 6aad ee SNM.
Madasha Sawirrada iyo toddobaadkan
Toddobaadkan Madasha Sawirrada waxa inoogu marti ah laba sawir, Sawirka hore waa Axmed Sh. Faarax Colow oo loo yaqaannay Dhuxul. 
Launch of Amoud University Alumni Association
A launching Ceremony of Amoud University Alumni Association was held at Imperial Hotel, Hargeisa on Saturday Evening, 22/10/2011.
Xuska 27-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM
Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed






